dawakhi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dawakhi
f.g2 (-iyay, -isay) Qof, madax wareer ku ridid. la-mid: dawikhi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dawakhi
f.g2 (-iyay, -isay) Qof, madax wareer ku ridid. m.f.dh, dawakhin. la-mid: dawikhi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawakhi
(fal) cid kale, wareer ku rid. Jugjugta baabuurkani way i dawakhisay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dawakhid
m.f.dh eeg dawakh². la-mid: dawakh¹, dawikhid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawakhid
-da: (magac, dhedig, keli) wareerid oo maanka iyo miyirka iskaga biirid. Dh: wareerid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dawakhin
m.f.dh eeg dawakhi. la-mid: dawikhin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawakhin
-ta: (magac, dhedig, keli) wareer ku ridid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawakhis
-ta: (magac, dhedig, keli) madaxanuun wareer la socdo yeelasho. Dh: wareeris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dawakh
dawakh¹: m.l la-mid: dawakhid.
dawakh²: f.mg1 (-khay, -khday) Madax wareer dartiis wax la kala garan waayid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dawakh
f.mg1 (-khay, -khday) Madax wareer dartiis wax la kala garan waayid. m.f.dh, dawakhid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dawakh
v. be dizzy ~ giddy; stagger
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dawakh
-ay / day: (v) become dizzy; feel dizzy; become disoriented (dis-oori-yentidhf become confused (kon-fiyuusidh) become bewildered (biwil-dheridh) ~ dammaad
dawakh -a: (n) dizziness (diisi-nes)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawakh
(fal) madaxanuun iyo wareer ha kugu dhaco oo dhulku ha kula wareego.
dawakh -a: (magac, lab, keli) madaxanuun iyo wareer dhulku kula wareego. Dawakh baan ka qaaday cadceed kulaylkii maanta. Dh: dawakhaad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dawakh
bw: Arabic
cf: dawikhi
de: be dizzy ~ giddy; stagger
lx: dawakh
pd: (dawakhay)
ps: v1=intr
key: dawakh
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dawikhi
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: dawakhi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dawikhi
v. cause someone to stagger; inebriate, make someone get drunk
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawikhi
(fal) wareeri oo maanka iyo miyirka iskaga dar. Dh: wareeri.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dawikhi
de: cause s.o. to stagger; inebriate, make s.o. get drunk rw: dawakh
lx: dawikhi
pd: (dawikhiyey)
ps: v2a=tr
key: dawikhi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaggabo
m.dh Dawakhid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
daze
/dheys/ (v) 1. dawakhid (wareerid) (n) 2. dawakh (wareer, wax kala-garanwaa).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
stun
/stan/ stunned; (v) dawakhid (dawakhin).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
stupefy
/stuubafay/ (v) dawakhid (wareerid, fajacid).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
swoon
/swuun/ (v) miyir-beelid (dawakhid); suuxid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
vertigo
/vertigo/ (n) dawakhaad (dawakhid, wareerid).
