deero
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Deero
(Deera-da)
Jaad ugaarta kamid ah oo yaryar oo dheereeya; dhabarka iyo caloosha dhexdooda, daliig ballaaran oo madow bay ku leedahay, raxan raxan bayna weligeed isu raacdaa; eelo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deero
m.dh (-ooyin, m.l) Jaad ugaarta ka mid ah, cawsha ka yar, dib gaaban, dhinacyada laba diillimood oo madow ku leh oo raxanraxan isu raacda.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
deero
m.dh (-ooyin, m.l) Jaad ugaarta ka mid ah, cawsha ka yar, dib gaaban, dhinacyada laba diillimood oo madow ku leh oo raxan-raxan isu raacda.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
deero
f. n. Speke's gazelle
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
deero
-deerada: (n) gazelle (gazaal)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deero
-da: (magac, dhedig, keli) ugaadha duurjoog ah oo abuur ahaan la bah ah cawsha, midab dahabi ah iyo indho qurxoon na leh.
deero-da: (magac, dhedig, keli) deerada teeda dhedig.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
deero
de: Speke's gazelle
lx: deero
pd: (/da)
ps: n6-f
key: deero
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Deerow
nickname; name-m light-skinned
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Deerow
magaca wiil midabkiisu casaan yahay oo deeran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deer
m.l (-rar, m.l) Deerada keeda lab.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Deer
nickname; name-m light-skinned
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
deer
/dhiir/ (n) deero.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Deer
ama Deerow, magaca wiil midabkiisu casaan yahay oo deeran.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deer
-ka: (magac, lab, keli) jaa ka mid ah ugaadha duurjoogta ah oo adhiga laale'eg oo geesa leh keega lab. Deerku wuxu qoodh u yahay deerada.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eero
(fal) (ku ~) nafta ku beeg oo kula baxso; nafta kula carar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beero
f.g3 (-rtay, -ratay) Beer ka dhigasaho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
beero
f.g3 (-rtay, -ratay) Beer ka dhigasaho. m.f.dh, beerasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
beero
v. farm, sow, cultivate; plant for oneself
beero: m. n., pl. farms, plantations; farming, agriculture
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beero
(fal) beer falo; dalag qodo. Dh: abuuro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
deego
v. become poor
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
deego
de: become poor
lx: deego
pd: (deegtay)
ps: v3b=
key: deego
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deexo
f.mg3 (-xday, -xatay) 1. U d.: qof, qof kale si daacad ah ugu warramid. 2. Hadal badan shubid; dalqamid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
deexo
v. talk a lot, chatter
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deexo
(fal) «u ~» qof, qof kale si daacad ah ugu warramid.
deexo: (fal) hadal badan oo yulqan ah ku hadal. Sidii wax waalan u deexo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
deexo
de: talk a lot, chatter
lx: deexo
pd: (deexday)
ps: v3b=
key: deexo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deyro
(fal) oodo oo deyr dhiso; ood soo meegaaro. Dh: xayndaabo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Feero
(Feera-ha)
Cudur daran oo lays qaadsiiyo oo badanaa sanbabbada ku dhaca; sanbab; qaaxo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
feero
feero¹: m.dh (-ooyin, m.l) Qalab bir ah, gacan la qabto leh, oo dharka lagu kaawiyadeeyo; kaawiyad.
feero²: m.l.w eeg feer¹; qaaxo.
feero³: f.g3 (-rtay, -ratay) 1. Timo shanlo ku habaysasho. 2. Caw, mayrax iyo wixi lamida jeexjeexasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
feero
feero¹: m.dh (-ooyin, m.l) Qalab bir ah, gacan la qabto leh, oo dharka lagu kaawiyadeeyo; kaawiyad.
feero²: f.g3 (-rtay, -ratay) 1. Timo shanlo ku habaysasho. 2. Caw, mayrax iyo wixi lamida jeexjeexasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
feero
v. comb one's hair
feero [feminine] n. flat iron, (charcoal-filled) clothes iron
feero m. n., pl. ribs; tuberculosis
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
feero
-feerada: (n) iron (aayoorn); smoothing-iron; electric iron ~ kaawiyad
feero -feertay / feeratay: (v) comb (koom) ~ shanlayso, firo
feero -ha: (n) [Plural of feer] ribs (ribis)
feero -ha: (n) tuberculosis (tuber-kalow-sis); T.B. ~ qaaxo, tiibisho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
feero
(fal) eeg feedho.
