dhaarso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaarso
f.g3 (-saday, -satay) Qof dhaar marsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhaarso
f.g3 (-saday, -satay) Qof dhaar marsasho. m.f.dh, dhaarsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaarso
v. make someone take an oath, have someone swear on his own behalf
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhaarso
de: make s.o. take an oath, have s.o. swear on his own behalf
lx: dhaarso
pd: (dhaarsaday)
ps: v3a=tr
key: dhaarso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhacarso
f.mg3 (-saday, -satay) la-mid: dhacaro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhararso
f.mg3 (-saday, -satay) Wax la sugayey raagsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhararso
f.mg3 (-saday, -satay) Wax la sugayey raagsasho. m.f.dh, dhararsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaaro
f.mg3 (-rtay, -ratay) Ku dh.: dhaar marid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhaaro
f.mg3 (-rtay, -ratay) Ku dh.: dhaar marid. m.f.dh, dhaarasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaaro
v. swear, take an oath
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhaaro
-dhaartay / dhaaratay: (v) swear an oath; take one's oath
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaaro
(fal) magac Eebbe mar si aan kuu aamino.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhaaro
de: swear, take an oath
lx: dhaaro
pd: (dhaartay)
ps: v3b=
key: dhaaro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaafso
f.lg3 (-saday, -satay) Wax, wax kale ku beddelasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhaafso
f.lg3 (-saday, -satay) Wax, wax kale ku beddelasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaafso
v. exchange
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhaafso
-dhaafsaday/dhaafsatay: (v) trade (tareeydh); swap (iswaap); make an exchange of one thing for another
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaafso
(fal) wax aad haysatay, wax kale ku beddelo; weydaarso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhaafso
de: exchange
lx: dhaafso
pd: (dhaafsaday)
ps: v3a=
key: dhaafso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaanso
f.g/mg3 (-saday, -satay) 1. (f. g) Weel buuxsasho. 2. (f.mg) Gaadiid biyo meel fog uga doonasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhaanso
f.g/mg3 (-saday, -satay) 1. (f.g) Weel buuxsasho. 2. (f.mg) Gaadiid biyo meel fog uga doonasho. m.f.dh, dhaansasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaanso
v. fetch water (for oneself); fill something up (with liquid)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaanso
(fal) buuxso oo wax meel aad ku shubatay daf ka sii. Dh: buuxso.
dhaanso: (fal) ceelka weel kaga dhaanso biyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhaanso
de: fetch water (for oneself); fill s.t. up (with liquid)
lx: dhaanso
pd: (dhaansaday)
ps: v3a=
xe: I only fill up my stomach so I dont think about anything else.
xv: Anigu caloosheyda uun baan dhaansadaa ee waxba kama fekero.
key: dhaanso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaarsi
-ga: (magac, lab, keli) qof aad wax ku tuhmayso, dhaar marin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhawrso
f.mg3 (-saday, -satay) 1. Xumaan, ceeb iyo wixi lamida iska ilaalin. 2. Wax ka cabsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhawrso
f.mg3 (-saday, -satay) 1. Xumaan, ceeb iyo wixi lamida iska ilaalin. 2. Wax ka cabsasho. m.f.dh, dhawrsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhawrso
v. protect oneself
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhawrso
dhawrsaday/dhawrsatay: (v) be righteous (raay-jas); be virtuous; resist temptation ~ dhowrso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhawrso
(fal) meelaha ay sumcadxumo ka iman karto iska jir; wixii xun ka gaabso. Dh: gaabso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhawrso
de: protect oneself
lx: dhawrso
pd: (dhawrsaday)
ps: v3a=
key: dhawrso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaarsasho
m.f.dh eeg dhaarso. la-mid: dhaarsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaarasho
(Dhaarasha-da)
Dhaar marid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaarasho
m.f.dh eeg dhaaro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaarasho
vl. n. act of swearing, taking an oath
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhaarasho
-dhaarashada: (n) swearing (sweeting)-, oath-giving; vow (wow)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaarasho
-da: (magac, dhedig, keli) dhaar gali. Magaca Eebbe marid. Dh: dhaarad.
