dawari
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dawari
f.g2 (-iyay, -isay) Wax dhumay baadi goobid. la-mid: daweri, dawri, deweri.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawari
(fal) bari oo kolba sasabo wax u weydiiso. Dh: dawar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawaari
(fal) maro tol adigoo u adeegsanaya dun iyo makiinad. Dh: tol.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dawarid
(Dawarid-da)
(doonni, kd.) samayn; washirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dawarid
m.f.dh eeg dawar². la-mid: dawar¹, dewer¹, dewerid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawarid
-da: (magac, dhedig, keli) doon iyo wax la mid ah, dhisid ama samayn. Dawaridda doontu waxay u baahan tahay waqti iyo hanti.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dawarin
m.f.dh eeg dawari. la-mid: dawerin, dawrin, dewerin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawarin
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg dawaarin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawaris
-ta: (magac, dhedig, keli) shismaha la dhiso doonta. Dawarista doontu waqti bay qaadan doontaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dawarsi
(Dawarsi-ga)
Wareeg loo wareego in dadka la baryo oo la soo yaboohsado; (ama dewersi).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dawarsi
m.l la-mid: dawarsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dawarsi
vl. n. begging, panhandling
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dawarsi
-ga: (n) street-begging; panhandling (paan-han-dhel-ingl); begging (beeg-ing) ~ dewarsi, tuugsi, baryid, Ex: dawasigu halkaan waa ka mamnuuc; begging is not allowed here
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawarsi
-ga: (magac, lab, keli) baryootan oo kolba cid wax waydiisi. Dh: qarafaysi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dawarsi
de: begging, panhandling
lx: dawarsi
pd: (-ga)
ps: vn2-m
key: dawarsi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawmari
(fal) dad ama qof aad isqabateen ka garbax. Dh: garyigil.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daari
m.l Xiddig xiddigaha ka mid ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daari
(fal) caanaha ka soo daadi ama ka soo daa halka daloosha ee daarka la dhaho ee ku taalla aagaanka dhiisha. Daari ciirta inay baxday aan fiirinnee.
daari: (fal) caano inyar oo biya ah ku shub oo badhax. Dh: badhax.
daari-ga: (magac, lab, keli) madaha beeraha u dhaxeeya. Daariga beerta reer Cumar xooluhu yeyna soo dhaafin. Dh: xad, soohdin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dawar
(Dawar-ka)
1. Baryo iyo yaboohsi, wareeg; dawarsi.
2. Wax la samaynayo oo la qaabiyo oo laysku dubbarrido, sida doonyaha iyo maraakiibta; washir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dawar
dawar¹: m.l la-mid: dawarid.
dawar²: f.g/mg1 (-ray, -rtay) 1. (f.g) Baryo iyo yabooh u wareegid. 2. (f.g) Markab ama doon washirid. 3. (f.mg) Markab ama doon leexin. la-mid: dewer².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dawar
f.g/mg1 (-ray, -rtay) 1. (f.g) Baryo iyo yabooh u wareegid. 2. (f.g) Markab ama doon washirid. 3. (f.mg) Markab ama doon leexin. m.f.dh, dawarid. la-mid: dewer.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dawar
m. n. begging
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawar
(fal) doonni iyo wax la mid ah dhis oo samee.
dawar-ka: (magac, lab, keli) washiridda markab ama doon.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dawar
de: begging
lx: dawar
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: dawar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dawri
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: dawari.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawri
-ga: (magac, lab, keli) libaaxa kiisa dawaafa ee dadqaaqka ah. Sida dawri libaaxoo dibjir xoolo ku laayay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darari
f.g2 (-iyay, -isay) Neef xoola ah nafaqo uu ku dararo siin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
darari
f.g2 (-iyay, -isay) Neef xoola ah nafaqo uu ku dararo siin. m.f.dh, dararin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
darari
v. cause (an animal) to produce more milk
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darari
(fal) neef irmaan, caano badi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
darari
de: cause (an animal) to produce more milk (by grazing it well)
lx: darari
pd: (darariyey)
ps: v2a=tr
key: darari
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daware
-ha: (magac, lab, keli) neef geela oo aad u lafdheer ama kala jiidan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawaro
-da: (magac, dhedig, keli) baryo ama qof kale wax waydiisi. Dawaro badan dadkaa kugu naca. Dh: baryo, tuugid, qarafaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daweri
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: dawari.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daweri
(fal) eeg dawari.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dawrin
m.dh la-mid: dawarin.

