dardarid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dardarid
m.f.dh eeg dardar³. la-mid: barbarid, berberid, dardar¹, derder¹, derderid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dardarid
-da: (magac, dhedig, keli) (ka ~) biirbiirin.
dardarid -da: (magac, dhedig, keli) dareere ama wax kale oo weel ku jira, kolba in yar ka qaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dardarmid
m.f.dh eeg dardaran¹. la-mid: berbermid, derdermid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dardarmid
-da: (magac, dhedig, keli) wax dardaran oo maanka wax ka gaadheen ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dararid
(Dararid-da)
Darar yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dararid
m.f.dh eeg darar². la-mid: darar¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dararid
-da: (magac, dhedig, keli) neef irmaan, caano badan yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dawdarid
m.dh eeg dawdar². la-mid: dawdar¹; dowddarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daardaarid
(Daardaarid-da)
1. Dab, nal, dhawr jeer oo isu dhowdhow daarid.
2. Maagid; juqjuqayn; daandaansi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daardaarid
m.f.dh eeg daardaar². la-mid: daardaar¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daardaarid
-da: (magac, dhedig, keli) dab, nal iyo wixii la mid ah, kolba shidid. Dh: shidshidid.
daardaarid -da: (magac, dhedig, keli) cid kale, faragelin ku samayn oo gardarro ku doonad. Daardaaridda duga ka daa haddii kale dacar baad ka leefi. Dh: juqjuqayn, daandaansad, maagid.
daardaarid -da: (magac, dhedig, keli) cid kale, talo u jeedin oo waanin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dardaarmid
(Dardaarmid-da)
1. Dardaaran samayn.
2. Ballan adag cid farid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dardaarmid
m.f.dh eeg dardaaran².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dardaarmid
-da: (magac, dhedig, keli) dabadaa wixii la yeeli lahaa talo ahaan dadka kaa dambeeya ugu sheegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jabqin
(Jabqin-ta)
Waxyaalo badan oo yaryar isku dardarid, meel isugu keenid, biirin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Taraarid
(Taraarid-da)
Xoog ku dhexmarid; jibaaxid; dardarid; abraarid; jiirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
berberid
m.dh la-mid: dardarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
derder
derder¹: m.l la-mid: dardarid.
derder²: f.g1 (-ray, -rtay) la-mid: dardar³.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhumi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax baadiyeyn. 2. Biyo weel dardarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhur
dhur¹: m.l 1. Taran. 2. Nasiib. 3. Faa'iido.
dhur²: f.g1 (-ray, -rtay) Biyo weel dardarid iyadoo meel kale lagu shubayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dulmar
dulmar¹: m.l Hadal si kooban loo sheego.
dulmar²: f.g/mg1 (-ray, -rtay) 1. (f. g) Wax dardarid. 2. (f.mg) Hadal si kooban u sheegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mar
mar¹: m.l 1. (-rar, m.l) Waqti la yaqaan oo bilow iyo dhammaad leh; goor, kol. 2. M.kayga, m.kaaga iyo wixi lamida: kolkayga, kolkaaga iyo wixi lamida. 3. M.kiiba: isla waqtigiiba, durba. 4. la-mid: marid.
mar²: m.dh (-ro, m.l) 1. Wax walba ee dumarku dhexda ku xirtaan. 2. Qiimaha naagnimo.
mar³: xi. 1. (naxwe) Isla m.ka ama isla m.kii: oraah lagu xiriiriyo weer waqtiley ah oo tilmaamaysa fal dhacay isla waqtigii midka weerta xorta ahi uu bilaabmayo. Tusaale: “Isla markii uu yimid shaqo ayuu bilaabay”. 2. (naxwe) M.ka ama m.kii: oraah lagu xiriiriyo weer waqtiley ah. Tusaale: “Markii uu Warsame dhoofay ayaan gegida dayuuradaha ka soo noqday”.
