dayrcad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dayrcad
m.l Midab cad oo geelu leeyahay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dayrcad
m. n., [abstract] pure white color (of camel)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dayrcad
-da: (magac, dhedig, keli) midabyada geela midab ka mid ah oo ah kuwa loogu jecel yahay. Maxaa dayrcad geel hallaaboo dibjiray oo cunay dugaagoo; dadkii lahaana daydayaa. Dh: deercad
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dayrcad
de: pure white color (of camel)
lx: dayrcad
pd: (-ka)
ps: n-m-abs
key: dayrcad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dayrsad
m.l la-mid: dayrsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dayrsad
-ka: (magac, lab, keli) eeg dayrsi. dayrsan: (tilmaame) wax dayacan ama la nacay. Wax dayrsan door lama moodo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diircad
-ka: (magac, lab, keli) dayrcad geel.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dayacaad
-da: (n) negligence (nig-le-jans); carelessness (keer-les-nes); undutifulness (an-dhuuti-fuul-nes); neglect (nig-lekt) ~ isku-ladid,
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dayacaad
-da: (magac, dhedig, keli) baylah iyo halladaad. Dh: daranyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mayracad
(Mayracad-ka)
Mayracasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mayracad
m.l la-mid: mayracasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mayracad
-ka: (magac, lab, keli) eeg mayracasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daacad
(Daacad-da)
Kal iyo laab; lillaahi; run; hagarbax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daacad
m.dh Qof niyad samida ama mukhlisnimada uu muujinayo ay ka dhabtahay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daacad
m.dh Qof niyad samida ama mukhlisnimada uu muujinayo ay ka dhabtahay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daacad
f. n., [abstract] (adj.): frankness, honesty; sincerity, good nature; faithful
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Daacad
name-m frankness, honesty; sincerity, good nature; faithful
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
daacad
-ah: (adj) faithful (feeyth-ful); sincere (sin-siyar); honest (oonest); loyal (looyal) wholehearted (hool-haar-tidh) ~ mukhlis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Daacad
magac loo baxsho wiil loo rajaynayo in uu noqdo mid daacad iyo iimaan leh oo qalbi fiican.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daacad
(tilmaame) ruux kal iyo laab xaadhan oo calool fayoobaan dadka kula dhaqma. Allahayaw nin daacada, Allahayaw nin daalina, deeqdaada haw simin. Li: khiyaamo.
daacad -da: (magac, dhedig, keli) wixii aan ku jirin khiyaamo, is dabamar la'aan. Daacadi ma hun- goowdo. Li: khiyaano.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daacad
bw: Arabic
de: frankness, honesty; sincerity, good nature; [atr.] faithful
lx: daacad
pd: (-da)
ps: n0-f-abs
key: daacad
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
daacad
صراحة
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daarad
(Daarad-da)
Ardaa kor ka awdan oo aqalka ku dhegsan oo harsad iyo dano kaleba lagu qabsado; daash.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daarad
m.dh (-do, m.l) 1. Qolka fadhiga ee guriga. 2. Barxadda guriga hortiisa ku taal.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daarad
m.dh (-do, m.l) 1. Qolka fadhiga ee guriga. 2. Barxadda guriga hortiisa ku taal.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daarad
f. n. fence, compound, veranda
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
daarad
-da: (n) courtyard (koort-yaadh)-, yard (yaadh); balcony (baal-kani), porch (poorj) ~ deyr
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daarad
-da: (magac, dhedig, keli) dhulka bannaan ee qololka hortooda ah ee aan waxba ka dhisnayn ee badanaa lagu leydhsadaa marka qololka laga soo baxo. Boqor daaraddii laguma xanto. Dh: ardaa, barxad.
