dewer
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dewer
dewer¹: m.l la-mid: dawarid.
dewer²: f.g/mg1 (-ray, -rtay) la-mid: dawar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dewer
(fal) cid aad wax weydiisanayso xoog u bari. Ilaahay xoog u dewer. Dh: bari.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deweri
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: dawari.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deweri
(fal) eeg dewer.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deer
m.l (-rar, m.l) Deerada keeda lab.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Deer
nickname; name-m light-skinned
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
deer
/dhiir/ (n) deero.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Deer
ama Deerow, magaca wiil midabkiisu casaan yahay oo deeran.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deer
-ka: (magac, lab, keli) jaa ka mid ah ugaadha duurjoogta ah oo adhiga laale'eg oo geesa leh keega lab. Deerku wuxu qoodh u yahay deerada.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
ewer
/yuwar/ (n) kirli (jalamad).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawer
-ka: (magac, lab, keli) baryo dadka wax la waydiisto. Dh: dawar.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
defer
/dhifer/ (v) 1. dib u-dhigid (v) 2. u khudduucid; u hoggaansamid.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
defer
v.tr., (refer to) gaabi, raaji; v.i., gaab, raag.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
deter
/dhiter/ (v) ka bajin.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
deter
v.tr., cabsii, baji.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dawarsi
(Dawarsi-ga)
Wareeg loo wareego in dadka la baryo oo la soo yaboohsado; (ama dewersi).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaraabasho
(Qaraabasha-da)
Waxaan faraha lagu hayn dibadda ka doondoonasho; dewersasho; qarafsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qarafsasho
(Qarafsasha-da)
Dewersasho; qaraabasho; (ama qarafeysasho).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tuugsasho
(Tuugsasha-da)
Wax weyddiisasho; baryootan; dewersi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dawar
dawar¹: m.l la-mid: dawarid.
dawar²: f.g/mg1 (-ray, -rtay) 1. (f.g) Baryo iyo yabooh u wareegid. 2. (f.g) Markab ama doon washirid. 3. (f.mg) Markab ama doon leexin. la-mid: dewer².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dawari
f.g2 (-iyay, -isay) Wax dhumay baadi goobid. la-mid: daweri, dawri, deweri.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dawarid
m.f.dh eeg dawar². la-mid: dawar¹, dewer¹, dewerid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dawarin
m.f.dh eeg dawari. la-mid: dawerin, dawrin, dewerin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dawarsasho
m.f.dh eeg dawarso. la-mid: dawarsad, dawarsi, dewersad, dewersasho, dewersi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dawarso
f.g3 (-saday, -satay) Dawarsi samayn (qof). la-mid: dewerso.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dawar
f.g/mg1 (-ray, -rtay) 1. (f.g) Baryo iyo yabooh u wareegid. 2. (f.g) Markab ama doon washirid. 3. (f.mg) Markab ama doon leexin. m.f.dh, dawarid. la-mid: dewer.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dewersasho
-da: (magac, dhedig, keli) sadaqaysasho oo kolba qof gacanta hoos dhigasho. Ilaahoow dewersasho ha na badin! Dh: dawarsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhawrtayso
(fal) dadka soo dhexmar oo baryootan. Dh: dewerso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarafaysi
-ga: (magac, lab, keli) baryootamid oo kolba qof wax weydiisasho. Qarafaysiga ardaydu ceeb ma'aha. Dh: dhawrtaysi, sadaqaysi, dewersi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarafayso
(fal) baryootan oo kolba qof wax weydiiso. Qarafayso haddaad waxba haysan. Dh: dhawrtayso, dewerso, sadaqayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tuugsad
-ka: (magac, lab, keli) dewersi; baryootan. Tuugsadku sharaf maaha.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tuugsasho
-da: (magac, dhedig, keli) baryootan; dewersad; wax weyddiisasho. Tuusasho ayey wadankeedii uga timid. Dh: dawersi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dewerid
m.dh la-mid: dawarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dewerid
-da: (magac, dhedig, keli) cid aad wax weydiisanayso xoog u baryid. Deweridda Ilaahay lagama daalo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dewerin
m.dh la-mid: dawarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dewersi
(Dewersi-ga)
Dawarsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dewersi
m.l la-mid: dawarsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dewersi
vl. n. begging
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dewersi
-ga: (n) street-begging; panhandling (paan-han-dhel-ing); begging (beeg-ing) ~ dawarsi, tuugsi, baryid. Ex: dewarsigu halkaan waa ka mamnuuc; begging is not allowed here
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dewersi
-ga: (magac, lab, keli) baryootamid iyo qarafaysi. Dh: sadaqaysi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dewersi
a: dawarsi
de: begging
lx: dewersi
pd: (-ga)
ps: vn2a-m
key: dewersi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dewerso
f.g/mg3 (-saday, -satay) la-mid: dawarso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dewerso
v. beg, ask for alms
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dewerso
(fal) dadka bari oo kolba qof wax weydiiso. Dh: qarafayso, sadaqayso, dawarso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dewerso
a: dawarso
de: beg, ask for alms
lx: dewerso
pd: (dewersaday)
ps: v3a=intr
key: dewerso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daweri
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: dawari.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daweri
(fal) eeg dawari.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
dealer
/dhiiler/ (n) 1. ganacsade (n) 2. qofka turubka bixinaya.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
debber
(fal) adiga oo aan cidna la kaashan, wax, hagaaji oo suubbi. Dh: xalli.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Deeper
Likig
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
défier
défier, v. - waxna kama baqo.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
délier
délier, v. - Debecsan; aan aad u xidhnayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
derder
derder¹: m.l la-mid: dardarid.
