darayogadaad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darayogadaad
-da: (magac, dhedig, keli) qaab ka mida dagaalka awrtu isu disho. Awrka awrku darayogadaad buu ku bakhtiiyey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daayacaad
m.dh la-mid: dayac¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabaylbadnaan
m.f.dh eeg dabaylbadan. la-mid: dabaylbadnaansho, dabaylbadni.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabaylbadnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) meel dabayl badan ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baayacaad
-da: (magac, dhedig, keli) eeg baayac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baryaqaad
(Baryaqaad-ka)
Raabsi; calalis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baryaqaad
baryaqaad¹: m.l Dib u raamsashada ay sameeyaan xoolaha calanaqsada. la-mid: baryaqaadid.
baryaqaad²: f.g1 (-day, -dday) Dib u raamsasho sameyn (xoolo).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baryaqaad
baryaqaad¹: m.l Dib u raamsashada ay sameeyaan xoolaha calanaqsada.
baryaqaad²: f.g1 (-day, -dday) Dib u raamsasho sameyn (xoolo). m.f.dh, baryaqaadid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baryaqaad
v. ruminate, to chew
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baryaqaad
-ay / day: (v) ruminate (ruumineeyt); chew cud
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baryaqaad
(fal) gawska wax u dhig oo ku burburi ama ku budli. Baarqabka qooqane gacanta bidix buu i baryaqaaday. Dh: calali, raamso, raabso.
baryaqaad -ka: (magac, lab, keli) wax gawska loo dhigo oo lagu budliyo ama lagu jilciyo. Dh: raabsi, raamsi, calalis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baryaqaad
de: ruminate, to chew
lx: baryaqaad
pd: (baryaqaaday)
ps: v1=
key: baryaqaad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daabacaad
m.dh 1. Gelinta qoraal madbacad la geliyo. 2. Qoraal inta hal mar la daabaco. la-mid: daabicid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daabacaad
m.dh 1. Gelinta qoraal madbacad la geliyo. 2. Qoraal inta hal mar la daabaco. la-mid: daabicid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
daabacaad
-da: (n) edition (idhishan); printing (piriint-ing); publishing (pab-liishing). Ex: daabacaaddii kowaad ee qaamuuskan; the first edition of this dictionary
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daabacaad
-da: (magac, dhedig, keli) wargeysyada, qoridda buugaagta iyo wixii la mid ah iyada oo la adeegsanayo warshad wax lagu daabaco. Daabacaaddaa buuggii loo diray. Dh: daabac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daabaqaad
m.dh la-mid: daabakhaad (1).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daafacaad
m.dh Ka hortagidda laga hortago halis cid ku soo fool leh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daafacaad
m.dh Ka hortagidda laga hortago halis cid ku soo fool leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daafacaad
-da: (magac, dhedig, keli) iska caabbin xoog kale oo kaa soo horjeeda. Daafacaad adag ayaa cadawgii lagu sameeyey. Dh: difaac. Li: weerar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darwadaag
-ta: (magacwadareed) dadka inta darka ceelka wadaagta ee ka wada cabta.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaraamaad
f. n. miscellaneous expenses
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaraamaad
-ka: (magac, lab, keli) eeg qaadhaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaraamaad
de: miscellaneous expenses
lx: qaraamaad
pd: (-da Pl: qaraamaad (ka))
ps: n5-f
key: qaraamaad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ragandaad
-ka: (magac, lab, keli) fadhi keli meel la kuudado oo murug tusa. Dh: barraaq, habac.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saayidaad
-da: (magac, dhedig, keli) wax dheeri ah, in dheeraad ah. Saayidaad baan weydiistay. waana uu diiday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waryahaad
m.l Afarta nooc ee xoolaha la dhaqdo ah, geela, lo'da, ariga iyo gammaanka; meesi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daanyoqaad
-ka: (magac, lab, keli) qof u hadla qof kale ama difaaca maxkamad horteeda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daraasaday
(fal) cilmi ahaan u baadh oo raadintaan. ku samee. Dh: diraasadee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawayaqaan
-ka: (magac, lab, keli) qof aqoon qotodheer u leh daawada. Dh: dawoyaqaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaylaqaad
m.l Dh. ah: weyl yar oo caato ah oo sacii laga maalay ee aan lagu dayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farayaraan
m.f.dh eeg farayar. la-mid: farayaraansho, farayari, farayaro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daabbadqaad
m.dh Nafley weyn oo badda ku nool.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daabbadqaad
