dawladnimadoon
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawladnimadoon
-ka: (magac, lab, keli) dawlad raadin. Dh: gobannimadoon.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DARAN-MADOOW
(Daran-madu) S Suaeda sp. Chenopodiaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gobanimadoon
-ka: (magac, lab, keli) madaxbannaani raadis; dadka raadiya gobanimada ee gumaysidiidka ah. Dh: xorriyaddoon.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
markhaatimadoon
-ta: (magac, dhedig, keli) dembi ama waxyeello la geysto oo cid walba u muuqata oon wax marag ah u baahnayn. Inuu ninkaayi iga gardaran yahay waa markhaatimadoon. Dh: maragmadoon.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dawacamadow
m.dh la-mid: dacawamadow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawladamiin
-ta: (magac, dhedig, keli) ciyaar ay wada dheelaan ragga iyo dumarku oo isugu jirta jiib, jaan iyo sacab. Ciyaartani waxay caan ku tahay gobollada Shabeellada Dhexe iyo Banaadir, qalabka loo qaato na waxaa ka mid ah: lix birood oo labolaba ah, billaawe, ulo bakoorado ah iyo kabo maas ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawladeysan
(tilmaame) waddan dawlad leh oo nidaamkii iyo maamulkii wada gaaray.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhawradnimo
m.dh Dhawrad ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maragmadoon
-ta: (magac, dhedig, keli) dhacdo la tahay ama ay ku qanacdo. Dh: markhaatimadoon. wada arkayo oo inay qalad tahay cid walliba og.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
CADAAD-MADOOW
(Adad-madu) C Acacia asak (Forsk) Willd. Mimosaceae.
NFD, N Acacia senegal (L) Willd. Mimosaceae.
S Adenia venenata Forsk. Passifloraceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daalalomadhan
-ta: (magac, dhedig, keli) labada dambee daalallo oo ku beegan godadka 21-22 lehna saadaal taban. Daalallo madhan gabadha dhalataayi way guur beeshaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gobannimaddoon
(Gobannimaddoon-ka)
Gobannimada oo la doono, ama heliddeeda loo dagaallamo; xornimaddoon.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gobannimaddoon
m.l (-nno, m.dh) 1. Jabhad hubaysan oo u dagaallanta xurriyada gobol ama dal. 2. Qof ka tirsan jabhad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gobannimaddoon
m.l (-nno, m.dh) 1. Jabhad hubaysan oo u dagaallanta xurriyada gobol ama dal. 2. Qof ka tirsan jabhad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gobannimaddoon
m. n. freedom-fighter; guerrilla; liberation front
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gobannimaddoon
-ka: (n) freedom fighter
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gobannimaddoon
de: freedom-fighter; guerrilla; liberation front
lx: gobannimaddoon
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: gobannimaddoon
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
markhaatimadoonto
-da: (magac, dhedig, keli) eeg markhaatimadoon.