defid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
defid
-da: (magac, dhedig, keli) in yar qaboobid. Cuntadu defidda ayay ku macaan tahay. Dh: qaboobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
defi
(fal) wax kulul yar qabooji. Shaahan kulul carruurta ka defi. Dh: balfi. Li: kulayli
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
défi
défi, n.m. - Martiqaadka laguugu yeedho inaad wax ka ciyaarto ama tartan gasho; daandaansi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dafid
(Dafid-da)
Qaadasho degdeg iyo xoog leh; la boodid; dhifsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dafid
m.f.dh eeg daf³.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dafid
vl. n. act of grabbing ~ snatching
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dafid
-da: (magac, dhedig, keli) dhufsad degdeg iyo xoog leh, la boodid. Dh: dhufsasho, dafis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dafid
de: act of grabbing ~ snatching
lx: dafid
pd: (-da)
ps: vn-f
key: dafid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dedid
(Dedid-da)
Ded u yeelid, korka ka saarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dedid
m.f.dh eeg ded². la-mid: dądid, ded¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dedid
-da: (magac, dhedig, keli) dhusha wax kaga tuulid. Ninka xummadu hayso dedidda ka daaya.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
defin
-ta: (magac, dhedig, keli) marka wax kulul la qaboojinayo. Dh: qaboojin. Li: kulaylin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Degid
(Degid-da)
1. Meel rug iyo degmo ka yeelasho.
2. (ka degid) Wax dheer ama meel kore ka soo kicid oo hoos soo aadid (buur, geed, faras, kd.).
3. (markab, kd.) badda dhexdeeda ku jabid oo ku libdhid; shiidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
degid
m.f.dh eeg deg². la-mid: degis, degitaan.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Degid
Subsidence
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
degid
vl. n. descending, landing (from the air), alighting
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
degid
-da: (v) 1. the act of sinking down or going under ~ quusid, degitaan, degis. 2. the act of settling 3. the act of landing (laanding); descending. Ex: degida dayuuradaa; the landing of airplanes
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
degid
-da: (magac, dhedig, keli) meel aan degaan hore kuu ahayn oo aad ku soo guurtay. Degid looma oggala goobtan oo dhan. Li: guurid.
degid-da: (magac, dhedig, keli) doon ama markab badda ku degis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
degid
de: descending, landing (from the air), alighting
lx: degid
pd: (-da)
ps: vn1-f
key: degid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
demid
m.dh la-mid: damid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Deyid
(Deyid-da)
Dhugasho gaaban oo degdeg ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deyid
m.f.dh eeg day. la-mid: dayid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deyid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg deyd.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eefid
-da: (magac, dhedig, keli) wax la qaybsanayo saami ka helid. Dh: eefis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gefid
(Gefid-da)
1. Wixii toosnaa oo la rabey in la sameeyo haleeli waayid; seegid.
2. Wax gardarro ah ama xumaato ah, ku kicid; falid, yeelid; gaboodfalid: (ama gafid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gefid
m.dh la-mid: gafid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gefid
-da: (magac, dhedig, keli) wixii toosnaa oo la rabay in la sameeyo seegid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
degis
-ta: (magac, dhedig, keli) meel aan degaan hore kuu ahayn hoy ka dhigasho oo habeen iyo dharaarba u soo hoyasho. Dh: galid.
degis-ta: (magac, dhedig, keli) kacdoon, colaad iyo qalalaaso ka qaboobid. Dh: defid.
degis-ta: (magac, dhedig, keli) doon ama markab cillad darteed badda ku degid oo quusid. Degista doonta duufaanka a u sabab ahaa.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
defiled
a., uskagaysan, wasakhaysan, hallawsan.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Defined
Qeexan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dheefid
(Dheefid-da)
(ka dheefid) Waxtar ka helid; faa'ido ka helid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daafid
(Daafid-da)
Daaf ku dhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dąafid
m.f.dh eeg dąaf³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daafid
-da: (magac, dhedig, keli) bakooro ku dhicid. Daafidda waa la kala qaadaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Debcid
(Debcid-da)
Wax adkaa, wax jilicsan noqosho; xoog ka yaraansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
debcid
m.f.dh eeg debec². la-mid: dabac¹, dabcid, debac¹, debec¹.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
debcid
-da: (n) looseness (luusen-nes); slack (islaak)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
debrid
m.l la-mid: dabrid¹.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
decide
/dhisaydh/ (v) go'aansasho (go'aamin).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
decide
v.tr., (determinc) dacwadda noo mari; decide our dispute, qoonsigayaga ku tali.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dedmid
m.f.dh eeg dedan². la-mid: dadmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Deegid
(Deegid-da)
Xoolo-beelid; cayroobid; sabool noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deegid
m.f.dh eeg deeg³. la-mid: deeg¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deegid
-da: (magac, dhedig, keli) caydhoobid oo sabool aan waxba haysan noqosho. Dh: saboolid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Deeqid
(Deeqid-da)
1. Ku fillaansho; wada gaarid.
2. Deeq bixin; wax bixin; siin; diiqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deeqid
m.f.dh eeg deeq².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deeqid
-da: (magac, dhedig, keli) marka shay ku fillaado ama le'ekaado cidda haysata ama wax lagu qaybshay. Dh: filnaansho, kaafiyid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
defend
/dhifendh/ (v) difaacid (caabiyid).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
defend
v.tr., (protect) ka celi, karaw; v.r., is karaw, iska guluf.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
défier
défier, v. - waxna kama baqo.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Defile
Marin dhuuban
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
defile
/dhefayl/ (v) wasakhayn (faddarayn).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
défilé
défilé, n.m; - Dhaafid
passage d'un grand nombre de personnes - Tiro dad ama gaadiid ah oo isdaba socda.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
defile
v.tr., (make foul) doxbee, uskagee, wasakhee.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
define
/dhifayn/ (v) qeexid (caddayn).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
deride
/dhiraydh/ (v) ku jees-jeesid (ku qoslid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dersid
(Dersid-da)
