deddatir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Deddatir
(Deddatir-ka)
1. Dhaxantir.
2. Qof la qaniiney ama dhaawac halis ahi gaarey, degdeg wax ugu qabasho; dhibiibtir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deddatir
deddatir¹: m.l 1. Dhaxantir. 2. Gargaar deg-deg ah oo loo fidiyo qof la qaniinay ama dhaawac halis ahi gaarey; dhibiibtir. la-mid: deddatirid.
deddatir²: f.g1 (-ray, -rtay) 1. Nafley dhaxamaysan diirrimaad siin. 2. Qof la qaniinay ama dhaawac halis ahi gaarey si degdeg ah u gargaarid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
deddatir
deddatir¹: m.l 1. Dhaxantir. 2. Gargaar deg-deg ah oo loo fidiyo qof la qaniinay ama dhaawac halis ahi gaarey; dhibiibtir.
deddatir²: f.g1 (-ray, -rtay) 1. Nafley dhaxamaysan diirrimaad siin. 2. Qof la qaniinay ama dhaawac halis ahi gaarey si degdeg ah u gargaarid. m.f.dh, deddatirid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
deddatir
vl. n., [compound] first aid, immediate help
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deddatir
-ka: (magac, lab, keli) qof uu dhaawac gaadhay ama la qaniinay si degdeg ah wax daweeya ugu qabasho.
deddatir-ka: (magac, lab, keli) qof dhaxan qabaw ku dhacday, wax diiriya dhakhso u siin. Dh: dhaxantir.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
deddatir
de: first aid, immediate help
lx: deddatir
pd: (-ka)
ps: vn-m-cmp
key: deddatir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deddatirid
m.f.dh eeg deddatir². la-mid: deddatir¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deddatirid
-da: (magac, dhedig, keli) cid nabar gaadhay gurmad degdeg ah u samayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cartir
-ka: (magac, lab, keli) jilow ama geed kale oo qofka dhiigbaxaya la saaro. Dh: dhibiibitir, deddatir.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deeddamid
-da: (magac, dhedig, keli) dabada ka kaxaynta xoolo fara badan.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
dédain
dédain, n.m. - Xaqirid; La xaqiro; aan tixgelin la siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deddan
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: daddan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
deddan
der. [adjective] impetuous, too eager, at an emotional peak, impulsive
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
deddan
de: impetuous, too eager, at an emotional peak, impulsive
lx: deddan
pd: (deddanaa)
ps: adj-der
see: daddan
key: deddan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daddani
-da: (magac, dhedig, keli) ahaanshiinyaha daddaansho. Dh: mammani, danayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dedajin
-ta: (magac, dhedig, keli) hawl, degdeg u qabasho; la dhaqsago oo horay horay u dhammayn. Dh: dedejin, dadajin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deddaab
-ta: (magac, dhedig, keli) meel dhudhub ah oo xooluhu hadday maraan aanay ka soo noqon karin. Deddaabta ka horjoogsada geela. deddan: (tilmaame) tuulan oo dusha wax laga saaray. Nin busto ku deedan ayaa jiifa. Dh: dedan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deddeji
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: degdeji.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
deddeji
f.g2 (-iyay, -isay) Wax si dhaqso ah u samayn. m.f.dh, deddejin. la-mid: degdeji.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
deddeji
v. hurry, do quickly, rush
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
deddeji
-yey / say: (v) rush (rash); hasten (heey-sen); speed up; accelerate (ak-sala-reeyt); expedite (ekis-pi-dhaayt) ~ dedeji
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deddeji
(fal) la dhaqso; horayhoray u qabo; degdeg u dhammee. Dh: dadaji, dedeji
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
deddeji
a: degdeji
de: hurry, do quickly, rush
lx: deddeji
pd: (deddejiyey)
ps: v2a=tr
key: deddeji
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
despair
/dhispeer/ (v) rajo-dhigid, hawo-dhigid.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
despair
