darrooshimay
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darrooshimay
(fal) aqal roob ku da'ayo, sii deyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darrooshimayn
-ta: (magac, dhedig, keli) di'idda aqalladu ay da'aan kolka uu roob jiro; sii daynta dhibcaha roobka ee aqalladu ay sii daayaan. Aqalku wuu cusub yahay oo darrooshimayn ayaan ka cabsanayaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalooshanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax fur bannaan leh ahaan. Dalooshanaan weyn jiingadda kuma ogayne maxay la darrooshimaynaysaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darrooshin
-ta: (magac, dhedig,keli) biyaha roobka ee saqafka sare ee aqalka ka soo taba.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darooshin
-ka: (magac, lab, keli) marka gurigu biyaha roobka soo daayo ama weel biyaha xajin waayo. Dh: daroorrin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Barroosin
(Barroosin-ka)
Bir culus oo ilko dhawr ah oo dib usoo laaban iyo dabo daloosha oo silsilad loogu xiro leh, oo maraakiibta iyo doonyaha badda loogu tuuro kolka la joojina hayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barroosin
m.l Bir culus, afar ganood oo dib u laaban iyo dabo daloosha oo silsilad lagu xiro leh, oo maraakibta iyo doonyaha badda loogu rido kolka la joojinaayo. la-mid: barroosi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
barroosin
m. n. anchor
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
barroosin
-ka: (n) anchor (angkar)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barroosin
-ka: (magac, lab, keli) bir culus oo ilko soo laaban, daba daloosha iyo silsilad loogu xidho leh maraakiibta oo doonyaha badda loogu tuuro kolka la joojinayo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
barroosin
de: anchor
lx: barroosin
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: barroosin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dalooshan
dalooshan¹: f.mg1 (-amay, -antay; -ami) Meel, wax dalool leh noqosho. la-mid: duleeshan¹.
dalooshan²: f.mg4 (-shnaa,-shnayd) Wax dalool leh ahaansho. la-mid: duleeshan².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dalooshan
dalooshan¹: f.mg1 (-amay, -antay; -ami) Meel, wax dalool leh noqosho. m.f.dh, dalooshamid. la-mid: duleeshan.
dalooshan²: f.mg4 (-shnaa,-shnayd) Wax dalool leh ahaansho. m.f.dh, dalooshnaan. la-mid: duleeshan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dalooshan
der. [adjective] drilled, bored, pierced, having a hole
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalooshan
(tilmaame) wax fur leh. Qandi dalooshan buu sonkor jigu shubay
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dalooshan
de: drilled, bored, pierced, having a hole
lx: dalooshan
nt: dalooshan (dalooshamay) [v1=inch]
pd: (dalooshanaa ~ dalooshnaa)
ps: adj-der
key: dalooshan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Darroorid
(Darroorid-da)
Darroor soo deyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darroorid
m.f.dh eeg darroor².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Darroorin
(Darroorin-ta)
Darroor ka keenid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darroorin
m.f.dh eeg darroori.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darroorin
-ta: (magac, dhedig, keli) roob ama wax kale, soo da'siin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
marashiyay
(fal) marasho ku qod. Beerta marashiyay: Dh: dongoree, marashiyee.
marashiyay: (fal) dhar huwi oo lebbis u xidh. Qof qaawan marashiyay ajribaad ka heliye. Dh: marashiyee, arradtir. Li: qaawi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dalooshamid
m.f.dh eeg dalooshan¹. la-mid: duleeshamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalooshamid
-da: (magac, dhedig, keli) wax fur leh oo meel dalool ku leh noqosho. Bacda dalooshamidda ka ilaali.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dalooshnaan
m.f.dh eeg dalooshan². la-mid: dalooshnaansho, duleeshnaan, duleeshnaansho.