dhabbisid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhabbisid
(Dhabbisid-da)
Sida qof soo jeeda oo qof hurda iska dhiga haya, isu nabid; u dhuumasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhabbisid
m.f.dh eeg dhabbis². la-mid: dhabbis¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhabbisid
-da: (magac, dhedig, keli) is nabid oo sidii wax hurda iska dhigid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhabbisid
de: act of seeking privacy in order to sleep
lx: dhabbisid
pd: (-da)
ps: vn1-f
key: dhabbisid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhabbicid
m.f.dh eeg dhabbac². la-mid: dhabbac¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhabbicid
-da: (magac, dhedig, keli) bogga u jiifsasho oo beerka dhulka saarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhabbis
dhabbis¹: m.l la-mid: dhabbisid.
dhabbis²: f.g/mg1 (-say, -stay) 1. Is dh.: wax hurda iska dhigid. 2. U dh.: wax u qabasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhabbis
f.g/mg1 (-say, -stay) 1. Is dh.: wax hurda iska dhigid. 2. U dh.: wax u qabasho. m.f.dh, dhabbisid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhabbis
v. flatten ~ smooth out something on a surface
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhabbis
(fal) wax socda iska qari adoo taxadaraya; is nab oo sidii wax hurda iska dhig. Dh: gabbo.
dhabbis -ta: (magac, dhedig, keli) wax, dhakhso ula boodid. Yilidu dhabbista caan bay ku tahay. Dh: xafis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhabbis
de: flatten ~ smooth out s.t. on a surface
lx: dhabbis
nt: dhabbisid (da) [vn-f]
pd: (dhabbisay)
ps: v1=tr
key: dhabbis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kabbisid
(Kabbisid-da)
Kebbisid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kabbisid
m.dh la-mid: kebbisid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kabbisid
-a: (magac, lab, keli) ciid cusub ku adkayn oo ku tumid; carro biyo lagu rusho ka dibna la nabo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Labbisid
(Labbisid-da)
Labbis u gelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labbisid
m.f.dh eeg labbis². la-mid: lebbisid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labbisid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale labbis u xidhid. Li: qaawin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xabbisid
(Xabbisid-da)
Xabbis gelin; xirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xabbisid
m.f.dh eeg xabbis².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xabbisid
-da: (magac, dhedig, keli) jeel ku xidhid; xabsi gelin. Dh: xidhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhabiilid
(Dhabiilid-da)
Dhabiil la soo bixid; xisaabtamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhabiilid
m.f.dh eeg dhabiil². la-mid: dhabiil¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhabiilid
-da: (magac, dhedig, keli) wax kolka horaba yar in ka bixintiisa la bakhaylid. Dh: waakasho.
dhabiilid -da: (magac, dhedig, keli) xisaabin oo si lexjeclo ku jirta u tirin. Dh: xisaabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shabbihid
m.dh la-mid: shaabbihid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shabbihid
-da: (magac, dhedig, keli) iisu ekaansho: shaabbahid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dababbixid
m.f.dh eeg dababbax².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dababbixid
-da: (magac, dhedig, keli) shuban dartii, qofka oo calooshu jilicdo ama socoto. Dh: shubmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaabbihid
m.f.dh eeg shaabbah². la-mid: shabbihid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaabbihid
-da: (magac, dhedig, keli) isu ekaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabbis
m.l la-mid: dabbin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhabsi
-ga: (magac, lab, keli) si maalindhaaf ah biyo u cabbid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhasid
(Dhasid-da)
Ugaxda koronkorrada noqon doonta, aasidda ayaxu dhulka ku aaso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhasid
m.f.dh eeg dhas.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhasid
-da: (magac, dhedig, keli) ugxan aasid. Ayaxa ayaa dhasid sameeya.