dewer
dewer¹: m.l la-mid: dawarid.
dewer²: f.g/mg1 (-ray, -rtay) la-mid: dawar².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deweri
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: dawari.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dewerid
m.dh la-mid: dawarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dewerin
m.dh la-mid: dawarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dawdarid
m.dh eeg dawdar². la-mid: dawdar¹; dowddarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dawdarni
m.dh la-mid: dawdarnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawdarni
-da: (magac, dhedig, keli) wax hadal badan ahaan. Dh: hadalbadi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawmarin
-ta: (magac, dhedig, keli) ka garbaxid dad ama qof aad isqabateen. Dh: jidmari.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cawarid
m.f.dh eeg cawar². la-mid: cawaraad, cawiraad, cawirid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cawarid
vl. n. cheating, duping; blinding
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cawarid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, waxyeello u gaysasho; cid kale, dhaawac gaadhsiin. Dh: dhaawacid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cawarid
de: cheating, duping; blinding
lx: cawarid
pd: (-da)
ps: vn1-f, vn2-f
key: cawarid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
da'yari
m.dh la-mid: da'yaraan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
da'yari
-da: (magac, dhedig, keli) ahaanta noole aan in badan soo jirin ama aan muddo dheer soo noolayn. Dh: da'rooni.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dadbari
-ga: (magac, lab, keli) ciyaar ay wadajir u dheelaan ragga iyo haweenku ba oo caan ku ah gobolka Togdheer iyo meelo kale oo ka mid ah ciyaaraha aan durbaanka lahayn ee jiibta, jaanta iyo sacabka keliya lagu ciyaaro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dagaari
-da: (magac, dhedig, keli) xiddig ka mid ah xidigaha cirka oo daruur u eg.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dambari
f.g2 (-iyay, -isay) Neef dhalay dambar ka lisid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dambari
v. milk the colostrum from an animal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dambari
(fal) neef, dambar ka lis. Saca liga dambari.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dambari
de: milk the colostrum from an animal
lx: dambari
pd: (dambariyey)
ps: v2a=tr
key: dambari
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
danyari
m.dh la-mid: danyaraan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danyari
-da: (magac, dhedig, keli) saboolnimo iyo hantiyari.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dararid
(Dararid-da)
Darar yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dararid
m.f.dh eeg darar². la-mid: darar¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dararid
-da: (magac, dhedig, keli) neef irmaan, caano badan yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dararin
(Dararin-ta)
Darar ka keenid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dararin
m.f.dh eeg darari.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dararin
-ta: (magac, dhedig, keli) neef irmaan, candhada caano ka buuxin. Daaqa badhkii ayaa dararinta kordhiya.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dararis
-ta: (magac, dhedig, keli) neef irmaan, caano badan ka keenid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dawaafi
f.g2 (-iyay, -isay) Qof xajka gudanaya kacbada ku warwareejin. la-mid: dawaafsii.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dawaafi
f.g2 (-iyay, -isay) Qof xajka gudanaya kacbada ku warwareejin. m.f.dh, dawaafin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dawaafi
v. lead ~ conduct a pilgrimage
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawaafi
(fal) cid kale, Kacbada ku wareeji.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dawaafi
de: lead ~ conduct a pilgrimage
lx: dawaafi
pd: (dawaafiyey)
ps: v2a=
key: dawaafi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dawaali
