deeqle
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Deeqle
(Deeqla-ha)
Geed aan qodax lahayn oo dhacaankiisu dhiigga u eg yahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deeqle
m.l 1. Alle magacyadiis mid ka mid ah. 2. la-mid: deeqlay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
deeqle
m. n. generous person, beneficial thing ~ event; God
deeqle m. n. thornless tree species
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Deeqle
magac ka mid ah magacyada Ilaahay oo tilmaamaya inuu Eebbe yahay ka hodanka ah ee addoomihiisa wax walba ugu deeqay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deeqe
m.l (-ayaal, m.l/dh) (kiimika) Atamka, ayoonka ama molikuyuulka bixiya lammaane elektaroon marka dabar elektaroon-wadaag ahi samaysmayo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
deeqe
m.l (-ayaal, m.l/dh) (kiim.) Atamka, ayoonka ama molikuyuulka bixiya lammaane elektaroon marka dabar elektaroon-wadaag ahi samaysmayo.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Deeqe
Donor
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deeqe
-ha: (magac, lab, keli) atamka ayoonka ama molikuyuulka bixiya lammaane elektaroon marka dabar elektaroon-wadaag ahi samaysmayo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
deeqle_1
a: deeqsi
de: generous person, beneficial thing ~ event; [ext.] God
hm: 1
lx: deeqle
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: deeqle_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
deeqle_2
de: thornless tree sp.
hm: 2
lx: deeqle
pd: (/ha)
ps: n-m
see: deeqlay
key: deeqle_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deeqlay
m.l Nooc geedaha ka mid ah oo aan qodax lahayn oo dhacaan guduudan leh. la-mid: deeqle (2).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
deeqlay
m. n. thornless tree species, its sap is the color of blood
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
DEEQLAY
[DERLIE, DERLAY] Jatropha glandulosa 01
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deeqlay
-da: (magacwadareed) dadka deeqda bixiya. Dh: deeqbixiye.
deeqlay-da: (magac, dhedig, keli) nooc geedaha ka mid ah oo aan qodax lahayn oo dhacaan guduudan leh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
deeqlay
a: deeqle
de: thornless tree sp., its sap is the color of blood
lx: deeqlay
pd: (-ga)
ps: n-m
key: deeqlay
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
déréglé
déréglé, adj. - Bilaa sharci; sharci daro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Deel
(Deel-ka)
Xarafka afraad oo alifka Soomaalida magaciisa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deel
m.l 1. Astaan xoolaha lagu sunto oo u eg deelka xuruufta carabiga. 2. la-mid: d (da').
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
deel
m. n. D [letter of the Arabic alphabet.]
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deel
-ka: (magac, lab, keli) xarafka siddeedaad ee alif ba'da carabiga oo Soomaalida badhkood deel ugu dhawaaqaan. Dh: daal.
deel -ka: (magac, lab, keli) astaan xoolaha lagu dhigo oo lagu calaamadiyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
deel
a: da'
bw: Arabic
de: D [letter of the Arabic alphabet]
lx: deel
pd: (-ka Pl: deelal (/sha))
ps: n4-m, n2-m
key: deel
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Deeq
(Deeq-da)
Kal iyo laab wax u bixinta; wax bixin iska jeclaanta; faxnaan; waxbixin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deeq
deeq¹: m.l/dh Hanti aan deyn ahayn oo cid u baahan la siiyo.
deeq²: f.mg1 (-qay, -qday) 1. Hanti aan deyn ahayn cid u baahan siin. 2. Wax, wax kale oo loogu talaggalay ku filnaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
deeq
deeq¹: m.l/dh Hanti aan deyn ahayn oo cid u baahan la siiyo.
deeq²: f.mg1 (-qay, -qday) 1. Hanti aan deyn ahayn cid u baahan siin. 2. Wax, wax kale oo loogu talaggalay ku filnaansho. m.f.dh, deeqid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Deeq
name: Deq
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
deeq
v. suffice; be enough; adequate
deeq [feminine] n. donation, gift; offer; grant, scholarship; generosity
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Deeq
name-m donation; gift; offer; grant; generosity. Syn: Deeqa, Deeqsan
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
deeq
-da: (n) grant (garaant); donation (doo-neey-shin); contribution (kon-tiri-biyuu-shin); charity (jaa-rati); gift (gift) ~ sadaqo
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
DEEQ
Contributo
Grants
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Deeq
Dono; contributo
Grant; contribution
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Deeq
magac loo baxsho wiil lagu wada farxay ama quruxdiisu waaliddada deeqday oo lagu wada qancay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deeq
(fal) cid ku fillow oo dhergi. Dh: dhergi, kaafi.
