degeltirid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
degeltirid
m.f.dh eeg degeltir.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
degeltirid
-da: (magac, dhedig, keli) baabi'inta jabadkii iyo gujufkii reerkii hore ee degganaa meesha kaga guuray. Dh: degeltiris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
degeltir
f.g1 (-ray, -rtay) Wax ciribtirid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
degeltir
f.g1 (-ray, -rtay) Wax ciribtirid. m.f.dh, degeltirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
degeltir
-ka: (magac, lab, keli) raadkii iyo wixii in meesha la deggenaanayay tusayay oo laga tiro. Dh: xaadhid, nadiifin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
welweltirid
-da: (magac, dhedig, keli) welwel iyo walbahaar ka bi'in; cid walaacsan u bishaarayn. Waraaqda waxan aabbahay ugu soo diray welweltirid. Dh: welweltiris. Li: welwel-abuurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daaltirid
m.f.dh eeg daaltir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deddatirid
m.f.dh eeg deddatir². la-mid: deddatir¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deddatirid
-da: (magac, dhedig, keli) cid nabar gaadhay gurmad degdeg ah u samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dembitirid
m.f.dh eeg dembitir². la-mid: dambitir¹, dambitirid, dembitirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dembitirid
-da: (magac, dhedig, keli) dhenbidhaafid iyo saamaxaad. Dh: dambitirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhegatirid
m.f.dh eeg dhegatir². la-mid: dhegatir¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhegatirid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, dhegabeel kuridid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheellitirid
m.f.dh eeg dheellitir². la-mid: dheellitir¹ (2).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Leelleeltirid
(Leelleeltirid-da)
Leelleel ka eegid, ka dhawrid; ciidan hawl gabay, abaalgud ku filan oo uu ku noolaado siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
leelleeltirid
m.f.dh eeg leelleeltir².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leelleeltirid
-da: (magac, dhedig, keli) qof midiidin ah ama hawlgabay, wax ku filan siin; leelleeltiris.
leelleeltirid -da: (magac, dhedig, keli) wax uu leelleelka iyo dhibaatada kaga baxo siin. Li: leelleelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dewerid
m.dh la-mid: dawarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dewerid
-da: (magac, dhedig, keli) cid aad wax weydiisanayso xoog u baryid. Deweridda Ilaahay lagama daalo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Iltirid
(Iltirid-da)
Il bannaan u diidid; wada shakarid; buuxin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iltirid
m.f.dh eeg iltir.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Iltirid
Buuxin, simid, dhammaysstirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
debbirid
m.f.dh eeg debbir.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
debbirid
-da: (magac, dhedig, keli) adiga oo aan cidna la kaashan, wax, hagaajin oo suubbin. Dh: debberid, dabbarid.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
démentir
démentir, v. - Is burin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geliimid
-da: (magac, dhedig, keli) meel ama wax dhex gelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gigtirid
(Gigtirid-da)
Wax gigtiran ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gigtirid
m.f.dh eeg gigtir². la-mid: gigtir¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gigtirid
-da: (magac, dhedig, keli) wax la giijiyay ka dhigid. Dh: gigtirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xiltirid
(Xiltirid-da)
1. Xil ka wareejin, ka qaadid, ka tirid.
2. (ku xiltirid) Qof laga sugayey abaalgud ama waxtar kale oo (inta lagu rajo go'o ama si kale loo dhaliilo) loo caddeeyo inaan waxba laga sugeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xiltirid
m.f.dh eeg xiltir². la-mid: xiltir¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xiltirid
-da: (magac, dhedig, keli) eed iyo canaan reebid oo wax cid ay eedi uga iman lahayd qa basho. Xaajadaa xiltirideeda adeer igala wareeg.
