dhacdiidso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhacdiidso
f.mg3 (-saday, -satay) la-mid: dhacadiidso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhacadiidso
f.mg3 (-saday, -satay) Dacdiid u seexasho. la-mid: dhacdiidso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhacadiidso
v. lie ~ sleep on one's back
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhacadiidso
(fal) jirjirka u seexo; dhacadiid u jiifso. Hadhka dhacadiidso inta qureeca la keenayo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhacadiidso
de: lie ~ sleep on one's back
lx: dhacadiidso
pd: (dhacadiidsaday)
ps: v3a=
key: dhacadiidso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhacdiidsi
m.l la-mid: dhacadiidsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhacadiidsi
(Dhacadiidsi-ga)
Dhacadiidsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhacadiidsi
m.l la-mid: dhacadiidsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhacadiidsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg dhacadiidsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhacdiidsad
m.l la-mid: dhacadiidsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhacdiid
dhacdiid¹: m.l la-mid: dhacadiidid.
dhacdiid²: f.mg1 (-day, -dday) la-mid: dhacadiid².
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhacdiidan
-dhacdiinaa / dhaciidnayd: (adj) supine (su-paayn); lying on the back ~ jeego-jeego u jiifa
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhacdiidid
m.dh la-mid: dhacadiidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhacdiidsasho
m.dh la-mid: dhacadiidsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhacadiidsad
(Dhacadiidsad-ka)
Dhacadiidsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhacadiidsad
m.l la-mid: dhacadiidsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhacadiidsad
-ka: (magac, lab, keli) si dhacadiid ah u jiifsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhacadiidid
(Dhacadiidid-da)
Jirjir u jiifid; dhacadiid u seexasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhacadiidid
m.f.dh eeg dacadiid². la-mid: dhacadiid¹, dhacdiid¹, dhacdiidid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhacadiidid
-da: (magac, dhedig, keli) dhacadiid u jiifid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhacsiis
(Dhacsiis-ka)
Dhacsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhacsiis
m.l la-mid: dhacsiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhacsiis
vl. n. explanation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhacsiis
-ka: (magac, lab, keli) ceel ma'wi ah oo ibihiisu dusha yaalliin oo xooluhu iyaga oo aan dar loogu shubin ay afka la galaan. Dh: ma'wi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhacsiis
de: explanation
lx: dhacsiis
pd: (-ka)
ps: vn2-m
see: dhacsiin
key: dhacsiis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhacadiid
(Dhacadiid-ka)
Jirjir u jiif; dhabar u seexad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhacadiid
dhacadiid¹: m.l Si loo seexdo oo qofku dhabarka dhulka dhigo. la-mid: dhacadiidid.
dhacadiid²: f.mg1 (-day, -dday) Qof dhabar u seexasho. la-mid: dhacdiid².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhacadiid
m.l Si loo seexdo oo qofku dhabarka dhulka dhigo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhacadiid
v. lie ~ sleep on one's back
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhacadiid
-ay / day: (v) lie (laay); be or place oneself at rest in a flat, horizontal, or back position ~ dhacdiid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhacadiid
-ka: (magac, lab, keli) jiif dhabarka loo seexdo lugahana la fidsado oo raaxaysi ka muuqdo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhacadiid
de: lie ~ sleep on one's back
lx: dhacadiid
pd: (dhacadiiday)
ps: v1=
key: dhacadiid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaadiidso
f.g3 (-saday, -satay) Wax gaadiid ka dhigasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaadiidso
(fal) muur lagu siiyey raro oo gaadiid ka dhigo. Dh: raro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waaciidso
f.g3 (-saday, -satay) Cid kaalmaysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waaciidso
v. assist ~ help (one another)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waaciidso
(fal) taageerso. Cid wax kula qabata waaciidso. Dh: waaceenso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
waaciidso
de: assist ~ help (one another)
initial: w
lx: waaciidso
nt: waaciidsasho (/da) [vn-f], waaciidsi (ga) [vn-m]
pd: (waaciidsaday)
ps: v3a=tr
key: waaciidso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiidhiibso
f.g3 (-saday, -satay) Qof isagoo fadhiya lugaha fidsasho; dhiidhiib u fariisasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhiidhiibso
v. sit with one's knees together
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhiidhiibso
-dhiidhiibsatay: (v)keep your knees together; hide your private parts, used for training young girls
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiidhiibso
(fal) uga intaad fidsato isdulsaar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhiidhiibso
de: sit with one's knees together
lx: dhiidhiibso
nt: dhiidhiibsasho (/da) [vn6-f], dhiidhiibsi (ga) [vn7-m]
pd: (dhiidhiibsaday)
ps: v3a=intr
key: dhiidhiibso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaadid
(Dhaadid-da)
1. Dhaad ka xirid.
2. Ogaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaadid
m.f.dh eeg dhaad². la-mid: dhaadis, dhaagid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhąadid
m.dh la-mid: dhąagid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaadid
-da: (magac, dhedig, keli) ogaansho ay hubsiimo ku jirto. Dh: hadid.
dhaadid -da: (magac, dhedig, keli) u fiirsasho oo aad ula socosho. Dhabbadii markay naga duween shicibku dhaadaayay. Dh: eegid, dhursugud.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaadis
m.dh la-mid: dhaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhacmid
m.f.dh eeg dhacan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhacmid
-da: (magac, dhedig, keli) wax kaa tegay oo fogaadey. Irmaankiinu maantuu dhacmee idhanka loo qaadey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhacsii
f.lg2 (-iiyay, -iisay) Qof wax fahamsiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhacsii
f.lg2 (-iiyay, -iisay) Qof wax fahamsiin. m.f.dh, dhacsiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhacsii
v. explain, elucidate; make someone understand
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhacsii
-yey / say: (v) make someone understand; explain (ikis-paleeyn); elucidate (i-uu-sidheeyt); clarify (ka-laara-faay) ~ ka dhaadhacsii, u bayaani
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhacsii
(fal) cid xoolo laga dhacay u rid. Dh: dhici.
