dhaaqo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaaqo
-da: (magac, dhedig, keli) lax neef waliba jaqo oo hebed ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhabaqo
-ga: (magac, lab, keli) nooc kalluunka badda laga soo saaro ka mid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daaqo
(Daaqa-da)
Maaro, itaal, tabar, xoog, (ama daaqad).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daaqo
m.dh la-mid: daaqad (2).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daaqo
f. n. strength, power
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daaqo
a: daaqad
de: strength, power
lx: daaqo
pd: (/da)
ps: n0-f
key: daaqo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaqo
f.g3 (-qday, -qatay) 1. Wax si fiican u maamulasho. 2. Wax mayrasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhaqo
f.g3 (-qday, -qatay) 1. Wax si fiican u maamulasho. 2. Wax mayrasho. m.f.dh, dhaqasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaqo
v. raise, breed; save, conserve; care for one's own family
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhaqo
-dhaqday/dhaqatay: (v) raise for oneself, have the care of; watch over; look after
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaqo
(fal) mood iyo nool kolba midkaad haysato xannaanayso oo korodhso. Dh: tabco.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhaqo
de: raise, breed; save, conserve; care for one's own family
lx: dhaqo
pd: (dhaqday)
ps: v3b=
xe: The Somalis of old used to look after livestock.
xv: Soomaalidii hore baa xoolo dhaqan jirtay.
key: dhaqo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaabo
f.mg3 (-btay, -batay) Wax meel ku mudasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhaabo
f.mg3 (-btay, -batay) Wax meel ku mudasho. m.f.dh, dhaabasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaabo
(fal) dhulka ku taago oo si fiican u qotonso. Waranka halkaa ku dhaabo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaado
f. g/mg3 (-aatay, -aadatay) 1. (f.g) Dhaad ka xirasho (neef). 2. (f.g) Gabar doonid. 3. (f.mg) Ku dh.: cid si kalsooni ah isugu hallayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhaado
f.g/mg3 (-aatay, -aadatay) 1. (f.g) Dhaad ka xirasho (neef). 2. (f.g) Gabar doonid. 3. (f.mg) Ku dh.: cid si kalsooni ah isugu hallayn. m.f.dh, dhaadasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaado
v. tie by the leg
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaado
(fal) si qabyaaladi ku jirto, awowyaashaa ugu faan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhaado
de: tie by the leg
lx: dhaado
pd: (dhaatay / dhaadatay)
ps: v3b=
key: dhaado
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaaro
f.mg3 (-rtay, -ratay) Ku dh.: dhaar marid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhaaro
f.mg3 (-rtay, -ratay) Ku dh.: dhaar marid. m.f.dh, dhaarasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaaro
v. swear, take an oath
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhaaro
-dhaartay / dhaaratay: (v) swear an oath; take one's oath
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaaro
(fal) magac Eebbe mar si aan kuu aamino.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhaaro
de: swear, take an oath
lx: dhaaro
pd: (dhaartay)
ps: v3b=
key: dhaaro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaawo
f.g3 (-wday, -watay) 1. Cid in dhibaato ku dhacdo u Alla tuugid. 2. Cid Jin, dabayl iyo wixi lamida ka dabiibasho. la-mid: dhawo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhaawo
f.g3 (-wday, -watay) 1. Cid in dhibaato ku dhacdo u Alla tuugid. 2. Cid Jin, dabayl iyo wixi lamida ka dabiibasho. m.f.dh, dhaawasho. la-mid: dhawo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaawo
v. hold a grudge
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaawo
-da: (magac, dhedig, keli) rajo cid xumaan iyo dhib loo rajeeyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhaawo
de: hold a grudge
lx: dhaawo
pd: (dhaawaday)
ps: v3a=
key: dhaawo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaayo
(Dhaaya-ha)
Xubnaha aragga; labada indhood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaayo
m.l Xubnaha aragga; indhaha.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhaayo
m.l Xubnaha aragga; indhaha.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaayo
m. n., pl., [collective] eyes; vision, sight; enlightenment, knowledge
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DHAAYO
(Daio) C,N Crotalaria saltiana Andr. Papilionaceae.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Dhaayo
name-f eyes; vision; sight; enlightenment, knowledge
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhaayo
-dhaayaha: (n) sight (saayt); eyes (aayis), vision (vi-shin) ~ aragti
