dawlin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dawlin
m.dh la-mid: dowlin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalin
-ta: (magac, dhedig, keli) noole ilimaqabatay ah oo ku dulnool xayawaanka jimidhka weyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dawin
(Dawin-ta)
Wax ama qof meel fog u gudbin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dawin
m.f.dh eeg dawi. la-mid: dawis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax, u gudbin meel kale oo durugsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dawli
dawli¹: m.l la-mid: dowli¹.
dawli²: f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: dowli².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dawli
m. n. well-rope, water-cord
dawli: adj., [expression] governmental
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dawli
-ah: (adj) 1. governmental (gavar-mental) Ex: xukun dawli ah; governmental law ~ dowli. 2. dawli -ga: (n) rope (roop), especially one used to bring water out of wells ~ xarig
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawli
(tilmaame) waax dawladda ka mid ah ama wax la xidhiidha dawladda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daalin
(Daalin-ta)
Si daal u qabto gaarsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daalin
m.f.dh eeg daali.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daalin
m. n. oppressor
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daalin
-ta: (magac, dhedig, keli) tacab iyo tabardarri ku beerid. Dh: noojin, daalis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daalin
a: daalim
bw: Arabic
de: oppressor
lx: daalin
pd: (-ka Pl: daalimiin (ta))
ps: n8-m
key: daalin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dawlis
m.l la-mid: dowlis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawlis
-ka: (magac, lab, keli) xadhig dheer oo biyaha lagaga soo qaado ceelka; xadhig ka samaysan bac la tifay ama maydhax oo aad loo nuday. Dayr iyo xagaa, dawlis baan ahay, dacda kuu yaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dawrin
m.dh la-mid: dawarin.

dowlin
m.f.dh eeg dowli². la-mid: dawlin, dawlis, dowlis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dowlin
-ta: (magac, dhedig, keli) ceel dawlis kaga dhaamin. Dowlintii ayay gacmuhu igu daaleen. Dh: dawlis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daallin
(Daallin-ka)
Dhagarqabe; gaboodfale; dulmilow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daallin
m.l (-immo/-imiin, m.dh) Qof dulmi badan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daallin
m.l (-immo/-imiin, m.dh) Qof dulmi badan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daallin
m. n. felon, crook; person on wrong side of an argument
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
daallin
-ka: (n) oppressor (o-peeree-sor); tyrant (taay-rent)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daallin
(tilmaame) qof gardarro badan oo dadka xaqooda duudsiya. Daallin Eebbe ma jecla. Dh: dulmilow.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daallin
de: felon, crook; person on wrong side of an argument
lx: daallin
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: daallin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalilin
-ta: (magac, dhedig, keli) aayad ama xadiis soo dareerin iyada oo masalo daliil looga dhigayo.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
darling
/dhaarlin/ (n) xabiib (xabiibkaa ama xabiibtaa).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dawarin
m.f.dh eeg dawari. la-mid: dawerin, dawrin, dewerin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawarin
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg dawaarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dawerin
m.dh la-mid: dawarin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dawli_1
a: dowli
de: well-rope, water-cord strong cord for bringing water out of a well
hm: 1
lx: dawli
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: dawli_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dawli_2
bw: Arabic
de: governmental
hm: 2
lx: dawli
ps: adj-expr
key: dawli_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dawliil
m.l Muuqaal koraad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dawliil
m.l Muuqaal koraad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawliil
-ka: (magac, lab, keli) joogga dheer ee qurruxda badan ee uu qofku leeyahay,
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhallin
(Dhallin-ta)
Fil; da'; da'aad; fac; facaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhallin
m.dh 1. Inta sano, bilo, maalmo iyo wixi lamida ee noole jiro. 2. Dadka inta da'da yar. 3. Dh. ah: qof da' weyn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhallin
m.dh 1. Inta sano, bilo, maalmo iyo wixi lamida ee noole jiro. 2. Dadka inta da'da yar. 3. Dh. ah: qof da' yar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhallin
f. n., [abstract] age; youth
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhallin
-ta: (n) 1. youth (yuuth); young people; youngster (yan-gister) ~ dhallinyaro. 2. age (eeyj) ~ da'
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhallin
de: age; youth
lx: dhallin
pd: (-ta)
ps: n-f-abs
key: dhallin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaylin
m.f.dh eeg dhayli.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaylin
-ka: (magac, lab, keli) waraabaha baruurta cunay xaarkiisa. Dabadana adkee dhaylin baad diru lahay deene.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dali
-ga: (magac, lab, keli) meel haadaan ah oo laga dhaco. Daliga ha ka dhicine iska jir. Dh: haadaan, dalaw, gebi, qaw.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dawi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax meel fog u gudbin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dawi
v. send ~ throw a long way
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawi
(fal) wax ku soo gaadhay, meel kale oo fog u gudbi. Dh: gudbi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dawi
de: send ~ throw a long way
lx: dawi
pd: (dawiyey)
ps: v2a=
key: dawi
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dawn
Waaberi
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
dawn
/dhoon/ (n) 1. waabberi (waabari) (v) 2. waabberyid (aroor noqosho).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
dawn
n., (the break of day) arooryo, -adi, gabbal soo bax, -ki, soo bex.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aawin
m.f.dh eeg aawi. la-mid: aawis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cawin
cawin¹: m.dh la-mid: caawiyid.
