debci
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
debci
f.g2 (-iyay, -isay) Wax giigsan sida xarig iyo wixi lamida giigsanaanta ka bi'in. la-mid: dabci².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
debci
f.g2 (-iyay, -isay) Wax giigsan sida xarig iyo wixi lamida, giigsanaanta ka bi'in. m.f.dh, debcin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
debci
v. loosen, slacken, relax, ease
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
debci
-yey/say: (v) relax(ri-laaksi);: loosen up (luu-sen ap); ease up (iizap) ~ jilci
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
debci
(fal) askari dig ku jira, ka naso. Waa eray millatarigu isticmaalo oo ah 'naso'.
debci: (fal) wax giijisan ka saar giijiska. Dh: jilci, fudaydi. Dh: nuuji.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
debci
de: loosen, slacken, relax, ease
lx: debci
pd: (debciyey)
ps: v2a=tr
xe: Relax! [military command]
xv: Debci!
key: debci
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Debcid
(Debcid-da)
Wax adkaa, wax jilicsan noqosho; xoog ka yaraansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
debcid
m.f.dh eeg debec². la-mid: dabac¹, dabcid, debac¹, debec¹.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
debcid
-da: (n) looseness (luusen-nes); slack (islaak)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Debcin
(Debcin-ta)
Adaygga ka bi'in; wax jilicsan ka dhigid; xoogga ka yarayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
debcin
m.f.dh eeg debci. la-mid: dabcin.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
debcin
to loosen
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
debcin
vl. n. looseness, slackness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
debcin
-ta: (magac, dhedig, keli) marka shay giijisan laga bi'inayo giijinta, adkaynta laga sii daynayo. Dh: dabcin. Li: giijin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
debcin
de: looseness, slackness
lx: debcin
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: debcin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dabci
(Dabci-ga)
Dabeec, dabeecad, abuur, falfal; sansaati; dhalan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabci
dabci¹: m.l Hab la dhaqanka dad ee qof leeyahay; baxaalli, abuur. la-mid: dabeec (1), dabeecad (1), dabeeco, dabiicad.
dabci²: f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: debci².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dabci
m.l Hab la dhaqanka dad ee qof leeyahay; baxaalli, abuur. la-mid: dabeecad, dabeeco.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dabci
m. n. character, behavior, disposition
dabci v. weaken, relax, loosen, ease
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dabci
-ga: (n) behaviour also behavior (b-iheey-viyar)-, character (kaaraktar)-, conduct (kon-dhakt)-, personality (peer-so-naalati)-, disposition (dis-pozi-shin) ~ dabeecad, akhlaaq
dabci -yey / say: (v) loose (luus); soften (soofan); relax (rilaks) ~ jilci
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabci
-ga: (magac, lab, keli) dhaqanka Eebbe ku abuuray ee u gaarka ah. Dabciga wanaagsani dadkuu kugu daraa. Dh: dabeeco, dabeecad, abuur, sansaan, falfal, dhalan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dharsid
(Dharsid-da)
1. Camashood; xanaaqid; dhirfid; carasho; dhiidhiyid.
2. (oogada dadka) jilcid, debcid gabow daraaddi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Liiqliiqasho
(Liiqliiqasha-da)
(ilko, kd.) debcid la ruxasho; dhaqdhaqaaqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabac
dabac¹: m.l la-mid: debcid.
dabac²: f.mg1 (-cay, -cday) la-mid: debec².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
debac
debac¹: m.l la-mid: debcid.
debac²: f.mg1 (-bcay, -bacday) la-mid: debec².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
debec
debec¹: m.l la-mid: debcid.
debec²: f.mg1 (-bcay, -becday; -bci) 1. Xarig, guntin iyo wixi lamida wax giigsanaantii ka ba'day noqosho. 2. U d.: wax u dhega nuglaan. la-mid: dabac², debac².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
debecla'aan
m.dh 1. Debciddarro. 2. (fk) Si isdabaraac u ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
debec
f.mg1 (-bcay, -becday; -bci) 1. Xarig, guntin iyo wixi lamida wax giigsanaantii ka ba'day noqosho. 2. U d.: wax u dhega nuglaan. m.f.dh, debcid. la-mid: dabac, debac.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
to loosen
debcin
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
muscle relaxant
(n) an agent that specifically aids in reducing muscle tension.
