daruurbuureed
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daruurbuureed
m.l (-ryo ..., m.dh) (c.cimi.) Daruur ka samaysanta dhinaca dugaalka ah ee buurta ama figta gunburta.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daruurbuureed
-da: (magac, dhedig, keli) daruur ka samaysanta dhinaca dugaalka ah ee buurta ama figta sare ee gunburi leedahay.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Daruur buureed
Banner cloud
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daruur-buureed
m.l (-ryo ..., m.dh) (c.cimi.) Daruur ka samaysanta dhinaca dugaalka ah ee buurta ama figta gunburta.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dul buureed
Plateau interment
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Haro buureed
Tarn
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Marin buureed
Piedmont
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dabeyl buureed
Mountain wind
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dhexbuureed
Intermont
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afcarruureed
-ka: (magac, lab, keli) af carruurtu ay isku afgartaan oo ereyga dhexda laga bilaabo sida: na'igu xawaan getayaa oo u dhiganta anigu waxaan tegayaa. Dh: afshinbireed.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bashabuureed
-da: (magac, dhedig, keli) bisad duurjood ah. Dh: dinnaddibadeed, bashadibadeed.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Cudur buureed
Mountain sickness
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Daaqsin buureed
Saoter
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Daruur duufaan
Funnel cloud
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qodaal buureed
m.l (-dyo, m.dh) Hab qodaal oo u gaar ah tiirooyinka buuraha iyo kuraha la beerto; tiirooyinka ayaa la googooyaa gidaaro ama dhinacyo dhiidhi ah waxa si wareeg ah looga dhisaa karinnada samaysmay, markaa biyaha waraabka iyo carradaba way xajistaan.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Qodaal buureed
Terrace cultivation
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qodaal-buureed
m.l (-dyo, m.dh) Hab qodaal oo u gaar ah tiirooyinka buuraha iyo kuraha la beerto; tiirooyinka ayaa la googooyaa gidaaro ama dhinacyo dhiidhi ah waxa si wareeg ah looga dhisaa karinnada samaysmay, markaa biyaha waraabka iyo carradaba way xajistaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
buurbuuran
adj., pl. fat, heavy (ones)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
buurbuuran
(adj) [plural of buuran] fat (faat) ~ see [eeg] buuran
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
buurbuuran
de: fat, heavy (ones)
lx: buurbuuran
pd: (buurbuurnaa Sg: buuran)
ps: adj-pl
key: buurbuuran
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dharruurid
m.f.dh eeg dharruur².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dharruurid
-da: (magac, dhedig, keli) biyo yar oo meel ku jira ama meel ka shubmaya kolba in yar ka shubid. Dh: dardarsasho, jarruurid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dururuqlee
(fal) si macnodarro ah iskaga hadal Dururuqlee sidii qof aan fayoobayn. Dh: tororoglee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
harsubxeed
m.l la-mid: harsubaxeed.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daruurhoose
m.dh (-ro .., m.l) (c.cimi) Nooc daruur hoose ah oo ka kooban lakab iskumid ah, oo la moodo dhado dhulka kor uga kacday.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daruurhoose
-da: (magac, dhedig, keli) nooc daruur hoose ah oo ka kooban lakab iskumid ah, oo la moodo dhado dhulka kor uga kacday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daruurnugul
m.dh Daruur weyn oo hoos yeelata aanse di'in.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhulbeereed
-ka: (magac, lab, keli) meel carro macaan leh oo ciiddeedu ku fiican tahay abuurka dalagga.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faruurxirid
m.f.dh eeg faruurxir². la-mid: faruurxir¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faruurxirid
-da: (magac, dhedig, keli) awr ama wax kale, faruurta ka xidhid oo hoggaamin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
harsubaxeed
m.l Hooska ay walxuhu yeeshaan subaxii marka ay qorraxdu ku dhacdo; hoos-horaad. la-mid: harsubxeed.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
harsubaxeed
-ka: (magac, lab, keli) hadhka subaxa ee u jeeda cadceeddhaca. Li: hadhgalabeed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kuurkuursad
(Kuurkuursad-ka)
Kuurkuursasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuurkuursad
m.l la-mid: kuurkuursasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuurkuursad
-ka: (magac, lab, keli) fadhi la nuuxnuuxsado oo la dhaqdhaqaaqo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Muurmuursad
(Muurmuursad-ka)
Muurmuursasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muurmuursad
-ka: (magac, lab, keli) sidii wax ilka la muurmuurri wax u cunid. Muurmuursadka iska daa miyaad ilka la'day! Dh: muurmuursasho.