xiltirid -da: (magac, dhedig, keli) ka saamixid qof laga saamaxo wax inuu keeno ay ahayd oo uu keri waayo gaar ahaan kolka ay tahay wax magac iyo sumcad taabanaya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daaltirad
(Daaltirad-ka)
Daaltirasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daaltirad
m.l la-mid: daaltirasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daaltirad
-ka: (magac, lab, keli) eeg daalgoosi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jeelbixid
(Jeelbixid-da)
Jeel goyn; xiisadhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeelbixid
m.f.dh eeg jeelbax². la-mid: jeelbax¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeelbixid
-da: (magac, dhedig, keli) xool laga reebay jeelkii hayey.
jeelbixid -da: (magac, dhedig, keli) qof xabsi ka dhammaaday. Jeelbixiddii aabbaheed bay gabadhu dhalatay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Meelmarid
(Meelmarid-da)
Wax meelmar ah ama meel maray noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meelmarid
m.f.dh eeg meelmar². la-mid: meelmar¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meelmarid
-da: (magac, dhedig, keli) suuq galid oo wax dadku aqbalaan noqosho. Sida alaabtan loo soo dhaweeyey meelmarid way yeelanaysaa. Dh: meelmaris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dambitirid
m.dh la-mid: dembitirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dambitirid
-da: (magac, dhedig, keli) dembidhaafid iyo saamaxaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dayactirid
* (Dayactirid-da)
Dayaca ka dhawrid; Xannaanayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dayactirid
m.f.dh eeg dayactir².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dheelliyid
(Dheelliyid-da)
Doc culaysku u batay u liicid; dheelli noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheelliyid
m.f.dh eeg dheelli². la-mid: dheelli¹ (2), dheellin, dheellis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhoolbirid
m.f.dh eeg dhoolbir². la-mid: dhoolbir¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhoolbirid
-da: (magac, dhedig, keli) wejifurnaan; iyo dhoollacaddayn. Dhoolbiriddu waa sadaqad. Dh: dhoollacaddan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Geseriirid
(Geseriirid-da)
Gasariirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geseriirid
m.dh la-mid: gąsariirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sigibtirid
-da: (magac, dhedig, keli) qallooca ka bi'in; ula'qumiye gelin; toosin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
degalbaaris
m.dh (taar.) Barashada taariikheed iyo dhaqan ee mujtamacyadii hore, adigoo eegaya dhismooyinkii ay ka tageen, xabaalihii, qalabkoodii iyo wixi lamida.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
degalbaaris
m.dh (taar.) Barashada taariikheed iyo dhaqan ee mujtamacyadii hore, adigoo eegaya dhismooyinkii ay ka tageen, xabaalihii, qalabkoodii iyo wixi lamida.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
degalbaaris
-ta: (magac, dhedig, keli) barashada taariikheed iyo dhaqan ee mujtamacyadii hore sida dhismooyinkoogii, xabaalahoogii iyo qalabkoodii dagaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhabaqtirid
m.f.dh eeg dhabaqtir². la-mid: dhabaqtir¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhabaqtirid
-da: (magac, dhedig, keli) isku dubbaridid oo wax dhabaq ama badhaq ah u diidid. Dh: badhaqtirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaxantirid
m.f.dh eeg dhaxantir². la-mid: dhaxantir¹ (2).
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dheelitiran
Equilibrium
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dheelitiran
Equilibrium
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dheelitiran
-dheelitirnaa: (adj) balanced (baalansidh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhibibtirid
-da: (magac, dhedig, keli) qof dhaawac ku yaal, daawayn oo xanaanayn. Dh: dhibiibitirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiibitirid
m.f.dh eeg dhiibitir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gedgeddiyid
m.f.dh eeg gedgeddi. la-mid: gadgaddin, gadgaddis, gadgaddiyid, gedgeddin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gedgeddiyid
-da: (magac, dhedig, keli) dhawr jeer rogrogid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeermitirid
m.f.dh jeermitir.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeermitirid
-da: (magac, dhedig, keli) dabargoynta ilima'aragtayda xanuunnada ku dhalisa jidhka.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Sidig-tirid
Decoupling
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biyabeeltirid
-da: (magac, dhedig, keli) biyo ku daridda dheri biyabeelsan.