dhasid -da: (magac, dhedig, keli) marka dhulka roob badani isaga dabatago.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhisid
(Dhisid-da)
1. Aqal ama wax la mid ah oo aan hor u jirin, bilaabid oo dhammayn.
2. Harag qoyan ama wax la mid ah, inta la kala bixiyo oo la togo, engejin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhisid
m.f.dh eeg dhis³. la-mid: dhis¹ (3), dhisniin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhisid
vl. n. building, construction; act of constructing
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhisid
-da: (n) 1. building (bil-dhing), construction (konis-tarak-shin), Ex: guri dhisidda; the house building. 2. formation (foor-meey-shin); the act or process of forming something . Ex: dhisida guddiyo cusub; the formation of a new committee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhisid
-da: (magac, dhedig, keli) aqal ama wax la mid ah oo aan horay u jirin taagid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhisid
a: dhis ~ dhisniin
de: building, construction; act of constructing
lx: dhisid
pd: (-da)
ps: vn1-f
key: dhisid
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
dhisid
بناء
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Habbis
(Habbis-ka)
Habbin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habbis
m.l la-mid: habbin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
habbis
vl. n. pressure, pressing down, act of weighing down
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habbis
-ka: (magac, lab, keli) eeg habbin.
habbis -ka: (magac, lab, keli) roob in door ah da'a oo aan dabayl iyo xoog toona lahayn. Dh: tumay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
habbis
de: pressure, pressing down, act of weighing down
lx: habbis
pd: (-ka)
ps: vn2a-m
key: habbis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabbiso
f.g3 (-stay, -satay) Arrin murugsan daawaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabbiso
-da: (magac, dhedig, keli) arrin murugsan daawaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaabid
(Dhaabid-da)
Si xoog leh wax meel ugu mudid, ugu adkayn, dhidbid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaabid
m.f.dh eeg dhaab².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaabid
-da: (magac, dhedig, keli) si xoog ah dhulka ugu qotomin. Dhaabidda waranka ha igaga cabsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhabiil
(Dhabii-sha)
Maamulka iyo aqoonta lacagta iyo xoolaha; xisaab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhabiil
dhabiil¹: m.dh 1. Dhaqaaleynta iyo tashiilidda hantida. 2. Quuddarraynta. la-mid: dhabiilid.
dhabiil²: f.g1 (-iilay, -iishay) 1. Wax tashiilid. 2. Wax quuddarrayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhabiil
dhabiil¹: m.dh 1. Dhaqaaleynta iyo tashiilidda hantida. 2. Quuddarraynta.
dhabiil²: f.g1 (-iilay, -iishay) 1. Wax tashiilid. 2. Wax quuddarrayn. m.f.dh, dhabiilid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhabiil
v. manage, administer; do accounts
dhabiil vl. n. management of money and goods; accounting
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhabiil
-ay / dhabiishay: (v) not help; refuse to help, especially a shared work
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Dhabiil
Parsimonia
Parsimony
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhabiil
(fal) wax ku bakhayl oo bixintiisa la waako. Biyuhu way innagu yaryihiine innoo dhabiil. Dh: yaryaree.
dhabiil-sha: (magac, dhedig, keli) cilmiga lagu barto xisaabinta maalka nool iyo moodba. Dh: xisaab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhabjis
m.l la-mid: dhabqin.

dhabqid
m.f.dh eeg dhabaq².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhabqid
-da: (magac, dhedig, keli) ciyaarta la tumayo jaanta iyo sacabka, badhqid. Shaqada dhabqidda ka ilaaliya. Dh: badhqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhabqis
(Dhabqis-ka)
Dhabqin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhabqis
m.l la-mid: dhabqin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhabqis
-ka: (magac, lab, keli) eeg dhabqin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dharbis
m.l la-mid: dharbin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dharbis
-ka: (magac, lab, keli) eeg dharbin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dharsid
(Dharsid-da)
