dawo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dawo
(Dawa-da)
1. Wixii cudurrada, nabarrada, kd., inta lagula tacaalo (ismarin; cabbid, isku mudid, dhaymo, ...) fayoobi keena.
2. Dawaco; dayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dawo
m.dh la-mid: dąawo1. la-mid: dawaco.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dawo
m.dh la-mid: dąawo¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dawo
f. n. medicine, remedy
dawo [feminine] n. jackal, fox
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Dawo
name-f medicine, remedy
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dawo
-dawada: (n) medicine (meda-sin); medication (medi-keey-shiri); drug (daraag); remedy (ramedi) ~ daawo. Ex: wax dawo ah ma qaadataa? do you take any medication?
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Dawo
magac loo baxsho gabadh dhalashadeedu dhib jirtay daawo u noqotay, gaar ahaan mid labada waalid u dhaxaysay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawo
-da: (magac, dhedig, kali) wax kasta oo xanuunnada, nabarrada ama kob kasta oo bugta bogsiiya oo lagula tacaalo ama xal u noqda dhibta cudurrada iyo xanuunnada. Dh: waawo.
dawo-da: (magac, dhedig, kali) eeg dacawo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daawo
(Daawa-da)
1. Dad ururay oo xoolo isku darsaday; iskaashato; danwadaag; wadajir; hantiwadaag; daawaley; wadaagto; shirko.
2. Dawada cudurrada iyo nabarrada iyo meeshii bugta la marsho ama lagu dhayo ama siyaalo kale loo qaato.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daawo
daawo: m.l la-mid: taawo¹.
dąawo¹: m.dh (-ooyin, m.l) 1. Maaddo cudurrada, nabarrada, dhaawaca iyo wixi lamida lagula tacaalo. 2. Heshiis iskaashi oo cid ka dhexeeya. 3. Maaro; xal. la-mid: dawo.
daawo²: f.g3 (-waday, -wadatay) Wax in muddo ah indhaha ku hayn.
dąawo²: m.dh (-ooyin, m.l) (daawo) Walax kasta oo saameysa qaabka iyo shaqada noole. Daawoyinka waxa loo isticmaalaa ka hortagga, cudur aqoonsiga iyo daaweynta cudurrada iyo baabi'inta astaamahooda.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daawo
daawo: f.g3 (-waday, -wadatay) Wax in muddo ah indhaha ku hayn. m.f.dh,daawasho.
dąawo¹: m.dh (-ooyin, m.l) 1. Maaddo cudurrada, nabarrada, dhaawaca iyo wixi lamida lagula tacaalo. 2. Heshiis iskaashi oo cid ka dhexeeya. 3. Maaro; xal. la-mid: dawo.
dąawo²: m.dh (-ooyin, m.l) (daaw.) Walax kasta oo saameysa qaabka iyo shaqada noole. Daawoyinka waxa loo isticmaalaa ka hortagga, cudur aqoonsiga iyo daaweynta cudurrada iyo baabi'inta astaamahooda.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daawo
v. view, watch, observe carefully ~ with admiration
daawo [feminine] n. medicine; medication, medical treatment
daawo [feminine] n. cooperation, pooling together of resources
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
daawo
-daawada: (n) medicine (medi-sin); drug (daraag); remedy (ramidi)
daawo -daawaday I daawatay: ( v) watch (wooj); spectate (ispek-teeyt); look on (luuk on); be a spectator ~ fiirso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daawo
(fal) indhaha ku fiiri oo waxa dhacaya arag. Daawo ciyaartaan ka dheelo caawa carooska. Dh: fiiri, daymoo, dhawr, dhugo.
daawo -da: (magac, dhedig, keli) wax cudurrada, nabarrada iyo meeshii bugta la mariyo ama lagu dhayo ama siyaabo kale oo kala duwan loo qaato oo loogu daaweeyo. Dh: dawo.
