dhaan-dabaggaalle
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaan-dabaggaalle
Dhalanteed; irwir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhan-dabaggaalle
m.l Dhalaal hirar ah, biyo la moodo oo samaysma markakulka badan ee qorraxdu dhulka ku dhaco; wirwir; dhalanteed.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaan dabaggaalle
np-idiom: mirage
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhaan_dabaggaalle
de: mirage Lit: water caravan of squirrels
lx: dhaan dabaggaalle
ps: np-idiom
key: dhaan_dabaggaalle
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaandabaggaale
m.l Dhaldhalaal biyo la moodo oo samaysma marka milicda kulul ee qorraxdu ku dhacdo meel yara durugsan; wirwir.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

dhandabaggaalle
m.l Dhalaal hirar ah, biyo la moodo oo samaysma markakulka badan ee qorraxdu dhulka ku dhaco; wirwir; dhalanteed.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhaan dabagaale
(n) mirage (mi-raash); fata morgana (faata moor-gana) ~ wirwir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhalanteed
(Dhalanteed-ka)
Waxyaalo fogfog muuqaalladood ishu moodayso inay arkayso, waxaana ku wacan, iftiinka qorraxda, oo inta soo dhex mara, lakabyo kala sarreeya oo kala qabow, kalana cumursan oo neecaw ah, kolkuu dhulka yimaado misna kor u jinbacma haya; muuqaallada laga arko dhulalka kululi waa ka duwan yihiin kuwa laga arko dhulalka qabow; wirwir; dhaan dabaggaalle.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wirwir
(Wirwir-ka)
1. Dhaldhalaal; birbir.
2. Dhalanteed; dhaan dabaggaalle.
3. Qorraxda harkii oo lagu dhalandhoolo, lagu socdo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhalanteed
dhalanteed¹: m.l (-dyo, m.dh) Wirwir; dhaan dabaggaalle.
dhalanteed²: m.l (c.naf) Marka aad qabto wax dhalanteed ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhalanteed
dhalanteed¹: m.l (-dyo ..., m.dh) Wirwir; dhaan dabaggaalle.
dhalanteed²: m.l (c.naf) Marka aad qabto wax dhalanteed ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhalanteed
de: mirage
lx: dhalanteed
pd: (-ka)
ps: n2a-m
syn: dhaan dabaggaalle, dhallaan-habaabis, wirwir
key: dhalanteed
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wirwir_1
cf: dhaan-dabaggaalle, dhalanteed, dhallaan-habaabis
de: twinkle ~ twinkling, shining; [ext.] mirage
hm: 1
initial: w
lx: wirwir
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: wirwir_1
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhaqan-dhaqaale
-dhaqaalaha: (n) socioeconomics (soo-se-yoo-eke-noo-mikis); social and economic factors
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaqandhaqaale
m.l Hab dhaqaale oo isku jaangoynaya bulsho hantideeda iyo nolosheeda.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhaqandhaqaale
m.l Hab dhaqaale oo isku jaangoynaya bulsho hantideeda iyo nolosheeda.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaqandhaqaale
m. n., [collective] socio-economics, study of the economy in society
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaqandhaqaale
-ha: (magac, lab, keli) is kaashi dhaqaale oo la wada xoogsado oo midba waxa uu u baahan yahay uu ka kale ka helo; dhaqaalaha ku salaysan dhaqanka iyo nolsha bulshada.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhaqandhaqaale
de: socio-economics, study of the economy in society
lx: dhaqandhaqaale
pd: (/ha)
ps: n0-m-col
key: dhaqandhaqaale