daynaamikada
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Daynaamikada
Dynamics
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isle'egta xaaladda maatarka
m.dh (fiisikis) Isle'eg xisaabeed oo xiriirisa cadaadiska P, mugga V, iyo heerkulka kul daynaamikada T ee xaddi walax n. Isle'egta ugu fudud waa tan neefaha mitaaliga ah: PV = nRT, taas oo R ay tahay madoorsoomaha neefaha. Laakiin, adkeyaasha, hoorarka iyo neefaha kaleba, isle'egtu waa murakab adag.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaalad-beeggaal
m.dh (-do ..., m.l) (fiisikis) Xaalad loo adeegsado qiimaha looga qiyaas qaato cabbirrada kul-daynaamikada.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
isle'eg-xaaladmaatar

Thermodynamics
Kul Daynaamikada
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
isle'eg saddexjibbaar
xisaab, isle'eg tibxaale oo jibbaarka ugu sarreeya ee doorsoomaha isle'egtu yahay darajada saddexaad. Sansaanta guud eel isle'eg saddex-jibbaar waa: ax3 + bx2 + cx + d = 0, taas oo a, b, c, iyo d ay yihiin madoorsoomayaal. isle'egta xaaladda maatar: Isle'eg xisaabeed oo xiriirisa cadaadiska P, mugga V, iyo heerkulka kul daynaamikada T ee xaddi walax n. Isle'egta ugu fudud waa tan neefaha mitaaliga ah: PV = nRT, taas oo R ay tahay madoorsoomaha neefaha. Laakiin, adkeyaasha, hoorarka iyo neefaha kaleba, isle'egtu waa murakab adag. isle'egta socod: mid ka mid ah afarta isle'egood, loona adeegsado walxaha xariiq toosan ku maraaya karaar madoorsoome ah (a) isle'egyadan oo fogaanta la jaray (s) ku xidhiidhinaayo amminta ay qaadatay (t).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daynaamiko
m.dh (fiisikis) Qayb ka mid mekaanikada oo la xiriirta xoogagga dooriya ama abuura socodka walxaha. la-mid: dinaamiko.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daynaamiko
m.dh (fiisikis) Qayb ka mid mekaanikada oo la xiriirta xoogagga dooriya ama abuura socodka walxaha. la-mid: dinaamiko.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kuldaynaamika
m.l (fiisikis) Barashada xeerarka xukuma isu-rogidda qaababka tamarta, jihada uu kulku u gudbo iyo helitaanka tamar lagu qabto hawl.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuldaynaamika
-da: (magac, dhedig, keli) barashada xeerarka xukuma isu-rogidda qaababka tamarta, jihada uu kulku u gudbo iyo helitaanka tamar lagu qabto hawl.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qaybsami kara
(adj) divisible (dhi-viizi-bal)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
anaaniyad
m.dh la-mid: anaaninnimo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
anaaniyad
-da: (magac, dhedig, keli) qof dhedig oo mar walba nafteeda oo keli ah wax la doonta.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daddaamid
-da: (magac, dhedig, keli) wax ku mammanaan oo aad u danayn. Dh: mamid. daddaamin -ta: (magac, dhedig, keli) cid wax ku mamsiin oo jecleysiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daryaamid
m.dh la-mid: dayaamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daryaamid
-da: (magac, dhedig, keli) dareemidda madaxwareer. Dh: diryaamid.
daryaamid-da: (magac, dhedig, keli) samaynta sanqadh ama hugun weyn. Dh: diryaamid. daryaan: (fal) dareen madaxwareer la moodo in madaxa gudihiisa ha kaa sanqadho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dayaafadi
f.mg2 (-iyay, -isay) la-mid: diyaafadi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dayaafadi
(fal) martigeli oo si maamuus leh sooryee. Martida si wanaagsan u diyaafadi. Dh: sooryee, barii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhanaamid
m.f.dh eeg dhanaan².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dinaamiko
m.dh la-mid: daynaamiko.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dinaamiko
f. n., [abstract] dynamics {physics}
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dinaamiko
de: dynamics {physics} {It}
lx: dinaamiko
pd: (/da)
ps: n6-f-abs
key: dinaamiko
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haylaamid
m.f.dh eeg haylaan³. la-mid: haylaan¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haylaamid
-da: (magac, dhedig, keli) aqal, dusha sare haylaan ka saarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kaynaanid
(Kaynaanid-da)
Hayaamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaynaanid
m.f.dh eeg kaynaan².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naynaasid
m.dh la-mid: naanaysid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naynaasid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, naanaysid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saylaamid
m.f.dh eeg saylaan².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaydaamid
m.f.dh eeg xaydaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaydaamid
-da: (magac, dhedig, keli) dayr u samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xayraamid
(Xayraamid-da)
Xayraan noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xayraamid
m.f.dh eeg xayraan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xayraamid
-da: (magac, dhedig, keli) xayraan noqosho. Xerta maqaamyada xayraamidda ayaa ku badan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
annaaniyad
m.dh (-do, m.dh) (c.naf.) Mowqifka ama dabeecadda ku tusaysa in aad adiga is muujisid naftaada keliya, ama aad aaminsantahay in aad ka muhimsantahay dadka kale, adigoo aan xaqiiqsan, mudnaan gaar ahna aad is siisid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
annaaniyad
m.dh (-do, m.dh) (c.naf.) Mowqifka ama dabeecadda ku tusaysa in aad adiga is muujisid naftaada keliya, ama aad aaminsantahay in aad ka muhimsantahay dadka kale, adigoo aan xaqiiqsan, mudnaan gaar ahna aad is siisid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ayaxmakara
-ha: (magac, lab, keli) geed cawsaad ka baxa dhulka dooxooyinka ah. Waa mid aad u adag oo uu gammaanku daaqo. Ayaxmakaraha abaartaa loo aayaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daandaamid
(Daandaamid-da)
Daandaan noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daandaamid
m.f.dh eeg daandaan². la-mid: daandaan¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daandaamid
-da: (magac, dhedig, keli) wax kugu dhacay dartiis, la wareerid. Dh: daandaamis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danaaniyid
-da: (magac, dhedig, keli) dhan u ciirid; dhan u dullaamid. Ninka tamardarro ayaa danaaniyidda ugu wacan. Dh: dannaaniyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xanaakaday
(fal) hadal dacaayad ah oo kaftan ah ku dheh. Xanaakaday bal inuu cadhoodo. Dh: xanaakadee, dacaayadee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hayaamitaan
-ka: (magac, lab, keli) meel fog oo abaari ka sokayso, u guuritaan. Dh: kaynaanid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kul-daynaamika