dareerinjoometeri
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dareerinjoometeri
-da: (magac, dhedig, keli) saamiga u dhexeeya tibix kasta iyo tan ka horeysa uu yahay madoorsoome.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dareerin-joometeri
m.dh (xisaab) D. saamiga u dhexeeya tibix kasta iyo tan ka horeysa uu yahay madoorsoome.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dareerin joomateri
Series, geometric
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dareerinkoobane
-da: (magac, dhedig, keli) tirada tibxaheedu ay koobanyihiin ama ay jirto tibix susuntu ay ku dhammaato.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Celcelis joometeri
Average, geometric
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
celcelis-joometeri
m.l (-syo ..., m.dh) (xisaab) C. j.iyeed ee “n” xaddi waa xidid “n” - jibbaarka tarankooda.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
celcelis-joometeri
m.l (-syo ..., m.dh) (xisaab) C. j.iyeed ee 'n' xaddi waa xidid 'n' - jibbaarka tarankooda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dameerajoogeen
(Dameerajoogeen-ka)
Cuntub xiddigo ah magacood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dameerajoogeen
m.l 1. Urur xiddiga ah. 2. la-mid: dameerjoog.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dameerojoogeen
-ka: (magac, lab, keli) cuntub ka mid ah xiddigaha. Ma muuqdaan caawa damee- rojoogeenkii.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tirignoometeri
m. n., [collective] trigonometry
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tirignoometeri
-ga: (n) [Mathematics] trigonometry (tirigi-noo-matiri)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tirignoometeri
a: tirinoometeri {Eng}
de: trigonometry
initial: t
lx: tirignoometeri
pd: (-ga)
ps: n2a-m-col
key: tirignoometeri
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dareerin-koobane
m.dh (-nayaal, m.l/dh) (xisaab) D. tirada tibxaheedu ay koobanyihiin ama ay jirto tibix susuntu ay ku dhammaato.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dareerin-koobane
m.dh (-nayaal, m.l/dh) (xisaab) D. tirada tibxaheedu ay koobanyihiin ama ay jirto tibix susuntu ay ku dhammaato.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dareerin labotibix
Binomial series
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dareerin'aroor
-ta: (magac, dhedig, keli), tirada tibxaha ay yihiin makoobane.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Tirignoomateri
Trigonometry
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tirigonometeri
m.l (xisaab) Laanta xisaabta ee ku saabsan furfurista saddex-xagallada iyada oo la adeegsanaayo fansaarro tirignometiyeed. Waxa ay qiime aad waxtar leh u leedahay maadooyinka sida: injineeriya, nakhshadaynta, sahminta badmaax, cilmifalag iyo wixi lamida, waxaa loo qaybiyaa laba qaybood oo kala ah: tirignometeriga sallaxa oo ku saabsan saddex-xagallo sallaxaha iyo tirignome-tiriga kubbadeed oo ku saabsan saddex-xagallo kubbadeed. Fansaarrada tirigo-nometeriyeed waxaay kaalin muhiim ah ka qaataan saafidda waxaana loo adeegsadaa in lagu muujiyo birar iyo finoomino.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tirigonometeri
m.l (xisaab) Laanta xisaabta ee ku saabsan furfurista saddex-xagallada iyada oo la adeegsanaayo fansaarro tirignometiyeed. Waxa ay qiime aad waxtar leh u leedahay maadooyinka sida: injineeriya, nakhshadaynta, sahminta badmaax, cilmifalag iyo wixi lamida, waxaa loo qaybiyaa laba qaybood oo kala ah: tirignometeriga sallaxa oo ku saabsan saddex-xagallo sallaxaha iyo tirignometiriga kubbadeed oo ku saabsan saddex-xagallo kubbadeed. Fansaarrada tirigonometeriyeed waxaay kaalin muhiim ah ka qaataan saafidda waxaana loo adeegsadaa in lagu muujiyo birar iyo finoomino.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DAREEN-WAREERIS
(Daren-woareres) N, C Maerua macrocarpa Chiov. Capparidaceae.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dareerin kooban
Finite series
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
susun joometeri
m.l (xisaab) Susun saamiga u dhexeeya tibix kasta iyo tan ka horreysa madoorsoomaha ah waxaa lagu magacaabaa saamiga ay wadaagaan. Dansaanka susun joometeri waa sidan: a, ar, ar2, a3, a4,..., an taas oo r ay tahay saamiga ay wadaagaan, ana tibixda koowaad.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Susun joometeri
Geometric progression
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
susun-joometeri
m.l (xisaab) Susun saamiga u dhexeeya tibix kasta iyo tan ka horreysa madoorsoomaha ah waxaa lagu magacaabaa saamiga ay wadaagaan. Dansaanka susun joometeri waa sidan: a, ar, ar2, a3, a4,..., an taas oo r ay tahay saamiga ay wadaagaan, a-na tibixda koowaad.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dareerin aroorta
Convergent series
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dareerin-aroorta
m.dh (xisaab) D. tirada tibxaha ay yihiin makoobane.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dareerin-aroorta
m.dh (xisaab) D. tirada tibxaha ay yihiin makoobane.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Shaxan joometeri
Geometr1c figure
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dareerinmakoobane
-da: (magac, dhedig, keli) tirada tibxaheedu ay yihiin makoobane ama aan jirin jibix ay susuntu ku dhammaato.