dhababan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhababan
f.mg4 (-bnaa, -bnayd) Meel duleesha wax la dhababay ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhababan
(tilmaame) weel ama meel afka ka oodan oo aad loo adkeeyey. Bohoshu way dhababan tahay. Dh: jufan, awdan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaaban
Si adag u mudan; dhidban.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaaban
dhaaban¹: f.mg1 (-bmay, -bantay; -bmi) Wax meel lagu dhaabay noqosho.
dhaaban²: f.mg4 (-bnaa, -bnayd) Wax meel lagu dhaabay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhaaban
dhaaban¹: f.mg1 (-bmay, -bantay; -bmi) Wax meel lagu dhaabay noqosho. m.f.dh, dhaabmid.
dhaaban²: f.mg4 (-bnaa, -bnayd) Wax meel lagu dhaabay ahaansho. m.f.dh, dhaabnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaaban
der. [adjective] implanted; secured, fixed, fastened, stuck on
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaaban
(tilaame) wax qotoma oo si fiican dhulka ugu taagan. Dh: dhidban.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhaaban
de: implanted; secured, fixed, fastened, stuck on
lx: dhaaban
pd: (dhaabnaa)
ps: adj-der
key: dhaaban
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhababnaan
m.f.dh eeg dhababan. la-mid: dhababnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhababnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax afka aad looga adkeeyey oo dhababan ahaan. Dh: jufnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nagiigan
(tilmaame) awdan oo meel daloosha lahayn ah. Dh: dhababan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhababaco
-da: (magac, dhedig, keli) baabbacaynta geela.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhabaqsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la dhabqiyey ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhabaqsan
der. [adjective] out of time, out of turn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhabaqsan
(tilmaame) sacab ama ciyaar habdhaceeda isla heliwaayid. Dh: badhqan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhabaqsan
de: out of time, out of turn
lx: dhabaqsan
ps: adj-der
key: dhabaqsan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhabarbab
-ta: (magac, dhedig, keli) riyaha muddo irmaanaa ee dhaqayada ah. Dh: dhaqayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhabbacan
Dhabbac u jiifa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhabbacan
f.mg4 (-cnaa, -cnayd) Wax dhabbac u jiifa ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhabbacan
der. [adjective] flat, prone
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhabbacan
-dhabbacnaa / dhabbacnayd: (adj) lying with the front or with the belly [abdomen]; prone (parown)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhabbacan
(tilmaame) wax jiifa oo bogga dhulka ku haya.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhabbacan
de: flat, prone
lx: dhabbacan
ps: adj-der
key: dhabbacan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhambalan
dhambalan¹: f.mg1 (-lmay, -lantay; -lmi) Wax la dhambalay noqosho.
dhambalan²: f.mg4 (-lnaa, -lnayd) Wax la dhambalay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhambalan
dhambalan¹: f.mg1 (-lmay, -lantay; -lmi) Wax la dhambalay noqosho. m.f.dh, dhambalmid.
dhambalan²: f.mg4 (-lnaa, -lnayd) Wax la dhambalay ahaansho. m.f.dh, dhambalnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhambalan
der. [adjective] cut in two; coarsely ground, pounded
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhambalan
-dhambalnaa / dhambalnayd: (adj) cracked (karaakti); broken (barooken); split (isplit) ~ dhanbalan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhambalan
(tilmaame) walax labo qaybood loo kala falliidhay.
