delidhicid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Delidhicid
(Delidhicid-da)
Meel jar ah ama la mid ah, ka dhicid; dhib arkid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
delidhicid
m.f.dh eeg delidhac². la-mid: delidhac¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
delidhicid
-da: (magac, dhedig, keli) jar ka dhicid; meel ka shalwasho. Dh: shalwasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Delidhac
(Delidhac-a)
Jarkadhac; meelkadhac; dhibtood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
delidhac
delidhac¹: m.l 1. Jar ka dhac. 2. la-mid: delidhacid.
delidhac²: f.mg1 (-cay, -cday; -dhici) Ka dhicid meel deli ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
delidhac
m.l 1. Jar ka dhac. 2. la-mid: delidhacid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
delidhac
v., [compound] fall into a hole
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
delidhac
-a: (magac, lab, keli) dhicidda meel jarab laga soo dhaco.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
delidhac
de: fall into a hole
lx: delidhac
pd: (delidhacay)
ps: v1=cmp
key: delidhac
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ladhicid
m.f.dh eeg ladhac.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ladhicid
-da: (magac, dhedig, keli) xoog wax ugu dhufasho; wax la dhicid; tumid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dibdhicid
m.dh 1. eeg dibdhac². 2. Hoos-u dhac (dhaqaale). la-mid: dibdhac¹, dibudhac, dibudhicid, dibudhicis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dibdhicid
-da: (magac, dhedig, keli) milaygi ballantu ahayd ka danbayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duldhigid
m.f.dh eeg duldhig.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duldhigid
-da: (magac, dhedig, keli) wax kor saarid oo dushiisa dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaldhicid
m.f.dh eeg qaldhac². la-mid: qaldhocod, qallicid, qallixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabadhicid
m.f.dh eeg dabadhac.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabadhicid
-da: (magac, dhedig, keli) wax hore, ka daba imasho. Iska dabadhicidda ha la joojiyo. Dh: daba imasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaadhicid
m.f.dh eeg dhaadhac². la-mid: dhaadhac¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaadhicid
-da: (magac, dhedig, keli) meel sare ka soo daadegid oo hoos u degid. Dh: daadegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhacdhicid
m.f.dh eeg dhacdhac². la-mid: dhacdhac¹ (5), dhicdhicid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhacdhicid
-da: (magac, dhedig, keli) daandaamid oo kolba dhan u dullaamid. Dh: dhicdhicid.
dhacdhicid-da: (magac, dhedig, keli) nabarro jidhka ka soo baxa gaar ahaanna madaxa yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhexdhicid
m.f.dh eeg dhexdhac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhibdhicid
(Dhibdhicid-da)
Dibudhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhicdhicid
m.dh la-mid: dhacdhicid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhicdhicid
-da: (magac, dhedig, keli) kolba dhan u dullaamid oo sidii qof sakhraansan u duulduulid. Sakhraannimada ayaa dhicdhicidda ugu wacan. Dh: duulduulid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhiidhiyid
(Dhiidhiyid-da)
Xanaaqid; camashood; dhirfid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiidhiyid
m.f.dh eeg dhiidhi4. la-mid: dhiidhi¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiidhiyid
-da: (magac, dhedig, keli) qaadanwaa wax laga biyadiido oo kacdoon la sameeyo. Dh: gadood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuldhicid
m.f.dh eeg dhuldhac². la-mid: dhuldhac¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuldhicid
-da: (magac, dhedig, keli) taagdarro ama bugtaan xoog ah la dhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dibudhicid
(Dibudhicid-da)
Wax waqtigii loo gooyey dib uga dhacay noqosho; (ama dibdhicid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dibudhicid
m.dh la-mid: dibdhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhebidhisad
m.l la-mid: dhibidhisasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhebidhisad
-ka: (magac, lab, keli) dhibishaxid samayn oo cadho darteed miciyaha isku lisid oo maraqsaarka habeed ku shaydhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhibdhibcid
m.f.dh eeg dhibdhibic.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhibdhibcid
-da: (magac, dhedig, keli) kolba dhibic soo tiixid. Dh: tiixtiixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiidhiibid
m.f.dh eeg dhiidhiib.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dib'udhicid
-da: (magac, dhedig, keli) milaygii la sugayay, ka habsaamid. Dh: dibdhicid.
dib'udhicid-da: (magac, dhedig, keli) qayrkaa ka hadhid oo hurumar samayn waayid. Li: horumarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dubbadhicid
m.f.dh eeg dubbadhac². la-mid: dubbadhac¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dubbadhicid
-da: (magac, dhedig, keli) isku hagaagid oo isla falgalid. Waxan sugayaa isku dubbadhicidda hawsha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dulfadhiyid
m.f.dh eeg dulfadhi. la-mid: dulfadhin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dulfadhiyid
-da: (magac, dhedig, keli) cid bugta la joogid.
dulfadhiyid -da: (magac, dhedig, keli) meel la weerarayo agbaryid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jilibdhigid
(Jilibdhigid-da)
Dagaal jilibka u laabid; diririd.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jilibdhigid
m.f.dh eeg jilibdhig². la-mid: jilibdhig¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jilibdhigid
-a: (magac, lab, keli) qof iska difaacayo cadow. Dh: iska cabin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daliigid
(Daliigid-da)
1. Faraha ku tuujin; duugid.
2. (ku daliigid) Ul ama wax kale oo sida daliigta u toosan, ku dhufasho, ku jiidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daliigid
m.f.dh eeg daalig³. la-mid: daliig¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daliigid
-da: (magac, dhedig, keli) timo, maydhax, xig iyo wixii lamid ah, gacmaha ku duugid. Dh: daliigis.
daliigid-da: (magac, dhedig, keli) cunto badnaanta si aan habboonayn wax loo cuno.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daliiqid
m.f.dh eeg daliiq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dallicid
(Dallicid-da)
1. (cunno) dallac ka dhigid.
