dawladla'i
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawladla'i
-da: (magac, dhedig, keli) marka waddan dawladdiisii baaba'do oo ay kala go'aan dadkiisii oo nidaamkii u yaallay maamulkiis burburo, waddan qarankiisii burburay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawlaaci
(fal) xadhig dawlis ah iyo wax la mid ah marba in yar sii daa.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Qaladla'
name-f corrected, errorless; straight; righteous. Syn: Qaladla', Saxan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Qaladla'
magac loo bixsho gabadh la rajaynayo inay yeelato habdhaqan toosan oo aan wax la quudhsado lahayn. Qaladlaay walaal, calaf waa mar qudha, tiro waa cuddoon.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daafadla'
(tilmaame) astaan muujinaysa in aanu qofku awood ku filan u lahayn wax uu qaban lahaa. Waa nin naftiisii u daafadla' qofka aad dhibaysaa. Dh: awoodla', itaaldaran.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawladamiin
-ta: (magac, dhedig, keli) ciyaar ay wada dheelaan ragga iyo dumarku oo isugu jirta jiib, jaan iyo sacab. Ciyaartani waxay caan ku tahay gobollada Shabeellada Dhexe iyo Banaadir, qalabka loo qaato na waxaa ka mid ah: lix birood oo labolaba ah, billaawe, ulo bakoorado ah iyo kabo maas ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alaladi
f.mg2 (-iyay, -isay) Ka a.: cid alal ka keenid. la-mid: alaladsii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Alalaxi
(Alalaxi-da)
Bahal dixiri yar ah oo kaadidhiigga ku wacan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alalaxi
m.dh Nafley yar oo biyaha ku nool, bocool ku dhex jirta oo kaadi-dhiigga noolihiisa korisa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
alalaxi
f. n. worm species, parasite that transmits schistosomiasis or bilharzia
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
alalaxi
de: worm sp., parasite that transmits schistosomiasis or bilharzia
lx: alalaxi
pd: (-da)
ps: n-f
key: alalaxi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
arlaa'i
m.l la-mid: arlo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabala'
(tilmaame) hal daba go'an. Dabalaay gooji ama hagoojin geela gu'ga dhali baad iigu jirtaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dawaafi
f.g2 (-iyay, -isay) Qof xajka gudanaya kacbada ku warwareejin. la-mid: dawaafsii.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dawaafi
f.g2 (-iyay, -isay) Qof xajka gudanaya kacbada ku warwareejin. m.f.dh, dawaafin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dawaafi
v. lead ~ conduct a pilgrimage
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawaafi
(fal) cid kale, Kacbada ku wareeji.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dawaafi
de: lead ~ conduct a pilgrimage
lx: dawaafi
pd: (dawaafiyey)
ps: v2a=
key: dawaafi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dawaali
fk. D u: si toos ah, si aan gabbasho lahayn. Tusaale: “Waxaan doonayay dawaali ayuu u diiday”.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dawaali
(adv) directly (direktili)-, straight (istareeyt). Ex: dawaali u tag; go directly
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dawaaqi
m.dh Nooc shabaagta ka mid ah oo libaax badeedka lagu dabo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawaari
(fal) maro tol adigoo u adeegsanaya dun iyo makiinad. Dh: tol.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dawdabi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Caano, biyo iyo wixi lamida si dhaqso leh u cabbid. 2. Hal si dhaqso leh u lisid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawdabi
(fal) meel dheer u aroori. Dh: aroori.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawlaab
-ta: (magac, dhedig, keli) jeex maro ah oo go'an.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hawaa'i
-da: (magac, dhedig, kali) qolada saddexaad ee faalka waa na afar iyo labaatan dhagax oo u kala baxda Min sicdi iyo Minsixri. Waa afar min oo kala ah: Min subagle oo ah lix dhagax oo Min sicdi ah, Ximre waa toddoba dhagax oo Min sicdi ah, Guntane, waa shan dhagax oo Min sixir ah, Dariiq na waa afar dhagax oo Min sixri ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hawlla'
Aan hawl hayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hawlla'
f.mg4 (-'aa, -'ayd) Qof aan hawl hayn ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hawlla'
f.mg4 (-'aa, -'ayd) Qof aan hawl hayn ahaansho. m.f.dh, hawlla'aan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hawlla'
adj., [expression] unemployed, jobless; idle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hawlla'
(tilmaame) aan hawl lahayn. Dh: dhibla'.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hawlla'
de: unemployed, jobless; idle
lx: hawlla'
pd: (hawlla'aa)
ps: adj-expr
key: hawlla'
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balaladi
(fal) wax sumoobay dawee. Dh: xadhaadhi, balalotir. Li: balalee, sumee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Cawrala'
pr. n., [feminine] Awrala
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Cawrala'
name-f honorable; the one without blemish; beautiful. Syn: Ceebla
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Cawrala'
magac loo baxsho gabadh loo rajaynayo sharaf iyo xishmad iyo in ay wax ceeb ah yeelan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Cawrala'
cf: cawro + la'
de: Awrala
lx: Cawrala'
ps: name-f
key: Cawrala'
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daadaadi
(fal) marka lagu farayo inaad dhulka dushiisa si filiqsan wax ugu tuurtuurtid ama aad si tashiil la'aan ah u isticmaashid. Meel qudha ha ku wada shubine daadaadi biyaha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daalalli
(Daalalli-da)
Waaxda saddexaad oo degmooyinka xiddigaha oo xilliga dayrta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daalalli
m.dh 1. Waaxda saddexaad ee degmooyinka xiddigaha, xilliga dayrta. 2. Roobka xilliga dayrta da'a. 3. Raar meydka looga sameeyo geedaha korkooda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daalalli
-da: (magac, dhedig, keli) degmooyinka xiddigaha mid ka mid ah ee waqtiyada dayrta. Daalalli weli ma soo baxday?