mar⁴: f.g1 (-ray, -rtay) 1. Meel gudbid. 2. Dhaarasho. 3. Wax, wax ku duubid. 4. Wax baabuur iyo wixi lamida dardarid. 5. Nafley dabayl jin iyo wixi lamida ku dhicid. 6. Isku m.: wax xoog isku duubid. 7. Isu m.: laba meel oo kala jaho ah socod gaadiid iyo wixi lamida ku wada gaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taraar
taraar¹: m.l (-ryo, m.dh) 1. Bowd si aad ah ood loogu adkeeyay. 2. Jibaax; jiiris. 3. la-mid: taraarid.
taraar²: f.mg1 (-ray, -rtay) Wax si xoog ah meel u jiirid; u jibaaxid, u dardarid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhumi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax baadiyeyn. 2. Biyo weel dardarid. m.f.dh, dhumin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhur
dhur¹: m.l 1. Taran. 2. Nasiib. 3. Faa'iido.
dhur²: f.g1 (-ray, -rtay) Biyo weel dardarid iyadoo meel kale lagu shubayo. m.f.dh, dhurid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dulmar
dulmar¹: m.l Hadal si kooban loo sheego.
dulmar²: f.g/mg1 (-ray, -rtay) 1. (f.g) Wax dardarid. 2. (f.mg) Hadal si kooban u sheegid. m.f.dh, dulmarid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mar
mar¹: m.l 1. (-rar, m.l) Waqti la yaqaan oo bilow iyo dhammaad leh; goor, kol. 2. M.kayga, m.kaaga iyo wixi lamida: kolkayga, kolkaaga iyo wixi lamida. 3. M.kiiba: isla waqtigiiba, durba.
mar²: xi. 1. (naxwe) Isla m.ka ama isla m.kii: oraah lagu xiriiriyo weer waqtiley ah oo tilmaamaysa fal dhacay isla waqtigii midka weerta xorta ahi uu bilaabmayo. Tusaale: Isla markii uu yimid shaqo ayuu bilaabay. 2. (naxwe) M.ka ama m.kii: oraah lagu xiriiriyo weer waqtiley ah. Tusaale: Markii uu Warsame dhoofay ayaan gegida dayuuradaha ka soo noqday. m.f.dh, marid. xi., marka. xi., markii.
mar³: f.g1 (-ray, -rtay) 1. Meel gudbid. 2. Dhaarasho. 3. Wax, wax ku duubid. 4. Wax baabuur iyo wixi lamida dardarid. 5. Nafley dabayl jin iyo wixi lamida ku dhicid. 6. Isku m.: wax xoog isku duubid. 7. Isu m.: laba meel oo kala jaho ah socod gaadiid iyo wixi lamida ku wada gaarid. m.f.dh, marid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
barge
/baarji/barges, barging, barged; (v) 1. jibaaxid; dardarid; isku ciriiryid. e.g. She barges in without knocking on the door.(n) 2. doon lugu raro waxyaabaha culus.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhafid
-da: (magac, dhedig, keli) wax isku dardarid oo isku mulaaqid. Digirta iyo bariiska ayaa isku dhafidda ku macaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taraarid
-da: (magac, dhedig, keli) xoog ku dhexmarid. Dh: jibaaxid, dardarid, abraarid, jiidhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daarid
(Daarid-da)
1. Dab birin, ifin, shidid, hurin.
2. Taabasho; maagid, daandaansi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daarid
m.f.dh eeg daar². la-mid: daaris.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daarid
vl. n. ignition
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daarid
-da: (magac, dhedig, keli) dab, nal iyo wixii la mid ah, shidid. Daaridda dabka ka hor xaabo noo keen. Dh: hurin, noolayn, daaris.
daarid -da: (magac, dhedig, keli) caano la lulayo oo aanan weli subaggii ka bixin, in yar ka shubid oo hubin inay baxeen. Dh: bilqin.
daarid -da: (magac, dhedig, keli) cid kale, faragelin. Ha i daarin, kuma daaree.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daarid
de: ignition
lx: daarid
pd: (-da)
ps: vn1-f
key: daarid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darari
f.g2 (-iyay, -isay) Neef xoola ah nafaqo uu ku dararo siin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
darari
f.g2 (-iyay, -isay) Neef xoola ah nafaqo uu ku dararo siin. m.f.dh, dararin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
darari
v. cause (an animal) to produce more milk
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darari
(fal) neef irmaan, caano badi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
darari
de: cause (an animal) to produce more milk (by grazing it well)
lx: darari
pd: (darariyey)
ps: v2a=tr
key: darari
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dardar
1. (Dardar-ka) a) Dad badan oo cumur ah xoog ku dhexmar; jibaax; jiiris; waxyeello, b) Weel, dhawr jeer, biyo, kd., la daro.