-ka: (magac, lab, keli) awr weyn oo hayin ah oo lagu guuro. Awr daabbadqaag ah ayaan awrkiraal ku soo kaxaystay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dabarwadaag
m.l (-rro ..., m.dh) (kiim.) Dabar ka dhex samaysma laba atam oo wadaaga lammaane elektaroon.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabaylaysad
-ka: (magac, lab, keli) xagga dabaysha u kicid. Dabaylaysadka ka ilaaliya maqashab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabaylbadan
f.mg4 (-dnaa, -dnayd) 1. Wax dabayl leh ahaansho. 2. Qof dawdawle ah ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dabaylbadan
adj., [expression] windy, breezy; boastful
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dabaylbadan
de: windy, breezy; [fig.] boastful
lx: dabaylbadan
pd: (dabaylbadnaa)
ps: adj-expr
key: dabaylbadan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daraasadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) samaynta baadhis cilmiyaysan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daranyadhaw
(fal) xoolo daranyada ka eeg. Xoolaha daranyadhaw. Dh: baylahdhaw. daranyadhaw -ga: (magac, lab, keli) wixii daranyo ama baylihid ah ka ilaalin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabar-wadaag
m.l (-rro ..., m.dh) (kiimika) Dabar ka dhex samaysma laba atam oo wadaaga lammaane elektaroon.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dabar-wadaag
Covalent Bond
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dabaylbataax
m.l (-xyo, m.dh) (c.cimi.) Duufaan bataax xoogaa qaro leh sidata oo dabayl xoog lihi waddo. Qurubyada bataxa ahi mar mar dhif ah ayay kor u kacaan in ka badan 15 ilaa 30 mitir dhulka korkiisa, in badanna kama durkaan meesha ay yaalliin ama isha (source).
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
habarowadaag
-ta: (n) a child of one's aunt [the sister of one's mother]; cousin (kaazen) ~ ilmo habreed, habarwaad, inahabreed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sacabowadhad
-ka: (magac, lab, keli) hab dhexdhexaadin iyo baryootan ah oo colaadda lagu demiyo. Guddigii sacabbawadhad bay noola yimaaddeen annana ka aqbalnay. Li: dhafoortaabad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daalalomadhan
-ta: (magac, dhedig, keli) labada dambee daalallo oo ku beegan godadka 21-22 lehna saadaal taban. Daalallo madhan gabadha dhalataayi way guur beeshaa.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dabayl bataax
Sandstorm
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabayl-bataax
m.l (-xyo, m.dh) (c.cimi.) Duufaan bataax xoogaa qaro leh sidata oo dabayl xoog lihi waddo. Qurubyada bataxa ahi mar mar dhif ah ayay kor u kacaan in ka badan 15 ilaa 30 mitir dhulka korkiisa, in badanna kama durkaan meesha ay yaalliin ama isha (source).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darabqaadasho
m.f.dh eeg darabqaado. la-mid: darabdhaqasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darabqaadasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg darabdhaqasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhabar-garaac
dhabar-garaac¹: m.l Xoog kula bixidda gabar la guursanayo. la-mid: duud-garaac¹.
dhabar-garaac²: f.g1 (-cay, -cday) Gabar la guursanayo xoog kula bixid. la-mid: duud-garaac².
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
farsamoyaqaan
-ka: (n) technician (tek-neshin)-, skilled worker; craftsman or craftswoman; handy man ~ farsamayaqaan, saanac
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gadaal gadaal
-sha: (n) backward (baak-waardh); toward the back or rear ~ xaga gadaale
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
ka daf gadaal
flic-flac
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kala jaadjaad
-ka: (n) diversity (diveer-sity); variety (varaayati)
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dabaylo galbeed
Wester lies
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dalagyo ganacsi
Cash crops
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DARAN-DAMEERAAD
(Daran-damerad) S Suaeda sp. Chenopodiaceae.
N Zygophyllum album L. Zygophyllaceae.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dayax madoobaad
Eclipse, lunar
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dayax madoobaad
Eclipse, lunar
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dayax madoobaad
-ka : (n) lunar eclipse (luuner ik-lipsi)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dayax-madoobaad
(Dayax-madoobaad-ka)
Kolka inta dhulku kala dhexgalo qorraxda iyo dayaxa, hooska dhulku dayaxa, habeenkii, wada qabto ama qaar ka qabto oo madoobeeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhabar-garaacid
m.f.dh eeg dhabar-garaac². la-mid: duud-garaacid.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Xabag-ga cadaad
gomme arabique.