dhabar-garaaco
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhabar-garaaco
f.g3 (-cday, -catay) Gabar la guursanayo xoog kula bixid. la-mid: duud-garaaco.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhabar-garaac
dhabar-garaac¹: m.l Xoog kula bixidda gabar la guursanayo. la-mid: duud-garaac¹.
dhabar-garaac²: f.g1 (-cay, -cday) Gabar la guursanayo xoog kula bixid. la-mid: duud-garaac².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhabar-garaacid
m.f.dh eeg dhabar-garaac². la-mid: duud-garaacid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhabargaraac
m.l Xoog kula bixidda gabar la guursanayo. la-mid: duudgaraac.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhabargaraac
-a: (magac, lab, keli) marka gabadha khasab lagu kaxaysto si loo guursado iyadoon oggolayn. Dh: afduub.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhabar-garaacasho
m.f.dh eeg dhabar-garaaco. la-mid: duud-garaacasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhabar-daaco
m.dh Godnaanta dhabarku ku yeesho dusha sare.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhabardaaco
m.dh Godnaanta dhabarku ku yeesho dusha sare.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhabar-adag
f.mg4 (-dkaa, -dkayd) Qof hawsha adkaysi u leh ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhabar-adag
f.mg4 (-dkaa, -dkayd) Qof hawsha adkaysi u leh ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhabar-adag
Comp. adj., (ie. n., adj.): indefatigable, tireless, resistant to fatigue
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabar-wadaag
m.l (-rro ..., m.dh) (kiimika) Dabar ka dhex samaysma laba atam oo wadaaga lammaane elektaroon.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dabar-wadaag
Covalent Bond
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhabar-adayg
m.l Adkaysi loo yeesho hawl. la-mid: dhabar-adkaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhabar-adayg
m.l Adkaysi loo yeesho hawl. la-mid: dhabar-adkaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duud-garaaco
f.g3 (-cday, -catay) la-mid: dhabar-garaaco.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DACAR-WARAABE
(Daar-warabe) May Drimia altissima (L.F.) Ker-Gawl. Liliaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhabar-adkaan
m.f.dh eeg dhabaradag. la-mid: dhabar-adayg, dhabar-adkaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nabar-xamaamo
Nabar berdedka bi'iya oo qofka dhiirridii u soo celiya, oo dirirsiiya.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nabar-xamaamo
f. n., [compound] blow that makes a person regain his courage and confidence
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhabar-adkaansho
m.l/dh la-mid: dhabar-adkaan.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DABA-YAXAAS
(Dabaiahas) C Commiphora alaticaulis Gillett & Vollesen. Burseraceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabaggorayo
m.dh Meel ku aaddan maraqsaarka awr dhaan ah, heeryadu ka furantahay wax la geshado.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dabarwadaag
m.l (-rro ..., m.dh) (kiim.) Dabar ka dhex samaysma laba atam oo wadaaga lammaane elektaroon.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DACAR-GABAR
(Da-ar-gabar) N Aloe abyssinica Lam. Liliaceae.
N Aloe megalacantha Bak. Liliaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaarsanaan
m.f.dh eeg dhaarsan. la-mid: dhaarsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaarsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) mid dhaar galay ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhabannaano
(Dhabannaana-da)
Sacab fidsan oo si xoog leh qof dhabanki loogu dhufto; dharbaaxo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhabannaano
m.dh (-ooyin, m.l) Si xoog leh oo cid sacab fidsan dhabanka looga dhufto.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhabannaano
f. n. slap on the ears ~ side of the face
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhabannaano
-dhabannaanada: (n) slap (islaap); a sharp blow made with the open hand to the face
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhabannaano
-da: (magac, dhedig, keli) dhirbaaxo lagu dhufto qof. Dh: dhirbaaxo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhabannaano
de: slap on the ears ~ side of the face
lx: dhabannaano
pd: (/da)
ps: n6-f
key: dhabannaano
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhabar'adag
(tilmaame) mid adkaysi iyo dulqaad leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhabarfuran
-ka: (magac, lab, keli) cudur ka mid ah cudurrada haweenka ku dhaca oo dhiig badan oo xanuun weheliyaa ka yimaaddo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhangalaaso
m.dh (-ooyin, m.l) Ku dhufashada gacanta oo furan si xoog leh wax loogu dhufto.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhangalaaso
f. n. slap on the face; box on the ears
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhangalaaso
-dhangalaasada: (n) slap (islaap); cuff (kaf) ~ dharbaaxo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhangalaaso
-da: (magac, dhedig, keli) dharbaaxo cid kale, gacanta baabbacadeeda lagu dhufto. Dh: dhabanaano.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhangalaaso
de: slap on the face; box on the ears
lx: dhangalaaso
pd: (/da)
ps: n6-f
key: dhangalaaso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhangaraari
-ga: (magac, lab, keli) qofka aan waxba maqlin ee dhagaha adag ee is naba marka wax loo dirsanayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dharaarasho
(Dharaarasha-da)
