dawaarre
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dawaarre
-dawaarraha: (n) tailor (teey-lor); dressmaker (dareys-meeykar)-, seamster (siimister) ~ dawaarle
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dawaarle
m.l (-layaal, m.l/dh) Ninka dharka tola ama fasila. la-mid: dawaarwale.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dawaarle
m. n. tailor
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dawaarle
-dawaarlaha: (n) tailor (teey-lor)-, dressmaker (dareys-meeykar); seamster (siimis ter) ~ harqaanle —dawaarley -da: (n) seamstress (siimis-taris); dressmaker (dareeys-meeykar)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawaarle
-ha: (magac, lab, keli) qofka dharka tola. Dh: harqaanle.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dawaarle
de: tailor
lx: dawaarle
pd: (/ha)
ps: n7-m, n5b-m
key: dawaarle
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
tailor
/teylar/ (n) 1. dawaarre (dawaarle) (v) 2. tolid (dhar tolid) (v) 3. u qaabayn (sida ugu habboon ugu jaangoyn).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
harqaanle
-ha: (magac, lab, keli) qofka dharka tola. Dh: dawaarre, dawaarle.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dawaarley
f. n. dressmaker, seamstress
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dawaarley
de: dressmaker, seamstress
lx: dawaarley
pd: (-da)
ps: n7-f
key: dawaarley
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Awaare
(Awaara-ha)
Ciidda budada noqota oo cagta iyo wixii la mid ah iyo dabayshu qaadaan; habaas; boor; siigo; bus.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
awaare
m.l Ciid buda ah oo cagta, dabaysha iyo wixi lamida si sahlan u kicin karaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
awaare
m.l Ciid buda ah oo cagta, dabaysha iyo wixi lamida, si sahlan u kicin karaan. m.f.dh, awaarayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
awaare
m. n., (mass n.): dust
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Awaare
name-m dust; dust raiser. Lit: he who is born in dusty environs or is born while wind is raising dust
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
awaare
-awaaraha: (n) dust (dost) ~ siigo, boor
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Awaare
magac loo baxsho wiil dhashay xilli ay dabayl siigo wadataa dhabanaysay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
awaare
-ha: (magac, lab, keli) boodhka cagta iyo dabayshu qaadaan. Roobku awaarihii buu naga nabay. Dh: boodh, habaas, siigo, bus.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
awaare
de: dust
lx: awaare
pd: (/ha)
ps: n0-m-mass
syn: boor, bus, habaas, siigo
key: awaare
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dawaar
(Dawaar-ka)
Wax wareega sida garangaraha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dawaar
m.l (-rro, m.dh) 1. Wax wareega sida garangarta. 2. Makiinad dharka lagu tolo. 3. Duraanka dharka lagu tolo ama lagu fasilo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dawaar
m.l (-rro, m.dh) 1. Wax wareega sida garangarta. 2. Makiinad dharka lagu tolo. 3. Duraanka dharka lagu tolo ama lagu fasilo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dawaar
m. n. sewing machine
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dawaar
-ka: (n) sewing machine ~ harqaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawaar
-ka: (magac, lab, keli) makiinadda dharka lagu tolo. Dawaar dharka si fiican u tola ayaa xaafaddayada ku yaalla. Dh: harqaan.
