ereyga

deyrdhal

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

deyrdhal

DHAN

-ka: (magac, lab, keli) geela dhala xilliga dayrta. Deyrdhalkaagiyo, deyr nin guursaday daanku dheeraa.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

dayrdhal

DHAFAN

m.l D. ah: neef geel ah oo xilli dayr ah dhalay.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

dayrdhal

DHAFAN

-ka: (magac, lab, keli) xoolaha neefka dayrta jiilaalka ka horraysa dhala. Li: diraacdhal.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

deyradhaaf

DHAFANDHAAF

m.l (-fyo, m.dh) Bartamaha xilliga diraacda oo ah waqti aad u dhaxan badan.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

deyradhaaf

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) dhaxan qabaw oo dabayaaqada dayrta dhacda. Deyradhaaf ayaa dhacaysee koodh xidho. Dh: dayradhaaf, dhaxan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

dedaal

DHAFANDHAAF
1

dedaal¹: m.l la-mid: dadaal¹.

2

dedaal²: f.mg1 (-lay, -shay) la-mid: dadaal².

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

deyran

DHAFANDHAAF
1

(tilmaame) meel deyr ku xiranyahay. Aqalku wuu deyran yahay dul iyo hoosba.

2

deyran: (ereydhawaaq) dadku ku dhawaaqo marka xoolo lumaan ama wax xun la sheego.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

jeydal

DHAFANDHAAF

m.l (-llo, m.dh) la-mid: jeedal¹.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

meydal

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) midab madaw oo dhalaala ah. Sacayagu midab meydal ah ayuu leeyahay. Dh: maydal.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

awrdhal

DHAFANDHAAF

m.l (-llo, m.dh) 1. Awrka markastaba hasha qurbac ka dhalo. 2. Hal da' kasta qurbac dhasha. la-mid: awradhale.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

awrdhal

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) eeg awradhale.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

dardhad

DHAFANDHAAF

m.l la-mid: dardhasho.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

dardhad

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) roob iyo qabow dartiis la qadhqadhid. Dh: qadhqa. Li: diirrimaad.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

deyraan

DHAFANDHAAF

m.l Dabaysha, firada, heerka iyo wixi lamida oo ka soo hormara roob di'i raba.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

mardhal

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) eeg marcurad.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Delidhac

DHAFANDHAAF
1

(Delidhac-a)

2

Jarkadhac; meelkadhac; dhibtood.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

delidhac

DHAFANDHAAF
1

delidhac¹: m.l 1. Jar ka dhac. 2. la-mid: delidhacid.

2

delidhac²: f.mg1 (-cay, -cday; -dhici) Ka dhicid meel deli ah.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

delidhac

DHAFANDHAAF

m.l 1. Jar ka dhac. 2. la-mid: delidhacid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

delidhac

DHAFANDHAAF

v., [compound] fall into a hole

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

delidhac

DHAFANDHAAF

-a: (magac, lab, keli) dhicidda meel jarab laga soo dhaco.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

delidhac

DHAFANDHAAF
1

de: fall into a hole

2

lx: delidhac

3

pd: (delidhacay)

4

ps: v1=cmp

5

key: delidhac

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

deyrnaan

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) deyr lahaan; ijaar ku soo wareegsan lahaan. Beertu deyrnaan ayay u baahan tahay.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

dhaldhal

DHAFANDHAAF

v. give birth (together ~ many times)

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

dhaldhal

DHAFANDHAAF
1

de: give birth (together ~ many times)

2

lx: dhaldhal

3

pd: (dhaldhalay)

4

ps: v1=pl

5

key: dhaldhal

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

dhardhaq

DHAFANDHAAF

m.l Xoolaha la qasho ama cuntada la cuno marka mayd la aasayo.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

diirdhac

DHAFANDHAAF

-a: (magac, lab, keli) diirka sare oo dhaca ama siibma.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

heerdhul

DHAFANDHAAF

m.l (fiisikis) Xaalad tamareedka neg, uguna hoose, ee molikiyuul, atam ama bu'. Tusaale ahaan, marka elektaroonka atamka hydaroojin ugu dhow bu'da, ayaa heerka tamarta atamka haydaroojin ugu hooseeyaa. Taas ayaa ah heer dhulka atamka.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

dayradhaaf

DHAFANDHAAF

m.l/dh (-fyo, m.dh) Waqtiga roobka dayrta ahi dhammaado oo dhaxantu bilaabato.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

dayrodhaaf

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) dhaxan qabow oo soo dhacda xilliga dayrtu dhammaanayso. Dh: gabaddano. Li: kaad.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