1. Dharaar cunno cunid; harimaysasho.
2. (ku dharaarasho) Maalin meel joogid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dharaarasho
m.f.dh eeg dharaaro. la-mid: dharaarad (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dharaarasho
-da: (magac, dhedig, keli) cunto dharaar cunid; hadhimo samaysasho. Waagii hore dharaarasho lama aqoon. Dh: hadhimayn, qadayn, dharaarad.
dharaarasho -da: (magac, dhedig, keli) eeg dharaarsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duud-garaac
duud-garaac¹: m.l la-mid: dhabar-garaac¹.
duud-garaac²: f.g1 (-cay, -cday) la-mid: dhabar-garaac².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habarmaanyo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg geelmaanyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Habarwadaag
(Habarwadaag-ta)
Walaalo isku hooyo keliya ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habarwadaag
m.l.u Walaalo isku hooyo keliya ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
habarwadaag
m.l.u Walaalo isku hooyo keliya ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
habarwadaag
f. n., [collective] first cousin (children of two sisters ~ maternal aunt)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habarwadaag
-ta: (magac, dhedig, keli) labo qof oo ay labo dumar oo walaalo ah kala dhaleen. Dh: dubri, ilmadubri, habrowadaag.
habarwadaag -ta: (magacwadareed) walaalo isku hooyo keliya ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
habarwadaag
a: habrawadaag
de: first cousin (children of two sisters ~ maternal aunt)
lx: habarwadaag
pd: (-ta)
ps: n-f-col
syn: inahabreed
xv: bah {N}
key: habarwadaag
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Habarwalaal
name-m obedient; kindful; mercuful
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tabaryaraan
m.f.dh eeg tabaryar. la-mid: tabaryaraansho, tabaryari.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tabaryaraan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax awooddaran ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daardaarasho
m.f.dh eeg daardaaro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daardaarasho
-da: (magac, dhedig, keli) caano la lulayo kolba in yar baabacada ku dhiijisasho. Gabadh caana lulaysa daardaarasho looma diido.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DABA-CASAALE
(Daba-asale) N Panicum maximum Jacq. Gramineae.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DARAN-DAWACO
(Daran-dawao) C Zygopyllum somalense Hadidi Zygophyllaceae.
C Limonium cylindrifolium (Forsk) Cuf. Plumbaginaceae.