daawada debcisa muruqyada
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
relaxant
(n) something, such as a drug or therapeutic treatment, that relaxes or relieves muscular or nervous tension.
daawada jidhka debcisa
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
ease off
/iis-of/ (v) khafiifin, debcid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
relax
/rilaaks/ (v) 1. istireexid (nasasho) 2. debcin (jilcin, adayga ka bi'in).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
sag
/saag/ (v) 1. hoos u godmid (soo qalloocsamid) 2. debcid (jilcid).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
slacken
/slaakan/ (v) 1. debcin (xooga ka yarayn) 2. qaboojin (xawaaraha dhimid).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
debciye
m. n. gear level; something which loosens ~ makes less heavy
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
debciye
de: gear level; s.t. which loosens ~ makes less heavy
lx: debciye
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: debciye
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabcid
m.dh la-mid: debcid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabcid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg daabicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabcin
m.dh la-mid: debcin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabcin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax aan giijisnayn ama aan adkayn. Dabcinta suunku ragga qaar waa u caado. Dh: jilcin. Li: giijin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
debbir
f.g1 (-ray, -rtay) 1. Wax si wanaagsan u xallin. 2. Kala d.: wax si khayaano ku jirto u habeyn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
debbir
f.g1 (-ray, -rtay) 1. Wax si wanaagsan u xallin. 2. Kala d.: wax si khayaano ku jirto u habeyn. m.f.dh, debbirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
debbir
(fal) eeg dabbar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
debrid
m.l la-mid: dabrid¹.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
debris
/dhebrii/ (n) firdhaad (jajabka ka hara wax bur-buray).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
débris
débris, n.m. - Qidcad yar; Qodobo aan la rabin ama qashin ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhibci
f.g2 (-iyay, -isay) Hoore meel ku jira in yar ka shubid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhibci
f.g2 (-iyay, -isay) Hoore meel ku jira in yar ka shubid. m.f.dh, dhibcin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhibci
v. drip, let drip, dribble
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhibci
(fal) in yar oo dhibic le'eg ama ku dhaw shub. Daawada igu dhibci. Dh: tiixi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhibci
de: drip, let drip, dribble rw: dhibic
lx: dhibci
pd: (dhibciyey)
ps: v2a=tr
key: dhibci
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deb
m.l la-mid: dab¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ebi
ebi¹: m.dh la-mid: ibi.
ebi²: f.g1 (-byay, -biday; -byi) Hawl hore loo billaabay ama qabyo ahayd dhammaystirid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ebi
f.g1 (-byay, -biday; -byi) Hawl hore loo billaabay ama qabyo ahayd dhammaystirid. m.f.dh, ebyid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ebi
v. complete, fill up
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ebi
yey say: (v) finish (finish); reach the end of a task or course: complete (kom pliit); conclude
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ebi
(fal) dhammay oo qabyatir. Ebi sawirka aad billawday.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ebi
de: complete, fill up
lx: ebi
pd: (ebiyey / ebiday)
ps: v1=
key: ebi
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
ceci
ceci, pron, dém. - Waxaan; Kan.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Debt
Deyn
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
debt
/dhet/ (n) deyn.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Debt
Deynsad
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
debt
n., gashi, -gi, qaan, -ti.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Deca
Toban
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
dèca
pref. - hor kabe tilmaama tiro toban.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
deck
/dhek/ (n) sagxad (sida sagxadda markabka, baabuurka, shamiitada iwm).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
deck
(of a ship), m., salax, -i.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
defi
(fal) wax kulul yar qabooji. Shaahan kulul carruurta ka defi. Dh: balfi. Li: kulayli
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
défi
