degdegsiin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
degdegsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) dedejin oo kurbo gelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Degdegsiinyo
(Degdegsiinya-ha)
Dhaqso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
degdegsiinyo
m.l la-mid: degdeg¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
degdegsiinyo
m. n., [compound] haste, speed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
degdegsiinyo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg degdegsiimo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
degdegsiinyo
de: haste, speed
lx: degdegsiinyo
pd: (/ha)
ps: n6-m-cmp
key: degdegsiinyo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
degdegsiimo
-da: (magac, dhedig, keli) kolka aan wax la hubsan waxna la sugin, dhakhsaha wax loo qabto ama loo socdo. Dh: degdegsiinyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Degdegsan
Degdeg hayo; dhaqsana haya; qarbaqarbaysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
degdegsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax degdegaaya ahaansho. la-mid: deddegsan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
degdegsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax degdegaaya ahaansho. m.f.dh, degdegsanaan. la-mid: deddegsan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
degdegsan
der. [adjective] in a hurry, in haste, urgent, immediate
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
degdegsan
-aa / ayd: (adj) in a hurry; unable to wait; urgent (eer-jent) ~ dagdagsan. Ex: wuu degdegsan yahay; he is in a hurry
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
degdegsan
(tilmaame) aan deggenayn oo gacan fudud. Cawaale waa nin degdegsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
degdegsan
de: in a hurry, in haste, urgent, immediate
lx: degdegsan
pd: (degdegsanaa)
ps: adj-der
xe: We are in a hurry.
xv: Waannu degdegsannahay.
key: degdegsan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
derdersiin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax derderan ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaqsiinyo
(Dhaqsiinya-ha)
Degdegsiinyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qarbaqarbo
(Qarbaqarba-da)
Kaadsiinyo la'aan; degdegsiinyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abraar
abraar¹: m.l 1. Orod degegsiinyo leh oo hadba dhan loo ordo. 2. abraarid. la-mid: abraarid.
abraar²: f.g/mg1 (-ray, -rtay) 1. (f.g) Meel ciriiri ah xoog ku dhexmarid. 2. (f.mg) Si degdegsiinyo leh hadba dhan ugu ordid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
degdeg
degdeg¹: m.l 1. Dhaqsiyaha wax lagu qabto. 2. D. ah: wax si kedis ah u yimaada. la-mid: deddeg¹, deddegsiinyo, degdegsiinyo.
degdeg²: f.mg1 (-gay, -gtay) Si dhaqsiya ah wax u qabasho. la-mid: deddeg².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanfad
hanfad¹: m.l Illaawidda wax la illaawo degdegsiinyo iyo fudayd dartiis. la-mid: handad¹.
hanfad²: f.mg1 (-day, -dday) Ka h.: Wax degdegsiinyo iyo fudayd dartiis la illaawid. la-mid: hanfad².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
higso
f.g3 (-saday, -satay) Si degdegsiinyo leh, wax horay u tegey u tiigsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karriinlarroor
m.l 1. Degdeg badan. 2. Qof degdegsiinyo badan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarbaqarbee
f.g2 (-beeyay, -beysay) Wax si degdegsiinyo ah u samayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
degdeg
degdeg¹: m.l 1. Dhaqsiyaha wax lagu qabto. 2. D. ah: wax si kedis ah u yimaada. la-mid: deddeg, deddegsiinyo, degdegsiinyo.