1. Camashood; xanaaqid; dhirfid; carasho; dhiidhiyid.
2. (oogada dadka) jilcid, debcid gabow daraaddi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dharsid
m.f.dh eeg dharas².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dharsid
f. n. rage
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dharsid
-da: (magac, dhedig, keli) xanaaqid oo weyrixid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dharsid
de: rage
lx: dharsid
pd: (-da)
ps: n1-f
key: dharsid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Habbiso
(Habbisa-da)
Culays kolkol dadka fuula, oo furfurraanta iyo fahmaysnaantu uga tagaan; islahadal ama wax kale oo dadka saameeya oo aammus iyo dammaadsanaan waqti yar ah, ku rida. ~ wahab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habbiso
m.dh Culays mar mar dadka fuula oo fahmada iyo waxqabadka ka qaada.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
habbiso
m.dh Culays mar mar dadka fuula oo fahmada iyo waxqabadka ka qaada.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
habbiso
f. n. weight; dismay
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
habbiso
-habbisada: (n) sullen or gloomy mood
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habbiso
-da: (magac, dhedig, keli) culays iyo wax qabad yari ay dadku kolkol dareemaan. Dh: caajis, wahab, wajac. Li: firfircooni, mirqaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
habbiso
de: weight; dismay
lx: habbiso
pd: (/da)
ps: n6-f
key: habbiso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khabiid
m.l (-dyo, m.dh) Qof aan weji furreyn oo xaasid ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
khabiid
m. n. mean person
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
khabiid
-ka: (n) unkind, cruel or mean person; malicious person ~ qabiid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khabiid
-ka: (magac, lab, keli) qof aan naxariis iyo jixinjix lahayn. Dh: qabbiid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
khabiid
de: mean person {S}
lx: khabiid
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: khabiid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cabbirid
(Cabbirid-da)
1. Cabbirkiisa ogaansho; beegid; qiyaasid; miisaamid.
2. Dad socoto ah dhoofin, dirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cabbirid
m.f.dh eeg cabbir². la-mid: cabbiris.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Cabbirid
Pesatura; misura
Weighing; measuring
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabbirid
-da: (magac, dhedig, keli) walax inta ay tahay qiyaasteeda ogaansho.
cabbirid -da: (magac, dhedig, keli) dhanka kale tegid; xad ka tallaabid.
cabbirid -da: (magac, dhedig, keli) cid socoto ah, dirid.
cabbirid -da: (magac, dhedig, keli) wax aan muuqan, qiyaasid; mala'awaalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daabicid
(Daabicid-da)
1. Si daabac ah u qorid.
2. (dhar, kd.) daabac u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daabicid
m.f.dh eeg daabac². la-mid: daabac¹ (4), daabacaad.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Daabicid
Stampatura
To print
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daabicid
-da: (magac, dhedig, keli) wax la qorayo makiinad ku qorid oo wax waraaqo ku daabacan ka dhigid. Daabicidda wargeysyadu shaqo badan ayay u baahan tahay. Dh: daabicis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daabixid
m.dh la-mid: daabaxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabbaqid
m.dh la-mid: dabqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabbaqid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg dabbaqaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabbisan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax daawo loo helay ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dabiibid
(Dabiibid-da)
1. Qof buka geedo siin ama dacarfaalid.
2. Takhtarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabiibid
m.f.dh eeg dabiib². la-mid: dabiib¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabiibid
-da: (magac, dhedig, keli) qof buka, geedo, Qur'aan ama wax kale, ku daawayn. Wadaadku dabiibidda ijaaso ayuu u haystaa. Dh: baanasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabkicid
-da: (magac, dhedig, keli) kicitaanka dab ama olol meel ka kaca. Xilliga xagaaga dabkiciddu way badan tahay. Dh: dabkac.
dabkicid-da: (magac, dhedduign, keli) dab iyo olol oogsada. Dabkicidda waxa lagu eedeeyey duqda guriga leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
debbirid
m.f.dh eeg debbir.