deryaale
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deryaale
-ha: (magac, lab, keli) aqal Soomaali weyn oo dhig dhexaaddu labo u qaybisay oo deri leh. Dh: guudweyne. Li: buul.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dooryaale
-ha: (magac, lab, keli) saban ay colaad iyo abaari dhacday oo bakhtigii xoolaha dirxi iyo duqsi ka dhasheen.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
horyaale
m.l (-layaal, m.l/dh) (naxwe) Curiye aan doorsoomin oo hawshiisu tahay in layeele dadban uu qabadsiiyo falka weerta. Tusaale: “Safiya baa salligaas ku tukatay”.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
horyaale
m.l (-layaal, m.l/dh) (naxwe) Curiye aan doorsoomin oo hawshiisu tahay in layeele dadban uu qabadsiiyo falka weerta. Tusaale: Safiya baa salligaas ku tukatay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabaryaale
-ha: (magac, lab, keli) eeg dabarriyaale.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mergayaale
-ha: (magac, lab, keli) midhaha geedaha qaarkood sida qudhaca galoolka iyo maraaga oo geydhe laga dhigto. Dh: dhinbil, qabco, gaydhe, dheemaal.
mergayaale-ha: (magac, lab, keli) geed ka mid ah geedaha ka dhasha ama ka dhexbaxa geedaha kale oon godax lahayn. Sogsogta waxa ka dul bigla mergayaale. Dh: hiddigalo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Giiryaale
(Giiryaala-ha)
Qof aan geesi ahayn; fuley.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
giiryaale
m.l Qof aad fuley u ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
giiryaale
m. n., [compound] coward
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
giiryaale
-ha: (magac, lab, keli) qof fule ah.Li: geesi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
giiryaale
de: coward
lx: giiryaale
pd: (/ha)
ps: n7-m-cmp
key: giiryaale
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
seenyaale
m. n. traffic light
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
seenyaale
-seenyaalaha: (n) signal (signal)
u seenyaalee -yey/seenyaaleysay: (v) make a signal or signals
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seenyaale
-ha: (magac, lab, keli) jaad ka mid ah warisgaarsiinta badda oo calmaan midabyo leh oo mid waliba xaraf ama macnayaal kale ka dhigan yahay oo maraakiibtu isugu baaqdo; calanwalayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
seenyaale
de: traffic light {It}
initial: s
lx: seenyaale
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: seenyaale
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dedaal
dedaal¹: m.l la-mid: dadaal¹.
dedaal²: f.mg1 (-lay, -shay) la-mid: dadaal².
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
derail
/dhireyl/ (v) khadka tareenka ka bayrid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deynle
m.l (-layaal, m.l/dh) Qof, qof kale deyn ku leh. la-mid: deynlow.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
deynle
m.l (-layaal, m.l/dh) Qof, qof kale deyn ku leh. la-mid: deynlow.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
deynle
m. n. creditor
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
deynle
-deynlaha: (n) lender (lendhar); creditor (kare-diter) ~ qaansheegte
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deynle
-ha: (magac, lab, keli) cid amaah cid kale ku leh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
deynle
a: deynlow (ga) [n2a-m]
de: creditor
lx: deynle
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: deynle
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diraal
(Diraal-ka)
(guddi, ergo, kd.) meel loo diray oo la faray hawl gaar ah qabashadeed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diraal
m.l (-llo, m.dh) 1. Dad meel loo diray oo la faray iney qabtaan hawl gaar ah. 2. Muhimad gaar ah oo diraal loo xilsaaray.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
diraal
vl. n. emissary, delegate; group of emissaries, delegation; act of sending
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diraal
-ka: (magac, alb, keli) dhambaal qoraal ah ama farriin ergo ah oo la isku diro.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
diraal
de: emissary, delegate; group of emissaries, delegation; act of sending
lx: diraal
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: diraal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eeryal
-ka: (magac, lab, keli) eeg anteeno.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
serale
agg. - habeeneed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baraale
m.l B. leh: wax baro leh.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
BARAALE