dhaarasho -da: (magac, dhedig, keli) si aad u hubiso inaad run sheegaysid, wax kugu weyn oo aad rumaysan tahay ku adkayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhaarasho
de: act of swearing, taking an oath
lx: dhaarasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: dhaarasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dharaarso
f.mg3 (-saday, -satay) Subax meel in muddo ah ku daahid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaarsad
m.l la-mid: dhaarasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaarsad
-ka: (magac, lab, keli) cid kale, Ilaahay ku dhaarsasho. Dh: dhaarsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaarsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Qof, wax dhaartay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhaarsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Qof, wax dhaartay ahaansho. m.f.dh, dhaarsanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaarsan
der. [adjective] sworn-in, under oath; determined, resolute (person)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhaarsan
-aa / ayd: (adj) sworn in (swoorn in); under oath
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaarsan
(tilmaame) qof ama in ka badan oo Eebbe lagu dhaarshay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhaarsan
de: sworn-in, under oath; [ext.] determined, resolute (person)
lx: dhaarsan
pd: (dhaarsanaa)
ps: adj-der
key: dhaarsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhabaqso
f.g3 (-saday, -satay) Wax macaan cunid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhabaqso
v. eat (something wet ~ sticky) without proper manners
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhabaqso
(fal) carrabka dareere weel meel ku jira ku cab ama biyo si isdabajoog ah kolba meel yar oo godan ka cab.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhabaqso
de: eat (s.t. wet ~ sticky) without proper manners
lx: dhabaqso
pd: (dhabaqsaday)
ps: v3a=tr
key: dhabaqso
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhabayso
v.auto: ascertain, assure oneself, make sure ~ certain, be convinced
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhabayso
de: ascertain, assure oneself, make sure ~ certain, be convinced
lx: dhabayso
pd: (dhabaystay)
ps: v3b=auto
key: dhabayso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhacarsi
m.l la-mid: dhacarasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhacarsi
-ga: (magac, lab, keli) xoolaha dhacar daaqsiin. Dhacrsiga la dayn maayo iyo dhiilkii lays baraye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaqabso
f.g3 (-saday, -satay) Carrabka wax ku cabbid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaqayso
f.g3 (-stay, -satay) Bar astaysan toog ku barasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaqayso
v. aim, practice shooting at a target
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaqayso
(fal) liishaamo, toogta hagaajiso. Intaanad ridin xabbadda horta dhaqayso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhaqayso
de: aim, practice shooting at a target
lx: dhaqayso
pd: (dhaqaystay)
ps: v3b=
key: dhaqayso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dharabso
f.mg3 (-saday, -satay) Maro, saan iyo wixi lamida qoyaan yar ku shubasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dharabso
v. collect dew; get covered with dew
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dharabso
(fal) dharab yeelo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dharabso
de: collect dew; get covered with dew
lx: dharabso
pd: (dharabsaday)
ps: v3a=intr
key: dharabso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dharaqso
f.g3 (-saday, -satay) Candho dharaq ka maalid ama ka nuugid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dharaqso
(fal) dharaq naas ka raadi oo in caano ku hadheen ka eeg. Saca laga lisay, dharaqso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhararsi
m.l la-mid: dhararsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhararto
-da: (magac, dhedig, keli) wax sacab ka baxsan muggii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhawayso
(fal) agtaada gee; meel kuu dhaw gee. Miiska dhawayso.
