deddo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Deddo
(Dedda-da)
Qabow badan; qarqaryo; dhaxan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deddo
m.dh Qabow aad ah oo dhaxan badan leh. la-mid: daddo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
deddo
f. n. cold, low temperature
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deddo
-da: (magac, dhedig, keli) dhaxan iyo qabow tiro badan oo uu xanuun keenay oo aad u daran. Dh: daddo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
deddo
de: cold, low temperature
lx: deddo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: deddo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deddoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Qabow aad ah oo dhaxan badan leh. la-mid: daddoo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
deddoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Qabow aad ah oo dhaxan badan leh. la-mid: daddoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deddoo
(fal) qabaw ha ku helo; aad u qadhqadh. Dh: qadhqadhyoo, dhaxmoo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deddow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Wax deddo hayso noqosho. la-mid: daddow.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
deddow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Wax deddo hayso noqosho. m.f.dh, deddoobid. la-mid: daddow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deddow
(fal) eeg deddoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eddo
-da: (magac, dhedig, keli) aabbo walaashii ama ina'adeertii. Dh: eeddo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daddo
m.dh la-mid: deddo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daddo
-da: (magac, dhedig, keli) aad iyo aad u miyirdoorsamid.
daddo -da: (magac, dhedig, keli) carcarta u horraysa ee nabarka. Dh: carcar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dedmo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg dedid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Duddo
(Dudda-da)
Cido meel wada deggan; beel; degmo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duddo
m.dh (-ooyin, m.l) Ood ku wareegsan meel la degganyahay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
duddo
f. n. settlement, community, village
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
duddo
-duddada: (n) a group of nomadic families who are concentrated in a particular area; village (vi-laj) ~ beel
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duddo
-da: (magac, dhedig, keli) meel dhan walba laga xego oo badhtan ah. Nin la doonayaa duddo kuma jiro.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
duddo
de: settlement, community, village
lx: duddo
pd: (/da)
ps: n6-f
syn: beel, degmo
key: duddo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Eeddo
(Eedda-da)
Aabbaha iyo adeerka walaashood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
eeddo
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Haweeneyda aabaha la dhalatay. 2. Haweeneyda aabuhu qabo oo aan hooyada ahayn; aayo. 3. U.j: eeddoy! 4. U.j: wiilka aan eeddada u ahayow!; gabadha aan eeddada u ahayey!
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
eeddo
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Haweeneyda aabaha la dhalatay. 2. Haweeneyda aabuhu qabo oo aan hooyada ahayn; aayo. 3. U.j: eeddoy! 4. U.j: wiilka aan eeddada u ahayow!; gabadha aan eeddada u ahayey!
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
eeddo
f. n. paternal aunt, father's sister; stepmother
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
eeddo
-eeddada: (n) 1. the sister of one's father; aunt (aant); the wife of one's uncle; 2. stepmother (steep maadar)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eeddo
-da: (magac, dhedig, keli) aabbe walaashiis. Dh: eddo.
eeddo -da: (magac, dhedig, keli) haweeneyda aabbuhu qabo oo aan hooyada ahayn. Dh: aayo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
eeddo
cf: adeer (father's brother)
de: paternal aunt, father's sister; stepmother
lx: eeddo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: eeddo
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
eeddo
عمة
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
feddo
m.dh (-ooyin, m.l) Dhul sare oo siman.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
feddo
-da: (magac, dhedig, keli) buuraha oogada sare ee loo baxo. Fedda daan wareegaa sidii faraw ugaadheede.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daddoobid
m.dh la-mid: deddoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daddood
m.l la-mid: deddood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deddoobid
m.f.dh eeg deddow. la-mid: daddoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deddobeel
-ka: (magac, lab, keli) wax qofka la siiyo marka ay xummadi qabato si ay uga jabto ama wax kalaba ku dhaco oo cudur ah ama qaniiyo halaq. Dh: deddotir, daddabbeel.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deddood
m.f.l eeg deddoo. la-mid: daddood.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
deddood
m.l eeg deddoo. la-mid: daddood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deddood
-ka: (magac, lab, keli) qadhqadhyoodka dhaxan iyo qabaw keenaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daddoo
f.mg3 (-ooday,-ootay) la-mid: deddoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daddoo
(fal) dhaxan iyo qabaw daraaddii, la qadhqadhyoo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daddow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) la-mid: deddow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deddan
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: daddan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
deddan
der. [adjective] impetuous, too eager, at an emotional peak, impulsive
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
deddan
de: impetuous, too eager, at an emotional peak, impulsive
lx: deddan
pd: (deddanaa)
ps: adj-der
see: daddan
key: deddan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deddeg
deddeg¹: m.l la-mid: degdeg¹.