dawaar-ka: (magac, lab, keli) halka tolmuhu maro ee ay dunta tolmaha laga arki karo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dawaar
de: sewing machine
lx: dawaar
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: dawaar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daware
-ha: (magac, lab, keli) neef geela oo aad u lafdheer ama kala jiidan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
awaaree
f.g2 (-reeyay, -raysay) Wax soconaya habaas kicin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
awaaree
v. raise the dust (as in walking ~ running)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
awaaree
(fal) eeg awaaray.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
awaaree
de: raise the dust (as in walking ~ running)
lx: awaaree
pd: (awaareeyey)
ps: v2b=
key: awaaree
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Dabarre
nickname-m hobbled, tethered, tied up, fettered, chained
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Dabarre
magaca wiil loo rajaynayo in uu noqdo mid xoolo badan. Waxa kale ee lagu naanaysaa wiil ilkaha hore dabar cas leeyihiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabarre
(tilmaame) qofka ilkihiisu leeyahiin dabar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daraare
-ha: (magac, lab, keli) duco iyo sadaqad cunto loo karsho. Dh: casuumad, daqar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Dawaale
magac loo baxsho wiil dhalashadiisu dhib jirtay daawaysay, gaar ahaan mid labadiisa waalid dhex taallay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawaari
(fal) maro tol adigoo u adeegsanaya dun iyo makiinad. Dh: tol.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dawaaro
m.dh Lo' yaryar, gaagaaban oo aan caano badnayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xawaare
(Xawaara-ha)
Orod si gaar ah loo ordo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xawaare
m.l Orod si gaar ah loo ordo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xawaare
m.l Orod si gaar ah loo ordo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xawaare
m. n. galloping, running, fast pace; speed, velocity {physics}
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xawaare
-xawaaraha: (n) the act of moving fast; speed (ispiidhy, velocity (valoo-siti); swiftness (iswift-nes) ~ xawlli
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xawaare
-ha: (magac, lab, keli) cabbir lagu qiyaaso inta uu yahay degdegga socod ama orod meel lagu tegaa. Dh: orod, degdeg.
xawaare -ha: (magac, lab, keli) fogaanta ay sameyso walax socotaa halbeeg ammineed kiiba.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xawaare
de: galloping, running, fast pace; [ext.] speed, velocity {physics}
initial: x
lx: xawaare
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: xawaare
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daraaree
(fal) cunto duco looga jeedo, samee. Dh: casuumee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dawaarad
m.dh (-do, m.l) Abitey.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dawaarad
m.dh (-do, m.l) Abitey.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawaarad
-da: (magac, dhedig, keli) qalab dharka lagu tolo. Shamiiska dawaarad ii mari. Dh: dawaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dawdarro
(Dawdarra-da)
Gardarro, jid-darro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dawdarro
f. n., [abstract] injustice
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Dawdarro
Torto
Wrongful
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawdarro
-da: (magac, dhedig, keli) gardarro aan daw lahayn. Dadka dawdarrada kala fadhiiso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dawdarro
de: injustice
lx: dawdarro
pd: (/da)
ps: n6-f-abs
key: dawdarro
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Maqaarre
name-m skin, pelt, hide, scalp
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Wadaarre
nickname; name-m mason; skilled in masonry
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xawaaree
f.mg2 (-reeyay, -raysay) Ku x.: ayadoo la ordayo meel xoog ugu wareegid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xawaaree
v. run fast
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xawaaree
(fal) degdeg xoog ah samee. Xawaaree oo dadka dhaaf. Dh: xawaaray.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xawaaree
de: run fast
initial: x
lx: xawaaree
pd: (xawaareeyey)
ps: v2b=intr
key: xawaaree
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dawaarwale
m.l la-mid: dawaarle.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawaarwale
-ha: (magac, lab, keli) qof ku shaqeeya makiinadda dharka tosha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
camaarrey
m.dh Tiro aad u badan oo dad, xoolo iyo wixi lamida ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
camaarrey
m.dh Tiro aad u badan oo dad, xoolo iyo wixi lamida ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dacdarree
f.g2 (-reeyay, -raysay) Wax dacdarro badid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dacdarree
f.g2 (-reeyay, -raysay) Wax dacdarro badid. m.f.dh, dacdarrayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dacdarree
v. neglect, cause to suffer due to lack of care, give bad ~ no treatment to someone ~ something
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dacdarree
-yey / dacdarreysay: (v) neglect someone (neglektsam wan); mistreat (mistiriit) someone, j
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dacdarree
(fal) wax ha baylahtirin, ha daryeelin. Ha dacdarraynin carruurtaada iyo ooridaada. Dh: dhibaatay, rafaadi, jirrab.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dacdarree
de: neglect, cause to suffer due to lack of care, give bad ~ no treatment to s.o. ~ s.t.
