dermoolay
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dermoolay
-da: (magac, dhedig, keli) meel ay ka baxdo tigaad laga sameeyo salliyada hurdada.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moolay
(fal) dhukur oo moolo u yeel; timaha ka wada xiir oo madaxa idiin aan timo lahayn ka dhig. Ka moolay askariga cusub. Dh: dhukuri.
moolay: (fal) geesaha ka daadi. Dibiga geesaha ka moolay dadkuu ku dilayaaye.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nemooley
-da: (magac, dhedig, keli) xoolaha la cuno cadkooga caanahooga na la dhamo. Dh: nimcoolay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darfooley
m.dh Nooc dermooyinka ka mid ah oo darfo casaan ah leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darfooley
-da: (magac, dhedig, keli) noocyada dermooyinka nooc ka mid ah oo darfaha laga madoobeeyo. Dh: salli.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhegoolay
(fal) is qof dhegala' iska dhig. Dh: dhegoolee.
dhegoolay-da: (magac, dhedig, keli) haweeney dhegala' oo aan waxba maqal.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fardoolay
-da: (n) mounted soldiers; cavalry (kaavalri); horsemen (hooresmiin)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fardoolay
-da: (magac, dhedig, keli) ciidanka inta fardaha fuushan ee ku dagaallanta. Dh: fardooley.
fardoolay-da: (magac, dhedig, keli) bulsho fardaha hayntooda ama dhaqiddooda iyo fuulidtaankooda taqaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geesoolay
-da: (magac, dhedig, keli) xoolaha inta geesaha leh. Dh: geesalay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoryoolay
-da: (magacwadareed) dadka ka shaqaysta qoryaha iyo xaabada.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
warmooley
-da: (magacwadareed) ciidanka inta warmaha ku dagaallanta. Ciidamadii Imaam Axmed ee dagaalkii Shinbirakore waxay u badnaayeen warmooley.
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
dermatology
(n) the medical study of the physiology and pathology of the skin.
barashada maqaarka
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Dermatology
Qaybta eudurrada Haragga
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dermad
m.dh Gees lo'aad inta la kululeeyey la soo laabay oo diillimo bati ah (macdan) lagu shaqlay oo dhallinta shirta ciyaarta cududda bidix ku xirtaan, balaayo xijaab ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dermad
-da: (magac, dhedig, keli) gees lo'aad inta la kululeeyey la soo laabay oo diillimo bati ah (macdan) lagu shaqlay oo dhallinta shirta ciyaarta cududda bidix ku xirtaan oo balaayaxijaab ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deymoo
(fal) kolba dhinac eeg oo hareeraha fiiri.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doolaq
-a: (magac, lab, keli) marka caleemaha geedku ay hoos u soo foorarsadaan ee ay dhadhaan.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
doolar
-ka: (n) dollar (daalar)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dooray
m.l (-yo, m.dh) Neef caano yar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
moolal
m.l (kiimika) Ribnaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
moolal
m.l (kiim.) Ribnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moolas
-ka: (magac, lab, keli) faylam jidh jilicsan leh oo ka tirsan lafdhabarla'da oo ay astaan tahay jidh aan maraaryo lahayn, oo u kala baxsan, madax, lug hoosaad murugaysan oo loo isticmaalo socodka, iyo tuur sare oo harag laabani ku daboolanyahay iyo dubaalad taas oo sinjiyada badankooda dhiiqda golof adag oo dabool ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mooley
-da: (magac, dhedig, keli) neef dhedig oon geeso lahayn. Ri' mooley ah ayaa waxar geesa leh dhasha. Dh: seenyo. Li:geesoley.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoolay
(fal) xoolo dhaqo oo faraqabsiin yeelo. Kol haddaad muddakartay reerka u xoolay oo caydha ka saar. Dh: xoolee, dhaq. Li: caydhi.
xoolay: (fal) bar adduun oon xoolo ahayn xoolo u rog. Dahabkan xoolay oo geel iyo adhi ka iibi. Dh: xoolee.