défi, n.m. - Martiqaadka laguugu yeedho inaad wax ka ciyaarto ama tartan gasho; daandaansi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deji
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax meel kore ka qaadid oo hoos keenid. 2. Badda dhexdeeda ku qarqin (doon iyo wixi lamida). 3. Qof kacsan xasilin. 4. Nafley meel degaan uga dhigid. 5. Sharci, xeer, iyo wixi lamida samayn. 6. Soo d.: badeeco dal soo gelin; soo waaridid. 7. Xisaabo wadartooda isugey.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
deji
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax meel kore ka qaadid oo hoos keenid. 2. Badda dhexdeeda ku qarqin (doon iyo wixi lamida). 3. Qof kacsan xasilin. 4. Nafley meel degaan uga dhigid. 5. Sharci, xeer, iyo wixi lamida samayn. 6. Soo d.: badeeco dal soo gelin; soo waaridid. 7. Xisaabo wadartooda isugey m.f.dh, dejin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
deji
v. unload, let someone off (a vehicle); cause to descend, bring down, set down; sink; land
deji v. accommodate, place, locate, make someone settle
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
deji
-yey / say: (v) 1. comfort (kam-fort) a person ~ sasabid. 2. unload (anlowdh); bring down Ex: baabuurka alaabta ka soo daji; unload the stuff from the car. 3. accommodate (akamu-dheeyt); Ex: reerka meel deji; accommodate the family —soo deji -yey / saay: (v) import (impoort)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deji
(fal) dhulka dhig, dhulka gee. Alaabada gaadhiga ka deji. Dh: dhaadhici, daadaji. Li: saar, fuushii, forsii.
deji: (fal) ruux cadho hayso ama naxdin iyo cabsi sasab oo ka baabi'i.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Deli
(Deli-ga)
Meel laga dhaco; jar; gebi; haadaan; dalow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deli
m.l (-iyo, m.l) Meel laga dhaco oo hoobad ah; dalow.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
deli
m.l (-iyo, m.l) Meel laga dhaco oo hoobad ah; dalow.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
deli
m. n. pitfall; covered hole
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
deli
/dheli/ (n) dukaan gada cunto diyaarsan (delicatessen, oo la soo gaabiyey).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deli
-da: (magac, dhedig, keli) meel jar ah, dheer hoose oo laga dhaco ama wax laga rido ama tuuroba. Deli lagama tuuree, dib intaan isula rogay, la dul tegay rikoodhkii. Dalidda haka dhici ka soo nogo. Dh: gebi, haadaan, jar, qaw, qorrof.
deli-ga: (magac, lab, keli) qoorta inteeda dambe. Deligaa i xanuunaya.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
deli
de: pitfall; covered hole
lx: deli
pd: (-ga)
ps: n2-m
key: deli
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
demi
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: dami.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
demi
v. extinguish, put out; turn off a light
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
demi
-yey / say: (v) 1. switch off (iswiij of); turn off (teen of). 2. extinguish (ekistinguwiish); put out a fire ~ bakhtii
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
demi
(fal) dab ama laydh shidmaya bakhtii. Dh: dami. Li: daa, huri, shid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
demi
a: dami
de: extinguish, put out; turn off a light rw: dan
lx: demi
pd: (demiyey)
ps: v2a=tr
key: demi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deni
m.l la-mid: dani¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deni
-ga: (magac, lab, keli) qof haysta hanti badan. Qofka deniga ahi waxa fiican inuu masaakiinta caawiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Deri
(Deri-da)
Godnaanta dhabarka, xiriirkoo gudaha u ceshan darteed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deri
m.dh (cilmiga naflayda) Godniinka lafdhabarka oo u furan dibedda.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
deri
m.dh (cilmiga naflayda) Godniinka lafdhabarka oo u furan dibedda.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
deri
f. n. curve of the back
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deri
-da: (magac, dhedig, keli) meel godan oo dhabarka ah ama dhulka ku taal.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Deri
Guluc dhexe oo godan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
deri
de: curve of the back
lx: deri
pd: (-da)
ps: n-f
key: deri
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dibi
(Dibi-ga)
Neef lo' ah oo lab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dibi
m.l (dibi/-iyo, m.dh) Labka lo'da.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dibi
m.l (dibi/-iyo, m.dh) Labka lo'da.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dibi
m. n. bull, ox; oxen