deeddifayn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deeddifayn
-ta: (magac, dhedig, keli) hadal qof hore uu yidhi hadal danbe ku beenayn ama ku cambaarayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Deedifeyn
(Deedifeyn-ta)
Hadal deedifo ah, jeedin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deedifeyn
m.f.dh eeg deedifee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deedifeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) hadal horay loo yidhi dhan iska leexin oo gaashaanka u daruurid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deeddifo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg daadifayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deeddifee
(fal) iska leexi dembi laguu qabsaday.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaddigayn
vl. n. feminization, making a noun feminine
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhaddigayn
de: feminization, making a noun feminine in Somali grammar
lx: dhaddigayn
pd: (-ta)
ps: vn1-f
key: dhaddigayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dheddigeyn
(Dheddigeyn-ta)
Dheddig ka dhigid; dheddig keliya dhalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheddigeyn
m.f.dh eeg dheddigee. la-mid: dhaddigeyn, dhiddigeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diraddirayn
(Diraddirayn-ta)
(dad) inay wax isyeelaan ama colloobaan ama is nacaan ka xoojin; iskuddirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diraddirayn
m.dh eeg diraddiree. la-mid: diraddire, diraddiro.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Meerdhafayn
Amalgamation
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Deedifo
(Deedifa-da)
Hadal, markhaati ama qof kale lagu canbaareeyo oo laysaga joojiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deedifo
m.dh Duridda qof markhaantigiisa ama guddoonkiisa la duro.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
deedifo
m.dh Duridda qof markhaantigiisa ama guddoonkiisa la duro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
deedifo
f. n. insult
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
deedifo
de: insult
lx: deedifo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: deedifo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dheddin
(Dheddin-ka)
Geed-quwaax la ruugo; (ama dhiddin).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheddin
m.l Geed quwaax ay dhirindhirka isku bahyihiin, ka baxa dhulka dhagaxa leh oo dhala malmal. la-mid: dhiddin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dheddin
m. n., [collective] rootcrop plant species, chewed for its sugar content
dheddin m. n., [collective] tree species, with aromatic resin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diifayn
m.f.dh eeg diifee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diifayn
-ta: (magac, dhedig, keli) hagardaamayn oo wax diifi ku taallo ka dhigid. Dh: dhibaatayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Geeddan
(Geeddan-ka)
1. Colka danbeeya oo cadowga, laga yaabo inuu gadaal ka yimaado, celiya; raacdarreeb.
2. Dib u hara; danbeeya; dabaadi, haraa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geeddan
m.l Col yar oo ka dambeeya colka weyn oo loogu taloggalo inuu celiyo cadowga gadaal ka imanaya; raacdareeb.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
geeddan
m.l Col yar oo ka dambeeya colka weyn oo loogu taloggalo inuu celiyo cadowga gadaal ka imanaya; raacdareeb.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
geeddan
m. n. rear guard
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geeddan
-ka: (magac, lab, keli) col hubaysan oo inta badan gaadiid fuushan. Iga guura goortuu yidhaa geeddan loo xidhaye. Dh: col.
geeddan-ka: (magac, lab, keli) loollan dagaal; col u jilibdhigid. Hashii geeddankeedii miyuu aarku ku casheeyey.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
geeddan
de: rear guard
lx: geeddan
pd: (-ka)
ps: n-m
key: geeddan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Neefayn
(Neefayn-ta)
Neef gelin; afuufid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
neefayn
m.f.dh eeg neefee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
neefayn
vl. n. inflating, blowing air into
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
neefayn
-ta: (magac, dhedig, keli) naqas ku afuufid Neefaynta shaaggu wakhti badan ma qaadato
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
neefayn
de: inflating, blowing air into
lx: neefayn
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: neefayn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daadifay
(fal) gaashaanka u darruur oo iska moos. Arrinta iska daadifee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dederayn
-ta: (magac, dhedig, keli) qof, wax aanu qabin saarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deeddami
(fal) kaxee xoolo fara badan adigoo dabada ka wada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deedifee
f.g2 (-feeyay, -feysay) Qof markhaantigiisa ama guddoonkiisa durid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
deedifee
f.g2 (-feeyay, -feysay) Qof markhaantigiisa ama guddoonkiisa durid. m.f.dh, deedifayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
deedifee
v. insult
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
deedifee
de: insult
lx: deedifee
pd: (deedifeeyey)
ps: v2b=
key: deedifee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheefayn
m.f.dh eeg dheefee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eeditaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg eedid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Geddisan
La geddiyey; rogan; doorsan; duwan; beddelan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geddisan
f.mg4 (-snaa, -snayd) 1. Wax afkiisa hoos la mariyey ahaansho. 2. Wax isbeddel ku dhacay ahaansho. 3. Kala g.: wax aan isku nooc ahayn ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
geddisan
f.mg4 (-snaa, -snayd) 1. Wax afkiisa hoos la mariyey ahaansho. 2. Wax isbeddel ku dhacay ahaansho. 3. Kala g.: wax aan isku nooc ahayn ahaansho. m.f.dh, geddisnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
geddisan
der. [adjective] changed, overturned
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
geddisan
-aa: (adj) 1. turned down, overthrown, tumedover. 2. different (diferent); changed (janjidhid); transformed ~ baddalan, gaddisan
kala geddisan -aa: (adj) having different kinds; various (veeri-yes); assorted (a-soor-tidh); discrepant (diskare-pant)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geddisan
(tilmaame) wax sidii hore ka duwan. geddisan: (tilmaame) wax la genbiyay, wax la afrogay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
geddisan
de: changed, overturned
lx: geddisan
ps: adj-der
key: geddisan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geeddeyn
m.dh la-mid: geddiggelin.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Geeddiyo
name-f traveler; caravan; migration, traveling (on a journey) Lit: he who was born during a trans-humance
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Geeddiyo
magac loo baxsho gabadh dhalatay reerka oo geeddi ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laddifan
(tilmaame) wax fudud oo aan cuslayn. Dh: sahlan. Li: adag.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weedhayn
-ta: (magac, dhedig, keli) weedh ka dhigid; weereyn; weedhays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xeedhayn
-ta: (magac, dhedig, keli) casuumadayn oo sooryo u samayn. Dh: xeedhays, daraarayn, casuumadayn. Li: qadin.