derder²: f.g1 (-ray, -rtay) la-mid: dardar³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
derder
(fal) cid kale, waalli ku rid adiga oo adeegsanaya fal ama farsamo kale.
derder -ka: (magac, lab, keli) waalli aan caadi ahayn oo sidii wax jin taabtay uu qofku dhaqmo.
derder-ka: (magac, lab, keli) u fiirsila'aan iyo is jidhjiidh. Derder la isku laayiyo intaan weerar daba joogno.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Desert
Lamadegaan
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
desert
1 /dhesert/ (n) 1. lama-degaan (saxaraa) (v) 2. ka tegid (cidlayn)
desert 2 /diseert/ (v) ka baxsasho, siiba ciidamada
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
désert
désert, n.m. - lama degaan; sida: saxaraha.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
desert
n., cid la’, -di, cidla’ ciirsila’, -di, miyi, -gi; a., cidla’, cidla ah.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
dévier
dévier, v. - Dhan u leexad; ka leexin; Jalleecid daymo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dherer
(Dherer-ka)
Salka iyo baarku intay isu jiraan; madaxa iyo cagaha inta u dhexaysa; (wax) afka laga bilaabay iyo afka uu ku dhammaaday intay isu jiraan; joog.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dherer
dherer¹: m.l 1. Salka iyo baarku inta ay isu jiraan, joog. 2. Wax dacalka uu ka bilowdo iyo ku dhammaado inta ay isu jiraan. 3. Fogaan.
dherer²: f.g/mg1 (ray, -rtay) 1. (f.g) Aad u sugid; raagsasho; dhaahsasho. 2. (f.mg) Taagnaan; likaysnaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dherer
dherer¹: m.l 1. Salka iyo baarku inta ay isu jiraan, joog. 2. Wax dacalka uu ka bilowdo iyo ku dhammaado inta ay isu jiraan. 3. Fogaan.
dherer²: f.g/mg1 (ray, -rtay) 1. (f.g) Aad u sugid; raagsasho; dhaahsasho. 2. (f.mg) Taagnaan; likaysnaan. m.f.dh, dhererid.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dherer
Length
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dherer
Length
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dherer
m. n., [abstract] height, altitude, length, depth
dherer: v. show deep emotion ~ feeling; be inspired, excited, restless
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dherer
-ka:(n) height (haayt); length (leength); tallness (tool-nes); stature (istaa-jar); depth (dhe-path) ~ dheerar
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Dherer
Altezza
Height
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dherer
-ka: (magac, lab, keli) cabbirka joogga wax leeyahay, ha gaabnaaado ama ha dheeraado.
dherer-ka: (magac, lab, keli) cabbiraadda fidsan ee u dhexaysa labo barood.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
drawer
/droor/ (n) khaanad.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Drawer
Jiidjiid, khaanad
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
viewer
/vyuwar/ (n) daawade.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
werwer
werwer¹: m.l la-mid: walwal¹.
werwer²: f.mg1 (-ray, -rtay) la-mid: walwal².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
werwer
v. worry; be concerned, anxious ~ worried
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
werwer
-ka: (magac, lab, keli) eeg welwel.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
werwer
de: worry; be concerned, anxious ~ worried
initial: w
lx: werwer
pd: (werweray)
ps: v1=intr
see: welwel (and related forms)
key: werwer
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dewersad
m.l la-mid: dawarsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dewersad
-ka: (magac, lab, keli) baryootan cid kale aad loo baryo. Dh: baryootan, sadaqaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dee
fk. Qurub lagu soo jiidanayo foojignaanta qofka lala hadlayo. Tusaale: “Ila hadal dee! Dee, maxaad u yeeshay?”.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dee
(falkaabe) erey lagu soo jiidanayo foojignaanta qofka lala hadlayo. I sii dee qalinka.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dew
Dharab
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
dew
/dhuu/ (n) dhado.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
dew
n., darab, -ki, sayax, -i.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
ewe
/yuw/ (n) lax (dheddiga idaha).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
ewe
n., lax, -di, sabeen, -ti.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wer
(fal) erey diidmo ah oo qof lagu cabsiiyo. Wer baan ku idhi arrintan haddaad ku kacdo. Dh: car, wir.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
-eer
a: =-keer
de: that, those (in the middle distance)
lx: -eer
ps: deic-m-suf
key: -eer
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Beer
1. (Beer-ka) a) Xubinta oogada kamid ah oo xammeetida samaysa dhiiggana ka ilaalisa wixii sun iyo waabaayo ah. b) (miro) qalbacyada hoose, (sida bun, yicib, quulle, garas,...).