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
inebriante
agg. - sakhraamiya, dawakhiya.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
inebriare
v.tr.- sakhraamin, dawakhin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaggabo
-da: (magac, dhedig, keli) xanuun la dawakhid oo la wareerid. Dh: gaggab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dawikhid
m.dh la-mid: dawakhid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawikhid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg dawakhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dawikhin
m.dh la-mid: dawakhin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawikhin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale wareerin oo maanka iyo miyirka iskaga darid. Dh: wareerin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daahi
f.g2 (-iyay, -isay) Cid ama wax kale meel ay waqti xaddidan tegi lahayd dib uga dhacsiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daahi
f.g2 (-iyay, -isay) Cid ama wax kale meel ay waqti xaddidan tegi lahayd dib uga dhacsiin. m.f.dh, daahin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daahi
v. delay, hinder, detain
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daahi
(fal) waqtigii ballantu ahayd daba mari oo ka dambaysii. Roobkii da'ay baa na daahiyey. Dh: habsaami.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daahi
de: delay, hinder, detain
lx: daahi
pd: (daahiyey)
ps: v2a=
key: daahi
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dabakh
-a: (n) storey (istoori) also story ~ dabaq. Ex: guri laba dabaq ah, a two storey building
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabakh
-a: (magac, lab, keli) kaaha hore intaanut waagu beryin. Derejaduna waa laba, dabakha iyo waaguna, waa kala danbeeyaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dawari
f.g2 (-iyay, -isay) Wax dhumay baadi goobid. la-mid: daweri, dawri, deweri.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawari
(fal) bari oo kolba sasabo wax u weydiiso. Dh: dawar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saakhi
-ga: (magac, lab, keli) qofka nasakhan ama doorsan ee aan saxnayn. Seban aakhirkii baa yimoo saakhi loo badaye.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
yaakhi
inter. please
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
yaakhi
a: sp: yaa akhi
cf: walaal {C & S < Arb}
de: please Lit: brother
initial: y
lx: yaakhi
ps: intj
key: yaakhi
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
daakhil
-ka: (n) inside (insaaydhy interior (in-tiiriyer); indoor (indhoor), inner (inar) -gudaha. Ex: waxaan sharraxannay gurigayaga daakhilkiisa; We decorated the interior of our house
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daakhil
-ka: (magac, lab, keli) gudaha ama ubucda ay meeli leedahay. Masku daakhilka agalkuu ku jiraa. Dh: gudo. Li: dibad, barrax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dawaafi
f.g2 (-iyay, -isay) Qof xajka gudanaya kacbada ku warwareejin. la-mid: dawaafsii.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dawaafi
f.g2 (-iyay, -isay) Qof xajka gudanaya kacbada ku warwareejin. m.f.dh, dawaafin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dawaafi
v. lead ~ conduct a pilgrimage
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawaafi
(fal) cid kale, Kacbada ku wareeji.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dawaafi
de: lead ~ conduct a pilgrimage
lx: dawaafi
pd: (dawaafiyey)
ps: v2a=
key: dawaafi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dawaali
fk. D u: si toos ah, si aan gabbasho lahayn. Tusaale: “Waxaan doonayay dawaali ayuu u diiday”.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dawaali
(adv) directly (direktili)-, straight (istareeyt). Ex: dawaali u tag; go directly
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dawaaqi
m.dh Nooc shabaagta ka mid ah oo libaax badeedka lagu dabo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawaari
(fal) maro tol adigoo u adeegsanaya dun iyo makiinad. Dh: tol.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dawarsi
(Dawarsi-ga)
Wareeg loo wareego in dadka la baryo oo la soo yaboohsado; (ama dewersi).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dawarsi
m.l la-mid: dawarsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dawarsi
vl. n. begging, panhandling
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dawarsi
-ga: (n) street-begging; panhandling (paan-han-dhel-ingl); begging (beeg-ing) ~ dewarsi, tuugsi, baryid, Ex: dawasigu halkaan waa ka mamnuuc; begging is not allowed here
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawarsi
-ga: (magac, lab, keli) baryootan oo kolba cid wax waydiisi. Dh: qarafaysi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dawarsi
de: begging, panhandling
lx: dawarsi
pd: (-ga)
ps: vn2-m
key: dawarsi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabaakhid
m.f.dh eeg dabaakh². la-mid: dabaaqid, dibaakhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dawakhaad
m.dh Madax wareer wax la kala garan waayo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dawakhaad
