darandoorriyid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Darandoorriyid
(Darandoorriyid-da)
Darandoorriga samayntiisa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darandoorriyid
m.f.dh eeg darandoorri². la-mid: darandoorri¹ (3), darandoorrin, darandoorris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darandoorriyid
-da: (magac, dhedig, keli) naasaha si isweydaar ah u dhiijin oo caano uga lisid. Geela darandoorriyid ayaa lagu lisaa. Dh: darandoorrin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Laballisid
(Laballisid-da)
Labo qof ama labo gacmood ku wada lisid; xoog iyo dhaqso u lisid; darandoorriyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Labashubid
(Labashubid-da)
1. Labo qof ceel ku shubid.
2. Hawl degdeg iyo xoog u qabasho; darandoorriyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Darandoorri
(Darandoorri-ga)
1. Lisidda xoolaha, kolka aan la naasnaasine, labada gacmoodba lagu lisa hayo; laballis.
2. (cayaarsiis) labada lugood dhulka la dhicidda iyagoo isdabammara haya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darandoorri
darandoorri¹: m.l 1. Nooc ciyaarsiiska ka mid ah oo uu qofka taagani si aan kala go' lahayn cagaha dhulka ula dhaco. 2. D. ah: fal aan si kala go' lahayn u dhaca. 3. dl. darandoorriyid.
darandoorri²: f.g/mg1/2 (-iyay, -iday/isay; -iyi) 1. (f.g) Neef geel ah, laba nin hal mar si dhaqso leh u wada lisid. 2. (f.g) Rasaas iyo wixi lamida si aan kala go' lahayn u ridid. 3. (f.mg) Si isdabajoog ah cagaha dhulka ula dhicid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
darandoorri
darandoorri¹: m.l 1. Nooc ciyaarsiiska ka mid ah oo uu qofka taagani si aan kala go' lahayn cagaha dhulka ula dhaco. 2. D. ah: fal aan si kala go' lahayn u dhaca.
darandoorri²: f.g/mg1/2 (-iyay, -iday/isay; - iyi) 1. (f.g) Neef geel ah, laba nin hal mar si dhaqso leh u wada lisid. 2. (f.g) Rasaas iyo wixi lamida si aan kala go' lahayn u ridid. 3. (f.mg) Si isdabajoog ah cagaha dhulka ula dhicid. m.f.dh, darandoorriyid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
darandoorri
v. alternate, change off (from one to another)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
darandoorri
-yey / say: (v) reciprocate (ri-sip-rikeeyf); alternate (ol-ter-neeyt); fluctuate (falak-' shuweeyt); —si darandoori ah:, (adv) alternately (ol-ter-neeytli) ~ si isdabajoog ah
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darandoorri
(fal) si isdabajoog ah, naasaha caanaha uga lis ama rasaas, si aan waqti u dhaxaynin u gan.
darandoorri -ga: (magac, lab, keli) si aan kala go' lahayn oo aan waqti u kala dhaxaynin wax u samayn. Hawshu darandoorri bay u socotaa.
darandoorri -ga: (magac, lab, keli) qaab askarta jimicsigooda ka mid ah oo loo ciyaarsiiyo oo lugaha si degdeg ah midba mar dhulka loogu dhufto.
darandoorri-ga: (magac, lab, keli) qaab loo liso ishkinka oo ah degdeg intii naasaha marba mid loo dhiijiyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
darandoorri
de: alternate, change off (from one to another)
lx: darandoorri
pd: (darandoorriyey)
ps: v2a=
key: darandoorri
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darandoorrin
m.dh la-mid: darandoorriyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darandoorrin
-ta: (magac, dhedig, keli) si iswedaar ah naasaha caano uga dhiijin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darandoorris
m.l la-mid: darandoorriyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darandoorris
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg darandoorrin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carcoorriyid
m.f.dh eeg carcoorri². la-mid: carcoorrin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carcoorriyid
-da: (magac, dhedig, keli) bawdaqaawis been ah samayn; goolaaftan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hanboorriyid
(Hanboorriyid-da)
Horay u tuurid, u riixid, u harbin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanboorriyid
-da: (magac, dhedig, keli) horay u tuurid, u riixid, u harbin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhalandoorsamid
-da: (magac, dhedig, keli) dhalangeddismid oo abuurkii lagu yaqaan abuur la duwan yeelasho. Dhalandoorsamid walba ma xuma ee qaarbaa fiican. Dh: dhalanrogmid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carancoorri
-ga: (magac, lab, keli) xadhig loo xidho wanka sumalka ah marka idaha lagu darayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dalandoolid
m.f.dh eeg dalandool². la-mid: dalandool¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalandoolid
-da: (magac, dhedig, keli) socoshada xilli aan munaasib ahayn oo kulul. Dh: dhalandhoolid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garangoorri
(Garangoorri-da)
Shilin waaweyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garangoorri
m.dh Shilin weyn oo xoolaha waxyeeleysa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
garangoorri
f. n., [collective] large ticks
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garangoorri
-da: (magac, dhedig, keli) jaad ka mid ah jaadadka shilinta oo waaweyn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
garangoorri
de: large ticks
lx: garangoorri
pd: (-da)
ps: n7-f-col
key: garangoorri
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karankoorri
-da: (magac, dhedig, keli) noocyada shillinta nooc ka mid ah oo waaweyn. Dh: shilin, gamaarray.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maandooriye