2. (Beer-ta) Dhul la falay oo dhir iyo miro iyo badar iyo waxyaalo kale lagu abuuro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beer
beer¹: m.l (-rar, m.l) 1. Xubin uurkujirta ah lafdhabarleyda ka mid ah midabkeedu madow guduud ku dheehanyahay ah oo samaysa xammeetida, dhiiggana wixii sumeynaya ka ilaalisa. 2. Qaybta dhexe ee miraha, jilicsan, qolof ku dahaaran oo uu geedku ka dhasho.
beer²: m.dh (-ro, m.l) Dhul la falay oo dhir, miro, badar iyo wixi lamida lagu abuuri karo.
beer³: f.g1 (-ray, -rtay) 1. Dhul miro ku abuurid. 2. Ku b.: dareen gaar ah ku abuurid (qof).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
beer
beer¹: m.l (-rar, m.l) 1. Xubin uurkujirta ah lafdhabarleyda ka mid ah midabkeedu madow guduud ku dheehanyahay ah oo samaysa xammeetida, dhiiggana wixii sumeynaya ka ilaalisa. 2. Qaybta dhexe ee miraha, jilicsan, qolof ku dahaaran oo uu geedku ka dhasho.
beer²: m.dh (-ro, m.l) Dhul la falay oo dhir, miro, badar iyo wixi lamida lagu abuuri karo.
beer³: f.g1 (-ray, -rtay) 1. Dhul miro ku abuurid. 2. Ku b.: dareen gaar ah ku abuurid (qof). m.f.dh, beerid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
beer
v. farm, sow, cultivate, plant
beer [feminine] n. farm, garden
beer m. n. liver; flank
beer m. n. kernel; bean species
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
beer
/biir/ (n) biir (nooc khamriga ka mid ah).
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
beer
-ta: (n) farm (faarrn); plantation; garden (gaardhan)
—beer -ay / tay (v) farm, plant, grow
beer: -ka: (n) liver (livar)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Beer
Azienda agricola
Farm
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
beer
/biir/ (n) biir (kamry kafiif eh).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beer
(fal) dhul abuur oo wax ka soo saar. Barbari ninkii beertay gubtaa. Dh: turuq, qod.
beer: (fal) «kuku abuur jacayl, xumaan iyo walwal. Warkii xalay walawal buu igu beeray.
beer -ka: (magac, lab, keli) iniinyaha labada qalbac leh xubin ku dhex jirta sida bun, yicib, quulleh, garas iyo waxii la mid ah. Beer badan baa ku jira quullaha.
beer -ka: (magac, lab, keli) xubin uurkujirta ka mid ah, jidhka noolaha ku jirta, ka ilaaliya sunta iyo waabeeyada, dheef shiidka door lixaad leh ka qaata, xammeetidana sameeya.
beer-ka: (magac, lab, keli) cudur beerka barariya oo qofka uu hayaa yeesho yalaalugo, neefqabatin, cuntoxumi iyo oonta xoolaha oo uu ku xanuunsado.
beer -ta: (magac, dhedig, keli) dhulka dalagga cunnada laga soo saaro. Dh: aslaax.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
beer
كبد، مزرعة
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dawr
dawr¹: m.l la-mid: dowr¹.
dawr²: f.mg1 (-ray, -rtay) la-mid: dowr².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dawr
m. n. role, part
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawr
-ka: (magac, lab, keli) ceel biyo yareeyey ama gudhan.
dawr -ka: (magac, lab, keli) meesha wax lagaga jiro; kaalinta meel laga joogo. Dh: kaalin. dawrad -da: (magac, dhedig, keli) erey af Carbeed ah oo ka dhigan wareeg. Dayaxuba bal eegoo ma maro dawraddii hora e. Dh: wareeg, doorad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dawr
a: door
bw: Arabic
de: role, part
lx: dawr
pd: (-ka Pl: dawrar (ka))
ps: n4-m
key: dawr