muurmuursad -ka: (magac, lab, keli) wax la yar doonayo ku ag warwareegid oo u muutamuutayn. Dh: gaadid, doonid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tamarbu'eed
m.dh (fiisikis) Tamarta la sii daayo, marka uu dhaco ama dhanballan bu'eed ama isudheg bu'eed.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Urur duleed
Complement of a set
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barkarkareed
m.dh (-dyo, m.dh) (fiisikis) Heerkulka uu cadaadiska uumiga hoorku le'egyahay cadaadiska atmoosfeerka, taas oo uumibaxu ka muuqdo hoorka dhammaantiis.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
barkarkareed
m.dh (-dyo, m.dh) (fiisikis) Heerkulka uu cadaadiska uumiga hoorku le'egyahay cadaadiska atmoosfeerka, taas oo uumibaxu ka muuqdo hoorka dhammaantiis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baruurafudle
-ha: (magac, lab, keli) hilib kuuskuusan oo lagu engejiyo shiilis, kaddibna lagu dhex kaydiyo subag oo aan xumaanin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caraburburid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg cadh-burburid.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
COWS-BUUREED
(0s-bured) C Dignathia villosa C.E.Hubb. Gramineae.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Darbi badeed
Groin
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Daruur boose
Stratus
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daruur-hoose
m.dh (-ro .., m.l) (c.cimi) Nooc daruur hoose ah oo ka kooban lakab iskumid ah, oo la moodo dhado dhulka kor uga kacday.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
GEED-BUUREED
(Ged-Bured) May Acridocarpus glaucescens Engl. Malpighiaceae.
May,S Tarenna graveolens (S. Moore) Bremek. Rubiaceae.
May Manilkara sulcata (Eng).)Dubard. Sapotaceae.
May vepris eugeniifolia (Engl.) Verdoorn. Rutaceae.
May Hippocratea crenata (Kltzsch)K.Schum. Celastraceae.
May Nectaropetalum kaessneri Engl. Erythroxylaceae.
S Mundulea sericea (Willd) A. Chev. Papilionaceae.
May Afzelia quazensis Welw. Caesalpinaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
warmurtiyeed
-ka: (magac, lab, keli) war si rasmi ah ay dawlad ama maammul u sii daayo ama shir rasmi ah ka soo baxa. Warmurtiyeedkii shirka ka soo baxay lama faahfaahinnin.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Burbur Bu'eed
Disintegration, Nuclear
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cimilabuureed
m.l (juqraafi) Nooc cimilo oo ay keenaan kala sarraynta iyo joogga dhulka halkii ay ka keeni lahaayeen loolka iyo xaaladda badeedda ka jirta meesha; waxaa dhici karaysa in laga helo gobol kasta, wuuna ka baxsanyahay habka cimilo goboleedka waaweyn ee jira. Marka loo fiirsho dhulalka hoose, buuruhu waxay muujiyaan hoos u dhac xagga cadaadiska hawada, heerkulka, huurka, iyo kaah qorraxeedka oo kordha, iyo marka la gaaro joog door ah oo roobku bato.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Daruur gunbur
Hill fog
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kansarbeereed
m.l (daawo) Burobahalaad ka baxda beerka waxay ku badantahay Afrika iyo waddamada kale ee cimilada kulul waxa keeni kara fangas iyo sumo kale.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kansarbeereed
m.l (daaw.) Burobahalaad ka baxda beerka waxay ku badantahay Afrika iyo waddamada kale ee cimilada kulul waxa keeni kara fangas iyo sumo kale.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kansarbeereed
-ka: (magac, lab, keli) burobahalaad ka baxda beerka waxay ku badantahay Afrika iyo waddamada kale ee cimilada kulul waxa keeni kara fangas iyo sumo kale.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qodaalbuureed
-ka: (magac, lab, keli) hab godaal oo u gaar ah tiirooyinka buuraha iyo kuraha la beerto; tiirooyinka ayaa la googooyaa gidaaro ama dhinacyo dhiidhi ah waxa si wareeg ah looga dhisaa karinnada samaysmay, markaa biyaha waraabka iyo carradaba way xajistaan.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Roo-b buureed
Orographic rain
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Daruureyn ekeyn
Isoneph
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qodaxcambuuleed
-da: (magac, dhedig, keli) guntin kuusan oo qodaxda galoolku ay dhexda ku yeelato oo kolka ay qurjida tahay la cuno. Aabbahayba qaad iyo ma cunin qodaxcanbuuleede. Dh: canbuul, cambuul.