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Dhaayo
magac loo baxsho gabadh aad loo jecel yahay oo lagu tilmaamay in ay dhaayaha oo kale tahay qaalinimqdeeda aawadeed.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaayo
-ha: (magacwadareed) xubnaha jidhka kuwa wax lagu aragno. Dh: indho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhaayo
cf: dhaay
de: eyes; vision, sight; [ext.] enlightenment, knowledge
lx: dhaayo
pd: (/ha)
ps: n1-m-pl/col
key: dhaayo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dharqo
f.mg3 (-qaday, -qatay) Ka dh.: noole, cunto ama cabbid ka dhergid.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
DHARQO
Gloriosa minor 10
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dharqo
(fal) carrabka meel dul marmari oo wax ku naban kaga gooso ama dub ku xoodaami.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhabaqso
f.g3 (-saday, -satay) Wax macaan cunid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhabaqso
v. eat (something wet ~ sticky) without proper manners
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhabaqso
(fal) carrabka dareere weel meel ku jira ku cab ama biyo si isdabajoog ah kolba meel yar oo godan ka cab.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhabaqso
de: eat (s.t. wet ~ sticky) without proper manners
lx: dhabaqso
pd: (dhabaqsaday)
ps: v3a=tr
key: dhabaqso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhabbaqo
(Dhabbaqa-da)
Aflaggaaddo; maag; gardarro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhabbaqo
m.dh Gardarro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhabbaqo
f. n. insult; provocation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhabbaqo
-da: (magac, dhedig, keli) maagid cid lagula kaco oo la aflagaadeeyo. Dh: aflagaado.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhabbaqo
de: insult; provocation
lx: dhabbaqo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: dhabbaqo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dharaqso
f.g3 (-saday, -satay) Candho dharaq ka maalid ama ka nuugid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dharaqso
(fal) dharaq naas ka raadi oo in caano ku hadheen ka eeg. Saca laga lisay, dharaqso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dahaaro
-da: (magac, dhedig, keli) nadaafad aan nijaas iyo wasakh midna ku jirin. Li: nijaas.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dalaaqo
m.dh la-mid: dalaaq².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaafso
f.lg3 (-saday, -satay) Wax, wax kale ku beddelasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhaafso
f.lg3 (-saday, -satay) Wax, wax kale ku beddelasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaafso
v. exchange
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhaafso
-dhaafsaday/dhaafsatay: (v) trade (tareeydh); swap (iswaap); make an exchange of one thing for another
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaafso
(fal) wax aad haysatay, wax kale ku beddelo; weydaarso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhaafso
de: exchange
lx: dhaafso
pd: (dhaafsaday)
ps: v3a=
key: dhaafso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaanso
f.g/mg3 (-saday, -satay) 1. (f. g) Weel buuxsasho. 2. (f.mg) Gaadiid biyo meel fog uga doonasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhaanso
f.g/mg3 (-saday, -satay) 1. (f.g) Weel buuxsasho. 2. (f.mg) Gaadiid biyo meel fog uga doonasho. m.f.dh, dhaansasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaanso
v. fetch water (for oneself); fill something up (with liquid)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaanso
(fal) buuxso oo wax meel aad ku shubatay daf ka sii. Dh: buuxso.
dhaanso: (fal) ceelka weel kaga dhaanso biyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhaanso
de: fetch water (for oneself); fill s.t. up (with liquid)
lx: dhaanso
pd: (dhaansaday)
ps: v3a=
xe: I only fill up my stomach so I dont think about anything else.
xv: Anigu caloosheyda uun baan dhaansadaa ee waxba kama fekero.
key: dhaanso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaanto
(Dhaanta-da)
Cayaaraha Soomaalidu tumato oo waaweyn mid kamid ah; hirwo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaanto
m.dh Nooc cayaaraha dhaqanka ka mid ah oo leh jaan, sacab iyo or.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhaanto
m.dh Nooc cayaaraha dhaqanka ka mid ah oo leh jaan, sacab iyo or.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaanto
f. n., [collective] major Central & Western Somali partner clap dance
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhaanto
-dhaantada: (n) Somali folk dance
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaanto
-da: (maga, dhedig, keli) dhadaanbi raad aad u badan oo bahal ama dad meel ay si is dhaafdhaaf ah u marmareen.