daarad-ka: (magac, lab, keli) weel qiyaas leh oo ka samaysan caw oo lagu miiso midhaha beeraha. Daarad baa loogu miisay hadhuudhkii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daarad
cf: daash
de: fence, compound, veranda
lx: daarad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: daarad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabcad
m.dh (-do, m.l) Caddad; wax la daabacay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dabcad
m.dh (-do, m.l) Caddad; wax la daabacay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dabcad
f. n. edition, impression of a book
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabcad
-da: (magac, dhedig, keli) wax qoraal ah, daabacaaddii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dabcad
a: dabacad
bw: Arabic
de: edition, impression of a book
lx: dabcad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: dabcad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dafcad
m.dh (-do, m.l) Koox dad oo hawl wada billaabay ama wada dhammeeyey.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dafcad
m.dh (-do, m.l) Koox dad oo hawl wada billaabay ama wada dhammeeyey.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dafcad
m. n. group (of people, animals, etc.)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dafcad
-da: (magac, dhedig, keli) koox arday ah oo isku mar jaamacad ka qalinjebisa. Dh: dufcad, horin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dafcad
bw: Arabic
de: group (of people, animals, etc.)
lx: dafcad
pd: (-da)
ps: n1-m
key: dafcad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dalcad
m.dh (-do, m.l) Taag; tiiro.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dalcad
m.dh (-do, m.l) Taag; tiiro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dalcad
f. n. steep incline
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dalcad
-da: (n) uphill (aphil); upward slope
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalcad
-da: (magac, dhedig, keli) jid buur saraan. Dh: jiir.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dalcad
de: steep incline
lx: dalcad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: dalcad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Damrad
(Damrad-da)
Waran dhego leh oo kalluunsatadu, libaaxbadeedka waaweyn oo shabaagaha gala ku wareento.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
damrad
m.dh (-do, m.l) Waran dhego leh oo libaax badeedka lagu ugaarsado.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
damrad
f. n. harpoon
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
damrad
-da: (magac, dhedig, keli) waran dhego leh oo kolka la gabto libaaxbadeedka waaweyn kalluumaysatadu ku wareento.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
damrad
de: harpoon
lx: damrad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: damrad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daraad
Dar; Aw-.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daraad
m.dh. fk la-mid: dar².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daraad
m.dh.fk D.day, d.daa iyo wixi lamida. la-mid: dar². daraasad m.dh la-mid: daraaso, diraaso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daraad
f. n. sake, reason
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
daraad
-da: (n) sake (seek)
daraaddaa: for your sake;
daraaddiis: for his sake;
daraadday: for my sake
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daraad
-ka: (magac, lab, keli) magaca loo yaqaan goodirka lab markuu yeriska yahay. Daraad baan ugaadhsi ku dilay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daraad
bw: sabab
de: sake, reason
lx: daraad
pd: (-da)
ps: n0-f
syn: ajli
key: daraad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Darbad
(Darbad-da)
1. Badda kolka dabayshu gasho oo ay isku qarxato.
2. (kubbad) nabar; laad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darbad
m.dh (-do, m.l) 1. Dabayl xoog leh oo ka dhacda badda. 2. Xumad badan. 3. la-mid: darbo¹.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
darbad
m.dh (-do, m.l) 1. Dabayl xoog leh oo ka dhacda badda. 2. Xumad badan. 3. la-mid: darbo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
darbad
f. n. gale force wind
darbad [feminine] n. single punch, shot, throw ~ kick; 'one go'
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
darbad
-da: (n) kick (kik) punch (panji) —darbee -yey / darbeysay: (v) kick (kik)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darbad
-da: (magac, dhedig, keli) ku dhufashada cagta lagu dhufto kubbadda. Dh: laag.
darbad-da: (magac, dhedig, keli) xanuun qofka ku soo booda oo uu ku tago ama caafimaadkiisa waxyeello weyn u gaysta. Dh: qandho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dargad
(Dargad-da)
Sariir lagu seexdo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dargad
m.dh (-do, m.l) 1. Dhisme dhulka ka kacsan oo kaneecada laga fuulo ama miraha lagu qallajiyo. 2. Sariir yar oo ilmaha dhashay la seexiyo. la-mid: daragad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dargad
m.dh (-do, m.l) 1. Dhisme dhulka ka kacsan oo kaneecada laga fuulo ama miraha lagu qallajiyo. 2. Sariir yar oo ilmaha dhashay la seexiyo. la-mid: daragad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dargad
f. n. elevated bed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dargad
-da: (magac, dhedig, keli) aqal afargeesood ah oo shirib iyo dhoobo ka samaysan oo hayjadaha laga dhisto. Dh: derged, girgid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dargad
de: elevated bed used during the rainy season
lx: dargad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: dargad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Darmad
(Darmad-ka)
1. (geel, kd.) daran daaqid.