N, C, S Limonium distichum Wilmot-Dear. Plumbaginaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhabannacaso
(Dhabannacasa-da)
Digirta iyadoo curdan ah oo galkeedoo weli cagaaran ku jirta la jaro oo la cuno.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhabannacaso
m.dh Miro digireed oo aan weli bislaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhabannacaso
f. n., (mass n.): unripe long bean pod species
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhabannacaso
cf: digir
de: unripe long bean pod sp. Lit: red cheeks
lx: dhabannacaso
pd: (/da)
ps: n6-f-mass
key: dhabannacaso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhabaqsanaan
m.f.dh eeg dhabaqsan. la-mid: dhabaqsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhabaqsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax la badhqiyay oo la isla heli la'yahay ahaan. Dh: badhaqsanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhadhamaraac
-a: (magac, lab, keli) qof dhuuniraac ah oo meesha uu wax ka helayo uun daba dhareeriya oo danta guud aan xaallayn. Dh: dhuuniraac, dhandhamaraac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhafarsanaan
m.f.dh eeg dhafarsan. la-mid: dhafarsanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhararsanaan
m.f.dh eeg dhararsan. la-mid: dhararsanaansho.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DHIR-WARAABE
(Dir-uarabe) S Macrotyloma uniflorum (Lam.)Verdv. Papilionaceae.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
habarowadaag
-ta: (n) a child of one's aunt [the sister of one's mother]; cousin (kaazen) ~ ilmo habreed, habarwaad, inahabreed
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Habarwacasho
(Habarwacasha-da)
Inta xagga habarta wax laga wadaago oo dhan u qayladhaansasho; gargaar iyo hiil weyddiisasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habarwacasho
m.f.dh eeg habarwaco. la-mid: habarwacad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habarwacasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg habarwacad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nabarxamaamo
-da: (magac, dhedig, keli) nabur berdedka iyo saska bi'iya oo qofka firfircoonidii u soo celiya. Dh: gagabtirasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabar-lammaan
m.l (-rro ..., m.dh) (kiimika) Dabar elektaroon, wadaag ah oo isku haya laba atam kaas oo ka kooban laba lammaane elektaroon oo hal lammaane u dhigmo dabar keliya (lammaanaha sigma) kan kalena sa)m. aynaayo dabar dheeraad ah (dabarka bay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dabar-lammaan
m.l (-rro ..., m.dh) (kiim.) Dabar elektaroon, wadaag ah oo isku haya laba atam kaas oo ka kooban laba lammaane elektaroon oo hal lammaane u dhigmo dabar keliya (lammaanaha sigma) kan kalena samaynaayo dabar dheeraad ah (dabarka bay).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhabar'adkaan
-ta: (magac, dhedig, keli) adkaysi iyo dulqaad dhibaato lagu waajaho lahaan.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
diyaar-garayn
-ta: (n) preparation (pare-pareey-shin)-, preparatory act ~ diyaargaroow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diyaargarayso
f.g3 (-stay, -satay) Wax diyaarsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
diyaargarayso
f.g3 (-stay, -satay) Wax
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
diyaargarayso
v. prepare something for oneself, get something ready for oneself
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diyaargarayso
(fal) wax habayso oo isku dubbarido. Qalabka aad ku kalluumaysanayso diyaargarayso Dh: diyaarso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
diyaargarayso
a: diyaarso
de: prepare s.t. for oneself, get s.t. ready for oneself
lx: diyaargarayso
pd: (diyaargaraystay)
ps: v3b=tr
key: diyaargarayso
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
laba garaacid
double dribble
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhabar'adkaansho
-ha: (magac, lab, keli) eeg dhabar'adkaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhabaqsanaansho
m.l/dh la-mid: dhabaqsanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhabaqsanaansho
-ha: (magac, lab, keli) eeg dhabaqsaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhafarsanaansho
m.l/dh la-mid: dhafarsanaan.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DHANOOW-SAGAARO
(Danu-sagaro) NFD Commiphora rostrata Engl. Burseraceae.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhaqan-dhaqaale
-dhaqaalaha: (n) socioeconomics (soo-se-yoo-eke-noo-mikis); social and economic factors
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dharab-barafeed
m.l (fiisikis) Dahaar baraf siman ah, oo mararka qaarkood leh dhumuc door ah, kaas oo ku dul samaysma walxaha roobku kula da'ayo jawi heerkulkiisu uu ka hooseeyo barta barafowga. Dharab baraf waxa kale ee uu samaysmaa marka dabayl diiran oo qoyan ay ka dhacdo meel qabow daran ka jiro, taas oo keenta in qoyaankii dabayshu ay sidday uu ku dul fadhiisto waxyaabaha heerkulka dushoodu uu ka hooseeyo barta fadhiisiga.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhararsanaansho
m.l/dh la-mid: dhararsanaan.