fk. D u: si toos ah, si aan gabbasho lahayn. Tusaale: “Waxaan doonayay dawaali ayuu u diiday”.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dawaali
(adv) directly (direktili)-, straight (istareeyt). Ex: dawaali u tag; go directly
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dawaaqi
m.dh Nooc shabaagta ka mid ah oo libaax badeedka lagu dabo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dawaaro
m.dh Lo' yaryar, gaagaaban oo aan caano badnayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dawakhi
f.g2 (-iyay, -isay) Qof, madax wareer ku ridid. la-mid: dawikhi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dawakhi
f.g2 (-iyay, -isay) Qof, madax wareer ku ridid. m.f.dh, dawakhin. la-mid: dawikhi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawakhi
(fal) cid kale, wareer ku rid. Jugjugta baabuurkani way i dawakhisay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dawarso
f.g3 (-saday, -satay) Dawarsi samayn (qof). la-mid: dewerso.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dawarso
f.g3 (-saday, -satay) Dawarsi samayn (qof). m.f.dh, dawarsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dawarso
v. beg, ask for alms
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawarso
(fal) cid kale bari inay wax ku siiso. Dh: tuugso, qarafayso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dawarso
a: dewerso
de: beg, ask for alms
lx: dawarso
pd: (dawarsaday)
ps: v3a=intr
key: dawarso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dawdabi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Caano, biyo iyo wixi lamida si dhaqso leh u cabbid. 2. Hal si dhaqso leh u lisid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawdabi
(fal) meel dheer u aroori. Dh: aroori.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawerid
-da: (magac, dhedig, keli) baryootamid oo kolba cid gacmaha hoos dhigasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dawerin
m.dh la-mid: dawarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhacari
f.g2 (-iyay, -isay) Xoolo meel dhacar leh soofin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gawaari
m.dhw eeg gaari¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gawaari
f. n., pl. automobiles, cars, trucks, vehicles
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gawaari
-da:(n) [plural of gaari] cars (kaaris); automobiles (ootomoo-biilis) ~ gawaadhi
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gawaari
de: automobiles, cars, trucks, vehicles
lx: gawaari
pd: (-da Sg: gaari)
ps: n8-f-pl
key: gawaari
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hawaari
f.g2 (-iyay, -isay) Neef geel ah hawaar u yeelid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hawaari
v. brand (cattle) with a special ~ particular mark
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hawaari
(fal) fadhi ballaadhan oo fool xun fadhiiso; barraarso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hawaari
de: brand (cattle) with a special ~ particular mark
lx: hawaari
pd: (hawaariyey)
ps: v2a=tr
key: hawaari
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
warwari
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: walwali.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daar
(Daar-ta)
Aqal dhagax laga dhisay; sar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daar
daar¹: m.l 1. Xabad. 2. (-rar, m.l) Daloolka yar ee haruubka dhiisha ama haanta. 3. (-rar, m.l) Cuf yar oo la geliyo daloolka haruubka dhiisha ama haanta. 4. Hilib jiir ah oo sararta inteeda dambe ee araxda xigta saaran.
daar²: f.g1 (-ray, -rtay) 1. Wax shidid (dab); wax ifid (nal, feynuus iyo wixi lamida). 2. Taabasho; maagid; daandaansi. 3. Qof dilid; qof rayd.
dąar: m.dh (-ro, m.l) Guri, shub, dhagax, jaajuur iyo wixi lamida ka samaysan; sar.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daar
dąar: m.dh (-ro, m.l) Guri, shub, dhagax, jaajuur iyo wixi lamida ka samaysan; sar.
daar: f.g1 (-ray, -rtay) 1. Wax shidid (dab); wax ifid (nal, feynuus iyo wixi lamida). 2. Taabasho; maagid; daandaansi. 3. Qof dilid; qof rayd. m.f.dh, daarid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daar
f. n. stone house ~ building
daar v. light, kindle, ignite
daar v. touch, strike; annoy ~ disturb someone