deymin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deymin
m.f.dh eeg deymi. la-mid: deymis, deynin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deymin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid xoolo amaah ah siin; cid deyn ku yeelasho. Dh: amaahin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
demin
m.dh la-mid: damin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
demin
-ta: (magac, dhedig, keli) dab holcaya ama colaad oogan bakhtiin oo qaboojin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deymi
f.g2 (-iyay, -isay) Qof lacag iyo wixi lamida amaahin. la-mid: deyni.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
deymi
f.g2 (-iyay, -isay) Qof lacag iyo wixi lamida amaahin. m.f.dh, deymin. la-mid: deyni.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
deymi
v. lend, give someone a loan, extend credit to
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
deymi
-yey / say: (v) lend (lendh); loan (loown); give or grant one a loan; give credit ~ amaahin. Ex: Fadlan ma i daymin kartaa $50? Could you lend me $50, please?
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deymi
(fal) amaahi qof lacag ama raashin. Dh: amaahi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
deymi
a: daymi
de: lend, give s.o. a loan, extend credit to
lx: deymi
pd: (deymiyey)
ps: v2a=tr
key: deymi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deemin
-ta: (magac, dhedig, keli) marka shay la kululaynayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deyman
f.mg1 (-ynmay, -ymantay; -ynmi) Wax deyn qaba noqosho (qof).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
deyman
f.mg1 (-ynmay, -ymantay; -ynmi) Wax deyn qaba noqosho (qof). m.f.dh, deynmid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deyman
(tilmaame) deyn badan lagu leeyahay: mid qaan badan qaba. Dh: qaamaysan, deynsan, deymeysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deymis
m.l la-mid: deymin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deymis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg deymin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deynin
m.dh la-mid: deymin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deyrin
-ta: (magac, dhedig, keli) iska fogayn, oo iska takoorid, iska caymadin. Nimuu dayriyay maanta berituu la dersaa. Fogayn, soo dhawayn dayri.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
lend
/lendh/ (v) deymin; amaahin. e.g. Could you lend me $50 please?
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
loan
/lown/ (n) 1. deyn (lacag ama wixii qof la amaahiyo) 2. deymin; amaahin.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
deymiye
-deymiyaha: (n) lender (lendhar); creditor (kari-diter) ~ qaansheegte
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Deynmid
(Deynmid-da)
Deyn gelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deynmid
m.f.dh eeg deyman.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
deynmid
vl. n. borrowing, entering into debt
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deynmid
-da: (magac, dhedig, keli) deyn badan qabid. Dh: deymoobid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
deynmid
de: borrowing, enter-ing into debt
lx: deynmid
pd: (-da)
ps: vn1-f
key: deynmid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
demi
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: dami.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
demi
v. extinguish, put out; turn off a light
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
demi
-yey / say: (v) 1. switch off (iswiij of); turn off (teen of). 2. extinguish (ekistinguwiish); put out a fire ~ bakhtii
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
demi
(fal) dab ama laydh shidmaya bakhtii. Dh: dami. Li: daa, huri, shid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
demi
a: dami
de: extinguish, put out; turn off a light rw: dan
lx: demi
pd: (demiyey)
ps: v2a=tr
key: demi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Deyn
1. (Deyn-ka) a) Wax (lacag, kd.) qof qabo oo qof kale ama dad kale ka qabo; gashi. b) Jar, haadaan, laag.
2. (Deyn-ta) Dhaafid, ka aalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deyn
deyn¹: m.l (-no, m.l) 1. Lacag iyo wixi lamida oo lays amaahsho. 2. Haadaan; jar.
deyn²: m.f.dh eeg daa. la-mid: dayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
deyn
m.l (-no, m.l) 1. Lacag iyo wixi lamida oo lays amaahsho. 2. Haadaan; jar. la-mid: dayn.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Deyn
Credit, Debt
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Deyn
Loan
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
deyn
f. n./m: debt; debit, credit, liabilities
deyn vl. n. abandoning, leaving; letting someone alone
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
deyn
-ta/ka: (n) loan (loown); credit (kare-dit); debt (dheet), liability (laaya-biliti); something owing; mortgage (moor-geeyj) ~ amaah
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deyn
-ka: (magac, lab, keli) meel buurta ka mid ah oo hoos u go'an lagana gudbi karin. Dh: qaw, jar.
deyn -ka: (magac, lab, keli) wax la is amaahiyo oo dib laysugu celiyo. Dh: amaah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ceymi
(fal) cid kale, badbaadi. Dh: caymi.
ceymi: (fal) naf ama hanti, caymis geli.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
damin
m.dh eeg dami. la-mid: damis, demin, demis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
damin
vl. n. extinguishing; turning off (a light)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
damin
-ta: (magac, dhedig, keli) dab ololaya bakhtiin. Daminta dabka dabdemiska ayaa u xilsaaran.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
damin
de: extinguishing; turning off (a light)
lx: damin
pd: (-ta)
ps: vn2-f
key: damin
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daymi
v. lend; give credit to someone
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daymi
(fal) qof kale, sii amaah uu hadhow iska soo celiyo. Dh: amaahi. Li: sii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daymi
de: lend; give credit to s.o.
lx: daymi
pd: (daymiyey)
ps: v2a=tr
see: deymi
key: daymi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
debin
m.dh la-mid: dibin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
debin
-ta: (magac, dhedig, keli) mid ka mid ah labada cad ee daboola afka dadka. Dh: bishin, bushin, faruur, dabin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
defin
-ta: (magac, dhedig, keli) marka wax kulul la qaboojinayo. Dh: qaboojin. Li: kulaylin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dejin
(Dejin-ta)
1. Wax kor joogey ama saarraa, hoos geyn.
2. (bad) doon ama markab burburin, burburin baddu la cunto oo haabadki lala waayo.