(Barale) N Digitaria abyssinica (A.Rich.) Stapf. Gramineae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baraale
-ha: (magac, lab, keli) dhulka u dhaw dhul badhaha adduunka. Baraaluhu wuu ka kulul yahay labada geftin ee dhulka. Dh: badhaale,
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
biyaale
m. n. water seller
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
biyaale
a: biyoole {N}
de: water seller
lx: biyaale
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: biyaale
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
BURAALE
(Burale) N Brachiaria ovalis Stapf. Gramineae.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Buraale
name-m granular. Lit: he who is born with warts, tumors and abnormal granules on his body parts
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buraale
magac loo baxsho wiil jidhka buro muuqata ku leh.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
cereale
agg. e s.m. - badar, firiley.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
céréale
céréale, n.f. - Heed (Qamandi; Bariis; Sareen; Heed).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dacyaal
m.l (-llo, m.dh) Qori, dhagax iyo wixi lamida oo muddo badan ceel agtiisa yiil.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Dacyaal
Inta badan dhex yaal qoyaan biyood.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dadaale
m. n. diligent person; zealous man
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dadaale
-ha: (magac, lab, keli) qof sidii uu hadaf u gaadhi lahaa muruq iyo maskaxba ku bixiya.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dadaale
de: diligent person; zealous man
lx: dadaale
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: dadaale
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daraare
-ha: (magac, lab, keli) duco iyo sadaqad cunto loo karsho. Dh: casuumad, daqar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Darbaal
(Darbaal-ka)
Shiraac aan biyaha soo deyn oo laami marsan yahay oo alaabada, kd„ la huwiyo si ayan u qoyin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darbaal
m.l (-llo, m.dh) Maro weyn, adag oo baabuurta aqallada iyo wixi lamida roobka looga dado; shiraaq.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
darbaal
m.l (-llo, m.dh) Maro weyn, adag oo baabuurta aqallada iyo wixi lamida roobka looga dado; shiraaq.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
darbaal
m. n. canvas, tarp
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Darbaal
nickname-m canvas, tarp
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
darbaal
-ka: (n) canvas (kanvas)-, sail (seeyl)-, tarpaulin (taar-pooleri) ~ shiraac
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darbaal
-ka: (magac, lab, keli) maryo la isku tolay oo rarka looga dhigo awrta iyo dameeraha. Dh: karbaash.
darbaal -ka: (magac, lab, keli) maro adag oo aan biyaha sii daynin oo alaabada lagu dado si aanay u qoyin. Darbaalka alaabta saar roobka ha ka celiyee. Dh: shiraac.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
darbaal
cf: qabil
de: canvas, tarp
lx: darbaal
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: darbaal
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daryaan
daryaan¹: m.l la-mid: dayaan¹.
daryaan²: f.mg1 (-aamay, -aantay; -aami)) la-mid: dayaan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daryaan
(fal) qaylo, guux ama qarax aad u weyn samee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Dawaale
magac loo baxsho wiil dhalashadiisu dhib jirtay daawaysay, gaar ahaan mid labadiisa waalid dhex taallay.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Debacle
Baraf fatihin
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
DEELAAL
Cordia ovalis 01
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DEELAAL
(Delal) C Cordia somaliensis Bak. Boraginaceae.
S,NFD Phyllanthus somalensis Hutch. Euphorbiaceae.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
derajee
-yey I darajeysay: (v) honor (oonnar); respect (rispakt) ~darejee, ixtiraam
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
derange
/dhirenj/ (v) waalasho (isku-darsamid).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
dérangé
dérangé, adj. - Arbush; Qas.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
déréglé
déréglé, adj. - Bilaa sharci; sharci daro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuyaal
-ka: (magac, lab, keli) socod aan qor shaysnay iska dhaqaadid.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Digaale
name-m good fortune, good luck. Syn: Falxad, Falxado
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diryaan
diryaan¹: m.l la-mid: dayaan¹.