dheyrdheer

DHAFANDHAAF

m.l Shabaq siriqyo badan leh oo sagaarada lagu dabo.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

debedgale

DHAFANDHAAF

-ha: (magac, lab, keli) xayawaan aan dadka la noolayn oo buuraha iyo kaymaha ku nool. Dh: duurjoog, dibadgale. Li: dabjoog, docjoog.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

debedyaal

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) shayga aan cadceedda iyo debadda laga xeraynin ee bannaanka yaalla ama aan qarsoonayn. Dh: bannaanyaal, dibadyaal. Li: duddoyaal.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

dembidhaf

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) marka cid khalad laga galay ka cafinayso ciddii khaladkaa ka gashay. Dimbidhaaf ilaahay waydiiso.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Dhardhaar

DHAFANDHAAF
1

(Dhardhaar-ka)

2

Dhagxanta dabka ku wareegsan oo dheriga wax lagu karinayo sidda, midkood; (ama dhadhaar).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

dhardhaar

DHAFANDHAAF
1

dhardhaar¹: m.l (-rro, m.dh) 1. Dhagxaanta dabka ku wareegsan oo dheriga wax lagu karinayo la korsaaro midkood. 2. Dhagax weyn oo la qaadi karo. 3. la-mid: dhardhaarid. la-mid: dhadhaar¹.

2

dhardhaar²: m.dh Naxash.

3

dhardhaar³: m.dh (-rro, m.dh) (xisaab) Weedh ama hawraar loo qaatay run iyada oo aan la caddeyn, taas oo laga sii diiri karo weedho ama aragtiyo kale. Marka xisaabi la caddeynayo dhadhaarradu badanaaba waxa ay yihiin qaacidooyin la yaqaan oo sidooda loo qaato, maxaa yeelay caddeyntooda ayaa hore loo dhisay.

4

dhardhaar⁴: f.g1 (-ray, -rtay) Weel wax lagu karinayo dhagxaan u dhigid. la-mid: dhadhaar².

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

dhardhaar

DHAFANDHAAF
1

dhardhaar¹: m.l (-rro, m.dh) 1. Dhagxaanta dabka ku wareegsan oo dheriga wax lagu karinayo la korsaaro midkood. 2. Dhagax weyn oo la qaadi karo.

2

dhardhaar²: m.dh Naxash.

3

dhardhaar³: m.dh (-rro, m.dh) (xisaab) Weedh ama hawraar loo qaatay run iyada oo aan la caddeyn, taas oo laga sii diiri karo weedho ama aragtiyo kale. Marka xisaabi la caddeynayo dhadhaarradu badanaaba waxa ay yihiin qaacidooyin la yaqaan oo sidooda loo qaato, maxaa yeelay caddeyntooda ayaa hore loo dhisay.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

dhardhaar

DHAFANDHAAF

m. n. one of the three stones used to support a cooking pot

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

dhardhaar

DHAFANDHAAF

-ka: (n) one of the stones used to support the cooking pot; fire place

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

dhardhaar

DHAFANDHAAF
1

(fal) eeg dhadhaar.

2

dhardhaar -ka: (magac, lab, keli) saddexda dhagax ee dheriga la karinayo haya mid ka mid ah. Dhardhaar aan jabayn qaado. Dh: dhadhaar.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

dhardhaar

DHAFANDHAAF
1

de: one of the three stones used to support a cooking pot

2

lx: dhardhaar

3

pd: (-ka)

4

ps: n2-m

5

key: dhardhaar

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]

DHAY-DHAY

DHAFANDHAAF

(Dai-dai) S Allophylus rubifolius (Hochst) Engl. Sapindaceae.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Heer dhul

DHAFANDHAAF

Ground state

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

heer-dhul

DHAFANDHAAF

m.l (fiisikis) Xaalad tamareedka neg, uguna hoose, ee molikiyuul, atam ama bu'. Tusaale ahaan, marka elektaroonka atamka hydaroojin ugu dhow bu'da, ayaa heerka tamarta atamka haydaroojin ugu hooseeyaa. Taas ayaa ah heer dhulka atamka.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

jeerdhaaf

DHAFANDHAAF
1

(tilmaame) milaygii la isla ogaa oo laga dibmaray.

2

jeerdhaaf -ka: (magac, lab, keli) denbidhaafid hal mar. Dh: denbidhaaf.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Meercdhaf

DHAFANDHAAF

Amalgam

waa la naqliyay ✓