dayactirid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dayactirid
* (Dayactirid-da)
Dayaca ka dhawrid; Xannaanayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dayactirid
m.f.dh eeg dayactir².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dayactir
(Dayactir-ka)
Dayaca oo wax laga ilaaliyo, laga dhawro; Farakuhays; Xannaano
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dayactir
dayactir¹: m.l 1. Dib u hagaajinta lagu sameeyo guri, qalab iyo wixi lamida oo wax ka xumaadeen. 2. Ka ilaalinta wax laga ilaaliyo darxumada iyo baylahda.
dayactir²: f.g1 (-ray, -rtay) 1. Guri, qalab iyo wixi lamida wax ka xummaday dib u hagaajin. 2. Wax darxumo iyo baylah ka ilaalin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dayactir
dayactir¹: m.l 1. Dib u hagaajinta lagu sameeyo guri, qalab iyo wixi lamida oo wax ka xumaadeen. 2. Ka ilaalinta wax laga ilaaliyo darxumada iyo baylahda.
dayactir²: f.g1 (-ray, -rtay) 1. Guri, qalab iyo wixi lamida wax ka xummaday dib u hagaajin. 2. Wax darxumo iyo baylah ka ilaalin. m.f.dh, dayactirid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dayactir
v., [compound] care for, safeguard; repair, maintain
dayactir vl. n. safekeeping; repairing, maintenance, replacement
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dayactir
-ka: (n) 1. maintenance (meeyn-tanansi); upkeep (ap-kiip); repair (ri-peer). 2. spare parts (paartis); components for maintenance ~ dayactirid
dayactir -ay / tay: (v) maintain (meeyn-teeyn); keep in good repair (ri-peer); service (ser-vis); keep up
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Dayactir
Manutenzione; riparazione
Maintenance; reparation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dayactir
(fal) hagaaji oo ka ilaali laayaca iyo baylahda. Waa la dayactiray wixii gaadhi ciddilnaa oo dhan. Li: dayac, layac.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
dayactir
ترميم، إصلاح
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daaltirid
m.f.dh eeg daaltir.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dayactir_1
de: care for, safeguard; repair, maintain
hm: 1
lx: dayactir
pd: (dayactiray)
ps: v1=cmp
key: dayactir_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dayactir_2
de: safekeeping; repairing, maintenance, replacement
hm: 2
lx: dayactir
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: dayactir_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dayactiran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax la dayactiray ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dayactiran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax la dayactiray ahaansho. m.f.dh, dayactirnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dayactiran
der. [adjective] maintained, repaired, reconditioned
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dayactiran
-an: (adj) maintained (meeyn-taynidh); repaired (ri-peeridh) ~ haggaajisan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dayactiran
(tilmaame) wax baylah iyo dayacaad haysatay laga hagaajiyay oo la baylahtiray.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dayactiran
de: maintained, repaired, reconditioned
lx: dayactiran
pd: (dayactirnaa)
ps: adj-der
key: dayactiran
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
raccomoder
raccomoder, v. - heshiin; heshiisiin
réparer - dayactirid; dib u hagaajin.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
rafistoler
rafistoler, v. - heshiin; dayactirid
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
réparer
réparer, v. - dayactirid; dib u hagaajin; kabid; hagaajin
réparer pour une blessure - abaal marin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhabaqtirid
m.f.dh eeg dhabaqtir². la-mid: dhabaqtir¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhabaqtirid
-da: (magac, dhedig, keli) isku dubbaridid oo wax dhabaq ama badhaq ah u diidid. Dh: badhaqtirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaxantirid
m.f.dh eeg dhaxantir². la-mid: dhaxantir¹ (2).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dayacid
m.f.dh eeg dayac². la-mid: daayacid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dayacid
—dayacan -dayacnaa / dayacnayd: (adj) neglected (nig-lektidh); uncared for; unprotected (an-paro-tektidh); left alone
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dayacid
-da: (magac, dhedig, keli) wax in la daryeelo ahayd baylihin. Dh: balihin, halladaadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daahirid
(Daahirid-da)
Soo bixid; muuqasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daahirid
m.f.dh eeg daahir².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daahirid
-da: (magac, dhedig, keli) (soo ~) soo muuqasho oo soo bixid. Soo daahiridda waxyaa- baha cusubi waxay innooga baahan yihiin talo iyo tusaale.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daakirid
m.f.dh eeg daakir.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daakirid
-da: (magac, dhedig, keli) dikri iyo duco eedaanka subaxa horteed akhrin oo dadka salaada xasuusin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caratirid
m.f.dh eeg caratir².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caratirid
-da: (magac, dhedig, keli) qof, wax u cadhada ku illaawo siin ama u samayn. caray: (fal) qof kale, 'car!' ku dheh, adoo u digaaya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daaltirad
(Daaltirad-ka)
Daaltirasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daaltirad
m.l la-mid: daaltirasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daaltirad
-ka: (magac, lab, keli) eeg daalgoosi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabaxirid
m.f.dh eeg dabaxir².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dacatiyid
m.dh la-mid: tacaddiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dacatiyid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale ku tacaddiyid ama ku xadgudbid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kayntirid
m.dh (juqraafi) Goynta dhirta iyo bannaynta kaynta.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kayntirid
-da: (magac, dhedig, keli) juqraafi ahaan, jaridda dhirta iyo bannaynta kaymaha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dambitirid
m.dh la-mid: dembitirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dambitirid
-da: (magac, dhedig, keli) dembidhaafid iyo saamaxaad.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Kayn tirid
Deforestation
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kayn-tirid
m.dh (juqraafi) Goynta dhirta iyo bannaynta kaynta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saxartirid