2. (Dardar-ta) Carcar, xanaf, xajiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dardar
dardar¹: m.l la-mid: dardarid.
dardar²: m.dh 1. Xoog, karti iyo wixi lamida oo aan weli la isticmaalin; carcar. 2. Jiiridda wax la jiiro. 3. D. ah: dhabbe aad loo maro.
dardar³: f.g1 (-ray, -rtay) Wax jiirid; jibaaxid. la-mid: barbar², berber², derder³.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dardar
dardar¹: m.dh 1. Xoog, karti iyo wixi lamida oo aan weli la isticmaalin; carcar. 2. Jiiridda wax la jiiro. 3. D. ah: dhabbe aad loo maro.
dardar²: f.g1 (-ray, -rtay) Wax jiirid; jibaaxid. m.f.dh, dardarid. la-mid: berber.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dardar
v. knock down, strike against; rush through (a crowd), stampede
dardar v. draw water
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dardar
-ay/tay:(v) 1. run over; rush though 2. draw (<7roo); dip into repeatedly
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dardar
(fal) dareere weel yar weel weyn uu ku jiray ama meel kaga soo qaadqaad.
dardar: (fal) dad badan si miyir la'aan ah u jiidhiidh. Dh: derder.
dardar: (fal) (ka ~) sidii hore ka sii badbadi. Dh: badbadin.
dardar-ka: (magac, lab, keli) «ka ~» ka badbadin, kibir iyo isla tegidda meel sare.
dardar -ta: (magac, dhedig, keli) firfircooni iyo dhiirranaan isku jira oo aad ku hawl gashid. Dh: carcar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bararid
(Bararid-da)
Barar yeelasho; kabrarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bararid
m.f.dh eeg barar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bararid
-da: (magac, dhedig, keli) barar yeelasho oo soo buurnaansho cudur ama nabar awgii. Bararidda waxa ugu wacan nabarkan cusub.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cararid
(Cararid-da)
Wax laga baqo ama laga naxo ama si kale aan loo rabin, ka ordid; baxsasho; roorid, fakasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cararid
m.f.dh eeg carar². la-mid: carar¹ (1).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cararid
vl. n. running away
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cararid
-da: (magac, dhedig, keli) cabsi darteed, xawli u socod. Dh: roorid, ordid, fakasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cararid
de: running away
lx: cararid
pd: (-da)
ps: vn1-f
key: cararid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dararin
(Dararin-ta)
Darar ka keenid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dararin
m.f.dh eeg darari.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dararin
-ta: (magac, dhedig, keli) neef irmaan, candhada caano ka buuxin. Daaqa badhkii ayaa dararinta kordhiya.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dararis
-ta: (magac, dhedig, keli) neef irmaan, caano badan ka keenid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dawarid
(Dawarid-da)
(doonni, kd.) samayn; washirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dawarid
m.f.dh eeg dawar². la-mid: dawar¹, dewer¹, dewerid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawarid
-da: (magac, dhedig, keli) doon iyo wax la mid ah, dhisid ama samayn. Dawaridda doontu waxay u baahan tahay waqti iyo hanti.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baraarid
m.f.dh eeg baraar⁴.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baraarid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg badhaadhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barbarid
m.dh la-mid: dardarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bardadid
(Bardadid-da)
Sasid; argaggixid; (ama berdedid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bardadid
m.f.dh eeg bardad². la-mid: barkadid, barkagid, berdedid, berkegid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bardadid
-da: (magac, dhedig, keli) cabsi iyo naxdin darteed la wareerid. Bardadid bay la kici wayday markii wiilkeedii lagu hor gawracay. Dh: argaggixid, sassid, berdedid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carbarid
m.f.dh eeg carbar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dacfarid
-da: (magac, dhedig, keli) kibir hanti badani keento ama darajadu.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dahaarid
(Dahaarid-da)
Dahaar u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dahaarid
m.f.dh eeg dahaar².
