dayrqin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dayrqin
m.l Neef xilli dayreed rimay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dayrqin
-ka: (magac, lab, keli) neef xilli dayreed rimay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dayrin
(Dayrin-ta)
1. Nicidda aabbuhu ilmaha naco oo cidda ka eryo oo inuu dhaxlo u diido.
2. Wax badan yaraan ku sheegid, dhabcaalnimo iyo inaan wax laga bixin darteed; ka yamxeerin; (u dayrin) wax siin la'aan; qadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dayrin
m.f.dh eeg dayri. la-mid: dayris, dayro (2).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dayrin
vl. n. act of disowning, repudiating
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dayrin
-ta: (magac, dhedig, keli) qof kugu tiirsana eryid. Dayrin baan kala kumay adeerkay.
dayrin-ta: (magac, dhedig, keli) dhibaato la sii mala'awaalo oo dhiciddeeda laga sii hadlo.
dayrin-ta: (magac, dhedig, keli) saadaalin xun oo wax soo socda laga gawsqabsado. Dh: dayris.
dayrin-ta: (magac, dhedig, keli) xidhiidhka oo cid laga goosto oo hadal iyo hugun midna loo yeelan waayo. Dh: goyn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dayrin
de: act of disowning, repudiating
lx: dayrin
pd: (-ta)
ps: vn2-f
key: dayrin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dayrrin
(Dayrrin-ka)
(xoolo) dayrta rimay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
darin
f. n. mat
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
darin
-ta: (n) mat (maat); mat used as floor-covering ~ derin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax lagu fadhiisto ama lagu seexdo. Dh: salli, derin, dermo, caw, bal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
darin
a: derin ~ darmo
de: mat
lx: darin
pd: (-ta)
ps: n1-f
key: darin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dayri
f.g/mg2 (-iyay, -isay) 1. (f.g) Aabbe, ilmo uu ka quustay guriga ka cayrin. 2. (f.g) Nin, xaaskiisa, caruurtiisa iyo wixi lamida dhaqaale darrayn. 3. (f.mg) U d.: cid wax ay doonaysay, iyadoo marmarsiinyo been ah loo sheegayo in aan wax loo heli karayn u sheegid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dayri
f.g/mg2 (-iyay, -isay) 1. (f.g) Aabbe, ilmo uu ka quustay guriga ka cayrin. 2. (f.g) Nin, xaaskiisa, caruurtiisa iyo wixi lamida dhaqaale darrayn. 3. (f.mg) U d.: cid wax ay doonaysay, iyadoo marmarsiinyo been ah loo sheegayo in aan wax loo heli karayn u sheegid. m.f.dh, dayrin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dayri
v. disown, repudiate, give up on
dayri v. complain about one's financial situation
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dayri
-yey / say: (v) disown (dis-own); repudiate (ri-puu-diyeeyt); especially a child
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dayri
(fal) nac oo isaga teg; cidla' kaga dhaqaaq. Dh: nac, eri. Li: jeclow, daryeel.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Barqin
1. (Barqin-ka) Barqo.
2. (Barqin-ta) Xoolaha barqo daajinta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barqin
barqin¹: m.l la-mid: barqo.
barqin²: m.f.dh eeg barqi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
barqin
m. n. late morning
barqin: vl. n. taking livestock to graze in the late morning
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barqin
-ka: (magac, lab, keli) gellinka hore ee maalinka. Biciid barqin bilcil daaqay, jilba baldhaq. Dh: barqo.
barqin -ta: (magac, lab, keli) xoolaha oo la daaq geeyo inta aan la maalin subaxda hore. Barqinta lo'du caanahay ku badisaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bayrin
m.f.dh eeg bayri.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bayrin
-ta: (magac, dhedig, keli) weecin; leexin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carqin
-ta: (magac, dhedig, keli) biyo wasakhayn; biyo fadhiya walaaqid.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Cayrin
Crude
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cayrin
vl. n. release, dismissal, firing; exile, banishment; expulsion, deportation; chasing
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cayrin
de: release, dismissal, firing; exile, banishment; expulsion, deportation; chasing
lx: cayrin
pd: (-ta)
ps: vn2-f
key: cayrin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daarin
-ta: (magac, dhedig, keli) kodhe, haan iyo wixii la mid ah, in yar ka soo shubidda caanaha la lulayo iyadoo la eegayo inay baxday iyo in kale. Daarinta caanaha la lulayo carruurta jecel. Dh: daaris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabrin
m.dh (-imo, m.l) Qoobka iyo kubka meesha ay iska galaan; dhaad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabrin
-ta: (magac, dhedig, keli) halka bawdada iyo kubka u dhaxaysa ee lugtu ka laabanto. Dh: jilib, low. Wa: dabrimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
damqin
m.dh la-mid: danqin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
danqin
m.dh la-mid: danqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danqin
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg danqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Darbin
(Darbin-ta)
Badarka bisil oo iidaaman oo aan aayar la qaadqaadan ee hadba shan farood iyo caacal buuxa la qaato.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darbin
m.f.dh eeg darbi². la-mid: sarbin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darbin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax garaacid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darfin
-ta: (magac, dhedig, keli) dhinaca ka raacid. Dh: feedhsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Darmin
(Darmin-ta)
(geel, kd.) daran siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darmin
m.f.dh eeg darmi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darmin
-ta: (magac, dhedig, keli) geela oo daran la siiyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darrin
-ta: (magac, dhedig, keli) soo korodhka wax cusub oo aan hore loo ogayn.
