daqramid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daqramid
(Daqramid-da)
Madax ka lafoobid, dhaawac ama nabar ku dhacay darti.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daqramid
m.f.dh eeg daqran¹. la-mid: dakhramid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daqramid
-da: (magac, dhedig, keli) madaxa oo uu qofka dhaawac ka gaadho. Dh: dakhramid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabramid
m.f.dh eeg dabran.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daqramis
-ta: (magac, dhedig, keli) dhaawac ama nabar qofka madaxa ka soo gaara. Dh: daqramid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lafoobid
(Lafoobid-da)
Lafaha madaxa ka jabid; daqramid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daqran
daqran¹: f.mg1 (-amay, -antay; -ami) Wax madaxa dhaawac ka gaarey noqosho (qof). m.f.dh, daqramid.
daqran²: f.mg4 (-naa, -nayd) Wax madaxa daqar ka gaarey ahaansho (qof). m.f.dh, daqranaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dakhramid
m.dh la-mid: daqramid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daqaqamid
(Daqaqamid-da)
Dhaqdhaqaaqid ama socosho yar sida tan carruurta yaryar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daqaqamid
m.f.dh eeg daqaqan². la-mid: daqaqan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daqaqamid
-da: (magac, dhedig, keli) smeel aan fogayn u dhaqaaqif oo faalalid.
daqaqamid-da: (magac, dhedig, keli) si ay haliilid ku jirto wax u doonid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaqtamid
m.f.dh la-mid: dhaqtan¹ (2), dhugtamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daqmid
m.dh la-mid: danqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daqrid
(Daqrid-da)
Dhaawac lafta madaxa waxyeela gaarsiin; daqar ku dhufasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daqrid
m.f.dh eeg daqar². la-mid: dakhrid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daqrid
-da: (magac, dhedig, keli) nabar qof madaxa ka soo gaadhay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Darmid
(Darmid-da)
Wax wax lagu daray ama ku darmay noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darmid
m.f.dh eeg daran². la-mid: darsamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darmid
-da: (magac, dhedig, keli) ku biirid oo ka mid noqod. Dh: biirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daarmid
m.f.dh eeg daaran¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daarmid
-da: (magac, dhedig, keli) dab, nal ama wax kale, shidmid oo if bildhaamaya bixin. Tiriiggu daarmiddii wuu iska diiday: Dh: daarmis, shidmid, ifid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dararid
(Dararid-da)
Darar yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dararid
m.f.dh eeg darar². la-mid: darar¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dararid
-da: (magac, dhedig, keli) neef irmaan, caano badan yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bacramid
m.f.dh eeg bacran¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bacramid
-da: (magac, dhedig, keli) laftu marka ay jabto ee aanay burburin ama kala dhicin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dakaamid
(Dakaamid-da)
(fardo) dakaan noqosho; tabargabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dakaamid
m.f.dh eeg dakaan². la-mid: dakaamo (2), dakaan¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dakaamid
-da: (magac, dhedig, keli) fardo dekaan. noqosho oo daalid. Dh: digleyn, dekaamid, tabargabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dalqamid
(Dalqamid-da)
Hadal badan shubid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dalqamid
m.f.dh eeg dalqan². la-mid: dalqan¹ (2), dulqami, dulqan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalqamid
-da: (magac, dhedig, keli) cabsi amal xummad darteed oo qofku war badan fiirsasho la'aan iska sheego. Xummaddu dalqamid bay qofka ku riddaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darsamid
m.f.dh la-mid: darmid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darsamid
-da: (magac, dhedig, keli) biirid oo isku mid noqosho. Dh: biirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dayaamid
(Dayaamid-da)
Dayaan ka yeerid; daryaamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dayaamid
m.f.dh eeg dayaan². la-mid: daryaamid, diryaamid, diyaamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dayaamid
-da: (magac, dhedig, keli) dayaan iyo qaylo samayn. Buuraha ayaa dayaamiddu xoog ugu soo baxdaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabramid
m.f.dh eeg gabran¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garramid
(Garramid-da)
Gar isu sheegasho: dacwiyid; doodid; eedaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garramid
m.f.dh eeg garran². la-mid: garran¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garramid
-da: (magac, dhedig, keli) baane iyo dood dacwadeed; gar isu sheegasho. Dh: baanid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Warramid
(Warramid-da)
War sheegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
warramid
m.f.dh eeg warran². la-mid: warran¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
warramid
-da: (magac, dhedig, keli) war sheegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xaqtamid
(Xaqtamid-da)
Xaq isu sheegasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaqtamid
m.f.dh eeg xaqtan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaqtamid
-da: (magac, dhedig, keli) xaq isu sheegasho. Dh: xaqtamis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dafirtamid
-da: (magac, dhedig, keli) wax aad samaysay qirashadiisa diidid. Dafirtamid badanaa munaafaq iyo beenaale. Dh: inkirtamid, asaraartamid,
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danqaqamid
-da: (magac, dhedig, keli) si tukube ah wax ugu dhaqaaqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baarramid
m.f.dh eeg baarran². la-mid: baarran¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baarramid
-da: (magac, dhedig, keli) afeefasho oo cudurdaar sii qaddimasho, ballamid. Baarramid hore haddaad lahayn adkayso. Dh: baarrimasho, afeefasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badraamid
-da: (magac, dhedig, keli) kibrid iyo isla weyni. Inan fiican buu ahaaye, badraamid buu bilaabay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
batraamid
m.f.dh eeg batraan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
batraamid
-da: (magac, dhedig, keli) aad u edeb darraan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daaqtagid
-da: (magac, dhedig, keli) xoolo, soofid, oo meel baad leh doonasho. Dh: soofid, foodid, daaqtegid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabqaadid
-da: (magac, dhedig, keli) dadka gaar ahaan dhallinyarta xoogga leh, hub qaadid.
dabqaadid -da: (magac, dhedig, keli) (u ~) kala labo qolo oo is haysa oo heshiisiin. Dabqaadidda labada beelood ayaa wada?