dhambalan -ka: (magac, lab, keli) habka isqaybinta unugga ee uu isku kala jeexo labo qaybood ama in ka badan. Waa habka iskala jebinta atamka si uu usoo saaro tamar badan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhambalan
de: cut in two; coarsely ground, pounded
lx: dhambalan
pd: (dhambalnaa)
ps: adj-der
see: dhanbalan
key: dhambalan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhanbagan
(tilmaame) mid wareersan oo dhinacna u ciirsanla'. Dh: wareersan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhanbalan
Dillaacsan; jeexan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhanbalan
m.l (kiimika) U faliidhanka bu'da atam culus ee labo jab ama in ka badan oo xajmi ahaan isku dhow, taas oo ka dhalata niyuutaroon tamaraysan oo ku dhaca bu'da atamka. Caadi ahaan, waxaa weheliya bixinta niyuutaroonno ama fallaaraha gaama. Bulootooniyam, yuraaniyam iyo tooriyam waa curiyeyaasha dhanbalma kuwa ugu muhiimsan. eeg dh. bu'eed.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhanbalan
m.l (kiim.) U faliidhanka bu'da atam culus ee labo jab ama in ka badan oo xajmi ahaan isku dhow, taas oo ka dhalata niyuutaroon tamaraysan oo ku dhaca bu'da atamka. Caadi ahaan, waxaa weheliya bixinta niyuutaroonno ama fallaaraha gaama. Bulootooniyam, yuraaniyam iyo tooriyam waa curiyeyaasha dhanbalma kuwa ugu muhiimsan. eeg dh. bu'eed.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dhanbalan
Fission
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhanbalan
der. [adjective] cracked, split open, halved, cut in two, ground
dhanbalan [inchoative] v. be split, burst open, get halved
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhanbalan
-dhanbalnaa / dhanbalnayd: (adj) cracked (karaakti)-, broken (barooken); split (isplit) ~ dhambalan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dharabsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax qoyaan yar gaaray ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dharabsan
der. [adjective] wet, covered with dew
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dharabsan
(tilmaame) meel dharab qoyan leh. Doogga oo dharabsan ayaan dhex maray.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dharabsan
de: wet, covered with dew
lx: dharabsan
pd: (dharabsanaa)
ps: adj-der
key: dharabsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daaban
La daabay; daab leh; daab loo yeelay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daaban
f.mg4 (-bnaa, -bnayd) Wax la daabay ahaansho; wax daab loo yeelay ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daaban
der. [adjective] having a handle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daaban
(tilmaame) gudin, waran, mindi iyo wixii la mid ah oo daab ku jira. Masaartu way daaban tahay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daaban
de: having a handle
lx: daaban
pd: (daabnaa)
ps: adj-der
key: daaban
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabaan
m.dh la-mid: damaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dabaan
f. n. bail; guaranty
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabaan
-ka: (magac, lab, keli) xoolo iibgeyn loogu talagalay. Dibi dabaan ah ayaa lo'da la socda.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dabaan
a: damaan, damaanad
de: bail; guaranty
lx: dabaan
pd: (-ta)
ps: n2-f
key: dabaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhabab
dhabab¹: m.l la-mid: dhababid.
dhabab²: f.g1 (-bay, -btay) Meel duleesha awdid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhabab
v. smooth out (as plaster); cover up (as a hole in the wall)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhabab
(fal) afka wax ka saar. Dhabab kadinka yaanu dugaaggu ka soo geline. Dh: awd. Li: fur, bannee.
dhabab: (fal) qof dhintay aas oo duug; iilka ku adkee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhabab
cf: malaas; niib
de: smooth out (as plaster); cover up (as a hole in the wall)
lx: dhabab
pd: (dhababay)
ps: v1=
key: dhabab
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaban
(Dhaban-ka)
Wejiga labadiisa dhinac midkood.
2. (Dhaban-ta) Tiro qaybsanta oo aan kala dheeri lahayn, sida 2, 4, 6, 10; aan kisi ahayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaban
dhaban¹: m.l (-nno, m.dh) Wejiga labadiisa dhinac midkood.
dhaban²: m.dh (xisaab) Tiro laba u qaybsanta.
dhaban³: f.mg4 (-bnaa, -bnayd) Wax la dhabay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhaban
dhaban¹: m.l (-nno, m.dh) Wejiga labadiisa dhinac midkood.
dhaban²: m.dh (xisaab) Tiro laba u qaybsanta.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaban
m. n. cheek
dhaban m. n. even number
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DHABAN
(Daban) N Adiantum capillus-veneris L. Adiantaceae.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhaban
-ka: (n) cheek (jiik); jaw (joo) ~ can, dhaman
dhaban -ka: (n) even number (iivan nam-ber). Ex: sida 2,4,6; such as 2, 4, 6
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaban
-ka: (magac, lab, keli) wajiga qofka qaybta dhinacyada xigta. Gabadhu dhaban qurux badan bay leedahay.
dhaban -ka: (magac, lab, keli) xoolaha laga bixiyo inanta marka la guursanayo. Dhaban ma laga bixiyay inanta? Dh: yarad.