lx: dacdarree
pd: (dacdarreeyey)
ps: v2b=tr
key: dacdarree
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dandarree
f.g2 (-reeyay, -raysay) Nafley dandarro badid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dandarree
f.g2 (-reeyay, -raysay) Nafley dandarro badid. m.f.dh, dandarrayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dandarree
v. mistreat; neglect, disregard
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dandarree
(fal) ayaandarree; wax ayaan daran ka dhig.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dandarree
de: mistreat; neglect, disregard
lx: dandarree
pd: (dandarreeyey)
ps: v2b=tr
key: dandarree
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dawdarroo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Ku d.: qof, cid kale gaf ku samayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dawdarroo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Ku d.: qof, cid kale gaf ku samayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawdarroo
(fal) gardarro aan jid lahayn cid kula kac. Dh: gardarraw.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Farraarre
(Farraarra-ha)
Meereyaasha midkood: wuxuu u dhexeeya dhulka iyo cir-jeexda (Mushtar); Mariikh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farraarre
m.l Meereeyeyaasha u dhexeeya dhulka iyo cirjeexda midkood; Mariikh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
farraarre
m.l Meereeyeyaasha u dhexeeya dhulka iyo cirjeexda midkood; Mariikh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Farraarre
pr. n., loc. Mars (the fourth planet)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Farraarre
de: Mars (the fourth planet)
lx: Farraarre
pd: (/ha)
ps: n0-loc-m
syn: Mariikh
key: Farraarre
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabaarrey
-da: (magac, dhedig, keli) shilin weyn oo xoolaha jidhkooda ku dhegta dhiiggana ka jaqda. Dh: gamaarrey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labatarre
m.l (-rayaal, m.l/dh) la-mid: labafarrarle.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
labatarre
m. n. bifurcation, splitting ~ dividing into two parts
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
labatarre
de: bifurcation, splitting ~ dividing into two parts
lx: labatarre
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: labatarre
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dulxawaaree
f.g2 (-reeyay, -raysay) Wax dulmarid; wax korduulid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dulxawaaree
v. run quickly over something; run on something
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dulxawaaree
( fal) xoog u dul caymad; aad u dul'orod.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dulxawaaree
de: run quickly over s.t.; run on s.t.
lx: dulxawaaree
pd: (dulxawaareeyey)
ps: v2b=tr
key: dulxawaaree
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jidgabaarre
m.l 1. Xiddigaha cirir mid ka mid ah. 2. Godadka dayaxu dego midka saddex iyo labaatanaad.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
aware
/aweer/ (adj) 1. aqoonsanaan, yaqiinsanaan, (wax aad dareensantahay). e.g. |am fully aware of my responsibilities. 2. ogaan, ka war-hayn (wax aad ogtahay). e.g. I was not aware of this news.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
aware
/aweer/ (adj) ogsyng.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dawar
(Dawar-ka)
1. Baryo iyo yaboohsi, wareeg; dawarsi.
2. Wax la samaynayo oo la qaabiyo oo laysku dubbarrido, sida doonyaha iyo maraakiibta; washir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dawar
dawar¹: m.l la-mid: dawarid.
dawar²: f.g/mg1 (-ray, -rtay) 1. (f.g) Baryo iyo yabooh u wareegid. 2. (f.g) Markab ama doon washirid. 3. (f.mg) Markab ama doon leexin. la-mid: dewer².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dawar
f.g/mg1 (-ray, -rtay) 1. (f.g) Baryo iyo yabooh u wareegid. 2. (f.g) Markab ama doon washirid. 3. (f.mg) Markab ama doon leexin. m.f.dh, dawarid. la-mid: dewer.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dawar
m. n. begging
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawar
(fal) doonni iyo wax la mid ah dhis oo samee.
dawar-ka: (magac, lab, keli) washiridda markab ama doon.