xoolay: (fal) weel dux xoolaad ku shub oo cusaybka ka baabi'i gocoyannimada ka bi'i. Dhillka aad toshay xoolay: Dh: qaabay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daloola
Dalool ku yaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deeqlay
m.l Nooc geedaha ka mid ah oo aan qodax lahayn oo dhacaan guduudan leh. la-mid: deeqle (2).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
deeqlay
m. n. thornless tree species, its sap is the color of blood
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
DEEQLAY
[DERLIE, DERLAY] Jatropha glandulosa 01
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deeqlay
-da: (magacwadareed) dadka deeqda bixiya. Dh: deeqbixiye.
deeqlay-da: (magac, dhedig, keli) nooc geedaha ka mid ah oo aan qodax lahayn oo dhacaan guduudan leh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
deeqlay
a: deeqle
de: thornless tree sp., its sap is the color of blood
lx: deeqlay
pd: (-ga)
ps: n-m
key: deeqlay
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deymood
-ka: (magac, lab, keli) si qooraansi ah wax u dayid; dhan eegid. Dh: jalleec.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhoobay
(fal) dhoobo mari; dhoobo ku talbiis. Dh dhoobee.
dhoobay -da: (magac, dhedig, keli) meel dhoobo badan oo kolka uu roob da'o mariddeeda lagu rafaado. Baabuurkii meel dhoobey ah ayuu ku banjaray. Dh: dhoobalay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
embolas
m.l (-syo, m.dh) (daawo) Walax, sida: xinjir, dufan, hawo, xabka ilamaha, dhiigaa raaca ka dibna ku joogsada meel oo xididka awda; dhiiggana halkaas wareegiisa ku joojiya.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
embolas
m.l (-syo, m.dh) (daaw.) Walax, sida: xinjir, dufan, hawo, xabka ilamaha, dhiigaa raaca ka dibna ku joogsada meel oo xididka awda; dhiiggana halkaas wareegiisa ku joojiya.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moolayn
-ta: (magac, dhedig, keli) timo wada xiirid oo madax idiin aan timo lahayn ka dhigid. Xaajiga moolaynta ayaa u fadli badan. Dh: dhukurid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moolays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg moolayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daboolad
-ka: (magac, lab, keli) weel afka dabool ka saarad. Dh: aabbudhad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daboolan
Dabool korka laga saaray; la qariyey; aan muuqan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daboolan
daboolan¹: f.mg1 (-lmay, -lantay) 1. Weel iyo wixi lamida wax la daboolay noqosho. 2. Wax muuqaalkooda wax kale qariyey noqosho.
daboolan²: f.mg4 (-lnaa, -lnayd) 1. Wax la daboolay ahaansho (weel iyo wixi lamida.) 2. Wax muuqaalkooda wax kale qariyey ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daboolan
daboolan¹: f.mg1 (-lmay, -lantay) 1. Weel iyo wixi lamida wax la daboolay noqosho. 2. Wax muuqaalkooda wax kale qariyey noqosho. m.f.dh, daboolmid.
daboolan²: f.mg4 (-lnaa, -lnayd) 1. Wax la daboolay ahaansho (weel iyo wixi lamida.) 2. Wax muuqaalkooda wax kale qariyey ahaansho. m.f.dh, daboolnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daboolan
der. [adjective] covered
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
daboolan
-daboolnaa / daboolnayd: (adj) capped (kapidh); covered (kavaridh); something covered
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daboolan
(tilmaame) wax qarsoon ama dabool afka laga saaray. Af daboolan waa dahab. Dh: aabbudhan, aabburan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daboolan
de: covered
lx: daboolan
pd: (daboolnaa)
ps: adj-der
key: daboolan
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
democrat
/dhimokrat/ (n) qof dimoqraadi ah, ama xubin ka ah xisbi dimogqraadi.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
demoniac
n., nin derderan.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
derisory
/dhiraysori/ (adj) jees-jees (likaaco).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farooley
m.dh Qalab bir ah oo daab dheer oo qori ah leh oo beeraha looga shaqeeyo. la-mid: faraley (2).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
farooley
m.dh Qalab bir ah oo daab dheer oo qori ah leh oo beeraha looga shaqeeyo. la-mid: faraley.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farooley
-da: (magac, dhedig, keli) qalab bir ama wax kale oo adag laga sameeyo oo afka hore ku leh faro dhaadheer oo dhulka lagu xaaqo ama carrada qushaashka iyo quruuruxa lagaga saaro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilmooley
m.dh Haweeney carruur badan oo yaryar leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
orgootay
m.l la-mid: orgootow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaroomay
(fal) cid kale, xeeladay. Hooyadaa qaroomee oo lacag ka qaado. Dh: shidaaradee, qaroomee, shidaaraday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Samoolad
(Samoolad-ka)
Gusoore.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
samoolad
m.l 1. Roob da'a xilliga xagaaga ah. 2. Xiddig magaciis. la-mid: samuulad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
samoolad
m. n. rain at the first part of the shorter dry season
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
samoolad
-ka: (magac, lab, keli) saddexda bilood ee guga tan dhexaysa. Dh: gu'soore.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
samoolad
bw: Gusoore
de: rain at the first part of the shorter dry season
initial: s
lx: samoolad
pd: (-ka)
ps: n-m
see: Xagaa
key: samoolad
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
WARMOOLE
(Warmole) N Myrsine africana L. Myrsinaceae.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
democracy
/dhimokrasi/ (n) dimogqraadi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deymoobid
m.f.dh eeg deymow. la-mid: deynoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deymoobid
-da: (magac, dhedig, keli) wax amaah iyo deyn badan lagu leeyahay noqosho.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
DHALOOLEY
Capitanya otostegioides 02
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DHALOOLEY
(Dalolei) S Capitanya otostegioides Guerke. Labiatae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhegooley
m.dh Naag aan wax maqal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fardooley
(Fardooley-da)
1. Bulsho fardo haysa kamid ah; fardaha hayntooda iyo dhaqiddooda iyo fuullaankooda yaqaan.
2. Ciidanka faraska ah.
3. Dhaqanwanaagga bulshada fardaha oo kale leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fardooley
fardooley¹: m.dh.u 1. Rag fardo leh ama fuli yaqaan. 2. Ciidan hubaysan oo fardaha ku dagaala.
fardooley²: m.dh.u (taar.) Qarniyadii dhexe waxaa loo yiqiin askari, badanaa ka dhasha dabaqadda sare, una shaqeeya boqorka ama taliya waqtiyada dagaalka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fardooley
fardooley¹: m.dh.u 1. Rag fardo leh ama fuli yaqaan. 2. Ciidan hubaysan oo fardaha ku dagaala.
fardooley²: m.dh.u (taar.) Qarniyadii dhexe waxaa loo yiqiin askari, badanaa ka dhasha dabaqadda sare, una shaqeeya boqorka ama taliya waqtiyada dagaalka.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
germoglio
s.m. - biqil; magool.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Jernoosam
Chernozem
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naasoolay
-da: (magacwadareed) eeg naaslay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nicmooley
m.dh.u Xayawaanka dadku manaafacaadsado sida geela, ariga iyo wixi lamida. la-mid: nimcooley.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nicmooley
f. n., [collective] domestic animals that bring prosperity (camels, cattle, etc.)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
nicmooley
-da: (n) livestock (laayy-istaak); such as cattle, camel or sheep, raised for home use or for profit ~ nimcooley
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nicmooley
de: domestic animals that bring prosperity (camels, cattle, etc.)
lx: nicmooley
pd: (-da)
ps: n0-f-col
key: nicmooley
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nimcoolay
-da: (magacwadareed) xoolaha la dhaqdo ee hilikooda iyo caanohooda la quuto. Dh: duunyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Qoryooley
pr. n., loc. Qoryoolee [town in south Somalia.]
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Qoryooley
de: Qoryoolee [town in south Somalia]
lx: Qoryooley
pd: (-da)
ps: n0-loc-f
key: Qoryooley
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
vermouler
vermouler, v. - xarka looxaanta gala.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaaboolay
-da: (magac, dhedig, keli) qof ama dad. xaabada gura oo ka shaqaysta. Islaan xaabooley ah ayaa shaqo fiican la siiyay. Dh: xaabalay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhexnoolaan
m.f.dh eeg dhexnool. la-mid: dhexnoolaansho.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
germogliare
v.intr. - biqlid; magoolid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
terminology
/termanolaji/ terminological (adj); (n) ereyo khaas u ah cilmi gaar ah.