n., (loss of hope) quusad, -ki; v.i., quuso, iska quuso.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
rebâtir
rebâtir, v. - dhisid mar labaad; dib u dhisid; dib u kabid
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
sédatif
sédatif, adj. et n. - laxawga yareeya; xanuunka dhima
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dedaalid
m.dh la-mid: dadaalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dedaalid
-da: (magac, dhedig, keli) si weyn oo shago u qabasho. Dh: dadaalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deddegid
m.dh la-mid: degdegid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deddegid
-da: (magac, dhedig, keli) degdeg wax u qabasho; horayhoray wax u samayn. Dh: degdegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Deddejin
(Deddejin-ta)
Degdeg u samayn; ku dhaqsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deddejin
m.dh la-mid: dedgejin.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
deddejin
-ta: (n) acceleration (ak-sala-reey-shin); haste (heeyst); hurry (heeri); speed up (ispiidh-ap)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deddejin
-ta: (magac, dhedig, keli) si degdeg ah u samayn. Dh: deddejis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deddejis
m.l la-mid: degdejin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deddejis
-ka: (magac, lab, keli) deddejin ku samayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deeddami
(fal) kaxee xoolo fara badan adigoo dabada ka wada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
degeltir
f.g1 (-ray, -rtay) Wax ciribtirid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
degeltir
f.g1 (-ray, -rtay) Wax ciribtirid. m.f.dh, degeltirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
degeltir
-ka: (magac, lab, keli) raadkii iyo wixii in meesha la deggenaanayay tusayay oo laga tiro. Dh: xaadhid, nadiifin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dembitir
dembitir¹: m.l Baabi'inta raadka dembi la galay. la-mid: dembitirid.
dembitir²: f.g1 (-ray, -rtay) Dembi raadkiisa baabi'in. la-mid: dambitir².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dembitir
v. clear from blame, exculpate, exonerate
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dembitir
-ka: (magac, lab, keli) eeg dembidhaaf.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dembitir
de: clear from blame, exculpate, exonerate
lx: dembitir
pd: (dembitiray)
ps: v1=tr
key: dembitir
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
démentir
démentir, v. - Is burin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhegatir
dhegatir¹: m.l la-mid: dhegatirid.
dhegatir²: f.g1 (-ray, -rtay) Cid dhega beel ku ridid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhegatir
f.g1 (-ray, -rtay) Cid dhega beel ku ridid. m.f.dh, dhegatirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhegatir
(fal) cid kale, dhegabeel ku rid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
indhatir
f.g1 (-ray, -rtay) 1. Cid cammayn. 2. Iska i.: dareenka aragtida iska sixirid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
indhatir
f.g1 (-ray, -rtay) 1. Cid cammayn. 2. Iska i.: dareenka aragtida iska sixirid. m.f.dh, indhatirid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
indhatir
v. make someone blind
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
indhatir
-ay I tay: (v) cause be blind. Ex: jacayl baa indhatiray; he was blinded by love, —iska indhatir -ay / -tay: (v) turn a blind eye; be inattentive; close one's eyes ~ iska indhasaab
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
indhatir
(fal) cid kale, indhaha ka qaad ama ka tuur.
indhatir -ka: (magac, lab, keli) cid kale, indhaha ka qaadid oo beelsiin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
indhatir
de: make s.o. blind
lx: indhatir
pd: (indhatiray)
ps: v1=tr
key: indhatir
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
mediator
n., taliye, -ihi.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
dedication
/dhedhikeyshan/ (n) huritaan (sida hibeynta, naf-huridda iwm).