deeq-da: (magac, dhedig, keli) wixii la isa siiyo, wax la isu hanneeyo. Dh: siin.
deeq -da: (magac, dhedig, keli) wax Alle keenay, siin Eebbe.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Deeqa
pr. n., [feminine] Deka
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Deeqa
name-f donation; gift; offer; grant; generosity. Syn: Deeq, Deeqsan
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
deeqa
-y / deeqday: (adj) adequate (a-dik-wit); sufficient (sa-fi-shant) ~ ku filan. Ex: sahaydu way deeqdaa; the supplies are adequate
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Deeqa
magac loo baxsho gabadh waaliddada qurux iyo qaayo ba ku deeqday oo qancisay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Deeqa
cf: deeq
de: Deka
lx: Deeqa
ps: name-f
key: Deeqa
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
degle
-ha: (magac, lab, keli) nin badeecad yar haya oo degta kolba meel ku geeya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yeele
m.l (-layaal, m.l/dh) (naxwe) Magaca waafaqsan qaab sarfeedka falka weerta; fale.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
yeele
m.l (-layaal, m.l/dh) (naxwe) Magaca waafaqsan qaab sarfeedka falka weerta; fale.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
yeele
m. n. doer; subject {grammar}
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yeele
-ha: (magac, lab, keli) cidda fal la seeyey ku kacday. Yeele wuu illoobaaye la yeelese ma illoobo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
yeele
de: doer; subject {grammar}
initial: y
lx: yeele
pd: (/ha)
ps: n7-m
syn: fale
key: yeele
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
yeele
مبتدأ الجُمله، المُسْنَد إِلَيْهِ
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Beetle
Geesoole
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
beetle
(coleopterous insect), n.; the stinking black one, xaar walwaal, -ki.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
débile
débile, adj. - Tamar-daran; Daciifah,
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
débole
agg. - nugul, taagdaran.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deeley
-ga: (magac, lab, keli) jaad ka mid ah noolaha badda oo la bah ah aaragoosato oo qolofteedu aad u hagoogan tahay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
deeq_1
de: suffice; be enough; adequate
hm: 1
lx: deeq
pd: (deeqay / deeqday)
ps: v1=
key: deeq_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
deeq_2
cf: hoo (da)
de: donation, gift; offer; grant, scholarship; generosity
hm: 2
lx: deeq
pd: (-da)
ps: n1-f
key: deeq_2
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Deeq_3
de: Deq
hm: 3
lx: Deeq
ps: name-m
key: Deeq_3
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Deeqid
(Deeqid-da)
1. Ku fillaansho; wada gaarid.
2. Deeq bixin; wax bixin; siin; diiqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deeqid
m.f.dh eeg deeq².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deeqid
-da: (magac, dhedig, keli) marka shay ku fillaado ama le'ekaado cidda haysata ama wax lagu qaybshay. Dh: filnaansho, kaafiyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Deeqsi
(Deeqsi-ga)
(qof) Abuur iyo dhalan ahaan u jecel, inuu wax baxsho, waxna u baxsha; faxan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deeqsi
m.l (-iyaal/-iyo, m.dh) D. ah: qof naxariis badan oo waxa uu haysto wax ka bixiya.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
deeqsi
m.l (-iyaal/-iyo, m.dh) D. ah: qof naxariis badan oo waxa uu haysto wax ka bixiya.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
deeqsi
m. n. generous person
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
deeqsi
-ga: (n) generous giver (jene-ras gi-ver); benefactor (bene-fak-ter); unselfish donor; liberal giver ~ sikhi,
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Deeqsi
Generoso
Generous
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deeqsi
-ga: (magac, lab, keli) qofka hayntiisa quudha ee dadka wax siiya; qof nin gacan furan. Dh: faxal. Li: bakhayl, qadduuc, dhudhuc.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
deeqsi
de: generous person
lx: deeqsi
pd: (-ga)
ps: n7-m
syn: sikhi
key: deeqsi
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Defile
Marin dhuuban
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
defile
/dhefayl/ (v) wasakhayn (faddarayn).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
défilé
défilé, n.m; - Dhaafid
passage d'un grand nombre de personnes - Tiro dad ama gaadiid ah oo isdaba socda.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
defile
v.tr., (make foul) doxbee, uskagee, wasakhee.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
désolé
désolé, adj. - ka xumaansho; waan ka xumahay!