dhaanto -da: (magac, dhedig, keli) ciyaar loo yaqaanno magacyo kala duwan sida Hirwo iyo Weglo oo ka mid ah ciyaaraha ugu fac weyn ee Soomaalida. Ciyaarta wiilashu waxay ku labbistaan toorrey, labo go' oo maxamuudi ah, garbagale iyo kabo jaangeri ah, gabdhuhuna waxay xidhaan kuul shakaalan oo cunaabi ah, dugaagado, maro saddex qayd ah oo boqor iyo dhacle wadata, shalmad subeeciyad ama khayli ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhaanto
de: major Central & Western Somali partner clap dance involving both men and women
lx: dhaanto
pd: (/da)
ps: n6-f-col
key: dhaanto
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaaqay
(fal) neef jani noqo, dhaaqo ahaw. Sacyahaw in badan ayaa lagu maalee dhaagay. Dh: dhaaqee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaarso
f.g3 (-saday, -satay) Qof dhaar marsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhaarso
f.g3 (-saday, -satay) Qof dhaar marsasho. m.f.dh, dhaarsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaarso
v. make someone take an oath, have someone swear on his own behalf
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhaarso
de: make s.o. take an oath, have s.o. swear on his own behalf
lx: dhaarso
pd: (dhaarsaday)
ps: v3a=tr
key: dhaarso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaasho
f.g3 (-shaday, -shatay) Dhaashi marcasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhaasho
f.g3 (-shaday, -shatay) Dhaashi marcasho. m.f.l, dhaashasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaasho
v. grease, lubricate, spread, smear, daub
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhaasho
-dhaashaday / dhaashatay: (v) put cream on one's face
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaasho
(fal) basaasta iska bi'i oo subko. Cadowgaaga dhuux sagaara loogu dhaashadaa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhaasho
de: grease, lubricate, spread, smear, daub
lx: dhaasho
pd: (dhaashaday)
ps: v3a=
key: dhaasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhabaso
-da: (magac, dhedig, keli) naag xun oo dhillaysata. Dh: dhillo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhabato
(Dhabata-da)
(senen) karti isha dadku leedahay oo wixii wanaagsan oo ayan lahayn oo ay jeclaysato wax ku yeeli karto; qumanyo; il; cawryid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhabato
m.dh Karti isha dadku leedahay oo la rumaysanyahay inay cid wax ku yeeli karto.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhabato
f. n. the evil eye
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhabato
-da: (magac, dhedig, keli) wax aan la jeclayn lagana ilaashado in cidi kaa gasho. Dh: karabato.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhabato
de: the evil eye
lx: dhabato
pd: (/da)
ps: n6-f
syn: dhejis
key: dhabato
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhacaro
f.mg3 (-rtay, -ratay) Dhul oomane ah oo dhacar leh, xoolo ku hayn oo ku dhaqaalayn; dhaqar daaqid. la-mid: dhacarso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhacaro
v. graze one's livestock on good pasture
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhacaro
de: graze one's livestock on good pasture (in an otherwise arrid country area)
lx: dhacaro
pd: (dhacartay)
ps: v3b=
key: dhacaro
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhafato
-da: (magac, dhedig, keli) eeg dafto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhalalo
m.dh la-mid: dhalaalo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhalalo
-da: (maac, dhedig, keli) dhaxan aad u qabaw oon dabayl lahayn oo subaxa hore dhacda. Dhalalada dugsi ka fadhiiso. Dh: gabadano, dhaxan.
dhalalo -da: (maac, dhedig, keli) xanuun ilkaha laga dareemo kolka wax aad u qabaw la cabbo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaqayo
(Dhaqaya-da)
Xoolo inta waa hore dhalay, sii gura haya oo caano yari ku danbeeyaan; gibbaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaqayo
m.dh.kh Neef muddo la maalayey.