dhaban -ta: (magac, dhedig, keli) buur babaceed. Dhabantaas geel baa ku muuqda.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
dhaban
خد
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Habban
Sidii ekayd ah; toosan; habboon.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habban
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: habboon.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
habban
der. [adjective] right, correct, suitable, nice
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Habban
name-f right, correct, suitable, nice. Syn: Habbane. Cf: Habboon
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Habban
magac loo baxsho gabadh la filayo in ay dhaqan wanaagsan oo lagu jeclaado yeelato.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habban
(tilmaame) sidii fiicnayd ah. Si habban ayaa doodda looga qayb qaatay. Dh: haboon, ekoon, qumman, toosan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
habban
a: habboon
de: right, correct, suitable, nice
lx: habban
pd: (habbanaa)
ps: adj-der
key: habban
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaabad
m.dh 1. Ballan. 2. Tix yar oo maanso iyo wixi lamida dhextaal u ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaadan
Dhaadka ka xiran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaadan
f.mg4 (-dnaa, -dnayd) 1. Wax qoobka laga xiray ahaansho (neef). 2. Wax la tolay ahaansho (dheri, xeero, burjiko iyo wixi lamida).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhaadan
f.mg4 (-dnaa, -dnayd) 1. Wax qoobka laga xiray ahaansho (neef). 2. Wax la tolay ahaansho (dheri, xeero, burjiko iyo wixi lamida). m.f.dh, dhaadnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaadan
der. [adjective] tied by the leg above the ankle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaadan
(tilmaame) neef gommodda ka xidhan. Farasku shakaal ayuu ku dhaadan yahay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhaadan
de: tied by the leg above the ankle
lx: dhaadan
ps: adj-der
key: dhaadan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaaman
Uskag badan leh; wasakhi ku dhooban tahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaaman
f.mg4 (-mnaa, -mnayd) Dhar iyo wixi lamida wax la dhaamay ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaaman
der. [adjective] dirty, messy, all messed up
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaaman
(tilmaame) uskag badan leh. Nin dhaaman waa laga dheeraadaa. Dh: dhaboolagan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhaaman
de: dirty, messy, all messed up
lx: dhaaman
pd: (dhaamnaa)
ps: adj-der
key: dhaaman
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaaran
(tilmaame) eeg dhaaraan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaawan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la dhaaway ahaansho. la-mid: dhawan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Dhabara
magaca gabadh dhalashadeedii hooyadeed fooshu ku dhagtay ama horay u soo dhalan wayday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhabayn
(Dhabayn-ta)
Dhab ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhabayn
m.f.dh eeg dhabee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhabayn
-ta: (magac, dhedig, keli) kaftanka ka saarid oo run ka dhigid; dheeldheel dhab ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhabbac
(Dhabbac-a)
Xagga caloosha iyo beerka oo loo jiifsado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhabbac
dhabbac¹: m.l 1. Si loo seexdo oo qofku caloosha dhulka dhigto. 2. la-mid: dhabbicid.
dhabbac²: f.g/mg1 (-cay, -cday; -bici) Si loo seexdo oo qofku caloosha dhulka dhigid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhabbac
m.l 1. Si loo seexdo oo qofku caloosha dhulka dhigto. 2. la-mid: dhabbicid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhabbac
m. n., [abstract] flatness, proneness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhabbac
-a: (magac, lab, keli) jiif bogga loo jiifsado oo sidiii wax is qarinaya la is muuq yareeyo.
dhabbac-a: (magac, lab, keli) shinbir yar oo isku qariya tigaadda oo adoon arkayn kaa hor duula.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhabbac
cf: dhanbacaad
de: flatness, proneness
lx: dhabbac
pd: (-a)
ps: n2a-m-abs
key: dhabbac
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhabbar
m.dh Bartamaha habeenka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhabbar
m.dh Bartamaha habeenka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Dhabbar
magac loo baxsho wiil horay u soo dhalan waayey ama hooyadii fooshu ku dhegtay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhabbar
(fal) wax aad ka dhuumanaysay, wax iskaga toosi oo sangadha yaree.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhabcan
(Dhabcan-ta)
Dhiriqda iyo digada lo'da; faanto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhabcan
m.dh Xaar lo'aad oo qoyan; faanto. la-mid: dhabcaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhabcan
f. n., [collective] droppings of cattle (dung ~ urine)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhabcan
-ka: (magac, lab, keli) dhiriqda lo'da; xaarka lo'da. Xerada dhabcanka ka gur. Dh: faanto.