dhacsii: (fal) hadal ka raarid oo fahamsii. Dh: dhaadhici, dhaadhacsii, garansii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhacsii
de: explain, elucidate; make s.o. understand
lx: dhacsii
pd: (dhacsiiyey)
ps: v2a=tr
key: dhacsii
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhadhid
-da: (magac, dhedig, keli) wax qoyan oo qaadhay oo isku soo ururay harraad dartii ahaan. Dh: qaadhid, dhadhis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiibso
f.g3 (-saday, -satay) Maro, harag iyo wixi lamida giijisasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiinso
f.g3 (-saday, -satay) Dhacaan yar, miro iyo wixi lamida ka tuuqsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhiinso
f.g3 (-saday, -satay) Dhacaan yar, miro iyo wixi lamida ka tuuqsasho. m.f.dh, dhiinsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiiqso
f.g3 (-saday, -satay) Neef xoolo ah mar naaskiisa caano ka tuuqsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhiiqso
v. milk an animal for one's own benefit
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiiqso
(fal) dhiiq yar oo aan badnayn oo naas ku jirta ka maal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhiiqso
de: milk an animal for one's own benefit
lx: dhiiqso
pd: (dhiiqsaday)
ps: v3a=tr
key: dhiiqso
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Gadiido
nickname; name-f midday; noontime shadow (when shadows are smallest); barren, infertile land (born on barren land)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hariiso
-da: (magac, dhedig, keli) nooc noocyada xalwadda ka mid ah. Dh: hariisad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kadiido
m.dh la-mid: kadiidyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madiido
-da: (magac, dhedig, keli) eeg maddiiddo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cabiidso
f.g3 (-saday, -satay) Qof cabiid ka dhigasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cabiidso
f.g3 (-saday, -satay) Qof cabiid ka dhigasho. m.f.dh, cabiidsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cabiidso
v. enslave
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cabiidso
-cabiidsaday / cabiidsatay: (v) enslave (enslayv)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabiidso
(fal) addoonso; addoon ka dhigasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cabiidso
de: enslave
lx: cabiidso
pd: (cabiidsaday)
ps: v3a=
key: cabiidso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadiidsi
-ga: (magac, lab, keli) u badheedhid oo u kasid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadiigso
(fal) cid kale, carigso oo canaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhacamis
m.l la-mid: dhacmin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhacaris
m.l la-mid: dhacarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhacarso
f.mg3 (-saday, -satay) la-mid: dhacaro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhacsiin
(Dhacsiin-ta)
Si qof, waxa la bara hayo ama loo sheega hayo uu u garto, hadal tilmaamo iyo tusaalooyin badan leh, wax ugu sheegid; faro waaweyn wax ugu sheegid; u dhaadhicin; garansiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhacsiin
m.f.dh eeg dhacsii. la-mid: dhacsiis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhacsiin
vl. n. elucidation; act of making someone understand
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Dhacsiin
Convincimento
Convincement
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhacsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid hadal ama aragti ka raaridid oo fahamsiin. Dh: dhaadhacsiin.
dhacsiin -ta: (magac, dhedig, keli) cid xoolo laga dhacay u ridid. Dh: ridid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhacsiin
de: elucidation; act of making s.o. understand
lx: dhacsiin
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: dhacsiin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhamiijo
(Dhamiija-da)
Cayayaan yaryar oo nafleyda qaarkeed korka ka gala oo dhiigga ka nuuga; huunyo; dhibiiq; (ama dhibiijo).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhamiijo
m.dh Deris ku nool gasha waxaraha, weylaha iyo naylaha. la-mid: dhibiijo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhamiijo
f. n., [collective] louse ~ lice species
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhamiijo
-dhamiijada: (n) biting louse; bird louse ~ huunyo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhamiijo
-da: (magac, dhedig, keli) cayayaan yaryar oo xayawaanka dhogorta u dhex gala oo dhiigga ka nuuga. Lo'da dhamiijada ka buufiya. Dh: dhabiijo, huunyo, dhibiiq, qirinqiir.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhamiijo
cf: huunyo
de: louse ~ lice sp.
lx: dhamiijo
pd: (/da)
ps: n6-f-col
key: dhamiijo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hadiidid
m.f.dh eeg hadiid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadiidid
-da: (magac, dhedig, keli) si isdabajooga ah oo degdeg ah wax u cunid.
hadiidid -da: (magac, dhedig, keli) dhagax, feedh ama wax kale, si aan kala go' lahayn oo darandoorri ah ula dhicid, ku miisid, ku weddemin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanjiido
f.g3 (-daday, -datay) Gocoso, qob gacan kaga saarasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kadiidoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) la-mid: kadiidyoo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kadiidyo
m.dh Qandho lala jareeyo. la-mid: kadiido.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kadiidyo
-da: (magac, dhedig, keli) nabarka hooyada foolanaysa qabta umusha ka hor. Dh: nabar.
kadiidyo-da: (magac, dhedig, keli) qandho iyo xummad lala jareeyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Khadiijo
name: Kadijo
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Khadiijo
de: Kadijo
lx: Khadiijo
ps: name-m
key: Khadiijo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Khamiiso
magac loo baxsho gabadh ayaan Khamiis ah dhalatay.