dareemekiimikaad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dareemekiimikaad
-ka: (magac, lab, keli) qaabile, kaas oo baadha jiritaanka kiimikooyin gaar ah. Noolayaashaas unug badanleydo ah waxay u tebiyaan wararka dareemaha dareen wadayaasha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dareeme-kiimikaad
m.l (-mayaal, m.l/dh) (baayoloji) Qaabile, kaas oo baadha jiritaanka kiimikooyin gaar ah. Noolayaashaas unug badanleydo ah waxay u tebiyaan wararka dareemaha dareen wadayaasha. Tusaale ahaan waxa ka mid ah ruqur dhadhannada.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dareeme-kiimikaad
m.l (-mayaal, m.l/dh) (baay.) Qaabile, kaas oo baadha jiritaanka kiimikooyin gaar ah. Noolayaashaas unug badanleydo ah waxay u tebiyaan wararka dareemaha dareen wadayaasha. Tusaale ahaan waxa ka mid ah ruqur dhadhannada.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Durug kiimikaad
Chemical shift
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaabilekiimikaad
-ka: (magac, lab, keli) qaabile baadha jinitaanka kiimikooyin gaar ah. Noolayaashaas unug badanleyda ah waxay u tebiyaan wararka dareemaha dareen wadayaasha.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
isbeddelkiimikaad
m.l (kiim.) Isbeddelka ku dhaca walax; kaas oo la xiriira dhinaca dhismaha kiimikaad; kuna yimaada atammada molikuyuulka oo kordha, yaraada ama dib-u- habayn sameeya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaabile-kiimikaad
m.l (-layaal ..., m.l/dh) (baayoloji) Qaabile, kaas oo baadha jiritaanka kiimikooyin gaar ah. Noolayaashaas unug badanleydo ah waxay u tebiyaan wararka dareemaha dareen wadayaasha. Tusaale ahaan waxa ka mid ah ruqur dhadhannada.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qaabile-kiimikaad
m.l (-layaal ..., m.l/dh) (baay.) Qaabile, kaas oo baadha jiritaanka kiimikooyin gaar ah. Noolayaashaas unug badanleydo ah waxay u tebiyaan wararka dareemaha dareen wadayaasha. Tusaale ahaan waxa ka mid ah ruqur dhadhannada.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Tamar kiimikaad
Chemical Energy
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Falgal kiimikaad
Chemical reaction
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Isbeddel kiimikaad
Chemical change
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isbeddel-kiimikaad
m.l (kiimika) Isbeddelka ku dhaca walax; kaas oo la xiriira dhinaca dhismaha kiimikaad; kuna yimaada atammada molikuyuulka oo kordha, yaraada ama dib-u-habayn sameeya.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
isle'eg-kimikaad
-ka: (magac, lab, keli) hab isticmaala naanaysaha falgallada iyo natiijada falgalka oo si gaaban loogu tilmaamo falgal kimikaad dhan. H2 + O2 = H2O (biyo).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isle'eg-kiimikeed
m.l (-gyo ..., m.dh) (xisaab) Hab loo muujiyo falgalka kiimikaad iyada oo lagu astaynayo summado saxarrada falgalaya (atammo, molikuyuullo, ayoonno iyo wixi lamida). Tusaale ahaan: x A + y B z C + w D . “Calaamadda waxa loo akhriyaa leebab”. Halka leeb waxa lagu isticmaalaa falgalka magedismaha ah, leebabka lammaanna falgalka gedismaha ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daaweynta-fiisikaad
m.dh (daawo) Qayb daaweyn oo lagu isticmaalo habab iyo qalab fiisikaad si loo daryeelo caafimaadka; waxaana la isticmaala: nal, fallaaraha ultrafayolet iyo infrareed, kul, koronto, riixriixid, tuujin iyo ciyaaro waxtar ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daaweynta-fiisikaad
m.dh (daaw.) Qayb daaweyn oo lagu isticmaalo habab iyo qalab fiisikaad si loo daryeelo caafimaadka; waxaana la isticmaala: nal, fallaaraha ultrafayolet iyo infrareed, kul, koronto, riix-riixid, tuujin iyo ciyaaro waxtar ah.