deldelo
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
deldelo
f. n. hanging execution
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
deldelo
de: hanging execution
lx: deldelo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: deldelo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Deldel
(Deldel-ka)
Si gaar ah oo dadka loo dilo; inta surka siriq lagaga roorsho baa geed dheer ama meel loo dhisay, laga soo laallaadshaa (ama daldal).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deldel
deldel¹: m.l la-mid: dąldalid.
deldel²: f.g1 (-elay, -eshay) la-mid: dąldal².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
deldel
v. hang, lynch, execute by hanging
deldel vl. n. death by hanging, lynching
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
deldel
-ay / deldeshay: (v) hang (haang); put a person to death by hanging; crucify (kuruu-sifaay); lynch (linji)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deldel
(fal) meel ka soo laadlaadi, meel soo sudh oo hoos u soo daa. Dh: daldal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gogol
(fal) agab lagu fadhiisto ama lagu seexdo dhig: gogosha diyaari.
gogol-sha: (magac, dhedig, keli) wax lagu seexdo ama lagu fadhiisto; waxa dhulka la dhigto oo lagu seexdo.
gogol-sha: (magac, dhedig, keli) marooyin laga soo deldelo gidaarrada qolalka gudahooda, gaar ahaanna albaabbada iyo daaqadaha.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uusmiir
-ka: (magac, lab, keli) biyo ku jira uuska geela oo inta caloosha geed laga deldelo oo ilo yaryar oo sidii shaandho ah loo yeelo oo dhibcaha ka soo dhaca la ururiyo la cabbo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
deldel_1
a: daldal
de: hang, lynch, execute by hanging
hm: 1
lx: deldel
pd: (deldelay)
ps: v1=
key: deldel_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
deldel_2
de: death by hanging, lynching
hm: 2
lx: deldel
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: deldel_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deldelan
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: dąldalan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
deldelan
der. [adjective] hanged, lynched (of a person)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deldelan
(tilmaame) wax soo laadlaada; wax dusha laga soo lulay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
deldelan
de: hanged, lynched (of a person)
lx: deldelan
pd: (deldelnaa)
ps: adj-der
key: deldelan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Deldelid
(Deldelid-da)
Deldel ku dilid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deldelid
m.dh la-mid: dąldalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bedelo
(fal) wax kale ku doorso. Shaiiska bedelo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beddelo
f.g/mg. 3 (-eshay, -elatay) 1. (f.g) Wax, wax kale dhaafsasho. 2. (f.mg) Ka b.: qof meel hawl ka hayey meel kale oo uu hawshiisii ka si wato aadid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
beddelo
f.g/mg. 3 (-eshay, -elatay) 1. (f.g) Wax, wax kale dhaafsasho. 2. (f.mg) Ka b.: qof meel hawl ka hayey meel kale oo uu hawshiisii ka si wato aadid. m.f.dh, beddelasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
beddelo
v. exchange; change money ~ places (etc.); dress up, change clothes
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beddelo
(fal) «ku ~» wax, wax kale dhaafsasho. Baraandhida labagallaydan ku beddalo. Dh: doorso, geddiso.
beddelo: (fal) dhar aad xidhnayd iska saar oo mid kale gasho. Beddelo dharka oo dugsiga u bax. Dh: lebbiso
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
beddelo
de: exchange; change money ~ places (etc.); dress up, change clothes
lx: beddelo
pd: (beddeshay)
ps: v3b=
xe: Lets change places.
xv: An kala beddelanno meelaha.