feero-da: (magac, dhedig, keli) qalab ka samaysan bir oo inta la kululeeyo dharka lagu kaawiyadeeyo oo lagu simo. Dh: kaawiyad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seero
f.g3 (-rtay, -ratay) Dhul iyo wixi lamida xuduud u samaysasho. la-mid: seerayso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
seero
v. mark (out) for oneself
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seero
(fal) meel meegaaro; meel xad ah jeexo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
seero
cf: seer
de: mark (out) for oneself
initial: s
lx: seero
pd: (seertay)
ps: v3b=tr
key: seero
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weero
f.g/mg3 (-rtay, -ratay) Weer xirasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weero
(fal) weer xidho. Weero inta dalkaagu xoroobayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xeero
(Xeera-da)
Saxan qori ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xeero
xeero¹: m.dh (-ooyin, m.l) Weel godan oo qori ka samaysan oo cuntada lagu rito.
xeero²: m.dh (muus.) Qaybta kordhisa codka shareerada oo ka samaysan xeero qori ah oo harag ari ku daboolan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xeero
m.dh (-ooyin, m.l) Weel godan oo qori ka samaysan oo cuntada lagu rito.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xeero
f. n. large wooden dish ~ plate
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xeero
-xeerada: (n) bowl (bowl); platter (palaa-tar) or large dish used for serving for food up to four people ~ xeedho, sixni
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xeero
(fal) xeer ku samayso.
xeero -da: (magac, dhedig, keli) cunto hilib murmura ah iyo subag la isku shubay timir ama sabiibna lagu xardhay ah oo laba weel oo qurux iyo sharraxaad loo dhammeeyey oo la isku daboolay lagu rido oo caruuska iyo aroosadda cusub loo diiqo.
xeero -da: (magac, dhedig, keli) weel wax lagu cuno oo qori laga qoray oo sida saxniyada ah. Dh: xeedho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xeero
a: xeedho
cf: kur
de: large wooden dish ~ plate
initial: x
lx: xeero
pd: (/da)
ps: n6-f
key: xeero
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yeero
f.mg3 (-rtay, -ratay) U y.: cid wacasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
yeero
f.mg3 (-rtay, -ratay) U y.: cid wacasho. m.f.dh, yeerasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yeero
(fal) «u ~» cid iskaa u waco; cid u qaylso; ii yimaadda ku dheh. Nin kula shaqeeya u yeero. Dh: waco, yeedho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Calakud
(Calakud-da)
Deero buuraha iyo casha ku nool.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhegcas
(Dhegcas-ta)
Dhasha yaryar oo nafleyda qaarkeed (lo', deero,...).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Eelo
(Eela-da)
Deero.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Miski
(Miski-ga)
Dhacaan aad u udgoon oo deero yaryar oo Aasiya ku nool laga helo: kolay yar oo deeradaas keeda labi uurka ku lee yahay (haragga hoostiisa) buu ku samaysmaa Waa la ganacsadaa oo cadarro badan oo qaali ah, buu sal u yahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qoob
(Qoob-ka)
1. Dabool gees ah oo naasaley badani cagaha ama suulasha ku lee yihiin; qaar qoobkoodu waa mid (faras, dameer, farow) qaar labo buu u kala dillaacsan yahay (ari, lo', deero) qaarna suulashuu ku rogan yahay (geel, jeer, maroodi, goroyo).
2. Raaf, qanjaaful, ciddi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Seemman
1. (ri, deero; ...) aan geeso lahayn; seenyoon.
2. Madax aan korkiisa wax ka taagneyn; xiiran; qurdan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhegcas
m.dh.u Dhasha yaryar oo nafleyda qaarkeed (lo', deero iyo wixi lamida).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
eelo
m.dh Deero.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaban
gaban¹: m.l (-nno, m.dh) 1. Inan yar. 2. Deero yar oo lab ah. 3. G. ah: wax tiro yar. la-mid: gibin¹, gifin¹.
