daydo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daydo
m.dh Roob da'a xilliga guga ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daydo
-da: (magac, dhedig, keli) habeen dayaxu la fariisto dirirka.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
dado
s.m. - daado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dayo
(Daya-da)
Dawaco; dawo (ama deyo).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dayo
dayo¹: m.dh (-ooyin, m.l) 1. Caleenta quraca, siiba intay weli qoyantahay. 2. la-mid: dawaco.
dayo²: f.g/mg3 (-yday, -yatay) 1. (f.g) Ka d.: wax meel ka raadsasho. 2. (f.g) Ka d.: wax, wax kale ka dhex xulasho. 3. (f.mg) Ku d.: qof, qof kale wax uu sameeyey ka daba samayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dayo
f.g/mg3 (-yday, -yatay) 1. (f.g) Ka d.: wax meel ka raadsasho. 2. (f.g) Ka d.: wax, wax kale ka dhex xulasho. 3. (f.mg) Ku d.: qof, qof kale wax uu sameeyey ka daba samayn. m.f.dh, dayasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dayo
f. n. jackal
dayo pron., det, pl. our [exclusive.]
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dayo
-da: (magac, dhedig, keli) xayawaan duurjoog ah oo dhogor cawlan leh eydana u eg. Naa dayo, dayo caliyeey dabkaa ba'. Dh: dacawo, dawaco.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daado
f.mg3 (-aatay, -aadatay) 1. Wax meel ku jiray qubasho. 2. Qosol la d.: ilaa laga ilmeeyay qoslid (dad badan).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daado
f.mg3 (-aatay, -aadatay) 1. Wax meel ku jiray qubasho. 2. Qosol la d.: ilaa laga ilmeeyay qoslid (dad badan). m.f.dh, daadasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daado
v. spill down, pour down, flow away
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Daado
nickname; name-f flood. Lit: born quickly or unexpectedly
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Daado
magac loo baxsho gabadh sida daadka oo kale u soo butaacday kolkii ay dhalanaysay oo aan hooyadeed fool la dhib arkin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daado
(fal) caano ama dareere kale, weel kii aad ku jirtay ka quban.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daado
de: spill down, pour down, flow away
lx: daado
pd: (daatay / daadatay)
ps: v3b=
key: daado
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daddo
m.dh la-mid: deddo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daddo
-da: (magac, dhedig, keli) aad iyo aad u miyirdoorsamid.
daddo -da: (magac, dhedig, keli) carcarta u horraysa ee nabarka. Dh: carcar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daylo
-da: (magac, dhedig, keli) magac loogu yeero lax sinta madow. Daylo dabaday ku asooli may ku aroorto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daymo
(Dayma-da)
Dhugasho, eegmo, fiiro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daymo
m.dh Jeedinta indhaha wax xaggooda loo jeediyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daymo
m.dh Jeedinta indhaha wax xaggooda loo jeediyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daymo
f. n. glance, look
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
daymo
(v) glance (glaans); look (luuk) ~ dhugo, jalleec
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daymo
-da: (magac, dhedig, keli) wax aad eegto ama aad jalleecdo adiga oo luqunta dhan u leexinaya. Daymada jalleecada, sidii geel dar loo horey, sow kuma dunuunicin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daymo
cf: jalleec
de: glance, look
lx: daymo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: daymo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dayro
(Dayra-da)
1. Qof aabbihi naco oo cidda ka eryo oo inuusan dhaxla hayn caddeeyo.
2. Eryidda jaadkaas ah, lafteeda.
3. Wax la haysto oo laga yamxeersho, inaan wax laga bixin darteed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dayro
m.dh 1. D. ah.: ilmo waalidkiis ka quustay oo guriga laga eryey. 2. la-mid: dayrin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dayro
m.dh D. ah.: ilmo waalidkiis ka quustay oo guriga laga eryey.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dayro
f. n. person disowned by his ~ her parents
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dayro
-dayrada: (n) 1. repudiation (ri-puu-diyey-shin) the act of disowning [a child, for example], 2. lying about one's own assets, to avoid giving some away
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dayro
-da: (magac, dhedig, keli) fogaynta ama eryidda la gula kaco ciddii la naco oo wanaagga laga hagrato.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dayro
de: person disowned by his ~ her parents
lx: dayro
pd: (/da)
ps: n6-f
key: dayro
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faydo
(fal) marada jidhka intiisa hoose qarisa, sare u qaad oo ilaa kubabka gaadhsii. Dh: xaydo, feydo.