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dahaarid
-da: (n) encasement (en-keeys-ment) covering (kavar-ing)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dahaarid
-da: (magac, dhedig, keli) dahaar u samayn. Alaabtani dahaarid ayey u baahan tahay. Dh: dahaadhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daldalid
(Daldalid-da)
1. Gurgurid; diqdiqayn.
2. () Deldelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daldalid
m.f.dh eeg daldal². la-mid: daldal¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dąldalid
m.f.dh eeg dąldal². la-mid: dąldal¹, daldalaad, deldel¹, deldelaad, deldelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daldalid
-da: (magac, dhedig, keli) wax dhulka daadsan gurgurid. Dh: diqdiqayn
daldalid-da: (magac, dhedig, keli) hadal farabbadan oo aan kala joogsi lahayn wadid. Dh: dhurmid, daldalan.
daldalid-da: (magac, dhedig, keli) cunto si nasasho aan lahayn u cunid. Daldalidda cuntada haku saxan.
daldalid -da: (magac, dhedig, keli) meel ka soo laadlaadin. Dh: deldelid.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
daldalid
شنق
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dalmarid
m.dh Tegidda dalal badan socdaal lagu tago.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalmarid
-da: (magac, dhedig, keli) meelo badan oo adduunka ah gooshid; dalal badan arkid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dardar_1
de: knock down, strike against; rush through (a crowd), stampede
hm: 1
lx: dardar
nt: dardar (ka) [vn2-m]
pd: (dardaray)
ps: v1=
key: dardar_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dardar_2
de: draw water
hm: 2
lx: dardar
pd: (dardaray)
ps: v1=tr
key: dardar_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dardaran
dardaran¹: f.mg1 (-rmay, -rantay; -rmi) Wax la dardaray noqosho. la-mid: berberan¹, derderan¹.
dardaran²: f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax la dardaray ahaansho. la-mid: barbaran, berberan², derderan².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dardaran
dardaran¹: f.mg1 (-rmay, -rantay; -rmi) Wax la dardaray noqosho. m.f.dh, dardarmid.
dardaran²: f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax la dardaray ahaansho. m.f.dh, dardarnaan. la-mid: barbaran, berberan, derderan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dardaran
(tilmaame) qof madaxa wax uga dhiman yihiin oo la maray. Dh: baaban.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dardarsi
-ga: (magac, lab, keli) marka dareere ama wax kale, kolba intii la doono laga soo dhuranayo ama laga soo qaadanayo weelka uu ku jiro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dardugid
-da: (magac, dhedig, keli) marka xooluhu ay darka ka dhergaan ee ay kala nastaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dareerid
(Dareerid-da)
(xoolo, wax shubma) meel ka tegid oo meel kale aadid; dhaqaaqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dareerid
m.f.dh eeg dareer². la-mid: dareer¹, dureer¹, dureerid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dareerid
-da: (magac, dhedig, keli) durdurid oo yaacid. Ishu dareeridda lilmada ma joojinayso.
dareerid-da: (magac, dhedig, keli) xoolo, sooftegid. Dh: soofid, foofid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dariirid
m.f.dh eeg dariir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darsamid
m.f.dh la-mid: darmid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darsamid
-da: (magac, dhedig, keli) biirid oo isku mid noqosho. Dh: biirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daruurid
(Daruurid-da)
Daruur (tolmo) u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daruurid
m.f.dh eeg daruur4.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daruurid
-da: (magac, dhedig, keli) tolmo iyo wax la mid ah, rigrigo u samayn.
daruurid -da: (magac, dhedig, keli) xardhid iyo qurxin. Ilaahii daa'in ahaayee, samadaa dusha geeyayee, xiddigahaa ku daruurayee. Dh: xardhid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daydayid
-da: (magac, dhedig, keli) raadin ama doondoonid. Daydayid baan ugu jiraa dibigii iga hallaabay. Dh: raacdayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
derderid
m.dh la-mid: dardarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhararid
m.f.dh eeg dharar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dirdirid
(Dirdirid-da)
In kol ka badan meel u dirid ama wax u dirid.