daawo -da: (magac, dhedig, keli) dad ururay oo xoolo isku darsaday. Daawada ku soo biir oo keen xoolo waxaad hayso. Dh: iskaashato, danwadaag. wadajjir, daawaley, shirko, shirkad.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
daawo
عِلَاجِ عَفَّارِ دَوَاءِ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dacwo
m.dh la-mid: dacwad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dacwo
m.dh la-mid: dacwad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dacwo
f. n. lawsuit, case; summons, citation
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dacwo
-dacwada: (n) complaint (kom-paleeynt); a formal charge; lawsuit (loo-suuf); accusation (aku-yu-seyshin) ~ ashkato
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dacwo
-da: (magac, dhedig, keli) ashkato loo fidiyo maxkamadda iyo xarumaha caddaaladda.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dacwo
cf: dacwad
de: lawsuit, case; summons, citation
lx: dacwo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: dacwo
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Dawlo
name-f state, government
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Dawlo
magac loo baxsho gabadh la rajaynayo hannaan quruxsan oo haybad leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawlo
-da: (magac, dhedig, keli) maamul u taliya qaran meel deggan; hoggaan wada ummad dhan. Amar dawlo addeec. Dh: xukumad, dawlad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dawow
f.mg1 (-woobay, -wowday) la-mid: daawow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawow
(fal) cudur ku haya ha kaa tago; ka bogso xanuun ku haya.
dawow -ga: (magac, lab, keli) daawo ku bogso: cudur ku haya ka caafimaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhawo
f.g3 (-wday, -watay) la-mid: dhaawo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afyuun
(Afyuun-ka)
Geed-ubax la beero oo waxtar (dawo) iyo dhibaato weyn labadaba leh, oo dhulka kulul ka baxa; wuxuu lee yahay dhacaan sida caanaha u cad oo la engejiyo, oo dabadeed la cuno ama sida sigaarka loo shito; kartida iyo maanka qofkaba habbisuu saaraa, haddaan degdeg la isaga qabanna waa lala doorsoomaa oo lala dufoobaa (sida xashiishka, qaadka ...).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buuri
(Buuri-ga)
1. Geedo jaadad badan ah oo ubax guduud iyo caddaan ah iyo caleemo waaweyn, oo waran qaabki leh, bixiya; saakarro; Tabako.
2. Caleenta geedahaas oo siyaalo badan loogu isticmaalo (afka oo laga qiiqiyo ama laga cuno, sankoo laga cuno).
3. Waxyaalo kaloo caleemahaas laga sameeyo; sigaar; shurrug; saliid; dawo; udgoon; kd.
4. Buuriga la qiiqiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dacarbax
(Dacarbax-a)
Caloosha iyo xiidmaha, kd., gudohooda oo waxa ku jira oo qushka ahi ka soo baxo, dawo ama wax kaloo la cabbey darteed; qarasbax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dacarfaal
(Dacarfaal-ka)
Caloosha, kd., oo waxa ku jira (qush, qaras) laga soo saaro inta dawo la qaato; qarasfaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dacarfaalid
(Dacarfaalid-da)
Dacarta uurka ku jirta, dawo ku soo saarid; qarasfaalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daweyn
(Daweyn-ta)
Dawo ku samayn; cudur biskoodsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhagax-aboodi
(Dhagax-aboodi-ga)
(senen) dhagax gaar ah oo la qabo inuu dawo lee yahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhegayare
(Dhegayara-ha)
Ubax isagoo aan buqin la gooyo oo la engejiyo oo ka baxa geed weligi cagaar ah oo dhulalka kulul: wuxuu u eg yahay qodob yar oo dhego leh; dhirta cunnada lagu udgooneeyo buu ka mid yahay in kastoo Soomaalidu shaaha keliya ku darsato; waxaa kaloo laga sameeyaa dawo, siiba tan ilkaha, saabbuun, cadar iyo waxyaalo kale oo lays marsho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Farmashiye
(Farmashiya-ha)
Dukaanka lagu iibsho dawooyinka (ama farmasi).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Galley
(Galley-da)
Geed la abuuro oo dhala badar waxtar weyn leh: dadka iyo duunyadaa cuna; waxaa kaloo laga sameeya saliid la cuno oo wanaagsan, qaarkeedna laga dhigo, dawo, saabbuun, khal, nacnac, xabko, asal iyo ranji, cadar udgoon, waxyaalo qaraxda, kd.; geedku bal taagan oo caleemo dheerdheer iyo sabuul iniino badan oo sarac sarac ahi ku yaalliin buu lee yahay; arabbikhi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Huruud
(Huruud-da)