m.dh Madax wareer wax la kala garan waayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawakhaad
-da: (magac, dhedig, keli) eeg dawakh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dawakhsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Qof madax wareer hayo ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dawakhsan
der. [adjective] dizzy, giddy
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dawakhsan
-aa / nayd: (adj) dizzy (disi); disoriented (dis-oori-yentidh)-, giddy (gidhi) ~ dammaadsan, dawaqsan Ex: waan dawakhsan nahay; 1 am feeling dizzy
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawakhsan
(tilmaame) mid wareersan oo maanka iyo miyirku iskaga darsan yahay. Dh: wareersan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dawakhsan
de: dizzy, giddy
lx: dawakhsan
pd: (dawakhsanaa)
ps: adj-der
see: dawaqsan
key: dawakhsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daawasho
(Daawasha-da)
Wax falsan ama qurux badan, oo jecdaaladooda, macaan iyo jeel laga hela hayo, in door ah indhaha ku cunid; fiirsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daawasho
m.dh eeg daawo². la-mid: daawad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daawasho
vl. n. watching, act of gazing, viewing; something worth watching
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
daawasho
-daawashada: (n) watching (woojing); viewing (vi-yuuwing) ~ fiirsasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daawasho
-da: (magac, dhedig, keli) dheehashada wax kuu muuqda. Daawasho iyo dalxiis baan u imid degmada. Dh: fiirsasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daawasho
de: watching, act of gazing, viewing; s.t. worth watching
lx: daawasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
xe: watching television
xv: Telefisiyoon daawasho
key: daawasho
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
daawasho
مُشَاهَدَة
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabayshi
m.l la-mid: dabayshad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
danfadhi
m.l.kh (-iyo, m.dh) B. ah: xoolo aan xero lahayn. la-mid: banfadhi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danfadhi
-ga: (magac, lab, keli) xoolo aan xero lahayn. Dh: banfadhi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daradhig
daradhig¹: m.l 1. D. ah: miro meel sare saaran oo la qallajinayo. 2. D. ah: ilmo dhashay oo aan weli afartankii ka bixin.
daradhig²: m.dh Sariir caws ka samaysan oo aad dhulka ugu dhow.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daradhig
m.l 1. D. ah: miro meel sare saaran oo la qallajinayo. 2. D. ah: ilmo dhashay oo aan weli afartankii ka bixin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daradhig
-ta: (magac, dhedig, keli) sariir caws ka samaysan oo aad dhulka ugu dhow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dawaafid
(Dawaafid-da)
Kacbada ku wareegid, Xajka gudashadiisa kamid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dawaafid
m.f.dh eeg dawaaf². la-mid: dawaaf¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawaafid
-da: (magac, dhedig, keli) dhulka kolba meel u socdaalid, wareegid. Dh: dawaafis.
dawaafid -da: (magac, dhedig, keli) Kacbada ku wareegid. Aabbo dawaafidda wuu karaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dawaafin
(Dawaafin-ta)
Qof ama dad badan horkac loo noqdo oo Kacbada lagu soo warwareejiyo, gudashada Xajka darteed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dawaafin
m.f.dh eeg dawaafi. la-mid: dawaafsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawaafin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, cibaado Kacbada ugu wareejin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dawaansi
m.l la-mid: dawaansasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dawdarni
m.dh la-mid: dawdarnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawdarni
-da: (magac, dhedig, keli) wax hadal badan ahaan. Dh: hadalbadi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawlaaci
(fal) xadhig dawlis ah iyo wax la mid ah marba in yar sii daa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhawaaji
f.mg2 (-iyay, -isay) Ka dh.: wax dhawaaq ka keenid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhawaaji
f.mg2 (-iyay, -isay) Ka dh.: wax dhawaaq ka keenid. m.f.dh, dhawaajin.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhawaaji
-yey say: (v) make someone or something shout or make noise ~ ka dhawaaji. Ex: hoonka ku dhawaaji: blow the horn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhawaaji
(fal) ka hadli; dhawaaq kaga keen. Birta ka dhawaaji.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhawaati
dhawaati¹: m.l Raad ka samaysmay geel badan oo isdaba socda waqti dhado jirto.
dhawaati²: f.mg2 (-iyay, -isay) Geel badan oo isdaba jooga raad samayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhawaati
(fal) geel, isdaba mar oo raad samee.
dhawaati -ga: (magac, lab, keli) meel dhedo leh oo inta geel isdaba maro, raad ka sameeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhawasho
m.dh la-mid: dhaawasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fasakhid
(Fasakhid-da)
1. Furriin fasakh ah.
2. (midab) wax fasakhan ka dhigid.