deltoyd
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deltoyd
-ka: (magac, lab, keli) muruq weyn oo saddex gees leh, daboolana isgoyska garabka. Wuxuu kor u qaadaa gacanta oo ka fogeeyaa jidhka intiisa kale.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deltooyd
m.l.u (-dyo, m.dh) Muruq weyn oo qaab saddex gees leh oo daboola isgoyska garabka. Wuxuu kor u qaadaa gacanta oo ka fogeeyaa jirka intiisa kale.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
deltooyd
m.l.u (-dyo, m.dh) (cilmiga naflayda) Muruq weyn oo qaab saddex gees leh oo daboola isgoyska garabka. Wuxuu kor u qaadaa gacanta oo ka fogeeyaa jirka intiisa kale.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deligoyn
-ta: (magac, dhedig, keli) marka qofka lagu qasbaayo inuu qabto hawl tamartiisa ka badan. Dh: dhabarjab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
delo
m.dh (botani) Geed cawska lagu tiriyo oo leh laamo dhaadheer, oo xubno leh oo sida dhuumaha dhexda ka daloola, waxyaalo badanna laga sameeyo, oo ka baxa agagaarka webiga.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
delo
m.dh (botani) Geed cawska lagu tiriyo oo leh laamo dhaadheer, oo xubno leh oo sida dhuumaha dhexda ka daloola, waxyaalo badanna laga sameeyo, oo ka baxa agagaarka webiga.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
delo
-da: (magac, dhedig, keli) geed cawska lagu tiriyo oo leh laamo dhaadheer, oo xubno leh oo sida dhuumaha dhexda ka daloola oo waxyaalo badanna laga sameeyo, kana baxa agagaarka webiga.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Deyd
(Deyd-ka)
Dhis wareegsan oo aqallada, kd., loo yeelo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deyd
m.l (-dad, m.l) Dhis wareegsan oo aqallada iyo wixi lamida lagu wareejiyo ama horay looga yeelo. la-mid: deyr.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
deyd
m.l (-dad, m.l) Dhis wareegsan oo aqallada iyo wixi lamida lagu wareejiyo ama horay looga yeelo. la-mid: deyr.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
deyd
m. n. fence
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
deyd
-ka: (n) 1. courtyard (koort-yaadh); yard (yaadh). 2. enclosure (en-kalaaw-sher); fence (feens) ~ xero, deyr
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deyd
-da: (magac, dhedig, keli) eegid oo fiirin. Dh: dayid, eegid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
deyd
cf: deyr
de: fence
lx: deyd
pd: (-ka Pl: deydad (ka))
ps: n4-m
key: deyd
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
decoy
/dhikoy/ (n) 1. dabin-qool (shirqool) (v) 2. dabin u qoolid (dabid).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
deity
/dhiyeti/ (n) ilaah (ilaahnimo).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
delay
/dhiley/ (v) 1. dib u dhigid, u kaadin (n) 2. dib u-dhac.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Delay
Daahid
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
delay
n., (deferring) raagniin, -ti.
delay, v.i., raag, gaab; v.tr., raaji, gaabi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
delow
-ga: (magac, lab, keli) jar aad u hooseeya oo dushiisuna bannaan tahay. Delow ayuu ka dhacay awrkii waynaa ee baarqabka ahaa.
delow-ga: (magac, lab, keli) dhinaca kuu soo xiga. Intaan daadku delowga iga soo gelin iga moos aqalka. Dh: hareer, dhinac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
delta
m.dh (juqraafi) Dhul webi afkiisa ah oo u eg marawaxad, oo uu webigu dhigay wixii adke ahaa ee uu sidey oo aanay wada qaadi karin mowjaduhu. D.ha webiga Nayl waxaa loo yaqaan bad ujeediye dhabar-galloocan; deltaha Misisibina lug-faro-shimbireed.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
delta
m.dh (juqraafi) Dhul webi afkiisa ah oo u eg marawaxad, oo uu webigu dhigay wixii adke ahaa ee uu sidey oo aanay wada qaadi karin mowjaduhu. D.ha webiga Nayl waxaa loo yaqaan bad ujeediye dhabar-galloocan;
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Delta
Dalta
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
delta
/dhelta/ (n) 1. xarafka afraad ee alifbeetada giriigga (n) 2. dhul-hoosaad saddex-xagal u eg, oo webigu badda kaga darsamo. e.g. the Nile delta in Egypt.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
delta
-ha: (magac, lab, keli) saddexagloodka uu tuullimaadku ku dhiso afka webiga duqoobay.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
détto
agg. - lagu naanayso, xusan.
s.m. - oraah.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
debtor
/detor/ (n) deyn-qabe (deynsade).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
debtor
n., nin gashiyaysan or qaamaysan.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
deploy
/dhiploy/ (v) ku fidin ciidamo milateri dhulka, si dagaal loogu diyaariyo.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
detour
/dhiitur/ (n) dariiq wareeg ah; aan toos ahayn.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
détour
détour, n.m. - Dhaafid (Gudbid; baasmareyn).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
devoid
/dhivo idh/ (n) ka maran, aan lahayn.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
dévoyé
dévoyé, adj. - Habow; Marin habaabid; ambasho,
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dilood
v.auto: kill for oneself
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dilood
-dilootay / dilooday: (v) addict (adikt); one who is addicted, as to narcotics. Ex: wiilkii khamraa dilooday; the boy was addicted to alcohol
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dilood
de: kill for oneself
lx: dilood
pd: (dilooday / dilootay)
ps: v1=auto
key: dilood
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
helood
(fal) waxaaga hel; waxaaga keligaa hel.
helood-ka: (magac, lab, keli) wax la heli karo; la helo; wax faraha ku jira.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
melted
a., shuban.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deddood
m.f.l eeg deddoo. la-mid: daddood.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
deddood
m.l eeg deddoo. la-mid: daddood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deddood
-ka: (magac, lab, keli) qadhqadhyoodka dhaxan iyo qabaw keenaan.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Delayed
Hakad: raagsin
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
déloyal
déloyal, adj. - Aan u daacad ahayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
deltaha
m.sisibina lug-faro-shimbireed.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
despond
n. (see despair).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
destroy
/dhistaroy/ (v) burburin, baabi'in.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
destroy
v.tr., baabi’i, bi’i.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deymood
-ka: (magac, lab, keli) si qooraansi ah wax u dayid; dhan eegid. Dh: jalleec.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
adulthood
/adalthuud/ (n) aw-reer, wiinang.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
destroyer
/dhistaroyer/ (n) baabi'iye.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
desultory
/dhisaltori/ (adj) aan nidaam lahayn (qubaash ah).