1. Nagaar ubixiisa laga sameeyo asal wax lagu midabeeyo; midab cillaan-guduud ah.
2. Asalka geedka laftiisa oo waxyaalo badan laga dhigto (dawo; sabbakh, dhirta cunnada lagu daro, kd.); Sacfaraan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Irbadayn
(Irbadayn-ta)
1. Irbad ka dhigid.
2. Irbad gaar ah oo dhexda ka daloosha oo dhuun dhalo ah wadata, inta dawo socota lagu shubo, oogada ku mudid oo dawadii ku dhiijin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kaafuur
(Kaafuur-ka)
1. Geed Shiinada Koofure iyo meelahaas ka baxa; wuxuu lee yahay caleemo weligood cagaaran iyo ubax midabkiisu yahay caddaan waxyar oo cillaan ahi dheeho oo kaafuur udgoon laga soo saaro.
2. Dhacaan geedka kaafuurka laga soo saaro oo waxyaalo badan oo kala geddisan laga sameeyo siiba dawooyinka (waa dhacaan-xabageed aad iyo aad u udgoon, oo ololi og, oo cad).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kamuun
(Kamuun-ta)
Nagaar laamo badan, ubaxiisuna guduud iyo caddaan yahay; wuxuu lee yahay miro dhuudhuuban oo leh iniino udgoon oo cunnadana lagu darsado dawona laga dhigto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kiniini
* (Kiniini-ga)
1. Dawo laga soo saaro geed la yiraahdo kiina qoloftiisa, oo duumada iyo cudurro kale loo doono.
2. Dawada iniinaha laga dhigo, guud ahaan; (ama kiniin).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qalaanqal
1. (Qalaanqal-ka) Qas; qulqulad; wareer.
2. (Qalaanqa-sha) Geed higlada u eg oo miro yaryar oo cascas dhala; caleemihiisa waxaa laga dhigtaa tabaako (buuri), danbaskiisana magaad iyo dawo cadhada lagu dhayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qoosh
(Qoosh-ka)
Wax ka samaysan waxyaalo badan oo kala duwduwan (miro, dawooyin...) oo laysku daray ama laysku qasay; iskuddar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qooshid
(Qooshid-da)
Waxyaalo badan oo kala duwduwan (miro, dawooyin, ...) isku darid, isku qasid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Raqay
(Raqay-ga)
Geed qurux badan oo aad u dheeraada oo ganacsiga qiime weyn ku leh; waxaa laga helaa alwaax wanaagsan iyo miro dhanaan oo waxyaalo badan laga sameeyo (dawo, sharbeed, renji, ...) ~ timir hindi; xamar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
awo
awo¹: m.dh.fk la-mid: aw.
awo²: f.g3 (-wday, -watay) Qof si marakudhegnimo u baryid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
awo
f.g3 (-wday, -watay) Qof si marakudhegnimo u baryid. m.f.dh, awasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daw
1. (Daw-da) Ceelal isu dhowdhow oo meel ku wada yaal; so'.
2. (Daw-ga) a) Dhul la falay oo loo sameeyey in la maro; dhabbe; waddo, marin, jid; ... b) Tusmada wanaagsan oo ay eg tahay in dadka lagula dhaqmo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daw
daw¹: m.l (-wyo, m.dh) 1. Waddo, dariiq; jid. 2. Wax habboon ama xaq ah. la-mid: dow.
daw²: m.l (-yo, m.dh) (juqraafi) Meel gaaban lagana gudbi karo ee buuro is haysta oo hakiya dhaqaaqa.
daw³: m.dh Ceelal badan oo isku meel ku yaalla.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daw
daw¹: m.l (-wyo, m.dh) 1. Waddo, dariiq; jid. 2. Wax habboon ama xaq ah. la-mid: dow.
daw²: m.l (-yo, m.dh) (juqraafi) Meel gaaban lagana gudbi karo ee buuro is haysta oo hakiya dhaqaaqa.
