dhaarshil
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaarshil
(Dhaarshil-ka)
Wax dhaarta baajiya; wax dhaarta horjoogsada; wax wax yar laga qabo ama laga helay oo aan laga dhaaran karin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaarshil
m.l Dheef yar oo aan waxtar weyn lahayn oo lagu eedoobo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaarshil
m. n., [compound] some small thing given ~ done that allows one to get out of an oath
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaarshil
-ka: (magac, lab, keli) wax kasta oo dhaar lagu baajiyo oo hadal ama hoo ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhaarshil
a: dhaarburis (ka), dhaarjebin (ta)
de: some small thing given ~ done that allows one to get out of an oath
lx: dhaarshil
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: dhaarshil
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dufantiryo
(Dufantirya-da)
1. Dufan iska tir.
2. Dheef ama cunno aad u yar; dhaarshil.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dufantiryo
-da: (magac, dhedig, keli) dufan ama cunto kooban oo yar. Dh: dhaarshil. dufay: (tilmaame) madhay oo hiigmay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maradhaamo
-da: (magac, dhedig, keli) wax aad u yar oon badnayn. Maradhaamo ayaan ka soo qaaday Dh: dhaarshil, haqabtir.
maradhaamo -da: (magac, dhedig, keli) maaweele iyo maddadaalo; wax nafta lagu maaweeliyo. Dh: maaweelo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaarsi
-ga: (magac, lab, keli) qof aad wax ku tuhmayso, dhaar marin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaashi
(Dhaashi-ga)
Dufan ama labeen udug leh, oo oogada la marsado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaashi
m.l 1. Dufan ama labeen udug leh oo oogada la marsado. 2. la-mid: dhaashasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhaashi
m.l 1. Dufan ama labeen udug leh oo oogada la marsado. 2. la-mid: dhaashad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaashi
m. n., [collective] grease, lubricant, oil, cream
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaashi
-ga: (magac, lab, keli) dufan lagaga bi'iyo jidhka basaasta iyo haraqa. Dhaashi iyo dhalaal baa kaa muuqda. Dh: dux. Li: basaas.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhaashi
de: grease, lubricant, oil, cream
lx: dhaashi
pd: (-ga)
ps: n2-m-col
key: dhaashi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaari
dhaari¹: m.l/dh Erey ereyada lammane ah lagu isticmaalo oo tilmaama “qof wax khabiir ku ah”, sida: fardadh.: fardafuulyahan.
dhaari²: f. g1/2 (-ryay, -riday/-risay; -ryi) Naas caanihii laga idlaystay nuugid.
dhaari³: f.g2 (-iyay, -isay) Qof dhaar marin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhaari
dhaari¹: m.l/dh Erey ereyada lammane ah lagu isticmaalo oo tilmaama 'qof wax khabiir ku ah', sida: fardadh.: fardafuulyahan.
dhaari²: f.g2 (-iyay, -isay) Qof dhaar marin. m.f.dh, dhaarin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaari
v. swear in, make someone take an oath
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhaari
-yey / say: (v) take one's oath; cause someone to speak on oath. Ex: markhaatiyaashii oo dhan waa la dhaariyey; All the witnesses have been sworn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaari
(fal) qof la hubinayo inuu run sheegayo, inuu Ilaahay ku dhaarto ku amar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhaari
de: swear in, make s.o. take an oath
lx: dhaari
pd: (dhaariyey)
ps: v2a=tr
key: dhaari
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhashi
-da: (magac, dhedig, keli) halka ilmuhu soo maro kolka uu dhalanayo. Dh: gawr, sabiil, minni.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
daakhil
-ka: (n) inside (insaaydhy interior (in-tiiriyer); indoor (indhoor), inner (inar) -gudaha. Ex: waxaan sharraxannay gurigayaga daakhilkiisa; We decorated the interior of our house
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daakhil
-ka: (magac, lab, keli) gudaha ama ubucda ay meeli leedahay. Masku daakhilka agalkuu ku jiraa. Dh: gudo. Li: dibad, barrax.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaadhi
(fal) neef yar, caanaha kala soo bax oo afka naska gasho. Dh: nuug, jaq.