diryaan²: m.l la-mid: dayaan².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
diryaan
v. roar, rumble, thunder, reverberate, resound; produce a loud noise
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
diryaan
-ka: (n) deep, long, rolling sound; rumble (rarnbal)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
diryaan
a: dayaan
de: roar, rumble, thunder, reverberate, resound; produce a loud noise
lx: diryaan
pd: (diryaamay)
ps: v1=intr
key: diryaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
docyaal
-ka: (magac, lab, keli) alaabooyinka ladhigo weecadka afaafka laga soo galo aqal Soomaaliga. Waxaad raadinayso docyaalka ka dhex eeg.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dubaale
m.l la-mid: dube.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Ducaale
name: Dualeh, Duwaale
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Ducaale
name-m blessed, holy man
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Ducaale
magac loo baxsho wiil duco ku dhashay ama loo arko in uu yahay qof duco qaba oo barakaysan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Ducaale
de: Dualeh, Duwaale
lx: Ducaale
ps: name-m
key: Ducaale
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
durable
/dhyurabal/ (adj) cimri-dheer, waaraya. e.g. durable peace.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
feriale
agg. - maalin shaqo.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Firyaal
name-f extraordinary
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hayaale
-ha: (magac, lab, keli) qof habac ah oo wax walba isagoon ka fiirsan aqbala. Ninkaasi naf ma leh oo waa hayaale. Dh: dameeridhanraacday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Horyaal
(Horyaal-ka)
Madax; horfiiq; hormuud.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
horyaal
m.l (-llo, m.dh) 1. Madax; horfiiq. 2. Cidda koobka ciyaarta ku guulaysato. 3. (- llo, mdh.) Xakabadda ceelasha kan ugu weyn oo ugu hooseeya.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
horyaal
m.l (-llo, m.dh) 1. Madax; horfiiq. 2. Cidda koobka ciyaarta ku guulaysato. 3. (-llo, mdh) Xakabadda ceelasha kan ugu weyn oo ugu hooseeya.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
horyaal
m. n. leader, chairman; guide; champion {sports}
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
horyaal
-ka: (n) forerunner (foor-ranar); champion (jaam piyan)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
horyaal
-ka: (magac, lab, keli) wax kasta kan ugu mudan ee ugu doorka weyn. Dh: madax, horfiq, hormuud.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
horyaal
de: leader, chairman; guide; champion {sports}
lx: horyaal
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: horyaal
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kiraale
m. n. hireling, hired person
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kiraale
de: hireling, hired person
lx: kiraale
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: kiraale
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
koryaal
m.l (-llo, m.dh) Qumbe ligligii laga gooyey oo haruub loo yeelay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
koryaal
-ka: (magac, lab, keli) dabedyaal ama cidlayaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meryaad
meryaad¹: m.l la-mid: maryaadid.
meryaad²: f.mg1 (-day, -dday) la-mid: maryaad².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
meryaad
inch. v. be restless, get agitated, become dazed
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Meryaad
name-f to be agitated; to become restless; to be confused or she who was born with mental confusion; restlessness due to strong emotion or unbearable birth-pains for her mother during delivery. Cf: Maryaad or Miryaad
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
meryaad
de: be restless, get agitated, become dazed (due to pain, sorrow, problem)
lx: meryaad
pd: (meryaaday)
ps: v1=inch
see: miryaad (and related forms)
key: meryaad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miraale
m.l (-layaal, m.l/dh) Mahiigaan habeeneed.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miraale
-ha: (magac, lab, keli) roob wayn habeenkii da'a. Miraalaha hortiibaa guryaha la iska moosaaye. Dh: gudgude, mayay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qiraale
-ha: (magac, lab, keli) wax aan la dafirin oo la oggolaado.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Rayaale
magac loo bixiyo wiil dhashay iyada oo la oomman yahay dabadeed na uu roob da'ay; waxa kale oo loo bixiyaa wiil meeshii uu ku dhashay Ilaahay rayo ku hadheeyay.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Riyaale
name-m goat owner; rail, thaler