daw³: m.dh Ceelal badan oo isku meel ku yaalla.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Daw
Pass
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daw
m. n. way, road, path; right, prerogative; system
daw [feminine] n., [collective] group of wells
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
daw
-ga: (n), way (weey); right way; proper way. Ex: sidaan daw ma 'ha; this is not the right way
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daw
-ga: (magac, lab, keli) dariiq la maro. Na dalaandali oo daw na mari. Dh: jid, waddo, dariiq.
daw -ga: (magac, lab, keli) meel gaaban oo laga gudbi karo ee buuro is haysta oo hakiya dhaqaaqa u dhaxaysa.
daw-ga: (magac, lab, keli) sida habboon ama saxda ah; sida waafaqsan dhaqanka iyo diinta. Li: dawdarro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aawo
(Aawa-da)
Daraad; dar; aw.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aawo
m.dh Erey aan keligii istaagin in qodob lahaansho lagu daro mooyee, sida: -diis, -deed, -dood iyo wixi lamida oo macnahiisu yahay qof ama wax dartood. Tusaale: “Cali, Caasha aawadeed ayuu halkan u yimid”. la-mid: aw.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aawo
m.dh Erey aan keligii istaagin in qodob lahaansho lagu daro mooyee, sida: -diis, -deed, -dood iyo wixi lamida oo macnahiisu yahay qof ama wax dartood. Tusaale Cali, Caasha aawadeed ayuu halkan u yimid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aawo
f. n. sake, reason
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aawo
(fal) aloosan oo sara kac. Dagaalayahaw dem ama aawo anu kuu diyaar ihiye. Dh: aloosan. Li: den, dem.
aawo -da: (magac, dhedig, keli) dar iyo aw; qof ama shey sababtii. Nebigii Allow, adaan aawadaa u ilmaynayaa. Dh: dar, aw, daraad.
aawo-da: (magac, dhedig, keli) gargaar iyo kaalmo. Itaalkii baa i gabay, Aawaan kaa doonayaa. Dh: aaway, gargaar, kaalmo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aawo
a: aw
cf: aawadeed, aawadiis
de: sake, reason Used with possessive pronouns
lx: aawo
pd: (/da)
ps: n0-f
key: aawo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cawo
(Cawa-da)
1. Laba-iyo-tobanka saac oo qorraxdu maqan tahay; habeen.
2. Nasiib-wanaag; ayaan; qadan; ul.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cawo
m.dh 1. (-ooyin, m.l) Habeen. 2. Nasiib wanaagsan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cawo
m.dh 1. (-ooyin, m.l) Habeen. 2. Nasiib wanaagsan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cawo
f. n. night
cawo [feminine] n., [abstract] good fortune
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Cawo
name-f night; luck, fate, good fortune. Syn: Ayaan, Nasiib
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cawo
-cawada: (n) 1. night (naayt), especially the hours of darkness ~ habeen, 2. luck (lak) ~ nasiib
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Cawo
magac loo baxsho gabadh la rajaynayo in ay noqoto mid reerka barwaaqo u horseedda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cawo
-da: (magac, dhedig, keli) ayaan; nasiib.
cawo -da: (magac, dhedig, keli) labo iyo tobanka saac ee ay qorraxdu maqan tahay. Dh: habeen.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dabo
(Daba-da)
1. Lafdhabarta (xiriirka) nafleydu afka ay ku dhammaato, oo mid dheer, sida tan lo'da iyo mid gaaban, sida tan riyahaba, leh.
2. Dhammaad; af.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabo
dabo¹: m.dh (-ooyin, m.l) 1. Xubin dhuuban, dheer, laalaadda oo lafdhabarta ku dhammaato. 2. Meesha ay nafleyda ka saxarooto; futo. 3. Sal. 4. Gadaal. 5. Dabadeed: kaddib.
dabo²: f.g3 (-btay, -batay) 1. Ugaar, kalluun iyo wixi lamida dabin ku qabasho. 2. Timo tidcasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dabo
dabo¹: m.dh (-ooyin, m.l) 1. Xubin dhuuban, dheer, laalaadda oo lafdhabarta ku dhammaato. 2. Meesha ay nafleyda ka saxarooto; futo. 3. Sal. 4. Gadaal. 5. Dabadeed: kaddib.
dabo²: f.g3 (-btay, -batay) 1. Ugaar, kalluun iyo wixi lamida dabin ku qabasho. 2. Timo tidcasho. m.f.dh, dabasho.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DABO
(Dabo) May Euphorbia glochidiata Pax. Euphorbiaceae.