deddeg²: f.mg1 (-gay, -gtay) la-mid: degdeg².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deddeg
(fal) eeg dagdag.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhiddo
(Dhidda-da)
Caanaqub, kashiito, yaadaddo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiddo
m.dh (-ooyin, m.l) Caanaqub; kashiito.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhiddo
f. n. porcupine
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiddo
-da: (magac, dhedig, keli) xayawaan kuusan oo fuq yuuban, dushana qodxo dhaadheer ku leh oo ka mid ah duurjoogta hilibkoodu xalaasha yahay. Dh: gashiito, caanoqub, raamsato.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhiddo
de: porcupine
lx: dhiddo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: dhiddo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diiddo
(Diidda-da)
Oggolaad la'aan; wax yeelis la'aan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dįiddo
m.dh Ku gacan sayridda lagu gacan sayro codsi, amar, siismo iyo wixi lamida.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
diiddo
dįiddo: m.dh Ku gacan sayridda lagu gacan sayro codsi, amar, siismo iyo wixi lamida.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
diiddo
f. n. refusal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diiddo
-da: (magac, dhedig, keli) wax la is faray ama talo la soo jeediyay, oo aan la oggolaan. Dh: diiddanaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
diiddo
de: refusal
lx: diiddo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: diiddo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duuddo
m.dh la-mid: duud².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eeddow
-ga: (magac, lab, keli) jeex yar oo ka falliidhma ciddiyaha dhinacyadooda oo kolka la taabto xanuun badan.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
fréddo
agg. - qabow gamooje.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Geeddo
name-f treesome
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Leeddo
(Leedda-da)
Faras aan koore saarrayn oo la fuulo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
leeddo
m.dh 1. Faras la fuushanyahay oo aan koore saarnayn. 2. la-mid: leeddafuulid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
leeddo
vl. n. bareback riding
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leeddo
-da: (magac, dhedig, keli) fuulidda faras aan la heensayn. Leedda fuulkiyo, wiilyaw lahashadu, yaanay kula lumin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
leeddo
de: bareback riding
lx: leeddo
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: leeddo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deeddifo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg daadifayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dheddigo
-da: (magac, dhedig, keli) magaca loo yaqaan biciidka kiisa yaryar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ded
(Ded-ka)
Wax biyaha iyo dabaysha iyo dheelka iyo kulka celiya oo ama aqallada la dhisa hayo korka laga saaro ama wax kaloo loo baqa hayo la huwiyo oo lagu daboolo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ded
ded¹: m.l 1. la-mid: dąd 1. Shey dusha laga saaro ama lagu daboolo wax feydan. 2. la-mid: dedid.
ded²: f.g1 (-day, -dday) Wax feydan, shey dusha ka saarid ama ku daboolid. la-mid: dąd².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ded
ded¹: m.l 1. la-mid: dąd¹. Shey dusha laga saaro ama lagu daboolo wax feydan.