faydo -da: (magac, dhedig, keli) faa'iido iyo macaash. Dh: ribix.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaydo
f.g3 (-ytay, -ydatay) Dhul, qayb go'an cabbirasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Qaydo
magac loo bixiyo ri' garbaha illaa sakaarka ku leh midab ka duwan midabka jidhka kale.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaydo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg qaanuun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaydo
f.g3 (-ytay, -ydatay) Maro la guntanyahay kor u qaadasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xaydo
f.g3 (-ytay, -ydatay) Maro la guntanyahay kor u qaadasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xaydo
v. lift up something for oneself; show ~ reveal (especially part of one's own body)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xaydo
-xaytay / xaydatay: (v) tuck up [something] around the body fold up [one's] sleeve
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaydo
(fal) marada laabo oo tafaha bannee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xaydo
de: lift up s.t. for oneself; show ~ reveal (especially part of one's own body)
initial: x
lx: xaydo
pd: (xaytay)
ps: v3b=
key: xaydo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qallad
(Qallad-ka)
Mad'hab aan tii lagu jirey ahayn oo mas'alooyin lagaga daydo oo loo cuskado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tusaale
(Tusaala-ha)
1. Tusmo wanaagsan oo lagu daydo ama xun oo laga fogaado.
2. Wax hadal kale ama dood caddeeya oo tilmaama ama markhaati u noqda.
3. Wax cid wax lagu dhacsiiyo ama waano u noqda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sunno
m.dh 1. Salaad aan faral ahayn oo ajar kororsi awgeed loo tukado. 2. Wax kasta oo Nabigii samayn jirey oo ay tahay in looga daydo. 3. Koofiyad culimada islaamku qaataan. la-mid: sunne.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sunno
m.dh 1. Salaad aan faral ahayn oo ajar kororsi awgeed loo tukado. 2. Wax kasta oo Nabigii samayn jirey oo ay tahay in looga daydo. 3. Koofiyad culimada islaamku qaataan. la-mid: sunne.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
pattern
/paatarn/ (n) 1. naqshad (naqshad midabbo kala duwan iyo xardhid ah) e.g. My new cloth has a pattern of red and white squares. 2. tusaale fiican oo la raaco; tusmo lugu daydo. e.g. She bought a pattern and made a new dress. 3. hannaan, ama nidaam wax u dhacaan ama lo qabto. e.g. Over the last few years their work pattern changed.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dariiqee
(fal) dariiqo la iskaga daydo samee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hawaraac
-a: (magac, lab, keli) socod ama wax qabad aan qurshaysnayn oo cid uun lagu daydo. Dh: dameeridhaanraacday.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
horraanqaad
-ka: (magac, lab, keli) habsocod, degdeg ama gaabis ah oo ka hore lagu daydo. Awrba awrka horuu horraanqaadkiisa leeyahay. Dh: socod
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masaal
-ka: (magac, lab, keli) tusaale; wax lagu daydo. Carruurta kaa yaryar masaal u noqo.
masaal -sha: (magac, dhedig, keli) cawsha teeda dhedig.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taqliidin
-ta: (magac, dhedig, keli) ku dayashada lagu daydo cid kale.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tusaalo
-ha: (magac, lab, keli) tusmo wanaagsan oo lagu daydo ama xun oo laga fogaado; tusaale.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daydayo
(fal) doondoono wax aad rabto helistiisa; wax aad raadinayso, meel kaste ka fiirfiiri. Dh: baadhbaadho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
-dayda
de: my
lx: -dayda
ps: pro-det-1sg
xe: my work
xv: =-tayda
key: -dayda
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baydho
(fal) dhankaad u socotay ma ahee dhinac kale u kac. Bidix u baydho markaad balanbaalka ku baxdid. Dh: weeco, leexo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daddoo
f.mg3 (-ooday,-ootay) la-mid: deddoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daddoo
(fal) dhaxan iyo qabaw daraaddii, la qadhqadhyoo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daddow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) la-mid: deddow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dardho
dardho¹: m.dh Dhaxan badan.
dardho²: f.mg3 (-ooday, -ootay) Dhaxan aad u badan la gariirid (nafley).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dardho
m.dh Dhaxan badan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dayada
pron., det, pl. our [exclusive.]