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dalalaco
m.dh.kh D. ah: rati aan lugaha xarig uga xirnayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawladee
(fal) meel aan dawlad ka jirin dawlad ka samee ama si dawladnimo wax u qabo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qalalabi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax si dhaqso leh u sameyn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qalalabi
v. cause (a liquid) to produce a gurgling sound; drink in one gulp
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qalalabi
de: cause (a liquid) to produce a gurgling sound; drink in one gulp
lx: qalalabi
pd: (qalalabiyey)
ps: v2a=tr
key: qalalabi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qawlalan
f.mg4 (-lnaa, -lnayd) Wax qawlal gashanyahay ahaansho (awr, faras iyo wixi lamida).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
awoodli'i
m.dh la-mid: awoodla'aan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baraadla'
(tilmaame) ruux aan maankiisu joogin. Baraadla' bun ma kariso. Dh: miyirla'.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalandali
(fal) socod baro gaar ahaan dhallaanka. Dalandali dalandalka. Dh: socodbar, daaddihi.
dalandali: (fal) aayar aayar gacmaha ugu riix sida giraanta oo kale ama daadehee illmaha yar ha socodbartee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawlaacis
-ka: (magac, lab, keli) sii deyn wax la dawlaaciyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dawladeed
n. phr., genetive: governmental
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dawladeed
de: governmental
lx: dawladeed
ps: np-gen
xe: government employee
xv: shaqaale dawladeed
key: dawladeed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawladeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) meel aan maamul dawladeed ka jirin dawladnimo gaadhsiin ama si dawladnimo ah wax u maamulid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
garaadla'
adj., [expression] foolish, without wisdom
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
garaadla'
-aa: (adj) stupid (istupidh); dumb (dhaam); unintelligent (an in-tala jent) ~ garaadlaawe, garaadyar, garaadxun, doqon
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
garaadla'
de: foolish, without wisdom
lx: garaadla'
ps: adj-expr
key: garaadla'
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Khaladla'
name-f errorless; straight; righteous. Syn: Qaladla'
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baraadli'i
-da: (magac, dhedig, keli) qalbila'aan aan waxba la kasin. Baraadli'idu waataa ku tidhi boob hantida reerka. Dh: maaanli'i.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dawladnimo
m.dh Dawlad ahaansho. la-mid: dowladnimo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dawladnimo
f. n., [abstract] statehood
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dawladnimo
-dawladnimada: (n) statehood (isteeyt-huud); sovereignty (sovranti) ~ dowladnimo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawladnimo
-da: (magac, dhedig, keli) marka ay dad dhul ku wada nooli hirgeliyaan shuruudaha xukuumadi leedahay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dawladnimo
de: statehood
lx: dawladnimo
pd: (/da)
ps: n-f-abs
key: dawladnimo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halladaadi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax baylahin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
halladaadi
v. neglect, leave unguarded
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halladaadi
(fal) dayac oo ha daryeelin. Dh: baylihi, daranyee. Li: ilaali, daryeel.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
halladaadi
de: neglect, leave unguarded
lx: halladaadi
pd: (halladaadiyey)
ps: v2a=tr
key: halladaadi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daalaadhacid
-da: (magac, dhedig, keli) hawl la mashaqadeed la kufkufid oo u babbacdhigid. Daalaadhacid dabadeed baan beertii falkii ka saarnay. Dh: dalanbaabiyid, daalaadhicid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daalaadhacis
-ta: (magac, dhedig, keli) hawl kaa taagroon la ciirciirid. Daalaadhacis bay ku dhammeeyeen goyntii beerta. Dh: daalaadhicis. daalaadhacitaan -ka: (magac, lab, keli) daalaadhacis hawleed, la ciirciiritaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baraadla'aw
(fal) ahaw qof baraadla'; ahaw qof xiskiisu maqan yahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dagaallamid
(Dagaallamid-da)
Dagaal iskula kicid; wax isyeelid; diririd; xarbiyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dagaallamid
m.f.dh eeg dagaallan². la-mid: dagaallan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dagaallamid
-da: (magac, dhedig, keli) labo dhinac, dagaal iskula kicid. Dh: diririd, xarbiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawladeysan
(tilmaame) waddan dawlad leh oo nidaamkii iyo maamulkii wada gaaray.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Halladaadin
(Halladaadin-ta)
Baylihin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halladaadin
m.f.dh eeg halladaadi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halladaadin
-ta: (magac, dhedig, keli) si u la kas ah xoolo u baylihin. Dh: baylihin, halladaadis. Li: baylahtirid, ilaalin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halladaadis
-ka: (magac, lab, keli) eeg halladaadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qayladhaami
f.mg2 (-iyay, -isay) 1. Qayladhaan ku dhufasho. 2. U q.: cid halis uga digid. la-mid: cilladhaami.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qayladhaami
v. call to arms; cry the alarm
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qayladhaami
de: call to arms; cry the alarm
lx: qayladhaami
pd: (qayladhaamiyey)
ps: v2a=intr
key: qayladhaami
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaqfadli'i
-ga: (magac, lab, keli) qalbi li', qofka aan caqli fiican lahayn.