darrin -ta: (magac, dhedig, keli) xaalad soo korodhay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darsin
m.l (-nno, m.dh) Laba iyo toban (12) shey, isku nooc ah oo meel ku wada jira. la-mid: darsan¹, dersin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
darsin
m.l (-nno, m.dh) Laba iyo toban (12) shey, isku nooc ah oo meel ku wada jira. la-mid: darsan, dersin.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
darsin
-ka: (n) dozen (dhasen); set of 12 ~ xirmo laba-iyo toban ah
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darsin
-ka: (magac, lab, keli) xidhmo labo iyo toban ka kooban.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dawrin
m.dh la-mid: dawarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dayris
m.l la-mid: dayrin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dayris
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg dayrin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dayrsi
m.l la-mid: dayrsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deyrin
-ta: (magac, dhedig, keli) iska fogayn, oo iska takoorid, iska caymadin. Nimuu dayriyay maanta berituu la dersaa. Fogayn, soo dhawayn dayri.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dirqin
(Dirqin-ta)
Xoog wax ku samayn ama wax ku yeelsiin; ku jiidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dirqin
m.f.dh eeg dirqi². la-mid: dirqis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dirqin
-ta: (magac, dhedig, keli) qasbid; sandullayn. Dirgin midho laguma goosto. Dh: khasbid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
durqin
m.dh la-mid: durkin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Farqin
(Farqin-ta)
Faraq u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farqin
m.f.dh eeg farqi². la-mid: farqis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farqin
-ta: (magac, dhedig, keli) faraq u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
harqin
m.f.dh eeg harqi. la-mid: hirqin. la-mid: harqis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
harqin
-ta: (magac, dhedig, keli) biyo badan dhexgelin oo ku hafin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Layrin
(Layrin-ta)
Layrta u dhigid; babbin; neecaabin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
layrin
m.f.dh eeg layri.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
layrin
-ta: (magac, dhedig, keli) meel mugdi ah, iftiimin. Dh: laydhin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
marqin
m.f.dh eeg marqi. la-mid: marqis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarqin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale biyo ku hafin. Qoomkii Nebi Nuux qarqin ayaa lagu halaagay. Dh: qarqoon.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sayrin
(Sayrin-ta)
Sayrid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sayrin
m.dh la-mid: sayrid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sayrin
vl. n. splashing, sprinkling, spilling
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sayrin
-ta: (n) splattering (is-palaa-tering); splashing (is-palaashing)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sayrin
-ta: (magac, dhedig, keli) sayrid; saydhid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sayrin
de: splashing, sprinkling, spilling
initial: s
lx: sayrin
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: sayrin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cayriin
m.l.kh la-mid: ceeriin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cayriin
m.l.kh la-mid: ceeriin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cayriin
[adjective] or m. n. raw (meat), uncooked (food)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cayriin
-ah: (adj) raw (roo); uncooked (an-kuukt)', crude (kuruudh) ~ ceeriin, ceyriin, ceedhiin. Ex: hilib cayriin; raw meat. Alaabta cayriin; the raw materials
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Cayriin
Crudo
Raw
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cayriin
a: ceedhiin ~ ceeriin
de: raw (meat), uncooked (food)
lx: cayriin
pd: (ceyriin)
ps: adj-m / n2-m
key: cayriin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dayiqid
-da: (magac, dhedig, keli) dareen ciriiri ah oo ay naftu diiddan tahay dartii. Dh: diiqadood, qalood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dayrsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la dayriyay ahaansho (ilmo).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dayrsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la dayriyay ahaansho (ilmo). m.f.dh, dayrsanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dayrsan
der. [adjective] disowned by one's parents, driven from one's home (of a son)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dayrsan
de: disowned by one's parents, driven from one's home (of a son)
lx: dayrsan
pd: (dayrsanaa)
ps: adj-der
key: dayrsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dharqin
(Dharqin-ta)
Xoolaha la lisa hayo candhadooda, dharaq ku reebid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dharqin
m.f.dh eeg dharqi. la-mid: dharbin (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dharqin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, caano dharaq ah naas ugu reebid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qayriin
m.l la-mid: ceeriin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qayriin
[adjective] raw (meat), uncooked (food); crude, immature, unprocessed
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qayriin
-ah: (n) raw (roo); uncooked (an-kuukt); crude (kuruudh) ~ qaydhiin, ceedhiin, ceeriin, ceyriin, cayriin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qayriin
-ka: (magac, lab, keli) eeg qaydhiin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qayriin
a: qaydhiin
de: raw (meat), uncooked (food); crude, immature, unprocessed
lx: qayriin
pd: (qayriinaa)
ps: adj-m
see: ceeriin
key: qayriin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daarniin
-ka: (magac, lab, keli) eeg daaritaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daarriin
-ka: (magac, lab, keli) dab, nal iyo wax la mid ah, dhidid. Daarriin dab xaabo la soo daldalaa ka horreysa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daayimin
m.dh la-mid: daa'imin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daayimin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax weligiiba jira ka dhigid. Dh: daa'imin.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DABAQINI
(Dabagini) C Dalbergia uaransis (Chiov.) Thulin Papilionaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabrimin
-ta: (magac, dhedig, keli) dab ama xiisad kicin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dayrsimo
m.dh 1. Qof dayrsan ahaansho. 2. Roob xilliga dayrta horteeda da'a.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhayalin
m.dh la-mid: dheelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faaruqin
m.f.dh eeg faaruqi. la-mid: faaruqis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faaruqin
-ta: (magac, dhedig, keli) weel ama wax kale, wax madhan ka dhigid. Faaruqinta bakhaarku shan cishay qaadatay. Dh: madhin, idlayn. Li buuxin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mayrniin
(Mayrniin-ka)
Wax mayridda.