S Sporobolus nervosus Hochst. Gramineae.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dabo
-dabada: (n) 1. butt (hart); bum (bam); anus (eenes); ass (aas); buttocks (batakis) ~ Ex: dabo dharbaax; slap on the buttocks; spank (spaangk) 2. backside (baaksaydh); rear (rzyer); back end ~ gadaal. 3. tail (teeyl) ~ sayn 4.
dabo -dabtay / dabatay: (v) hunt by trapping; catch (kaj). 5. ka dabo imow: (expression) go after someone
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabo
(fal) timo tidco ama sooho. Dabo timaha oo cidna ha sugin.
dabo: (fal) ugaadh dabin u dhigo. Dabo oo dubo ugaadha dibad laguma gaajoodo.
dabo: (fal) neef yar oo qaan ah, caano ku bukoo. Nayshii falanfalxadii bay ku dabatay. Dh: daabo.
dabo-da: (magac, dhedig, keli) halka ay lafdhabartu ku dhammaato ee xayawaanka qaarkii oo badkood dheeraata badhna gaabata. Lo'du dabadeeday daqsiga iskaga celisaa.
dabo-da: (magac, dhedig, keli) meesha wax uu ku idlaadaan. Arrin aan hor iyo dabo toona lahayn bay noo dhiibeen. Dh: billow, af.
dabo-da: (magac, dhedig, keli) meesha ka mid ah jirka noolaha ee xaarku ka soo baxo. Dabo iyo dhul is hurran, Dh: futo.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
dado
s.m. - daado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dafo
(Dafa-da)
Shinbir hilibka cunta oo bahallada yaryar iyo wixii kaloo ay dhifsan karto dhifsata oo dafta; dhuuryo, dhufato, faraggoys, huf.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dafo
m.dh (-ooyin, m.l) Nooc haadda hilib cunka ka mid ah, dheereysa oo si dhaqso leh bahallada yaryar ama hilibka u dhufsata; so'laduul; huunfey. la-mid: dafto, dhifato, dhufato.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dafo
m.dh (-ooyin, m.l) Nooc haadda hilib cunka ka mid ah, dheereysa oo si dhaqso leh bahallada yaryar ama hilibka u dhufsata; so'laduul; huunfey. la-mid: dafto, dhifato, dhufato.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dafo
f. n. hawk species
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dafo
-dafada: (n) hawk (hook) ~ dhuuryo, huf
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dafo
-da: (magac, dhedig, keli) shinbir hilibka boobta oo weerar kulul ku qaadata. Dafo ayaa hilibkii iga boobtay. Dh: yili, huf, balqayo, baqayo, faragoys.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dafo
a: dafto
cf: dhuuryo, huf
de: hawk sp.
lx: dafo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: dafo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dago
(Daga-da)
1. Bilaha dayaxa oo Muslinka, tan ugu horraysa; seko.
2. In, xoolaha jaad walba, sanadiiba kol laga baxsho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dago
dago¹: m.dh 1. Bilaha dayaxa ee muslinka tirsado tan ugu horreysa. 2. Sadaqo sharciga Islaamku ku waajibiyey hantida qofka muslim ah sannadkiiba mar. 3. D. ah: neef ari ah oo sadaqadaas loo bixiyo.
dago²: f.mg3 (-gtay, -gatay) 1. U d.: wax, cid u dayacmid. 2. Ku d.: ku dagmid, ku khatalmid; sigasho; baylahoobid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dago
f.mg3 (-gtay, -gatay) 1. U d.: wax, cid u dayacmid. 2. Ku d.: ku dagmid, ku khatalmid; sigasho; baylahoobid. m.f.dh, dagasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Dago
f. n. first month of the Somali lunar calendar
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dago
v. have a narrow escape; be misled, be cheated
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dago
(fal) (ku ~) cid ama wax, ku khatalan. Gabadha hadalkeedii macaanaa ayaan ku dagmay.