key: beddelo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daldalo
f.g3 (-ashay, -alatay) Wax meel wada yaal hadba in ka qaadasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daldalo
f.g3 (-ashay, -alatay) Wax meel wada yaal hadba in ka qaadasho. m.f.dh, daldalasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daldalo
(fal) si isdaba joog ah wax u guro. Daldalo alaabtaada barrito.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dildilo
-da: (magac, dhedig, keli) summad ama calaamad loo yeelo geela si loo garto ciddii leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deldelaad
m.dh la-mid: dąldalid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
deldelaad
-da: (n) hanging (haanging)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deldelaad
-da: (magac, dhedig, keli) qaab dadka lagu dilo iyada oo xadhig luqunta loo gelinayo oo kor laga soo lulo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daldoolo
f. n. shortcomings, defects
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dulyeelo
f.mg3 (-eeshay, -eelatay) Sabir iyo dulqaad ku sifoobid (qof).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dulyeelo
f.mg3 (-eeshay, -eelatay) Sabir iyo dulqaad ku sifoobid (qof). m.f.dh, dulyeelasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dulyeelo
v. be patient, bear up under hardship ~ hard work
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dulyeelo
(fal) dulqaado oo gefefka dadka dul iyo nabas u yeelo. Dh: dulqaado.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dulyeelo
de: be patient, bear up under hardship ~ hard work
lx: dulyeelo
pd: (dulyeeshay)
ps: v3b=
key: dulyeelo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deldelnaan
m.dh la-mid: dąldalnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deldelnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax meel sare ku xidhan oo lalmanaya ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Deel
(Deel-ka)
Xarafka afraad oo alifka Soomaalida magaciisa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deel
m.l 1. Astaan xoolaha lagu sunto oo u eg deelka xuruufta carabiga. 2. la-mid: d (da').
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
deel
m. n. D [letter of the Arabic alphabet.]
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deel
-ka: (magac, lab, keli) xarafka siddeedaad ee alif ba'da carabiga oo Soomaalida badhkood deel ugu dhawaaqaan. Dh: daal.
deel -ka: (magac, lab, keli) astaan xoolaha lagu dhigo oo lagu calaamadiyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
deel
a: da'
bw: Arabic
de: D [letter of the Arabic alphabet]
lx: deel
pd: (-ka Pl: deelal (/sha))
ps: n4-m, n2-m
key: deel
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dell
Gale
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
delo
m.dh (botani) Geed cawska lagu tiriyo oo leh laamo dhaadheer, oo xubno leh oo sida dhuumaha dhexda ka daloola, waxyaalo badanna laga sameeyo, oo ka baxa agagaarka webiga.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
delo
m.dh (botani) Geed cawska lagu tiriyo oo leh laamo dhaadheer, oo xubno leh oo sida dhuumaha dhexda ka daloola, waxyaalo badanna laga sameeyo, oo ka baxa agagaarka webiga.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
delo
-da: (magac, dhedig, keli) geed cawska lagu tiriyo oo leh laamo dhaadheer, oo xubno leh oo sida dhuumaha dhexda ka daloola oo waxyaalo badanna laga sameeyo, kana baxa agagaarka webiga.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Eelo
(Eela-da)
Deero.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
eelo
m.dh Deero.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
eelo
f. n. antelope, gazelle
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
eelo
-eelada: (n) gazelle (gazaal) ~ deero
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eelo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg deero.
eelo- da: (magac, dhedig, keli) qaranka kiisa quwaaxa macaan leh oo ay midhaha hadhuudhku ka baxaan. Dh: aalo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
eelo
de: antelope, gazelle
lx: eelo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: eelo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
belde
-ha: (magac, lab, keli) moqor yar oo ay biyo ku jiraan. Shinbiri belde kama quusato.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Belel
(Belel-ka)
Belbel; olol.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
belel
belel¹: m.l la-mid: belbelid.