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dekaamitir
Decameter
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Denudation
Dhul goyn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geedatiris
m.dh Nooc daayeerka ka mid ah, aad u yaryar, leh dhego dhaadheer iyo dabo dheer oo buul badan oo geedaha dushooda kora; kore.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
geedatiris
m.dh Nooc daayeerka ka mid ah, aad u yaryar, leh dhego dhaadheer iyo dabo dheer oo buul badan oo geedaha dushooda kora; kore.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geedatiris
-ta: (magac, dhedig, keli) nafley yar oo cagaha iyo dabada daayeerka uga eg, wajigana dacawda uga eg oo indho waaweyn. Dh: qalami.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beeddalid
m.f.dh eeg beeddal². la-mid: beedalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beeddalid
-da: (magac, dhedig, keli) rabitaanka gammaan oofanaya. Beeddalid geenyaduba way muujisaa markay faraska doonayso. Dh: orgood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daddaamid
-da: (magac, dhedig, keli) wax ku mammanaan oo aad u danayn. Dh: mamid. daddaamin -ta: (magac, dhedig, keli) cid wax ku mamsiin oo jecleysiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daddaamin
m.dh la-mid: dandaamin.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Danaabtir
Discharge
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
decorator
/dhikoreytor/ (n) sharrax-sameeye (qofka wax qurxinta ku shaqo leh).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deddanaan
m.dh la-mid: daddanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deddanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax dedan ahaan. Dh: dednaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deddejiye
-ka: (magac, lab, keli) qofka jecel in si dhaqso ah wax loo qabto. Dh: dadajiye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deddoobid
m.f.dh eeg deddow. la-mid: daddoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deddoobid
-da: (magac, dhedig, keli) dhaxan iyo qabaw daraaddii, la qadhqadhyoo. Dh: dhaxmood.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
dedicated
/dhedhikeytidh/ (adj) u huray (u go'ay, sida qof shago ama qaddiyad u go'doo-may).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
deduction
/dhidhakshin/ (n) 1. ka jaris (dhimis) (n) 2. ka daliilsi (ka garasho).
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Deduction
Ka-reebid
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Deflation
Dabayl qaadis
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Deflation
Foondhac
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
déplaisir
déplaisir, n.m. - murugo leh; tiiraanyo leh
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Desimitir
Decimeter
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Deviation
Leexsanaan
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
deviation
/dhiviyeyshan/ (n) weecsanaan, duwan.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
déviation
déviation, n.f. - weecasho; ka leexashor ka wareegasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhabaqtir
(Dhabaqtir-ka)
Dhabaqtirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhabaqtir
dhabaqtir¹: m.l la-mid: dhabaqtirid.
dhabaqtir²: f.g1 (-ray, -rtay) Wax dhabaqsan dhabaqa ka saarid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhabaqtir
v., [compound] prevent a false beat, correct a mistake in rhythm; organize (time, work) so it is flawless
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhabaqtir
-ka: (magac, lab, keli) ciyaar, sacab iyo wixii la mid ah, dhabaqda ka bi'in oo isku dubbaridid. Dh: badhaqtir.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhabaqtir
de: prevent a false beat, correct a mistake in rhythm; [fig.] organize (time, work) so it is flawless
lx: dhabaqtir
pd: (dhabaqtiray)
ps: v1=cmp
key: dhabaqtir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaxantir
dhaxantir¹: m.l 1. la-mid: dhaxantire. Dhar aan tayo fiicnayn oo loo gashado dhaxan awgeed. 2. la-mid: dhaxantirid.
dhaxantir²: f.g1 (-ray, -rtay) Wax dhaxanta la isaga baabi'iyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhaxantir
f.g1 (-ray, -rtay) Wax dhaxanta la isaga baabi'iyo. m.f.dh, dhaxantirid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaxantir
v. remove ~ protect from the cold
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhaxantir
de: remove ~ protect from the cold
lx: dhaxantir
pd: (dhaxantiray)
ps: v1=tr
key: dhaxantir
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Dheelitir
Miisaamid, ciirtirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dooddamid
-da: (magac, dhedig, keli) dood ka qayb qaadasho. Hadduuse maanta dooddamo senguhu waan dagaal geliye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dowddarid
m.f.dh eeg dowddar². la-mid: dawdarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaaddaxir
m.l Waxyaabaha lagu qurxiyo fardaha marka la heenseeyo.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
médiateur
médiateur, adj. et n. - dhexdhexaadiye.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Mediation
Dhexdhexaadis
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
médiation
médiation, n.f. - dhexdhexaadin
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
mediation
n., heshiis, -ti, talo, -adi.