2. (ku darmad, isku darmad) Ku biirid; ku kordhid; midoobid.
3. (midab) madow iyo beey isku darsan ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darmad
darmad¹: m.l 1. Midab guduud oo madow xigeen ah oo xooluhu yeeshaan. 2. la-mid: darmasho.
darmad²: m.dh (-do, m.l) Koor boodaanta ka yar, aleelkana ka weyn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
darmad
m. n. sickness from grazing on poisonous plants
darmad m. n., [abstract] dark gray (color)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darmad
-ka: (magac, lab, keli) geel, geed daran daagid.
darmad -ka: (magac, lab, keli) midab madow iyo bey isugu jira. Midabka saca dhalay waa darmad.
darmad -ka: (magac, lab, keli) labo wax iyo in ka badan oo is dhexgasha; xoolo ku bira xoolo kale.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Darsad
(Darsad-ka)
Darsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darsad
m.l la-mid: tarsad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
darsad
vl. n. act of scooping up
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darsad
-ka: (magac, lab, keli) fandhaal, malqaacad, qude iyo wixii la mid ah, wax meel ku jira, in kaga qaadasho. Dh: qaadasho.
darsad -ka: (magac, lab, keli) wax horay loo haystay oo muddo laga maqnaa u baahasho oo heliddiisa u hiloobid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
darsad
de: act of scooping up
lx: darsad
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: darsad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darxad
m.dh (-do, m.l) Tarash; xiddo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darxad
-da: (magac, dhedig, keli) wax lagu qurxiyo tarashka iyo xiddaha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garcad
m.dh la-mid: garcasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
layrad
m.l la-mid: layrasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
layrad
-ka: (magac, lab, keli) laydha isu dhigid. Dh: neecawsad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maycad
m. n., [abstract] dirty white color (of camel)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maycad
de: dirty white color (of camel)
lx: maycad
pd: (-ka)
ps: n-m-abs
key: maycad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sarcad
-ka: (magac, lab, keli) sarcasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xaycad
m. n., [abstract] bright white color
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Xaycad
name-f bright white in color; white-maned
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xaycad
de: bright white color
initial: x
lx: xaycad
pd: (-ka)
ps: n-m-abs
syn: bulcad
key: xaycad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baarcad
-da: (magacwadareed) awrta aan la raran weli ama la laylyin. Baarcad dhiilaha ninkii ku raray saw ma caramoobin. Dh: baarqab, baarfuran.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dabacad
f. n. edition (of a book)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dabacad
bw: Arabic
de: edition (of a book)
lx: dabacad
pd: (-da)
ps: n1-f
see: dabcad
key: dabacad
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dabicad
f. n. behavior; character, temperament
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dabicad
a: dabiicad
bw: Arabic
de: behavior; character, temperament
lx: dabicad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: dabicad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darraad
m.dh la-mid: dorraad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
darraad
f. n. the day before yesterday
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darraad
-da: (magac, dhedig keli) maalinkii shalay maalinkii ka horreeyey. Darraad ayaan safar ka imid. Dh: dorraato.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
darraad
a: dorraad
de: the day before yesterday
lx: darraad
pd: (-da)
ps: n0-f-time
key: darraad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dayacan
Aan sidii la rabey wax u ilaaliya oo dhawra lahayn; aan dan loo gelin ee laysku laday; la dayacay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dayacan
f.mg1 (-cnaa, -cnayd) Wax la dayacay ahaansho. la-mid: dayacsan.