belel²: f.g1 (-elay, -eshay) la-mid: belbel².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
belel
v. burn [fig.] (of someone's hand, eyes)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
belel
-ay / belbashay: (v) 1. feel a burning pain; burn (been) ~ belbel. 2. to bum with a bright flame; blaze (baleeyz)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
belel
-ka: (magac, lab, keli) eeg balal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
belel
de: burn [fig.] (of s.o.'s hand, eyes)
lx: belel
nt: belel (ka) [vn-m]; See also: belbel
pd: (beleley)
ps: v1=intr
key: belel
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
bèllo
agg. - quruxsan.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
cello
/jelo/ violoncello; (n) seelo (qalab muusiko oo kabanka u eg oo ul lugu garaaco).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dallo
-da: (magac, dhedig, keli) caddayn kaa badbaadisa denbi lagugu qaadi lahaa. Dallo malaha aakhiro haddaan loo kitaab deyine.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Deddo
(Dedda-da)
Qabow badan; qarqaryo; dhaxan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deddo
m.dh Qabow aad ah oo dhaxan badan leh. la-mid: daddo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
deddo
m.dh Qabow aad ah oo dhaxan badan leh. la-mid: daddo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
deddo
f. n. cold, low temperature
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deddo
-da: (magac, dhedig, keli) dhaxan iyo qabow tiro badan oo uu xanuun keenay oo aad u daran. Dh: daddo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
deddo
de: cold, low temperature
lx: deddo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: deddo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dedeb
m.l (-byo, m.dh) la-mid: dadab¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dedeb
-ta: (magac, dhedig, keli) badhida idaha inta xagga hoose xigta ee aan dhogorta lahayn. dedeji: (fal) eeg deddeji.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dedmo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg dedid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
deego
v. become poor
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
deego
de: become poor
lx: deego
pd: (deegtay)
ps: v3b=
key: deego
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Deero
(Deera-da)
Jaad ugaarta kamid ah oo yaryar oo dheereeya; dhabarka iyo caloosha dhexdooda, daliig ballaaran oo madow bay ku leedahay, raxan raxan bayna weligeed isu raacdaa; eelo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deero
m.dh (-ooyin, m.l) Jaad ugaarta ka mid ah, cawsha ka yar, dib gaaban, dhinacyada laba diillimood oo madow ku leh oo raxanraxan isu raacda.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
deero
m.dh (-ooyin, m.l) Jaad ugaarta ka mid ah, cawsha ka yar, dib gaaban, dhinacyada laba diillimood oo madow ku leh oo raxan-raxan isu raacda.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
deero
f. n. Speke's gazelle
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
deero
-deerada: (n) gazelle (gazaal)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deero
-da: (magac, dhedig, keli) ugaadha duurjoog ah oo abuur ahaan la bah ah cawsha, midab dahabi ah iyo indho qurxoon na leh.
deero-da: (magac, dhedig, keli) deerada teeda dhedig.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
deero
de: Speke's gazelle
lx: deero
pd: (/da)
ps: n6-f
key: deero
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deexo
f.mg3 (-xday, -xatay) 1. U d.: qof, qof kale si daacad ah ugu warramid. 2. Hadal badan shubid; dalqamid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
deexo
v. talk a lot, chatter
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deexo
(fal) «u ~» qof, qof kale si daacad ah ugu warramid.
deexo: (fal) hadal badan oo yulqan ah ku hadal. Sidii wax waalan u deexo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
deexo
de: talk a lot, chatter
lx: deexo
pd: (deexday)
ps: v3b=
key: deexo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Degel
(Degel-ka)
Meeshii la degi jirey ama la deggan yahay oo lagu raagey, raadka ay yeelato.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
degel
m.l (-llo, m.dh) 1. Saalada xerada ariga ama lo'da ku kabbisanta. 2. Meel muddo badan la degganaa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
degel
m.l (-llo, m.dh) 1. Saalada xerada ariga ama lo'da ku kabbisanta. 2. Meel muddo badan la degganaa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
degel
m. n. long-term encampment
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
degel
-ka: (magac, lab, keli) aradka reeraha laga guuray. Ninka degelka geedaha ka baxay daw la garan waayay. Dh: arad.
degel-ka: (magac, lab, keli) jabadka iyo gujufka ku hadha guri laga guuray. Dh: guri.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
degel
cf: jabad ~ jabo
de: long-term encampment
lx: degel
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: degel
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Deleb
(Deleb-ka)
Cayaar tammaanka u eg oo qoryo qalbacyo ah oo yaryar oo afar ah lagu cayaaro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deleb
m.l Cayaar tammaanka u eg oo qoryo qalbacyo ah oo yaryar oo afar ah lagu cayaaro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
deleb
m. n. game played with sticks by four people
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deleb
-ka: (magac, lab, keli) usha dheer ee qaranka xooluhu markay caleenta ka cunaan soo hadha.
deleb -ka: (magac, lab, keli) ciyaar tammaanka u eg oo qoryo qalbacyo ah oo yaryar oo afar ah lagu cayaaro.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
deleb
de: game played with sticks by four people
lx: deleb
pd: (-ka)
ps: n-m
key: deleb
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
delve
/dhelv/ (v) (fatashid) doon-doonis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deylo
m.dh Neef ido ah oo dheddig; lax.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deylo
-da: (magac, dhedig, keli) magac loo bixiyo idaha madaxa iyo qarqarka hore madaw.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dillo
-da: (magac, dhedig, keli) midab lo'du leedahay oo ah diillimo ama hariiryo.