cawin²: f.g1 (-imay, -intay) la-mid: caawin².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cawin
v. help, support, aid, assist someone
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cawin
-ay / tay: (v) give aid or support; assist (a-sistf help (help) ; ~ caawin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cawin
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg caawin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cawin
de: help, support, aid, assist s.o.
lx: cawin
pd: (cawinmay)
ps: v1=
key: cawin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daali
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Qof ama nafley noog ku ridid. 2. Qof wax uu u baahanyahay u raadin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daali
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Qof ama nafley noog ku ridid. 2. Qof wax uu u baahanyahay u raadin. m.f.dh, daalin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daali
v. tire, make tired
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daali
(fal) wax tabar daran ka dhig. Dh: nooji.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daali
de: tire, make tired
lx: daali
pd: (daaliyey)
ps: v2a=tr
key: daali
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dabin
(Dabin-ka)
Farsamooyin jaadad badan ah oo ugaarta iyo nafley kale oo badan lagu qabto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabin
m.l (-nno, m.dh) Bir, siriq, god iyo wixi lamida oo loo dhigo nafleyda si loo qabto.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dabin
m.l (-nno, m.dh) Bir, siriq, god iyo wixi lamida oo loo dhigo nafleyda si loo qabto.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dabin
m. n. trap
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dabin
-ka: (n) trap (taraap); decoy (diikooy) ~ siriq
dabin dhige -ha: (n) trapper (taraapar); trap maker
dabin u qool -ay / qooshay: (v) entrap (entaraap); ensnare (en-isneer); lure (luur); bait the trap; trick (tiriik)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabin
-ka: (magac, lab, keli) qalab noocyo badan ah oo ugaadha iyo naflayda kalaba lagu qabto. Dabin baan dhigay geedka hoostiisa laakiin weli wuu madhanyahay. Dh: qab, qabato.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dabin
de: trap
lx: dabin
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: dabin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dajin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax meel sare saaran hoos u dhigid.
dajin-ta: (magac, dhedig, keli) qof ay cadho hayso qaboojin oo si fudud ula hadlid. Dh: dejin, qaboojin.
dajin -ta: (magac, dhedig, keli) reer geeddi ah meel furid. Carruuru way daashay oo dajin ayay doonayaan. Dh: furid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dalan
f.mg1 (-lmay, -lantay; -lmi) Wax asqo hayso noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalan
(tilmaame) wax asqo hayso ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dalid
m.f.dh eeg dal².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
damin
m.dh eeg dami. la-mid: damis, demin, demis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
damin
vl. n. extinguishing; turning off (a light)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
damin
-ta: (magac, dhedig, keli) dab ololaya bakhtiin. Daminta dabka dabdemiska ayaa u xilsaaran.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
damin
de: extinguishing; turning off (a light)
lx: damin
pd: (-ta)
ps: vn2-f
key: damin
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
darin
f. n. mat
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
darin
-ta: (n) mat (maat); mat used as floor-covering ~ derin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax lagu fadhiisto ama lagu seexdo. Dh: salli, derin, dermo, caw, bal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
darin
a: derin ~ darmo
de: mat
lx: darin
pd: (-ta)
ps: n1-f
key: darin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dawan
(Dawan-ka)
Koor bir ama wax kale laga sameeyey oo qaar fardaha surka loogu xiro qaarna xafiisyada iyo dugsiyada la dhigo oo laysugu yeero ama laysugu baaqo; koor.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dawan
m.l (-nno, m.dh) 1. Koor yar, bir ka samaysan oo gammaanka loo xiro. 2. Qalab bir ah, laga dhawaajiyo marka xisada dugsida billaabanayaan ama dhammaanayaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dawan
m.l (-nno, m.dh) 1. Koor yar, bir ka samaysan oo gammaanka loo xiro. 2. Qalab bir ah, laga dhawaajiyo marka xisada dugsida billaabanayaan ama dhammaanayaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dawan
m. n. bell, little bell
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dawan
-ka: (n) bell (beel) ~ gamballeel, jalas
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Dawan
Campanello
Bell
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawan
-ka: (magac, lab, keli) koor bir ah oo xoolaha qoorta loo sudho. Faraska dawan baa loo xidhay.
dawan-ka: (magac, lab, keli) qalab la afuufo oo la iskugu baaqo. Dh: garri, siidhi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dawan
cf: koor
de: bell, little bell
lx: dawan
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: dawan
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dawir
v. wait (for), expect
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dawis
m.l la-mid: dawin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawis
-ka: (magac, lab, keli) dawinta wax la dawiyo.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Dawlo
name-f state, government
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Dawlo
magac loo baxsho gabadh la rajaynayo hannaan quruxsan oo haybad leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawlo
-da: (magac, dhedig, keli) maamul u taliya qaran meel deggan; hoggaan wada ummad dhan. Amar dawlo addeec. Dh: xukumad, dawlad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dawri
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: dawari.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawri
-ga: (magac, lab, keli) libaaxa kiisa dawaafa ee dadqaaqka ah. Sida dawri libaaxoo dibjir xoolo ku laayay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dewin
-ta: (magac, dhedig, keli) marka aad cid kale u sii gudbisid wax adiga meel kale kaa soo gaadhay. Dh: tebin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dowli
(Dowli-ga)
Xarig yeelka xoolaha lagu shubo kamid ah oo inta wadaanta lagu xiro ceelasha lagu shubo; dowlis.