2. Darajo kore gaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dallicid
m.f.dh eeg dallac². la-mid: dallac¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dallicid
-da: (magac, dhedig, keli) cunto suugayn oo idaam u samayn.
dallicid-da: (magac, dhedig, keli) derejo sare gaadhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Deldelid
(Deldelid-da)
Deldel ku dilid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deldelid
m.dh la-mid: dąldalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhidhiib
-ka: (magac, lab, kei) fadhi dabada dhulka la dhigo lugahana la fidiyo oo la isduldhigo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhidhiin
m.dh Dhasha ariga mid ka mid ah oo dhicis ah ee aan weyn noqonin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhididid
(Dhididid-da)
Dhidid yeelasho; dhidid ka imaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhididid
m.f.dh eeg dhidid³. la-mid: dhidid¹ (2).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diddimid
m.f.dh eeg diddin². la-mid: dindimid, dundumid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dildilid
-da: (magac, dhedig, keli) wax badan midmid u dilid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geliimid
-da: (magac, dhedig, keli) meel ama wax dhex gelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeldiyid
m.dh la-mid: jildiyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
urdhicid
m.dh la-mid: urdhac.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
urdhicid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg urdhac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaadhici
f.g/mg2 (-iyay, -isay) 1. (f.g) Cid hoos u dejin. 2. (f.mg) Ka dh.: arrin si fiican u fahamsiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhaadhici
f.g/mg2 (-iyay, -isay) 1. (f.g) Cid hoos u dejin. 2. (f.mg) Ka dh.: arrin si fiican u fahamsiin. m.f.dh, dhaadhicin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaadhici
v. let down, lower, bring down
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhaadhici
-ay say: (v) 1. lower / (loower); to cause to come down gradually. Ex: hoos u dhaadhici; lower it down. 2. ka dhaadhici -yey / -sey: (v) convince (kon-viinsi); persuade (peer-suweeydh); make believe
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaadhici
(fal) meel sare wax yaalla hoos uga daadeji. Bunka gaadhiga ka dhaadhici. Dh: deji.
dhaadhici: (fal) (ka ~) xog ay tahay in loo sheego, cid kale, ka raarid oo garansii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhaadhici
de: let down, lower, bring down
lx: dhaadhici
pd: (dhaadhiciyey)
ps: v2a=
key: dhaadhici
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiidhiib
f.mg1 (-bay, -btay) Fadhi luguhu u fidsanyihiin fariisasho (qof).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiidhiib
-ka: (magac, lab, keli) wax badan kolba hal cid u fidin oo siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiidhiin
dhiidhiin¹: m.dh Kur ka samaysanta ciidda bacaddada.
dhiidhiin²: m.dh Maqal ari aad u bar yar oo dhalatay iyadoon bila-dhammaysan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dibdhigid
-da: (magac, dhedig, keli) wax waqtigii loo ballansanaa inuu ku qabsoomo waqti kale u riixid. Dh: dibudhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dulmidiid
m.l.kh D. ah: qof aan dadka dulmin gardarradana oggolayn. la-mid: dulmifiir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faddhicid
(Faddhicid-da)
Faddhac yeelasho: daldalooshamid; googgo'id.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faddhicid
m.f.dh eeg faddhac².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faddhicid
-da: (magac, dhedig, keli) googgo'id ama daldalooshamid; faddhac yeelasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
foodhicid
-da: (magac, dhedig, keli) dhulka ka soo buurnaansho, kor u soo foocid. Dh: foocid, fooricid.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
ku dhicid
charge
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaldhacid
-da: (magac, dhedig, keli) qallixid oo hal diidaysa labo loox ama qori sanka kaga xidhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saldhigid
(Saldhigid-da)
Salka meel dhigid; joogsasho; fariisasho; xasilid; degid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saldhigid
-da: (magac, dhedig, keli) «u hadal iyo wixii la mid ah ka baaraandegid.Dh: xasilid, dagid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biyadhicid
m.f.dh eeg biyadhac². la-mid: biyadhac¹ (4).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biyadhicid
-da: (magac, dhedig, keli) wax biyuhu ka badan yihiin oo biyabiyo ah noqosho. Shaaha rasiin ka dhig oo biyadhicidda ka daa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabadhihid
m.f.dh eeg dabadheh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabadhihid
-da: (magac, dhedig, keli) in yar oo biira ah ka daba gayn. Dh: dabadhahid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dalankicid
m.f.dh eeg dalankac². la-mid: dalankac¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalkakicid
-da: (magac, dhedig, keli) colaad iyo abaar dartood, dalkii la degganaa oo looga guuro. Dh: dalkaqixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaadhicin
m.f.dh eeg dhaadhici. la-mid: dhaadhicis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaadhicin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax meel sare yaal hoos u daadejin. Dh: daadejin.
dhaadhicin -ta: (magac, dhedig, keli) (ka ~) xog ay tahay in loo sheego, cid kale, ka raaridid oo garansiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaadhicis
m.l la-mid: dhaadhicin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhexdhigid
-da: (magac, dhedig, keli) walax, meel mug leh dhexdeeda dhigid.
dhexdhigid -da: (magac, dhedig, keli) arrin iyo talo, ciddii ay khusaysay, wadaajin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhildhilid
m.f.dh eeg dhildhil.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhildhilid
-da: (magac, dhedig, keli) liimanka arabikhida ama xasiidda kolba liin firida ka daadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dibudhicis
m.dh la-mid: dibudhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dibudhigid
m.dh la-mid: dibudhig.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dibudhisid
m.dh Wax (guri iyo wixi lamida) la dhisay oo la burburiyay dhisidda.