ded²: f.g1 (-day, -dday) Wax feydan, shey dusha ka saarid ama ku daboolid. m.f.dh, dedid. la-mid: dąd.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ded
m. n. extra covering over roof of a hut (against rain ~ sun)
ded v. cover (with a sheet, etc. to protect); conceal
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ded
-ka: (n) cover (kofer); covering
ded -ay / day: (v) roof (ruuf); cover (kofer) ~ dabool —deddan: (adj) covered (ka-veridh) ~ daddan. Ex: walax deddan; something covered
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ded
(fal) wax meel yaalla dusha wax ka saar oo dabool. Bustaha ku ded bukaanka. Dh: qari, huwi. Li: fayd.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
dado
s.m. - daado.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
dead
/dheedh/ (adj) 1. dhintay (aan noolayn) (adj) 2. kaamil ah (dhammaystiran).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
dead
a., nin go’ay, naag go’day; he is dead, go’; the dead men, dadkii dhintay.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
deed
/dhiidh/ (n) 1. fal (camal) e.g. a good deed (n) 2. warqada lahaanshaha dhul ama dhismo (subbar-loogo).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
deed
n., (action) falniin, -ki, or -ti.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dego
f.mg3 (-gtay, -gatay) 1. Shax, turub, iyo wixi lamida bad dhigasho. 2. Ku d.: cid marti u noqosho. la-mid: deg² (3,9)
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dego
f.mg3 (-gtay, -gatay) 1. Shax, turub, iyo wixi lamida bad dhigasho. 2. Ku d.: cid marti u noqosho. m.f.dh, degasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dego
v. go down, descend
dego [feminine] n., [collective] dung, pulverized dung
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dego
-degtay / degatay: (v) go down (dhaawn); go or come down; descend (di-sendi); get out. Ex: hoos bay u degatay; she went down
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
delo
m.dh (botani) Geed cawska lagu tiriyo oo leh laamo dhaadheer, oo xubno leh oo sida dhuumaha dhexda ka daloola, waxyaalo badanna laga sameeyo, oo ka baxa agagaarka webiga.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
delo
m.dh (botani) Geed cawska lagu tiriyo oo leh laamo dhaadheer, oo xubno leh oo sida dhuumaha dhexda ka daloola, waxyaalo badanna laga sameeyo, oo ka baxa agagaarka webiga.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
delo
-da: (magac, dhedig, keli) geed cawska lagu tiriyo oo leh laamo dhaadheer, oo xubno leh oo sida dhuumaha dhexda ka daloola oo waxyaalo badanna laga sameeyo, kana baxa agagaarka webiga.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Deyd
(Deyd-ka)
Dhis wareegsan oo aqallada, kd., loo yeelo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deyd
m.l (-dad, m.l) Dhis wareegsan oo aqallada iyo wixi lamida lagu wareejiyo ama horay looga yeelo. la-mid: deyr.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
deyd
m.l (-dad, m.l) Dhis wareegsan oo aqallada iyo wixi lamida lagu wareejiyo ama horay looga yeelo. la-mid: deyr.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
deyd
m. n. fence
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
deyd
-ka: (n) 1. courtyard (koort-yaadh); yard (yaadh). 2. enclosure (en-kalaaw-sher); fence (feens) ~ xero, deyr
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deyd
-da: (magac, dhedig, keli) eegid oo fiirin. Dh: dayid, eegid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
deyd
cf: deyr
de: fence
lx: deyd
pd: (-ka Pl: deydad (ka))
ps: n4-m
key: deyd
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
eddy
/eddi/ (n) 1. dhaqdhaqaaq wareeg-gaysanaya oo ah biyo, habaas iwm (v) 2. iska-dabawareegid (wareegaysi).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gedo
m.l.kh G. ah: isku fil ah. la-mid: ged (2).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gedo
m.l.kh G. ah: isku fil ah. la-mid: ged.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Gedo
pr. n., loc. Gedo [region in south west Somalia.]
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Gedo
(n) southwestern region of Somalia: Gedo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gedo
(tilmaame) icd isku gu'tirsi dhow. Geeddi iyo Cumar waa isu gedo.