3. (suugaan) curin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dejin
m.f.dh eeg deji. la-mid: dejis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dejin
vl. n. accomodation, act of settling, placement, bringing down; landing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dejin
-ta: (magac, dhedig, keli) marka wax meel sare yaalla la keenayo hoos.
dejin: -ta: (magac, dhedig, keli) cid cadhootay xasilin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dejin
de: accomodation, act of settling, placement, bringing down; landing
lx: dejin
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: dejin
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
demi-
demi-, pref. - Barkii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
demid
m.dh la-mid: damid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
demis
m.l la-mid: demin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
demis
-ka: (magac, lab, keli) dab ama laydh dhidan bakhtiin.
demis-ka: (magac, lab, keli) qalab yar oo ilaaliya ama joojiya qulquldanabka maraya mareegta.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
demon
/dhimon/ (n) cirfitid (jinni xun).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
démon
démon, n.m. - Qofka shaydaanka ah; waxyeelada badan.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
demon
n., (a spirit) jini or jinni, -gi; (the devil) shaydaan, -ki.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Derin
(Derin-ta)
Gogol caw laga sameeyey; dermo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
derin
m.dh la-mid: dermo.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
derin
mat
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
derin
f. n. palm-leaf mat
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
derin
-ta: (magac, dhedig, keli) gogol lagu seexdo oo ka samaysan caw. Dh: salli, dermo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
derin
a: darin; darmo ~ dermo
de: palm-leaf mat
lx: derin
pd: (-ta)
ps: n1-f
key: derin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dewin
-ta: (magac, dhedig, keli) marka aad cid kale u sii gudbisid wax adiga meel kale kaa soo gaadhay. Dh: tebin.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DEYIB
(Deyeb) N Juniperus excelsa M.Bieb. Cupressaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Deyid
(Deyid-da)
Dhugasho gaaban oo degdeg ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deyid
m.f.dh eeg day. la-mid: dayid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deyid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg deyd.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
deymo
v. borrow
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
deymo
-deyntay / deymatay: (v) borrow (baaroow); take on loan (loown); take on credit; get credit ~ deynso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deymo
-da: (magac, dhedig, keli) jalleec mar qudhat ah. Dh: eegmo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
deymo
de: borrow
lx: deymo
pd: (deeyntay)
ps: v3b=
key: deymo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deyni
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: deymi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dumin
(Dumin-ta)
Wax dhisan (aqal, kd.) oo la jebsho, la soo rido.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dumin
m.f.dh eeg dumi. la-mid: dumis¹.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dumin
-ta: (n) destruction (dis-tarak-shin); demolition (dhe-mi-lishin); tearing apart ~ burburin
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Dumin
Demolizione
Demolition
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dumin
-ta: (magac, dhedig, kali) dhisme taagnaa, burburin ama baabi'in. Wax dumin way fudduddahay wax dhisidna way cululstahay. Li: dhisid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
eydin
vl. pron., pl. you [plural.]
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
eydin
a: aad
cf: idinka
de: you [plural]
lx: eydin
pd: (aydin)
ps: vpro-2pl
key: eydin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
eysin
eysin¹: m.l (-nno, m.dh) Wiilka walaashu dhasho.
eysin²: m.dh (-nno, m.dh) Gabadha walaashu dhasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
eysin
eysin¹: m.l (-nno, m.dh) Wiilka walaashu dhasho.
eysin²: m.dh (-nno, m.dh) Gabadha walaashu dhasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
eysin
m. n. nephew (sister's son)
eysin m. n. niece (sister's daughter)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
eysin
-kata: (n) nephew (nafyuu) or niece (niis) ~ inahabreed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eysin
-ka: (magac, lab, keli) wiilka walaashu dhasho.
eysin-ta: (magac, dhedig, keli) gabadha walaashu dhasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
-eynin
a: =-aynin
de: was / were not going to (X)
lx: -eynin
ps: v1-neg-ppgr
key: -eynin
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
beydin
vl. pron. you [plural.],
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
beydin
a: ayeydin
de: you [plural] + [FOCUS] = baa + aydin
lx: beydin
pd: (baydin)
ps: focus + vpro
key: beydin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caymin
(Caymin-ta)
1. Caymo u yeelid; nabadgelin.
2. Cayn ku giijin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caymin
m.f.dh eeg caymi. la-mid: caymis (2).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caymin
vl. n. saving (by running from danger); act of saving, sparing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caymin
-ta: (magac, dhedig, keli) caynka u jiidid; xadhigga caynka ku xidhid.
caymin-ta: (magac, dhedig, keli) nabadgelin; badbaadin; caymis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caymin
de: saving (by running from danger); act of saving, sparing
lx: caymin
pd: (-ta)
ps: vn2-f
key: caymin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ceyrin
(Ceyrin-ta)
Eryid; fogeyn; buubin; cagaajin; cirdayn; burin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ceyrin
m.f.dh eeg cayri. la-mid: cayris.