xeedhayn -ta: (magac, dhedig, keli) xeedho aroos loogu diiqayo samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Beeddalan
Beeddal ah; kudaal u baahan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beeddalan
f.mg4 (-lnaa, -lnayd) Wax kudmo rabo ahaansho (geenyo). la-mid: beedalan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
beeddalan
der. [adjective] being in heat (of domestic animal, e.g., horse)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beeddalan
(tilmaame) gammaan lab saarta u baahan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
beeddalan
de: being in heat (of domestic animal, e.g., horse)
lx: beeddalan
pd: (beeddalnaa)
ps: adj-der
key: beeddalan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deddanaan
m.dh la-mid: daddanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deddanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax dedan ahaan. Dh: dednaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deeqdaran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Qof gacan adag oo aan wax bixin ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
deeqdaran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Qof gacan adag oo aan wax bixin ahaansho. m.f.dh, deeqdarnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
deeqdaran
Comp. adj., (ie. n., adj.): stingy, ungenerous, miserly
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
deeqdaran
-aa: (adj) giving or spending reluctantly; stingy (stin-ji); close-fisted (kalows-fistidh); ungenerous (an-jena-res) -bakhayl
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deeqdaran
-ka: (magac, lab, keli) qof gacan adag oo aan wax bixinta aqoon, ahaansho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
deeqdaran
de: stingy, ungenerous, miserly
lx: deeqdaran
pd: (deeqdarnaa)
ps: adj-cmp
key: deeqdaran
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diqdiqayn
(Diqdiqayn-ta)
(alaabo, kd.) gurid isdabajoog ah; wax badan oo la gura hayo iyadoo hadba in yar la qaada hayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diqdiqayn
m.f.dh eeg diqdiqee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diqdiqayn
-ta: (magac, dhedig, keli) si isdabajoog ah u gurgurid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geeddifur
-ka: (magac, lab, keli) muurka rarka ka dhigid. Halkee baad doonaysaa inaad reerka geeddifurto? Dh: dejin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
teeditaan
-ka: (magac, lab, keli) isdhinac dhigitaanka walxo badan; sarbitaanka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daaddahayn
-ta: (magac, dhedig, keli) marka ilmaha yar socodka la baroyo, tallaabada sida loo qaado la tusayo.
daaddahayn -ta: (magac, dhedig, keli) hawl koox lagu wado, hoggaaminteed. Daaddahaynta shirka waxa wada shirguddoomiyaha.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deegaamayn
-ta: (magac, dhedig, keli) meel aan horey si wanaagsan loo degganayn mid la degi karo ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaddigeyn
m.dh la-mid: dheddigeyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaddigeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) gabadh yar xalaalayn oo baarada ka jarid. Dh: gudid.
dhaddigeyn -ta: (magac, dhedig. keli) dhedig badan oon lab ku jirin dhalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiddigeyn
m.dh la-mid: dheddigeyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diradirayn
-ta: (magac, dhedig, keli) iska horkeenista labo dhinac ayadoo qofba intiisa xun ka kale loo sheegayo. Dh: namiimayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
feedhitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg feedhid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yeedhitaan
-ka: (magac, lab, keli) u dhawaaqitaan; u yeeritaan. Nin dhegala' yeedhitaan ma maqlee gacanta qabo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beeddalnaan
m.f.dh eeg beeddalan. la-mid: beedalnaan, beedalnaansho, beeddalnaasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
berdeditaan
-ka: (magac, lab, keli) argaggixitaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deeqdarnaan
m.f.dh eeg deeqdaran. la-mid: deeqdarnaansho, deeqdarno.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheefsamayn
m.dh (baayoloji) Samayska dheefasho ee borotiinnada, duxda iyo waxyaabo kale oo noolayaasho ku jira ee laga samaynayo moolikiyuullo iyo walxo kale oo yaryar.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dheefsamayn
m.dh (baay.) Samayska dheefasho ee borotiinnada, duxda iyo waxyaabo kale oo noolayaasho ku jira ee laga samaynayo moolikiyuullo iyo walxo kale oo yaryar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eedaaditaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg eedaadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
feedagitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg feedagid.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
GEED-IRMAAN
(Ged-irman) S, C Cleome hanburyana Penzig. Capparidaceae.
S.C Psilotrichum gnaphalobryum (Hochst) Schinz. Amaranthaceae.
S Boerhavia difusa L. Nyctaginaceae.
N Boerhavia elegans Choisy Nyctaginaceae.
N Commicarpus pentandrus (Burch.) Heim. Nyctaginaceae.
N Commicarpus plumbagineus (Cav.)Standl. Nyctaginaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geeddigelin
-ta: (magac, dhedig, keli) socod geeddi ah u wadid. Dh: hayaamin, qayaadin, geeddiyayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dameerabilayn
m.dh la-mid: dameeradhaglayn.