dago: (fal) wax baylahsan noqo. Adhigu wuu daganyahay ee waraabaha ka gaadha. Dh: dagan.
dago-da: (magac, dhedig, keli), ah: neef ari ah oo sadaqadaas loo bixiyo.
dago-da: (magac, dhedig, keli) bisha xoolaha laga bixiyo sekada.
dago -da: (magac, dhedig, keli) tiro go'an oo xoolahu kolkay gaadhaan ay ku waajibto hantiilaha inuu in ka mid ah sako ahaan sannadkiiba hal mar uga baxsho. Dh: sako.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daho
f.mg3 (-hday, -hatay) la-mid: diho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daho
(fal) asturo oo wax qarsoon oo meel dahan ku jira ka dhig. Alaabtaada indhaha dadka ka daho. Dh: qarso.
daho-da: (magac, dhedig, keli) alool ama raar lagu kala xidho aqalka Soomaaliga. Dahaan ku kala xidhay aqalka. Dh: ilaxidh.
daho: (tilmaame) meel dugsi ahaan loo hoos galo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dano
(Dana-da)
1. Caanaha la lula hayo xoogaa kamid ah oo intaan caanaha subagga laga bixin, qof aagaanka loogu shubo oo la siiyo; waxaa la qabaa in dad ku sancan yahay oo haddii danada la siiyo, haantu subag badan dhalayso.
2. Caano yar oo geel oo caanaha la lula hayo lagu daro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dano
m.dh 1. Dani. 2. In yar oo caano dhanaan ah oo gundhig looga dhigo caano la rabo in ay dhaqso u gorooraan. 3. In yar oo caano ah oo laga shubo caano la lulayo oo la siiyo qof la rumaysanyahay in uu u sancanyahay oo ay haantu subag badan dhalayso. 4. Biyo yar oo lagu daro caano la lulayo marka ay firfiraan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dano
f. n., (mass n.): milk halfway through the butter-making process; additional milk added during churning
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dano
-da: (magac, dhedig, keli) caanaha la lulayo xoogaa ka mid ah oo intaan caanaha subagga la gala bixin qof aagaanka loogu shubo oo la siiyo. Waxa la aamminsanyahay in dadka qaar u sancan yahay haddii danada la siiyo ay haantu subag badan bixin doonto. Faarax dano ayaa loo shubay. Dh: sankuriix.
dano -da: (magac, dhedig, keli) caano yar oo lagu dhanaaniyo kuwa dhayda ah. Dano caanaha ku dar.
dano -da: (magac, dhedig, keli) geed u eg cinka kase waaweyn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dano
de: milk halfway through the butter-making process; additional milk added during churning
lx: dano
pd: (/da)
ps: n0-f-mass
key: dano
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daro
(Dara-da)
(legdan) gacan qofka surka lagaga maro oo lagu ceejiyo, waana wax reebban (= daro waa dirir)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daro
daro¹: m.dh 1. Tab awrtu u dagaasho oo ratigu luquntiisa dulmariyo luqunta ratiga kale isla markaana cududda ku dhegaayo. 2. Tab legdinta ka mid ah oo uu qof gacanta kaga maro qoorta qof kale.
daro²: f.mg3 (-rtay, -ratay) 1. Ku d.: wax, wax kale ku kordhisasho. 2. Ku d.: qof, qof kale u guurin. 3. Isku d.: dhawr waxyaalood isku qaadasho. 4. Isku d.: isku qasasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daro
f.mg3 (-rtay, -ratay) 1. Ku d.: wax, wax kale ku kordhisasho. 2. Ku d.: qof, qof kale u guurin. 3. Isku d.: dhawr waxyaalood isku qaadasho. 4. Isku d.: isku qasasho. m.f.dh, darasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daro
f. n. strangle-hold (in wrestling)