dhaadhi -ga: (magac, lab, keli) marka neef yar hooyadii ka jaqayo caanaha. Dh: jaqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaafsi
(Dhaafsi-ga)
Dhaafsad; dhaafsasho; doorsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaafsi
m.l la-mid: dhaafsasho.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Dhaafsi
Cambio
Change
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaafsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg dhaafsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaahin
-ka: (magac, lab, keli) waxa la siiyo qof gef laga galay. Dh: xaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaansi
(Dhaansi-ga)
Dhaansasho; Dhaansad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaansi
m.l la-mid: dhaansasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaansi
-ga: (magac, lab, keli) eeg dhaansad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaarin
(Dhaarin-ta)
Dhaar marin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaarin
m.dh eeg dhaari³. la-mid: dhaaryid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaarin
-ta: (magac, dhedig, keli) qof la hubinayo inuu run sheegayo, inuu Ilaahay ku dhaarto ku amrid; dhaar ka codsasho. Dhaarinta markhaati ayaa ka horreeya. Dh: dhaaris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaarso
f.g3 (-saday, -satay) Qof dhaar marsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhaarso
f.g3 (-saday, -satay) Qof dhaar marsasho. m.f.dh, dhaarsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaarso
v. make someone take an oath, have someone swear on his own behalf
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhaarso
de: make s.o. take an oath, have s.o. swear on his own behalf
lx: dhaarso
pd: (dhaarsaday)
ps: v3a=tr
key: dhaarso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaasho
f.g3 (-shaday, -shatay) Dhaashi marcasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhaasho
f.g3 (-shaday, -shatay) Dhaashi marcasho. m.f.l, dhaashasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaasho
v. grease, lubricate, spread, smear, daub
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhaasho
-dhaashaday / dhaashatay: (v) put cream on one's face
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaasho
(fal) basaasta iska bi'i oo subko. Cadowgaaga dhuux sagaara loogu dhaashadaa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhaasho
de: grease, lubricate, spread, smear, daub
lx: dhaasho
pd: (dhaashaday)
ps: v3a=
key: dhaasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dharsid
(Dharsid-da)
1. Camashood; xanaaqid; dhirfid; carasho; dhiidhiyid.
2. (oogada dadka) jilcid, debcid gabow daraaddi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dharsid
m.f.dh eeg dharas².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dharsid
f. n. rage
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dharsid
-da: (magac, dhedig, keli) xanaaqid oo weyrixid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dharsid
de: rage
lx: dharsid
pd: (-da)
ps: n1-f
key: dharsid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhashin
-ta: (magac, dhedig, keli) dhakada inta foodda soo xigta oo ilmaha yar dhaqdhaqaaqda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhawrsi
m.l Ilaalinta la iska ilaaliyo xumaan, ceeb iyo wixi lamida. la-mid: dhawrsasho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
faashil
-ka: (n) loser (luu zer); nonstarter
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Haashim
name-f respectful
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
khashil
-ay / khashishay: (v) feel shy (fii shaay); be nervous (neer-vas); be timid (bii timidh) ~ xishood
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaafsii
f.lg2 (-iiyay, -iisay) Wax meel ka gudbin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhaafsii
f.lg2 (-iiyay, -iisay) Wax meel ka gudbin. m.f.dh, dhaafsiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaafsii
v.caus: make something pass over ~ through, cause to cross
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhaafsii
-yey: (v) make someone cross; Ex: carruurta jidka dhaafsii; cross the children to the street
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhaafsii
de: make s.t. pass over ~ through, cause to cross
lx: dhaafsii
pd: (dhaafsiiyey)
ps: v2a=caus
key: dhaafsii
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaarsad
m.l la-mid: dhaarasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaarsad
-ka: (magac, lab, keli) cid kale, Ilaahay ku dhaarsasho. Dh: dhaarsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaarsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Qof, wax dhaartay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhaarsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Qof, wax dhaartay ahaansho. m.f.dh, dhaarsanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaarsan
der. [adjective] sworn-in, under oath; determined, resolute (person)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhaarsan
-aa / ayd: (adj) sworn in (swoorn in); under oath
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaarsan
(tilmaame) qof ama in ka badan oo Eebbe lagu dhaarshay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhaarsan
de: sworn-in, under oath; [ext.] determined, resolute (person)
lx: dhaarsan
pd: (dhaarsanaa)
ps: adj-der
key: dhaarsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaaryid
(Dhaaryid-da)
Naas caanihii laga laystay, oo aan waxba ka soo dhacayn, iska sii nuugid; nuugid dheer oo dhib leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaaryid
m.f.dh eeg dhaari². la-mid: dhaarin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaaryid
-da: (magac, dhedig, keli) naas nuugid; naas jiqid. Raaqiya labo sano ayay dhaaryid ku gaadhay. Dh: jaqid, dhaadhyid, jaqid, nuugid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaashad
(Dhaashad-ka)
Dhaashi ismarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaashad
m.f.l eeg dhaasho. la-mid: dhaashi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaashad
-ka: (magac, lab, keli) sudag si fiican u marsasho oo barwaaqo in la joogo ka markhaati kicid. Dh: subkad.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Dhaashan
name-f creamed, greased, lubricated; well-groomed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Dhaashan
magaca gabadh quruxdeeda la moodo mid dhaashi iyo subag marsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaashan
(tilmaame) mid subkan oo madaxa dhaashaday.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaashay
(fal) u subag: dhaashi u mari.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhacarsi
m.l la-mid: dhacarasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhacarsi
-ga: (magac, lab, keli) xoolaha dhacar daaqsiin. Dhacrsiga la dayn maayo iyo dhiilkii lays baraye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhararsi
m.l la-mid: dhararsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Khaashid
(Khaashid-da)
Khaash noqday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khaashid
m.f.dh eeg khaash².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Shaanshi
f. n. clan name
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Shaanshi
de: clan name
initial: s
lx: Shaanshi
ps: n0-f
key: Shaanshi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaafsiin
m.f.dh eeg dhaafsii. la-mid: dhaafsiis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaafsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) soohdin iyo wax la mid ah ka tallaabsiin oo xagga kale u weydaarin.
dhaafsiin-ta: (magac, dhedig, keli) wax, mid kale ka horraysiin; ka badsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaafsiis
m.l la-mid: dhaafsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaafsiis
-ka: (magac, lab, keli) eeg dhaafsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaarasho
(Dhaarasha-da)
Dhaar marid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaarasho
m.f.dh eeg dhaaro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaarasho
vl. n. act of swearing, taking an oath
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhaarasho
-dhaarashada: (n) swearing (sweeting)-, oath-giving; vow (wow)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaarasho
-da: (magac, dhedig, keli) dhaar gali. Magaca Eebbe marid. Dh: dhaarad.
dhaarasho -da: (magac, dhedig, keli) si aad u hubiso inaad run sheegaysid, wax kugu weyn oo aad rumaysan tahay ku adkayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhaarasho
de: act of swearing, taking an oath
lx: dhaarasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: dhaarasho
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Dhaashiye
Gasaca saliidda ee looga shaqeeyo dhaashinta birta iyo dufninta guud ee birta co laga dhawro daxasha iyo is-qabsashada xubnaha kala wareegta ama isla wareegta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaarsasho
m.f.dh eeg dhaarso. la-mid: dhaarsad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaarsasho
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, dhaar mari si aad u hubiso runsheegnimadiisa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhabarsaar
-ka: (magac, lab, keli) dhabarka ku qaadid. Dh: xambaarid.