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deynle
m.l (-layaal, m.l/dh) Qof, qof kale deyn ku leh. la-mid: deynlow.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
deynle
m.l (-layaal, m.l/dh) Qof, qof kale deyn ku leh. la-mid: deynlow.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
deynle
m. n. creditor
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
deynle
-deynlaha: (n) lender (lendhar); creditor (kare-diter) ~ qaansheegte
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deynle
-ha: (magac, lab, keli) cid amaah cid kale ku leh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
deynle
a: deynlow (ga) [n2a-m]
de: creditor
lx: deynle
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: deynle
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhiqle
(Dhiqla-ha)
Cayayaan yaryar oo aan baalal lahayn oo dhiigga dadka nuuga: wuxuu galaa sariiraha iyo gogosha kaloo lagu seexdo ama lagu fariisto; kataan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiqle
m.l.u Cayayaan yar baalal lahayn, dhiigkunool ah oo furaashyada, kuraasta iyo wixi lamida gala; kutaan. la-mid: dhilqe.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhiqle
m.l.u Cayayaan yar baalal lahayn, dhiigkunool ah oo furaashyada, kuraasta iyo wixi lamida gala; kutaan. la-mid: dhilqe.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhiqle
m. n. bedbug
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Dhiqle
name-m temperamental; lit: a high tempered one
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhiqle
-dhiqlaha: (n) bedbug (bedh-bag); chinch (Jinji) ~ uhilqe, kutaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiqle
-ha: (magac, lab, keli) cayayaan yaryar oo aan baalal lahayn oo dhiilaha gala. Dh: kutaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhiqle
bw: dhilqe {C & S}
de: bedbug
lx: dhiqle
pd: (/ha)
ps: n7-m
syn: kutaan
key: dhiqle
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
DIIQLE
Jatropha dichtar 20
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
feeble
/fiibal/ (adj) daciif, laciif.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Geelle
name: Geelee
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
geelle
m. n. camel-owner
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Geelle
name-m camel-owner; lucky; rich. Syn: Geello
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Geelle
magac loo baxsho wiil dhashay kol uu reerku geel badan yeeshay ama la filayo in uu lexejeclo yeesho oo uu geel dhaqdo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeeble
m.l (-layaal, m.l/dh) 1. Ganacsade yar oo badeecada la wareega. 2. Qof sigaarka ku gada bannaanka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jeeble
m.l (-layaal, m.l/dh) 1. Ganacsade yar oo badeecada la wareega. 2. Qof sigaarka ku gada bannaanka.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jeeble
m. n. itinerant merchant; cigarette seller
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
JEEBLE
(Jeble) S Mundulea sericea (Willd)A.Chev. Papilionaceae.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jeeble
-jeeblaha: (n) street vender (yeen dher); also vendor; peddler (ped-ler)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeeble
-ha: (magac, lab, keli) qof ganacsi yar leh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jeeble
de: itinerant merchant; cigarette seller
lx: jeeble
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: jeeble
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
needle
/niidhal/ (n) irbad (sida mudac ama maxaad).
needle: /niidhal/ (infml); (v) foor-jayn (wax ka sheegid, caayid).
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Needle
Irbad
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
needle
n., irbad, -di; big needle, maxaad, -ki.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Seefle
(Seefla-ha)
Kalluun faras-badeedka u eg, guudse aan lahayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seefle
m.l (-layaal, m.l/dh) Nooc kalluunka badda ku nool ka mid ah oo u eg faras-badeedka, guudse aan lahayn.