darayayn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darayayn
-ta: (magac, dhedig, keli) qaab awrtu u dagaallanto oo awrku intuu geliyo luqunta awrka kale qoortiisa iyo jilibkiisa inta u dhaxaysa shafkana dhulka dhigo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dacayayn
(Dacayayn-ta)
Dacayid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dacayayn
m.dh la-mid: dacayid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dacayayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dacayda hoose ama gafuurka hoose ka xidhid. Hashu hadday ilmadiido dacayayn ayaa lagu oggolaysiiyaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darayays
-ka: (magac, lab, keli) qallaxaynta awrku awr kale ku sameeyo. Darayayska yaanay awrtu isku bakhtiinine kala ilaali. Dh: darays, qallaxayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabaylayn
m.f.dh eeg dabaylee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabaylayn
-ta: (magac, dhedig, keli) xagga dabaysha u kaxayn. Xoolaha dabaylaynta ka daa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
damradayn
m.f.dh eeg damradee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
damradayn
-ta: (magac, dhedig, keli) libaaxbadeed ama wax kale, damrad ku ganid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daraarayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cunto duco looga jeedo, karin. Xilliga barwaaqada ah daraaraynta beereleydu waa joogto. Dh: casuumadayn, daraarays, ducayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darbadayn
m.f.dh eeg darbadee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darbadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) biyaha lagu dabbaalanayo inta hoos loo galo, labada lugood la soo kor mariyo oo lagu dhufdhufto biyaha. Dh: shaambadayn.
darbadayn-ta: (magac, dhedig, keli) ciyaar ka badin.
darbadayn-ta: (magac, dhedig, keli) kubbad si fiican u laagid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darxadayn
m.f.dh eeg darxadee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saraayayn
m.f.dh eeg saraayee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saraayayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale colaadin iyo ibtilayn.
saraayayn-ta: (magac, dhedig, keli) wax fayow cudur iyo wixii la mid ah qaadsiin. Dh: sadhayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Darayn
(Darayn-ta)
(legdan) daro ku qabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darayn
m.f.dh eeg daree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dar u yeelid. Darayn la'aan ceel duunyo lagama waraabiyo. Dh: darays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ararayn
-ta: (magac, dhedig, keli) hadal la odhan doono, arar ka hormarsasho. Dh: ararad.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
daawayn
-ta: (n) the act of treating with medicine; medication (medi-keey-shin); remedy (ramidi) medical treatment ~ daaweyn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dacayan
f.mg4 (-ynaa, -ynayd) Neef, wax la dacayey ahaansho. la-mid: dacayeysan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dacayan
(tilmaame) mid dacayda ama gafuurka ka xidhan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Darbayn
(Darbayn-ta)
1. Ka badin ama ka badsasho; ka adkaan.
2. (kubbad) laad ku dhufasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darbayn
m.f.dh eeg darbee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darbayn
-ta: (magac, dhedig, keli) darbo ku dhufasho. Dh: darbays.
darbayn-ta: (magac, dhedig, keli) qadin ama u daraansho kale oo dirireed doog.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daryaan
daryaan¹: m.l la-mid: dayaan¹.
daryaan²: f.mg1 (-aamay, -aantay; -aami)) la-mid: dayaan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daryaan
(fal) qaylo, guux ama qarax aad u weyn samee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maayayn
-ta: (magac, dhedig, keli) heesta ugaadha ku heesid. Abwaaniintu maayaynta way ku kala ba'as yihiin. Dh: heesid, maanyays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barafayn
m.f.dh (jooloji) Daboolidda uu meel daboolo, ama hawsha uu ka qabto, baraf goglan, ama barafweyne.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
barafayn
m.f.dh (jool.) Daboolidda uu meel daboolo, ama hawsha uu ka qabto, baraf goglan, ama barafweyne.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Barafayn
Freezing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barafayn
-ta: (magac, dhedig, keli) ka dhigitaanka wax aad u qabaw oo dhagax oo kale ah. Barafaynta biyaha ka daa. Dh: qaboojin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Barakayn
(Barakayn-ta)
1. Barako u yeelid.
2. (Cunno, kd.) wax yar ka taabasho, ka cunid; sunnayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barakayn
m.f.dh eeg barakee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
barakayn
vl. n. act of blessing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barakayn
-ta: (magac, dhedig, keli) ka dhigitaanka mid barakaysan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
barakayn
de: act of blessing
lx: barakayn
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: barakayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carabayn
m.f.dh eeg carabee. la-mid: carabiyeyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Carabayn
-ta: (magac, dhedig, keli) Carab ka dhigid: Carabays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cararayn
m.f.dh eeg cararee. la-mid: cararin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dacarayn
(Dacarayn-ta)
Dacar ka dhigid; xaraarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dacarayn
m.f.dh eeg dacaree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dacarayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax qadhaadh ka dhigid. Dh: qadhaadhayn, khadhaadhayn, xadhaadhayn. Li: macaanayn, sonkarayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dacasayn
-ta: (magac, dhedig, keli) marka aad cid kula dagaallantid kab dacas ah. Dh: kabayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalarayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax qurxin oodheehid ama jalayn. Dh: dalays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
danabayn
m.f.dh eeg danabee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danabayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax danab ridaya, ka yeelid. Birlabta ayaa kaalin weyn ku leh danabaynta.
