dhaari
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaari
dhaari¹: m.l/dh Erey ereyada lammane ah lagu isticmaalo oo tilmaama “qof wax khabiir ku ah”, sida: fardadh.: fardafuulyahan.
dhaari²: f. g1/2 (-ryay, -riday/-risay; -ryi) Naas caanihii laga idlaystay nuugid.
dhaari³: f.g2 (-iyay, -isay) Qof dhaar marin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhaari
dhaari¹: m.l/dh Erey ereyada lammane ah lagu isticmaalo oo tilmaama 'qof wax khabiir ku ah', sida: fardadh.: fardafuulyahan.
dhaari²: f.g2 (-iyay, -isay) Qof dhaar marin. m.f.dh, dhaarin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaari
v. swear in, make someone take an oath
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhaari
-yey / say: (v) take one's oath; cause someone to speak on oath. Ex: markhaatiyaashii oo dhan waa la dhaariyey; All the witnesses have been sworn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaari
(fal) qof la hubinayo inuu run sheegayo, inuu Ilaahay ku dhaarto ku amar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhaari
de: swear in, make s.o. take an oath
lx: dhaari
pd: (dhaariyey)
ps: v2a=tr
key: dhaari
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaarin
(Dhaarin-ta)
Dhaar marin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaarin
m.dh eeg dhaari³. la-mid: dhaaryid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaarin
-ta: (magac, dhedig, keli) qof la hubinayo inuu run sheegayo, inuu Ilaahay ku dhaarto ku amrid; dhaar ka codsasho. Dhaarinta markhaati ayaa ka horreeya. Dh: dhaaris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaarsi
-ga: (magac, lab, keli) qof aad wax ku tuhmayso, dhaar marin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhacari
f.g2 (-iyay, -isay) Xoolo meel dhacar leh soofin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daari
m.l Xiddig xiddigaha ka mid ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daari
(fal) caanaha ka soo daadi ama ka soo daa halka daloosha ee daarka la dhaho ee ku taalla aagaanka dhiisha. Daari ciirta inay baxday aan fiirinnee.
daari: (fal) caano inyar oo biya ah ku shub oo badhax. Dh: badhax.
daari-ga: (magac, lab, keli) madaha beeraha u dhaxeeya. Daariga beerta reer Cumar xooluhu yeyna soo dhaafin. Dh: xad, soohdin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaar
(Dhaar-ta)
Hadal cad oo Ilaah markhaati looga dhiga hayo, in run la sheega hayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaar
m.dh Caddayn magaca Eebbe lagu adkeynayo in wax laga run sheegayo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhaar
m.dh Caddayn magaca Eebbe lagu adkeynayo in wax laga run sheegayo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaar
f. n. oath, swearing
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhaar
-ta: (n) oath (owz/i) ~ dhaarasho
dhaar -tay / atay: (v) swear an oath; take one's oath
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Dhaar
Giuramento
Oath
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaar
-ta: (magac, dhedig, keli) si loo hubiyo inuu qofku run sheegayo, hadal la isku aamino oo kama danbaynta, la maro wax la aaminsan yahay sida Muslimiintu magaca Eebbe u maraan. Dh: wacad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhaar
de: oath, swearing
lx: dhaar
pd: (-ta)
ps: n1-f
key: dhaar
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
dhaar
يَمِينِ، قَسَم
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haari
(fal) cid kale, maanka ka qaad oo waal. Dh: welfi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaadi
f.lg2 (-iyay, -isay) Qof wax u muujin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaafi
f.g/mg2 (-iyay, -isay) 1. (f.g) Wax meel ka gudbin. 2. (f.g) Wax, wax kale oo taagan ama ay isku dhinac u socdaan ka hormarin. 3. (f.g) Iyadoo sixir la adeegsanayo cid jirradeeda cid kale ku wareejin. 4. (f.g) Cid maaweelo waqti kaga lumin. 5. (f.mg) U dh.: cid wax, wax kale ugu beddelid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhaafi
f.g/mg2 (-iyay, -isay) 1. (f.g) Wax meel ka gudbin. 2. (f.g) Wax, wax kale oo taagan ama ay isku dhinac u socdaan ka hormarin. 3. (f.g) Iyadoo sixir la adeegsanayo cid jirradeeda cid kale ku wareejin. 4. (f.g) Cid maaweelo waqti kaga lumin. 5. (f.mg) U dh.: cid wax, wax kale ugu beddelid. m.f.dh, dhaafin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaafi
v. cause to pass ~ cross over; make surpass
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaafi
(fal) meel weydaari.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhaafi
de: cause to pass ~ cross over; make surpass
lx: dhaafi
pd: (dhaafiyey)
ps: v2a=
key: dhaafi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaaji
f.g2 (-iyay, -isay) Iyadoo lagu xumaynayo qof wuxuu yiri ama sameeyay ka daba sameyn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhaaji
f.g2 (-iyay, -isay) Iyadoo lagu xumaynayo qof wuxuu yiri ama sameeyay ka daba sameyn. m.f.dh, dhaajin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaaji
v. mimic, imitate (in a bad ~ insulting manner)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhaaji
-yey / say: (v) mimic (mimik); ape (eeyp); ridicule (ridi-kiyuul); mock (maak), taunt (toont) ~ canjil
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaaji
(fal) canjil oo wuxuu yidhaaba ka daba dheh. Dh: canjil, qanjil.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhaaji
de: mimic, imitate (in a bad ~ insulting manner)
lx: dhaaji
pd: (dhaajiyey)
ps: v2a=
key: dhaaji
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaali
m.l Dheri yar oo dhoobo ka samaysan oo wax lagu karsado bunkana lagu dubto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaami
f.g/mg2 (-iyay, -isay) 1. Ceel biyo ka doonid. 2. Weel buuxin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhaami
f.g/mg2 (-iyay, -isay) 1. Ceel biyo ka doonid. 2. Weel buuxin. m.f.dh, dhaamin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaami
v. turn on water, pour water; draw ~ get ~ go for water
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaami
(fal) reerka biyo u doon oo aroor.
dhaami: (fal) weel buuxi oo daf ka sii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhaami
de: turn on water, pour water; draw ~ get ~ go for water
lx: dhaami
pd: (dhaamiyey)
ps: v2a=
key: dhaami
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaaro
f.mg3 (-rtay, -ratay) Ku dh.: dhaar marid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhaaro
f.mg3 (-rtay, -ratay) Ku dh.: dhaar marid. m.f.dh, dhaarasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaaro
v. swear, take an oath
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhaaro
-dhaartay / dhaaratay: (v) swear an oath; take one's oath
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaaro
(fal) magac Eebbe mar si aan kuu aamino.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhaaro
de: swear, take an oath
lx: dhaaro
pd: (dhaartay)
ps: v3b=
key: dhaaro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhafri
f.g2 (-iyay, -isay) 1 . Cid inay dhafarto ku kalifid.2. Xarig dhafar ah awr ku dhejin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhafri
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Cid inay dhafarto ku kalifid.2. Xarig dhafar ah awr ku dhejin. m.f.dh, dhafrin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ogeys
(Ogeys-ka)
Qof arrin gaar ah aad u yaqaan; waxyaqaan; aqoondhaaf; khabiir; ogeys-dhaari, sida fardadhaari.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xilafursiin
(Xilafursiin-ta)
Xilafur ku dhaarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xolod
(Xolod-ka)
1. Qori weyn oo in laga gubey.
2. Dab la isu shidi jirey oo la isku dhaarin jirey.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bersed
-da: (n) den (dhaari); a room for study or relaxation; parlor (paar lor)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gamuun
-ka: (n) arrow (aarow); dart (dhaari) ~ leeb
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kooshin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, dhaarin.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
abjurer
abjurer, v. - ka dhaariska laga dhaarto; ka noqosho
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
adjure
v.tr., dari; I adjure you in the name of God to tell us, magaca Eebbahay baan kuu dhaarinayaa ee noo sheeg.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dahaarid
(Dahaarid-da)
Dahaar u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dahaarid
m.f.dh eeg dahaar².
