demokarasiya
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
demokarasiya
m.dh Talis dawleed oo ku dhisan xukun uu dadweynuhu maamulo. la-mid: demokarasiyad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

demokarasiyad
m.dh la-mid: demokarasiya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
demokaraati
m.l D. ah.: qof aaminsan ama ku dhaqma mabda'a demokaraatiyada.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
demokaraati
m.l D. ah.: qof aaminsan ama ku dhaqma mabda'a demokaraatiyada.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
demokaraati
-ga: (magac, lab, keli) nidaamyada dawladuhu isku maamulaan midka ugu caansan oo ah in dawladdu lahaato golayaal dastuuri ah oo la soo doorto xeerar iyo gawaaniin kala hagaani u dhigan tahay. Dh: demoqraadi, dimuqraaddi. demokarasiyad-da: (magac, dhedig, keli) nidaamka dimuqraadiga ah. Dh: dimuqraadiyad.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
democracy
/dhimokrasi/ (n) dimogqraadi.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
emorragia
s.f. - dhiig baх.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
démocratie
démocratie, n.f. - Hab dawladeed uu dadku xuquugda u siman yahay; dawlad dadweynuhu iska dhex doortaan madaxdooda ikhtiyaar (yeesha).
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Demography
Demograafiyadda
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Demography
Aqoonta dhalashada iyo dhimashada dadka
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
demoralize
/dhimoralays/ (v) niyad-jebin.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
demonstration
/dhimonistareyshan/ (n) 1. mudaharaad 2. soo bandhigid sida shay u shageeyo.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
démonstration
démonstration, n.f. - Mudaaharaad caddeyn; bannaanbax,
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
demonstrative
/dhimonistareytiv/ (adj) 1. muujinaya (caddaynaya) (adj) 2. sicad dareenkiisa u muujiya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diblomaasiyad
m.dh (siyaasad) Xirribta iyo siyaasad wanaagga lagu maamulo xiriirka ka dhexeeya dawladaha.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
diblomaasiyad
m.dh (siyaa.) Xirribta iyo siyaasad wanaagga lagu maamulo xiriirka ka dhexeeya dawladaha.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diblomaasiyad
-da: (magac, dhedig, keli) hab siyaasiyiintu u shaqeeyaan oo cilmi la barto ah. Waa qaab debecsan oo loo ilaaliyo xidhiidhka labo dhinac u dhexeeya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dimoqraadiyad
m.dh Nidaam dawli ah oo taliskiisa si madax bannaani ah dadweynuhu u soo doortaan. la-mid: dimuqraadiyad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dimoqraadiyad
m.dh Nidaam dawli ah oo taliskiisa si madax bannaani ah dadweynuhu u soo doortaan. la-mid: dimuqraadiyad.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dimoqraadiyad
-da: (n) democracy (di-mook-rasi)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dimoqraadiyad
-da: (magac, dhedig, keli) eeg demokarasiyad.