danabayn -ta: (magac, dhedig, keli) walxaha aan lahayn danab, danab u yeelid. Walxuhu way u kala nugul yihiin danabaynta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Darajeyn
(Darajeyn-ta)
Magac iyo darajo u yeelid; weyneyn; muunayn; tixgelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darajeyn
m.f.dh eeg darajee. la-mid: derejeyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darajeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) maamuusid oo qiimo iyo qaayo u yeelid. Darajeynta culumadu waa u adeegga cilmiga. Dh: derejeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haramayn
(Haramayn-ta)
Beerta haramaha ka limid, ka jarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haramayn
m.f.dh eeg haramee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haramayn
-ta: (magac, dhedig, keli) beer haramaha ka gurid; beerta haramaha ka jarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karamayn
-ta: (magac, dhedig, keli) karaamo u yeelid oo xurmayn.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qaramayn
-ta: (n) nationalisation (na-shi-naa-lizeey-shin), also nationalization
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaramayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax qaranku leeyahay oo dadku wadaago ama ka dhexeeya ka dhigid. Dh: qaramays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xarakayn
(Xarakayn-ta)
Xarako ama shaqal u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xarakayn
m.f.dh eeg xarakee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xarakayn
-ta: (magac, dhedig, keli) xiiso iyo soo jiidasho gelin oo qurxin. Dh: xarakadayn.
xarakayn -ta: (magac, dhedig, keli) xarako u yeelid oo kordhabid, hoosdhabid ama godid. Dh: xarakays.
xarakayn -ta: (magac, dhedig, keli) farshaxan qurxoon u samayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daranyaysan
(tilmaame) wax baylahsan oo daranyo qaba.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhagaxyayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, dhagax la dhacid. Dh: dhagxin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dharsamayn
m.f.dh eeg dharsamee. la-mid: dharsamays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dharsamayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhar farsamayn oo samayntiisa warshad ama qalab kale u adeegsasho. Dh: dharsamays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baraflayn
-ta: (magac, dhedig, keli) barafle noqosho; baraf gadid. Baraflaynta dad badan baa ka faa'iiday.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bardadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg bardad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
casriyayn
m.f.dh eeg casriyee.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
casriyayn
-ta: (n) modernization
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
casriyayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax cusub oo casri ah ka dhigid. Dh: cusboonaysiin, casriyays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daafadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) qof qof kale garbis xoog leh ku jiidha. Markuu i garbiyey ayaan daafadayntiisii la dhacay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daaruqayn
m.f.dh eeg daaruqee. la-mid: daaruqays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabranaan
m.f.dh eeg dabran². la-mid: dabranaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabranaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax labada lugood ee hore ka xidhan ahaan. Awrku wuu baxsane dabranaanta u daa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dacaynaan
m.f.dh eeg dacayan. la-mid: dacayeysnaan, dacayeysnaansho, dacaynaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dacsadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) baabuur iyo wixii la mid ah, dacsad u yeelid ama u samayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dacwadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, dacwad ku oogid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dambasayn
m.f.dh eeg dambasee. la-mid: bambasayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dambasayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dambas ku darid ama ku dul daadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dannabayn
m.f.dh eeg dannabee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daqranaan
m.f.dh eeg daqran². la-mid: dakhranaan, dakhranaansho, daqranaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daqranaan
-ta: (magac, dhedig, keli) nabar madaxa ama weejiga ku lahaan. Dh: dakhranaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darangeyn
m.f.dh eeg darangee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darangeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhul daran leh u kaxayn; daran ku soofin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Darbanaan
(Darbanaan-ta)
Wax darban ahaan; diyaarsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darbanaan
m.f.dh eeg darban. la-mid: darbanaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
darbanaan
f. n., [abstract] readiness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darbanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) hawl u diyaar ahaan. Dh: heellanaan, heeganaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
darbanaan
de: readiness
lx: darbanaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: darbanaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darsanaan
m.dh la-mid: daranaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax isku darsan oo mid keliya ah haan. Isku darsanaanta subagga iyo caanuhu waa cunuun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daruurayn
(Daruurayn-ta)
(cir) daruur soo yeelasho, ku soo gurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daruurayn
m.f.dh eeg daruuree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daruurayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cirka oo daruuro yeesha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Darxumayn
(Darxumayn-ta)
Silic badid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darxumayn
m.f.dh eeg darxumee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darxumayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhibaato iyo silic badid. Dh: silcin. Li: daryeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diiradayn
m.dh (naxwe) Marka diirad la saaraayo qayb ka mid ah weerta (eeg diirad 2.).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
diiradayn
m.dh (naxwe) Marka diirad la saaraayo qayb ka mid ah weerta (eeg diirad 2.).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faaradayn
(Faaradayn-ta)
Faarad marin, ku sinsimid; raandayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faaradayn
m.f.dh eeg faaradee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faaradayn
-ta: (magac, dhedig, keli) loox, faarad marin.
faaradayn -ta: (magac, dhedig, keli) looxaan, faarad kaga shaqayn oo ku hagaajin. Dh: raandayn.