m.f.dh eeg saxartir.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saxartirid
-da: (magac, dhedig, keli) turxaanbixinta arrin ama talo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tarantirid
m.dh (daawo) Qalliin ama hab hawleed kale oo loola qasdiyo in uu keeno madhaleysnimo qof lab ama dhedig ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tarantirid
m.dh (daaw.) Qalliin ama hab hawleed kale oo loola qasdiyo in uu keeno madhaleysnimo qof lab ama dhedig ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tarantirid
vl. n., [compound] sterilization, sexual neutering
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tarantirid
de: sterilization, sexual neutering
initial: t
lx: tarantirid
pd: (-da)
ps: vn-f-cmp
key: tarantirid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dayactirasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax dayacnaa hagaajisasho oo wixii ka dhinnaa u dhammaystirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dayactirnaan
m.f.dh eeg dayactiran. la-mid: dayactirnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dayactirnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax dayac tiran ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baayactamid
m.f.dh eeg baayactan². la-mid: baayactan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baayactamid
-da: (magac, dhedig, keli) doodda iyo saayiraadda dhex marta labo qof oo wax kala gadanaya. Dh: gorgortamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cawryatirid
-da: (magac, dhedig, keli) si cawryoda looga fogaado wax bixin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhawaatiyid
m.f.dh eeg dhawaati².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanqabtirid
m.dh eeg haqabtir². la-mid: haqabtir¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanqabtirid
-da: (magac, dhedig, keli) gaajo iyo baahi ka bi'in.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Masayrtirid
(Masayrtirid-da)
Masayrtir siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
masayrtirid
m.f.dh eeg masayrtir².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masayrtirid
-da: (magac, dhedig, keli) xoolo masayrtir ah siin. Dh: hinaasatirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qayladdirid
m.f.dh eeg qayladdir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shalawtirid
m.f.dh eeg shalawtir².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhammaystirid
m.f.dh eeg dhammaystir².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhammaystirid
-da: (magac, dhedig, keli) hawl, halkii loogu tala galay gaadhid; dhammayn oo faraha ka qaadid. Dhammaystiridda mashruuca inyar ayaa ka hadhay. Dh: ebyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aayarid
-da: (magac, dhedig, keli) si deggan oo aan degdeg lahayn wax u qabad oo u faltamid. Dh: miyirid.
aayarid -da: (magac, dhedig, keli) si tartiib ah oo aanu degdeg iyo adayg ku jirin. Aayaritaanka ayay arrimuhu ku hirgalaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aftirid
m.f.dh eeg aftir².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aftirid
-da: (magac, dhedig, keli) sharaabkii iyo cuntadii aftirka qaadasho. Dh: aftirasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ayatiin
-ka: (magac, lab, keli) nolosha danbe oo aan weli la gaadhin. Aayatiinkaaga danbe ka fikir. Dh aayatiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
catirid
m.f.dh eeg catir². la-mid: catirayn, cartirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
catirid
-da: (magac, dhedig, keli) weel la culay, cidaad marmarin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daabtir
-ka: (magac, lab, keli) macaluul iyo gaajo ka bi'in. Daabtirka xigtaada ogow oo ha moogaan. Dh: dheefsiin. Li: gaajaysiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daafiri
m.l baaquli; maddiibad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daahiri
f.g2 (-iyay, -isay) 1. (dii.) Wax nijaaso ka bi'in. 2. Wax, wax muuqda oo bayaan ah ka dhigid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daahiri
f.g2 (-iyay, -isay) 1. (dii.) Wax nijaaso ka bi'in. 2. Wax, wax muuqda oo bayaan ah ka dhigid. m.f.dh, daahirin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daahiri
v. cleanse, purify in a religious sense
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
daahiri
-yey / say: (v) purify (piyuuri-faay); purge (peerjy purify religiously
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daahiri
(fal) nijaasta ka idlee oo daahir ka dhig. li daahiri maradan.
daahiri: (fal) wax qarsoonaa, muuji.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daahiri
de: cleanse, purify in a religious sense
lx: daahiri
pd: (daahiriyey)
ps: v2a=
key: daahiri
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daaltir
f.g1 (-ray, -rtay) Wax daal hayo nasin (nafley).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daaltir
f.g1 (-ray, -rtay) Wax daal hayo nasin (nafley). m.f.dh, daaltirid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daaltir
v. make someone rest
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daaltir
de: make s.o. rest
lx: daaltir
pd: (daaltiray)
ps: v1=tr
key: daaltir
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daamiri
-ga: (magac, lab, keli) jaadku marka uu iib iyo siin dhaafo oo uu gubto. Daamiri nin xaraaro haysa iyo dameertoona ma daayo. Dh: baarixi, baryood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dafirid
(Dafirid-da)
Inkirid; asaraarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dafirid
m.f.dh eeg dafir². la-mid: dafir¹, dafiraad.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Dafirid
Negare
To deny
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dafirid
-da: (magac, dhedig, keli) wax jira, mugdi iyo madow gelin. Dafirid buu nagala hor yimid Dh: asaraarid, inkirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dararid
(Dararid-da)
Darar yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dararid
m.f.dh eeg darar². la-mid: darar¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dararid
-da: (magac, dhedig, keli) neef irmaan, caano badan yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dawarid
(Dawarid-da)
(doonni, kd.) samayn; washirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dawarid
m.f.dh eeg dawar². la-mid: dawar¹, dewer¹, dewerid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawarid
-da: (magac, dhedig, keli) doon iyo wax la mid ah, dhisid ama samayn. Dawaridda doontu waxay u baahan tahay waqti iyo hanti.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dayacni
-da: (magac, dhedig, keli) eeg dayacnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dayicid
(Dayicid-da)
Sidii ekayd aan loo ilaalin ee laysku laday.