degdeg²: f.mg1 (-gay, -gtay) Si dhaqsiya ah wax u qabasho. m.f.dh, degdegid. la-mid: deddeg.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
higso
f.g3 (-saday, -satay) Si degdegsiinyo leh, wax horay u tegey u tiigsasho. m.f.dh, higsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qarbaqarbee
f.g2 (-beeyay, -beysay) Wax si degdegsiinyo ah u samayn. m.f.dh, qarbaqarbayn.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Acceleration
Habka, Degdegsiinyo
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
urgènza
s.f. - degdegsiinyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaadin
-ta: (magac, dhedig, keli) (u ~) degdegsiinyo la'aan; sugitaan. Dh: hubsasho, sugniin. Li: degdegsiinyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaadsasho
-da: (magac, dhedig, keli) dib u dhigasho iyo sugitaan. Li: degdegsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kariinlarroor
-ka: (magac, lab, keli) qof degdegsiinyo badan.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
dépêcher
dépêcher, v. (se) - dhakhso (socod); degdegsiin.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
degdeg siinyo
-siinyaha: (n) haste (heeyst); rush (rash) ~ degdeg. Ex: haddii aad degdegsiinyo ku guursatid, waxaa laga yaabaa inaad ka shallaydid; Ifyou marry in haste, you may regret it later
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deddegsiinyo
m.l la-mid: degdeg¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deddegsiinyo
-ha: (magac, lab, keli) dagdag xoog ah. Dh: degdeg.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Deeqsiin
(Deeqsiin-ta)
Wada gaarsiin; ku wada fillaysiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deeqsiin
m.f.dh eeg deeqsii. la-mid: deeqsiis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deeqsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax yar ku fillaysiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Degdegid
(Degdegid-da)
Degdeg wax u samayn; ku dhaqsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
degdegid
m.f.dh eeg degdeg². la-mid: deddegid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
degdegid
vl. n. hurry, haste
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
degdegid
-da: (magac, dhedig, keli) dhaqso wax u qabasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
degdegid
de: hurry, haste
lx: degdegid
pd: (-da)
ps: vn1-f
key: degdegid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
degdegis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg degdegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
degdejin
m.f.dh eeg degdeji. la-mid: deddejin, deddejis, degdejis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
degdejin
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg dadajin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deddegsan
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: degdegsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deddegsan
(tilmaame) wax aad u degdegaya. Dh: degdegsan, dedejisan.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dagdagsiinyo
-dagdagsiinyaha: (n) rush (raash)-, the act of hurrying; general haste
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
degdegsanaan
m.f.dh eeg degdegsan. la-mid: deddegsanaan, deddegsanaansho, dedgegsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
degdegsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax degdegsan oo gacan fudayd ku jiro ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhigdhigsiin
m.f.dh eeg dhigdhigsii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhigdhigsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) cidhiidhyid oo aad u kiilid. Dh: cidhiidhyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhadhensiin
m.dh la-mid: dhadhansiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhedhensiin
m.dh la-mid: dhadhansiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dedejin
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg dadajin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deeqsii
f.lg2 (-iiyay, -iisay) Wax, wax ku fillaysiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
deeqsii
f.lg2 (-iiyay, -iisay) Wax, wax ku fillaysiin. m.f.dh, deeqsiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
deeqsii
v.caus: give freely ~ generously; satisfy everyone
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
deeqsii
-yey / say: (v) make sufficient or adequate; suffice (sa-faays); satisfy (satis-faay)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deeqsii
(fal) wax ku fillaysii. Dadka meesha jooga oo dhan deeqsii raashinka. Dh: gaadhsii, le'ekaysii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
deeqsii
de: give freely ~ generously; satisfy everyone
lx: deeqsii
pd: (deeqsiiyey)
ps: v2a=caus
key: deeqsii
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
degdeji
f.g2 (-iyay, -isay) Wax si dhaqso ah u samayn. la-mid: deddeji.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
degdeji
