degdeg ... u
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
degdeg ... u
adv., time: immediately, right away, forthwith; hastily, hurriedly
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Deddejin
(Deddejin-ta)
Degdeg u samayn; ku dhaqsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhegannugul
(qof) aan wax diidin; dhegafudud; wixii la faro, degdeg u maqla oo u qabta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Doojin
(Doojin-ta)
1. (xoolo, kd.) meel doogatey ama kolkaasba roob hayo, degdeg ugu kaxayn oo u gaarsiin; doogdhaw.
2. (wadaan, kd.) Biyo ka buuxin; jilayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hulbin
(Hulbin-ta)
Hawl degdeg u qabasho; wax gurgurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wareemato
(Wareemata-da)
Col yar oo si qarsoodi ah u baxa oo inta wax soo burburiya oo wax soo laaya, degdeg u soo noqda: (ama wareento).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hambaabir
f.mg1 (-ray, -rtay) Hurdo degdeg uga soo boodid; baraarugid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karkabo
m.dh Ku dirqinta hawl qabasha-deeda lagu dirqiyo cid iney si degdeg u qabato. la-mid: karkabad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karood
karood¹: m.l 1. Cudur si degdeg ah wax u dila; habaar. 2. Dhul taag ah, dhagax leh oo dhirtu ku yartahay. 3. la-mid: baroodid.
karood²: f.mg1 (-day, -dday) 1 . Cudur nafley degdeg u dilid. 2. la-mid: barood².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laac
laac¹: m.l Muuqaalka guud ee geedaha cagaaran.
laac²: f.g/mg1 (-cay, -cday) 1. (f.g) Gacan fidsan wax ku tiigsasho. 2. (f.mg) Ka l.: cunto, cabbitaan iyo wixi lamida degdeg u dhammaysasho. 3. (f.mg) Naq baxay muuqasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meerkac-dabayleed
m.l (c.cimi.) Kolmo yar oo dabayleed oo degdeg ugu wareegaysa dhidib taagan ama wax yara janjeedha, oo dhexda ku leh meel cadaadiska jawigu hooseeyo. Marmarka qaarkood way dheertahay, lamadegaannadana waxay ka kicisaa siigo, ama, qiyaas yar; xanfaley.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
milicso
f.g3 (-saday, -satay) 1. Wax laabtu u bogtay eegistooda isha la raacid. 2. Wax degdeg u eegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xuubi
xuubi¹: m.l Libaaxbadeedka waaweyn jaad ka mid ah.
xuubi²: f.g/mg2 (-iyay, -isay) 1. (f.g) Caano degdeg u qurqurin. 2. (f.mg) Wax qolof ama ded saarnaa ka qaadid. 3. (f.mg) Xoolo iyo wixi lamida degdeg ku kaxayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
karkabo
m.dh Ku dirqinta hawl qabashadeeda lagu dirqiyo cid iney si degdeg u qabato. la-mid: karkabad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
meerkac-dabayleed
m.l (c.cimi.) Kolmo yar oo dabayleed oo degdeg ugu wareegaysa dhidib taagan ama wax yara janjeedha, oo dhexda ku leh meel cadaadiska jawigu hooseeyo. marmarka qaarkood way dheertahay, lamadegaannadana waxay ka kicisaa siigo, ama, qiyaas yar; xanfaley.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xuubi
f.g/mg2 (-iyay, -isay) 1. (f.g) Caano degdeg u qurqurin. 2. (f.mg) Wax qolof ama ded saarnaa ka qaadid. 3. (f.mg) Xoolo iyo wixi lamida degdeg ku kaxayn. m.f.dh, xuubin.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
impending
/impendin/ (adj) wax degdeg u dhici doona ama (dhakhsa u imaan doona).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baasiin
-ka: (magac, lab, keli) shidaal fudud oo degdeg u daarma, haddii la laydhiyana dhakhso u baabi'i og. Gaadhiga baasiin ku shub. Dh: bensiin, bansiin, betrool, baadrool, batrool.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
booditaan
-ka: (magac, lab, keli) degdeg u kicitaan. Orod iyo booditaan bu isku daray.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caradhowaan
-ta: (magac, dhedig, keli) dulqaad la'aan; degdeg u xanaaqid. Dh: cadhadhowaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carafudud
-da: (magac, dhedig, keli) qof aan dulqaad lahayn, oo degdeg u cadhooda.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gees ... u
adv-loc: sideways
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aad ... u
[adverbial] [expression] very much, quite, a lot; hard, firmly
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dib ... u
adv-loc: backwards
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sare ... u
adv-loc: upwards
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dawaali ... u
[adverbial] [expression] directly; in a straightforward way ~ manner
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
degdeg siinyo
-siinyaha: (n) haste (heeyst); rush (rash) ~ degdeg. Ex: haddii aad degdegsiinyo ku guursatid, waxaa laga yaabaa inaad ka shallaydid; Ifyou marry in haste, you may regret it later