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dahaarid
-da: (n) encasement (en-keeys-ment) covering (kavar-ing)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dahaarid
-da: (magac, dhedig, keli) dahaar u samayn. Alaabtani dahaarid ayey u baahan tahay. Dh: dahaadhid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dahaaris
-ta: (magac, dhedig, keli) wax ku dahaarid. Dh: dahaadhis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dahaarni
-da: (magac, dhedig, keli) wax dahaaran ahaan. Dh: dahaadhni.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaaryid
(Dhaaryid-da)
Naas caanihii laga laystay, oo aan waxba ka soo dhacayn, iska sii nuugid; nuugid dheer oo dhib leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaaryid
m.f.dh eeg dhaari². la-mid: dhaarin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaaryid
-da: (magac, dhedig, keli) naas nuugid; naas jiqid. Raaqiya labo sano ayay dhaaryid ku gaadhay. Dh: jaqid, dhaadhyid, jaqid, nuugid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhacarin
m.f.dh eeg dhacari. la-mid: dhacaris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhacaris
m.l la-mid: dhacarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhacarsi
m.l la-mid: dhacarasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhacarsi
-ga: (magac, lab, keli) xoolaha dhacar daaqsiin. Dhacrsiga la dayn maayo iyo dhiilkii lays baraye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dharaari
f.g2 (-iyay, -isay) Cid qado siin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dharaari
(fal) wax habeen ama aroor hore la qaban lahaa dib u dhig illaa duhurka ama barqada la gaadhayo. Li: guuri.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhararid
m.f.dh eeg dharar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhararsi
m.l la-mid: dhararsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dagaari
-da: (magac, dhedig, keli) xiddig ka mid ah xidigaha cirka oo daruur u eg.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dahaaro
-da: (magac, dhedig, keli) nadaafad aan nijaas iyo wasakh midna ku jirin. Li: nijaas.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawaari
(fal) maro tol adigoo u adeegsanaya dun iyo makiinad. Dh: tol.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaabid
(Dhaabid-da)
Si xoog leh wax meel ugu mudid, ugu adkayn, dhidbid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaabid
m.f.dh eeg dhaab².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaabid
-da: (magac, dhedig, keli) si xoog ah dhulka ugu qotomin. Dhaabidda waranka ha igaga cabsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaaddi
m.dh Dhedo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaaddi
(fal) ogaysii oo la socodsii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaadhi
(fal) neef yar, caanaha kala soo bax oo afka naska gasho. Dh: nuug, jaq.
dhaadhi -ga: (magac, lab, keli) marka neef yar hooyadii ka jaqayo caanaha. Dh: jaqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaadid
(Dhaadid-da)
1. Dhaad ka xirid.
2. Ogaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaadid
m.f.dh eeg dhaad². la-mid: dhaadis, dhaagid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhąadid
m.dh la-mid: dhąagid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaadid
-da: (magac, dhedig, keli) ogaansho ay hubsiimo ku jirto. Dh: hadid.
dhaadid -da: (magac, dhedig, keli) u fiirsasho oo aad ula socosho. Dhabbadii markay naga duween shicibku dhaadaayay. Dh: eegid, dhursugud.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaadin
m.f.dh eeg dhaadi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaadin
-ta: (magac, dhedig, keli) summad lugu dhigo cududda jeeniga xoolaha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaadis
m.dh la-mid: dhaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaafid
(Dhaafid-da)
1. Gudbid; ka dheerayn; ka hormarid; ka tegid.
2. Iska deyn; dan u gelid la'aan; cafiyid; saamixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaafid
m.f.dh eeg dhaaf.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dhaafid
Discount
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
dhaafid
take-over
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhaafid
-da: (v) overtake (oowvar- teyk); the act of passing ka hor marid. Ex: baabuur dhaafid badnidaa; You are overtaking too many cars
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Dhaafid
Oltrepassare
To surpass
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaafid
-da: (magac, dhedig, keli) ka gudbidda ama waydaarashada wixii hore. Dh: ka gudbid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaafin
(Dhaafin-ta)
1. Wax meeshi wax kale geyn; ku beddelid; dhaafsiin.
2. Gudbin; marsiin.
3. Seejin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaafin
m.f.dh eeg dhaafi. la-mid: dhaafis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaafin
vl. n. act of passing over; substituting