1. Degmada isu dhowaansho; is xigid; deris noqosho.
2. Barasho; baarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dersid
m.f.dh eeg deris².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dersid
vl. n. studying, learning; lecture
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dersid
-da: (magac, dhedig, keli) marka xog badan la raadinayo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dersid
de: studying, learning; lecture
lx: dersid
pd: (-da)
ps: vn1-f
key: dersid
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
devoid
/dhivo idh/ (n) ka maran, aan lahayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhafid
(Dhafid-da)
Labo wax ama ka badan oo kala jaad ah isku dhexdarid oo mid ka dhigid; isku darid; isku dheehid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhafid
m.f.dh eeg dhaf.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhafid
-da: (magac, dhedig, keli) wax isku dardarid oo isku mulaaqid. Digirta iyo bariiska ayaa isku dhafidda ku macaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhebid
m.f.dh la-mid: dhaw².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhegid
(Dhegid-da)
Meel ama wax qabsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhegid
m.f.dh eeg dheg².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhegid
-da: (magac, dhedig, keli) meel ama wax kale, ku nabmid oo qabsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duufid
duufid: m.f.dh eeg duuf². la-mid: duuf¹ (2).
dųufid: m.f.dh eeg dųuf². la-mid: dųuuf¹ (3).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gedfid
(Gedfid-da)
Gedef u yeelid; dahaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gedfid
m.dh la-mid: gadfid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gedfid
-da: (magac, dhedig, keli) wax dusha ka ilaalin oo dahaadhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gefrid
(Gefrid-da)
1. (xoolo) sii deyn; xirid ama xerayn la'aan.
2. Ceelka gudihiisa ku sii deyn (wadaan).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gefrid
m.f.dh eeg gefer².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Leefid
(Leefid-da)
Carrabka wax ku tirid, ama ku tirasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
leefid
m.f.dh eeg leef.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Leefid
Corrosion
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leefid
-da: (magac, dhedig, keli) carrabka wax ku tirid; wax ama meel, carrabka dul marin. Dh: leefis. Wa: leefleefid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
neefid
-da: (magac, dhedig, keli) soo urid oo hawe qudhmuun soo dayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Telfid
(Telfid-da)
Waxaan caaqibo danbe lahayn noqosho; halaag ku dhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
telfid
m.f.dh eeg telef².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
telfid
vl. n. state of being close to being finished ~ to dying
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
telfid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg telefid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
telfid
de: state of being close to being finished ~ to dying
initial: t
lx: telfid
pd: (-da)
ps: vn-f
key: telfid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
welfid
-da: (magac, dhedig, keli) shay barasho oo inaad mar walba doonto noqo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Werfid
(Werfid-da)
Harjadid; haarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
werfid
m.dh la-mid: warfid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
werfid
-da: (magac, dhedig, keli) harjadid; haarid, wareejin lagu sameeyo shay adigoo dhinacyada u warwareejinaya. Werfid bay ku sameeyeen kii yaraa oo wixii uu caano dhamay wuu matagay. Dh: wadhfin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ded
(Ded-ka)
Wax biyaha iyo dabaysha iyo dheelka iyo kulka celiya oo ama aqallada la dhisa hayo korka laga saaro ama wax kaloo loo baqa hayo la huwiyo oo lagu daboolo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ded
ded¹: m.l 1. la-mid: dąd 1. Shey dusha laga saaro ama lagu daboolo wax feydan. 2. la-mid: dedid.
ded²: f.g1 (-day, -dday) Wax feydan, shey dusha ka saarid ama ku daboolid. la-mid: dąd².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ded
ded¹: m.l 1. la-mid: dąd¹. Shey dusha laga saaro ama lagu daboolo wax feydan.
ded²: f.g1 (-day, -dday) Wax feydan, shey dusha ka saarid ama ku daboolid. m.f.dh, dedid. la-mid: dąd.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ded
m. n. extra covering over roof of a hut (against rain ~ sun)
ded v. cover (with a sheet, etc. to protect); conceal
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ded
-ka: (n) cover (kofer); covering
ded -ay / day: (v) roof (ruuf); cover (kofer) ~ dabool —deddan: (adj) covered (ka-veridh) ~ daddan. Ex: walax deddan; something covered
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ded
(fal) wax meel yaalla dusha wax ka saar oo dabool. Bustaha ku ded bukaanka. Dh: qari, huwi. Li: fayd.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
def
(fal) qabow oo kulaylku ha kaa jabo. Kulayl yahaw naga def. Dh: qabaw.
def -ka: (magac, lab, keli) ciyaar qaraami ah oo ragga iyo dumarku fadhiga ku kala rogtaan. Dhallinyardu aqalka caruuska ayay def ku ciyaarayaan.
def -ka: (magac, lab, keli) qalab muusikada ka mid ah oo ka samaysan qori goobaaban oo hareeraha biro yar yar sudhsudhan yihiin. Def innoo soo qaada aan arooska ugu ciyaarnee. Dh: daf.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
did
f.mg1 (-day, -dday) Si aan habaysnayn u kala yaacid cabsi awgeed (xoolo ugaar iyo wixi lamida). la-mid: dųd².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
did
f.mg1 (-day, -dday) Si aan habaysnayn u kala yaacid cabsi awgeed (xoolo ugaar iyo wixi lamida). m.f.dh, didid. la-mid: dųd.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
did
v. bolt, scatter (of flock), stampede, disperse; be scared
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
did
(fal) cabsi la baxso oo caymad. Dh: baqo.