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dayday
(fal) wax lumay ama aan muuqan, meelo ka raadi.
dayday-ga: (magac, lab, keli) qof budhcad ah oo dadka dariiqyada intuu u fadhiisto waxay sitaan kaga xooga. Dh: gaangistar, mooryaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daymoo
f.g3 (-ooday, -ootay) Wax daymo u yeelasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daymoo
f.g3 (-ooday, -ootay) Wax daymo u yeelasho. m.f.l, daymood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daymoo
(fal) dhinac eeg oo fiiri; dhan jalleec. Dh: day, jalleec.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daymow
v. look at, observe, watch
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daymow
de: look at, observe, watch
lx: daymow
pd: (daymooday)
ps: v3a=tr
key: daymow
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daynso
v. borrow
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daynso
de: borrow
lx: daynso
pd: (daynsaday)
ps: v3a=
see: deynso
key: daynso
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dayoob
inch. v. be puzzled, become bewildered
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dayoob
de: be puzzled, become bewildered
lx: dayoob
pd: (dayoobay)
ps: v1=inch
key: dayoob
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dayoon
Echo
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dayoow
-dayoobay / dayowday: (v) 1. be bewildered (bi-wil-dheridh); experience disorientation; feel disoriented (dis-oori-yentidh); 2. be dizzy (diisi); feel dizzy ~ dayaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dayrso
f.mg3 (-saday, -satay) Wax la haysto si aan wax looga bixin ka beensheegid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dayrso
f.mg3 (-saday, -satay) Wax la haysto si aan wax looga bixin ka beensheegid. m.f.dh, dayrsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dayrso
v. minimize one's own wealth (in order to avoid giving part of it to others)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dayrso
cf: dayri
de: minimize one's own wealth (in order to avoid giving part of it to others)
lx: dayrso
pd: (dayrsaday)
ps: v3a=intr
key: dayrso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaado
f. g/mg3 (-aatay, -aadatay) 1. (f.g) Dhaad ka xirasho (neef). 2. (f.g) Gabar doonid. 3. (f.mg) Ku dh.: cid si kalsooni ah isugu hallayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhaado
f.g/mg3 (-aatay, -aadatay) 1. (f.g) Dhaad ka xirasho (neef). 2. (f.g) Gabar doonid. 3. (f.mg) Ku dh.: cid si kalsooni ah isugu hallayn. m.f.dh, dhaadasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaado
v. tie by the leg
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaado
(fal) si qabyaaladi ku jirto, awowyaashaa ugu faan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhaado
de: tie by the leg
lx: dhaado
pd: (dhaatay / dhaadatay)
ps: v3b=
key: dhaado
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhacdo
m.dh (-ooyin, m.l) Amar, arrin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhacdo
m.dh (-ooyin, m.l) Wax dhaca oo taariikh gela.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dhacdo
Impact
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhacdo
f. n. event, happening
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhacdo
-dhacdada: (n) event (i-vent); incident (insidhent); happening (hapa-ning); occurrence (okarensi); a scene (sim)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhacdo
-da: (magac, dhedig, keli) wax dhaca ee taariikhda gala. Dh: mahadho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhacdo
de: event, happening
lx: dhacdo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: dhacdo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaylo
(Dhayla-da)
Xoolaha ama ugaarta yaryar hilibkooda jilicsan oo aan weli adkaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaylo
m.dh 1. Xoolaha ama ugaarta yaryar hilibkooda jilicsan oo aan weli adkaan. 2. la-mid: dhayl 1 (1).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhaylo
m.dh 1. Xoolaha ama ugaarta yaryar hilibkooda jilicsan oo aan weli adkaan. 2. la-mid: dhayl.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaylo
f. n. tender meat of a very young animal (lamb, veal)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhaylo
-dhaylada: (n) meat of a baby animal, like veal, lamb or kid meat
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaylo
-da: (magac, dhedig, keli) hilibka qaanka yaryar; neef yar oo caananuug ah hilikiisa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhaylo
cf: dhay (3)
de: tender meat of a very young animal (lamb, veal)
lx: dhaylo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: dhaylo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaymo
(Dhayma-da, Dhayma-ha)
1. Dufanka weelasha iyo alaabada dusha laga mariyo.
2. Daawada nabarrada, kd., la saaro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaymo
m.l/dh 1. Marinta dawo meel bugta la mariyo. 2. Dufan weelasha iyo alaabta dusha laga mariyo. 3. la-mid: dhayid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhaymo
m.l/dh 1. Marinta dawo meel bugta la mariyo. 2. Dufan weelasha iyo alaabta dusha laga mariyo.