gaban²: m.dh (-bno, m.l) 1. Gabar yar. 2. Deero yar oo dheddig. la-mid: gibin², gifin².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goonnidaaq
m.l G. ah: biciid, deero, geri iyo wixi lamida oo aan la daaqin raxan ee cidlajoog ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gaban
m.l (-nno, m.dh) 1. Inan yar. 2. Deero yar oo lab ah. 3. G. ah: wax tiro yar. la-mid: gibin.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
fawn
/fawn/ (n) 1. deero-yar (n) 2. midab boor ah, oo barxan (v) 3. isku-rugidda eeyga, sida kolka uu qof rabbaysta isku-rugo ama isu-xoodaansho (v) 4. u af-macaanin ama isu-jilcin qof, la-soo jiidanayo oo kale.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bogcad
-da: (n) antelope (an te loop) deero
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dibtaag
-ta: (n) gazelle (ge-zaal) ~ dabtaag, deero
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
eelo
-eelada: (n) gazelle (gazaal) ~ deero
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
garannuug
-ta: (n) gazelle (gazaal) ~ deero
Magacyada Nafleyda Soomaaliyeed (Laatiin-Talyaani-Ingiriis-Soomaali) - Funayooli, Simoneeta [1985]
Gazella dorcas pelzelni
(I) Gazzella di Pelzeln;
(E) Pelzeln's gazelle;
(S) DEERO (S. s.: Dèro, Dhero)
Magacyada Nafleyda Soomaaliyeed (Laatiin-Talyaani-Ingiriis-Soomaali) - Funayooli, Simoneeta [1985]
Gazella spekei
(I) Gazzetta di Speke;
(E) Speke's Gazelle;
(S) Deero (S. g.: Dèro, Dhero)
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
achieve
/ajiiv/ (v) deerow, liibanow. He achieved his goals.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Adeeryo
(Adeerya-da)
Goodirka dheddig.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
adeeryo
m.dh (-ooyin, m.l) Goodirka midkiisa dheddig. la-mid: aadeer.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
adeeryo
f. n. female kudu (antelope)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
adeeryo
-da: (magac, dhedig, keli) jaad ugaadha ka mid ah oo buuraha iyo meelaha ayda ah ayay ku nooshahay, labkeeguna waa goodir.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
adeeryo
cf: goodir
de: female kudu (antelope)
lx: adeeryo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: adeeryo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dameero
m.dh la-mid: dameerow.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
desèrto
s.m - lamaddegaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dewerso
f.g/mg3 (-saday, -satay) la-mid: dawarso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dewerso
v. beg, ask for alms
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dewerso
(fal) dadka bari oo kolba qof wax weydiiso. Dh: qarafayso, sadaqayso, dawarso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dewerso
a: dawarso
de: beg, ask for alms
lx: dewerso
pd: (dewersaday)
ps: v3a=intr
key: dewerso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheerow
f.mg3 (-raaday, -raatay) 1. Wax dhererkiisu kordhay noqosho. 2. Ku dh.: wax muddo dheer ku qaadasho. Tusaale: “Shirkii waa lagu dheeraaday”. 3. Wax meel ka durkay noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dheerow
f.mg3 (-raaday, -raatay) 1. Wax dhererkiisu kordhay noqosho. 2. Ku dh.: wax muddo dheer ku qaadasho. Tusaale: Shirkii waa lagu dheeraaday. 3. Wax meel ka durkay noqosho. m.f.dh, dheeraansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dheerow
inch. v. become tall
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dheerow
(fal) meel fog gaadh ama teg.
dheerow: (fal) wax dheer noqo; ha gaabnaan.
dheerow: (fal) eeg dheeraw.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dheerow
a: dheeraw ~ dheeroow
de: become tall
lx: dheerow
pd: (dheeraaday)
ps: v3a=inch
key: dheerow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
adeego
f.mg3 (-gtay, -gatay) 1. Cunto maalmeed suuq ka soo iibsasho. 2. Hawl keligii qabsasho (qof).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
adeego
f.mg3 (-gtay, -gatay) 1. Cunto maalmeed suuq ka soo iibsasho. 2. Hawl keligii qabsasho (qof). m.f.dh, adeegasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
adeego
v. do one's own work, do tasks for oneself
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
adeego
de: do one's own work, do tasks for oneself
lx: adeego
pd: (adeegtay)
ps: v3b=
key: adeego
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ateero
-da: (magac, dhedig, keli) beerka dhulka saarid. Dh: jiifcabbee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ceerso
v. chase, pursue, run after
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ceerso
-ceersaday / ceersatay: (v) chase after; run after ~ cayrso, burso
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ceerso
cf: ceyro {C & S}
de: chase, pursue, run after
lx: ceerso
pd: (ceersaday)
ps: v3a=
key: ceerso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deenso
f.mg3 (-saday, -satay) 1. Ku d.: wax nacfi leh ku keliyeysasho. 2. Ku d.: laba qof ama ka badan, hawl ay qaban lahaayeen sheeko ku illaawid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deenso
(fal) «ku ~» wax nacfi leh ku keliyeysasho.
deenso: (fal) «ku» labo qof ama in ka badan, hawl ay qaban lahaayeen sheeko ku illaawid. deenso: (fal) deyn qaado; cid wax ka amaaho. Lacag aad ra'samaal ka dhigato deenso. Dh: amaaho, daynso, deynso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deerag
-ga: (magac, lab, keli) jaad kalluunka badda laga soo saaro ka mid ah. Dh: taraagad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
derejo
m.dh la-mid: darajo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
derejo
f. n. rank, position, grade; disposition, arrangement
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
derejo
-derejada: (n) 1. grade (gareeydh); rank (raangk); position (posi-shin) ~ garaado. Ex: waa maxay derejadiisu? What is his rank? 2. respect (rispakt) ~ xurmo. 3. degree (digrii) ~ heer kul
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
derejo
-da: (magac, dhedig, keli) martabo sarraysa. Dh: martabad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
derejo
bw: Arabic
de: rank, position, grade; disposition, arrangement
lx: derejo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: derejo
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Desert
Lamadegaan