m.l (-yayaal, m.l/dh) Waxyaaba miyirka qofka lumiya sida khamriga, xashiishka iyo wixi lamida; mukhaddaraad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maandooriye
m.l (-yayaal, m.l/dh) Waxyaaba miyirka qofka lumiya sida khamriga, xashiishka iyo wixi lamida; mukhaddaraad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maandooriye
m. n., [compound] intoxicating substance; drug, intoxicant
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maandooriye
-maandooriyaha: (n) narcotic (naar kootik)-, drug (daraag); hallucinogen (haluusanajin)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maandooriye
-ha: (magac, lab, keli) wax kasta oo isticmaalkiisu uu maanka qofka doorsho sida xashiishad, khamri, jaad iyo wixii la mid ah. Diintu way xaaraantinnimaysay maandooriyaha. Dh: mukhaadiraad, daroogo maandoorshe.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maandooriye
de: intoxicating substance; drug, intoxicant
lx: maandooriye
pd: (/ha)
ps: n7-m-cmp
key: maandooriye
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
maandooriye
مُخَدِّرٍ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hamboorriyid
m.f.dh eeg hamboorri².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hamboorriyid
-da: (magac, dhedig, keli) sidii wax xagga hore u dhacaya oo kale u socod; handoolliyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
handoolliyid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg hamboorriyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Waraabootiyid
(Waraabootiyid-da)
Waraabooti ama bahalow ku dhicid; bahaloobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waraabootiyid
-da: (magac, dhedig, keli) cudur waraabooti ama bahalow ah qaadid. Dh: bahaloobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baramboorri
m.dh Neef geel ama lo' ah da' yar, oo buuran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caarootiyid
m.f.dh eeg caarooti². la-mid: caarooti¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caarootiyid
-da: (magac, dhedig, keli) roob aan weli dhab u curan ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dalandoolli
m.dh Cayayaan caanallusha la eg isku bahna yihiin oo hargaha iyo lafahaba xagata. la-mid: dalandoolyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dalandoolyo
m.dh la-mid: dalandoolli.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Darandoodle
name-m tough; strong; orator
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Darandoodle
magac loo baxsho wiil loo rajaynayo in uu noqdo nin adag ama xoog leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhalandoori
f.g2 (-iyay, -isay) Wax dhalankooda beddedid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhalandoori
f.g2 (-iyay, -isay) Wax dhalankooda beddedid. m.f.dh, dhalandoorin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhalandoori
v. change the physical appearance ~ character of someone
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhalandoori
(fal) sidii uu ahaa ka beddel oo si kale u samee; abuurkiisii asalka ahaa doori oo beddel. Dhalandoori liinqarbooshka. Dh: dhalanrog.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhalandoori
de: change the physical appearance ~ character of s.o.
lx: dhalandoori
pd: (dhalandooriyey)
ps: v2a=tr
key: dhalandoori
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saagootiyid
m.f.dh eeg saagooti². la-mid: saagooti¹, sagooti¹, sagootiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saagootiyid
-da: (magac, dhedig, keli) qof tegeya sii raacid oo woxoogaa sii dhoweyn. Dh: sabootiyid, saabootiyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhalandoorin
m.f.dh eeg dhalandoori. la-mid: dhalandooris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhalandoorin
-ta: (magac, dhedig, keli) sidii uu ahaa ka beddelid oo si kale u samayn; abuurkiisii asalka ahaa doorin oo beddelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhalandooris
m.l la-mid: dhalandoorin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhalandooris
-ka: (magac, lab, keli) isbeddel ku dhaca hiddasidayaasha oo keena astaandoorsoon, alillo cusub oo dhashay awgood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Marmaarriyid
(Marmaarriyid-da)
Si marmaarri ah, wax meel ugu mudid, u gelin, ugu librin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
marmaarriyid
m.f.dh eeg marmaarri². la-mid: marmaarri¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
marmaarriyid
-da: (magac, dhedig, keli) ku cadaadin oo meel cidhiidhi ah ku jujuubid. Marmaarriyidda musbaarku gidaarka way jebisaa. Dh: jujuubid, cadaadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Falaxgooddiyid
(Falaxgooddiyid-da)
Bowdoqaawin; fulabbajin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
falaxgooddiyid
m.f.dh eeg falaxgooddi². la-mid: faalaxgooddi¹, faalaxgooddin, faalax-gooddis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
falaxgooddiyid
-da: (magac, dhedig, keli) tookh iyo kibir la hanjabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarqarrootiyid
m.f.dh eeg qarqarrooti². la-mid: qarqarrooti¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarqarrootiyid
-da: (magac, dhedig, keli) si isjejebin ah u socod.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faalaxgooddiyid
m.dh la-mid: falaxgooddiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
imberaadooriyad
-da: (magac, dhedig, keli) dawlad xoog iyo xuduud ballaadhan isku darsatay.