dhawayso: (fal) qof dadka kale kaa xiga ka dhigo. Cidda aad isku ujeeddo tihii soo dhawayso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhayalso
f.g3 (-saday, -satay) Arrin fududaysasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhayalso
f.g3 (-saday, -satay) Arrin fududaysasho. m.f.dh, dhayalsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhayalso
v. take lightly ~ as a joke; not consider something very important
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhayalso
(fal) fudaydso oo wax fudud ah u qaado. Dh: fudaydso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhayalso
de: take lightly ~ as a joke; not consider s.t. very important
lx: dhayalso
pd: (dhayalsaday)
ps: v3a=tr
key: dhayalso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diyaarso
f.g3 (-saday, -satay) Wax diyaar ka dhigasho (qof).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
diyaarso
f.g3 (-saday, -satay) Wax diyaar ka dhigasho (qof). m.f.dh, diyaarsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
diyaarso
v. prepare something for oneself, make something ready for oneself
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diyaarso
(fal) eeg diyaargarayso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
diyaarso
de: prepare s.t. for oneself, make s.t. ready for oneself
lx: diyaarso
pd: (diyaarsaday)
ps: v3a=tr
key: diyaarso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khabarso
f.g3 (-saday, -satay) Khabar raadsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khabarso
(fal) warayso; khabaarso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aarso
f.mg3 (-saday, -satay) Ka aa.: cid, cid kale oo waxyeello u geysatay ka gudasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aarso
f.mg3 (-saday, -satay) Ka aa.: cid, cid kale oo waxyeello u geysatay ka gudasho.m.f.dh, aarsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aarso
v. take revenge
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aarso
-aarsay I aarsatay: (v) revenge (ri veenji); avenge (aveenji); retaliate (ri-taali-yeeyt) seek or take vengeance for [oneself or another person]
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aarso
(fal) (ka ~) aano kaa maqnayd ka gooso ciddii geysatay. Ka aarso ninkii abkaa dilay. Dh: aargudo, aargooso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aarso
de: take revenge
lx: aarso
pd: (aarsaday)
ps: v3a=
key: aarso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daaro
f.g3 (-rtay, -ratay) 1. Wax shidasho (dab, nal, raadiyo,telefishan iyo wixi lamida). 2. Qof tartiib u taabasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daaro
f.g3 (-rtay, -ratay) 1. Wax shidasho (dab, nal, raadiyo, telefishan iyo wixi lamida). 2. Qof tartiib u taabasho. m.f.dh, daarasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daaro
v. graze, touch lightly; light, kindle; provoke, annoy
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daaro
(fal) dab, nal iyo wixii la mid ah, shido oo iftiin u yeelo. Nalka daaro waa habeene. Dh: shido.
daaro: (fal) caano la lulayo, in yar daarka ka dhiijiso oo hubi inay baxeen.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daaro
de: graze, touch lightly; [ext.] light, kindle; [fig.] provoke, annoy
lx: daaro
pd: (daartay)
ps: v3b=tr
key: daaro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darso
f.g/mg3 (-saday, -satay) 1. (f.g) Badar, caano, sonkor iyo wixi lamida wax godan in uga qaadasho. 2. (f.mg) Xaalad lagu sugnaa ka sii liidasho. 3. (f.mg) Ku d.: wax, wax kale ku biirsasho. Tusaale: “Cali geeliisii laba halaad buu ku darsaday”. 4. Ku d.: wiil gabadh u guurin. 5. U d.: xaalad hore ee lagu noolaa ka maarmiwaayid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
darso
f.g/mg3 (-saday, -satay) 1. (f.g) Badar, caano, sonkor iyo wixi lamida wax godan in uga qaadasho. 2. (f.mg) Xaalad lagu sugnaa ka sii liidasho. 3. (f.mg) Ku d.: wax, wax kale ku biirsasho. Tusaale: Cali geeliisii laba halaad buu ku darsaday. 4. Ku d.: wiil gabadh u guurin. 5. U d.: xaalad hore ee lagu noolaa ka maarmiwaayid. m.f.dh, darsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
darso
v. scoop up, dip for oneself
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
darso
-darsaday / darsatay: (v) scoop (iskuup)', dip into.
isku darso - darsaday / darsatay: (v) have or take more; add for yourself ~ ku darso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darso
(fal) wax meel ku jira weel godan, in kaga qaado.
darso: (fal) biirso; siyaadso. Lacagta kun ku darso.
darso: (fal) «u ~» cid ama wax kaa maqan u hiloobid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
darso
de: scoop up, dip for oneself
lx: darso
pd: (darsaday)
ps: v3a=
key: darso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaar
(Dhaar-ta)
Hadal cad oo Ilaah markhaati looga dhiga hayo, in run la sheega hayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaar
m.dh Caddayn magaca Eebbe lagu adkeynayo in wax laga run sheegayo.