f.g2 (-iyay, -isay) m.f.dh, degdejin. la-mid: deddeji.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
degdeji
v. rush, hurry, hasten, speed (someone/something) up
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
degdeji
(fal) eeg dadaji.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
degdeji
a: deddeji; Opp: raaji
de: rush, hurry, hasten, speed (s.o./s.t.) up
lx: degdeji
pd: (degdejiyey)
ps: v2a=tr
key: degdeji
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
degniin
vn: act of descending, landing (of airplane)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
degniin
de: act of descending, landing (of airplane)
lx: degniin
pd: (-ka)
ps: vn -m
key: degniin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhegsin
(Dhegsin-ka)
Muruqyada ku dhegsan garabka iyo daqayaha dhabarka midkood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhegsin
m.l Muruqyada ku dhegsan garabka iyo daqayaha dhabarka midkood.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhegsin
m.l Muruqyada ku dhegsan garabka iyo daqayaha dhabarka midkood.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhegsin
m. n. muscle of the shoulder
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhegsin
-ka: (magac, lab, keli) mid mururqyada ka mid ah oo ku dhegsan garabka iyo daqayaha ee dhabarka. Dh: muruq.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhegsin
de: muscle of the shoulder
lx: dhegsin
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: dhegsin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dugsiin
(Dugsiin-ta)
Dugsi u yeelid; meel ama wax la dugsan karo ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dugsiin
m.f.dh eeg dugsii. la-mid: dugsiis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dugsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) dhaxanta, roobka, dabaysha, roobka iyo cadawga ka jirid ama ka ilaalin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Eedsiin
(Eedsiin-ta)
Xumaan la falay, in le'eg ku gudid; kaggoyn; ka jeebid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
eedsiin
m.f.dh eeg eedsii. la-mid: eedsiis.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
eedsiin
-ta: (n) penalty (penalti); punishment ciqaabid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eedsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) xumaan la falay in le'eg ku gudid; xumaan horay loo galay, ciddii lahayd ka jarid. Eedsiinta saamaxaadda ayaa ka wanaagsan. Dh: aargoosi, eedsiis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eegniin
-ka: (magac, lab, keli) fiirsashada iyo eegidda wax muuqda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gebsiin
m.f.dh eeg gebsii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beegniin
-ka: (magac, lab, keli) beegitaanka wax la cabbiro.
beegniin -ka: (magac, lab, keli) meel ku beegitaan. Waxaan u malaynayaa ku beegniinka xafladu inay tahay berri.
beegniin-ka: (magac, lab, keli) meel ku shiishnaan. Ku beegniinka shiishka toosi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deddegid
m.dh la-mid: degdegid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deddegid
-da: (magac, dhedig, keli) degdeg wax u qabasho; horayhoray wax u samayn. Dh: degdegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Deddejin
(Deddejin-ta)
Degdeg u samayn; ku dhaqsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deddejin
m.dh la-mid: dedgejin.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
deddejin
-ta: (n) acceleration (ak-sala-reey-shin); haste (heeyst); hurry (heeri); speed up (ispiidh-ap)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deddejin
-ta: (magac, dhedig, keli) si degdeg ah u samayn. Dh: deddejis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Deeqsiis
(Deeqsiis-ka)
Deeqsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deeqsiis
m.l la-mid: deeqsiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
deeqsiis
vl. n. act of giving satisfaction
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deeqsiis
-ka: (magac, lab, keli) cid wax wada gaadhsiin oo ku fillaysiin. Dh: fillaysiis. deeqsinimo -da: (magac, dhedig, keli) ku fiicanaanshaha wax isa siinta. Li: bakhaylnimo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
deeqsiis
de: act of giving satisfaction
lx: deeqsiis
pd: (-ka)
ps: vn2a-m
key: deeqsiis
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
degdeg_1
de: hurry, rush, hasten
hm: 1
lx: degdeg
pd: (degdegay)
ps: v1=
key: degdeg_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
degdeg_2
de: speed, haste, quickness; urgency; emergency
hm: 2
lx: degdeg
pd: (-ga)
ps: n2-m
key: degdeg_2
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
degdeg_u
de: immediately, right away, forthwith; hastily, hurriedly
lx: degdeg ... u
ps: adv-time
xe: He came back right away.
xv: Degdeg buu u soo noqday.
key: degdeg_u
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
degdegaa
-ga: (magac, lab, keli) qof fudfudud oo degdega. Wiilkan yar ayaa degdegaa ahe innoogu dhiin.