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabraacid
m.f.dh eeg dabraac³. la-mid: dabraac¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabraacid
-da: (magac, dhedig, keli) «soo~ ehel iyo qaraabo raadsasho.
dabraacid-da: (magac, dhedig, keli) (soo ~) meel cunto leh raadsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daddaamid
-da: (magac, dhedig, keli) wax ku mammanaan oo aad u danayn. Dh: mamid. daddaamin -ta: (magac, dhedig, keli) cid wax ku mamsiin oo jecleysiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daldalmid
m.f.dh eeg daldalan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daldalmid
-da: (magac, dhedig, keli) meel ka soo Julmasho oo ka soo laadlaadsamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalqaadid
-da: (magac, dhedig, keli) dal dalkisii laga riixo oo dad kali ka qaataan. Dh: dalqaadis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
danqaabid
m.f.dh eeg danqaab². la-mid: danqaab¹, danqaabo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danqaabid
-da: (magac, dhedig, keli) wax kolka horeba aan luga adag ku joogin, taabasho oo danqarid. Dh: daarid, dhibid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daqaqamis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg daqaqamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dardarmid
m.f.dh eeg dardaran¹. la-mid: berbermid, derdermid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dardarmid
-da: (magac, dhedig, keli) wax dardaran oo maanka wax ka gaadheen ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darraabid
m.f.dh eeg darrow². la-mid: darraw¹, darrow¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daryaamid
m.dh la-mid: dayaamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daryaamid
-da: (magac, dhedig, keli) dareemidda madaxwareer. Dh: diryaamid.
daryaamid-da: (magac, dhedig, keli) samaynta sanqadh ama hugun weyn. Dh: diryaamid. daryaan: (fal) dareen madaxwareer la moodo in madaxa gudihiisa ha kaa sanqadho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawraacid
-da: (magac, dhedig, keli) maritaanka waddada toosan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhacaamid
m.f.dh eeg dhacaan³. la-mid: dheecamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhacaamid
-da: (magac, dhedig, keli) dheecaan keenid. Dh: dheecaamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhadhamid
(Dhadhamid-da)
Dhadhan yeelasho; dhadhan leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhadhamid
m.f.dh eeg dhadhan². la-mid: dhadhemid, dhandhamid, dhandhemid, dhedhemid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhadhamid
-da: (magac, dhedig, keli) dhandhan yeelasho oo macaan ama qadhaadh mid ahaan. Dh: dhandhan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhanaamid
m.f.dh eeg dhanaan².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaqaaqid
(Dhaqaaqid-da)
1. Dhaqaaq bilaabid.
2. Wax shubma noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaqaaqid
m.f.dh eeg dhaqaaq². la-mid: dhaqaaq¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaqaaqid
-da: (magac, dhedig, keli) socod billaabid. Gurguuradku waa dhaqaaqidda bilawgeeda. Dh: dhaqaaqis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doorsamid
m.f.dh eeg doorsan¹. la-mid: doorsoomid, doorsoon¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doorsamid
-da: (magac, dhedig, keli) beddelmid oo sidii hore si ka duwan noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haaraamid
(Haaraamid-da)
Wax sidii la rabey si aan ahayn u dhacay, dad kale ku eedayn, ku dagaalid, wax kaga sheegid; hiilid; canaanasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haaraamid
m.f.dh eeg haaraan². la-mid: haa-raan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haaraamid
-da: (magac, dhedig, keli) canaan iyo foolxagad tiro badan oo hiif ah cid kale u geysasho. Meel balaayo heeryaha dhigtoo, la isku haaraamey. Dh: guulguulid, hiifid, haaramid, eedayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
harqaamid
m.f.dh eeg harqaan².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
marqaamid
m.f.dh eeg marqaan². la-mid: murqaamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
marqaamid
-da: (magac, dhedig, keli) fayaamid oo wax mirqaan ku jira ahaan. Dh: mirqaamid, murqaamid, fayaamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Naqraacid
(Naqraacid-da)
Geeddi naqraac ah, cid u rarid, u guurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naqraacid
m.f.dh eeg naqraac². la-mid: naqraac¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaaraamid
(Qaaraamid-da)
Qaaraan uruurin, bixin, siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaaraamid
m.f.dh eeg qaaraan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaaraamid
-da: (magac, dhedig, keli) qaadhaan ururin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qarracmid
(Qarracmid-da)
Qof qarracan helay, noqosho; muraaradillaacid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarracmid
m.f.dh eeg qarracan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarracmid
-da: (magac, dhedig, keli) qof qarracan noqosho. Dh: marooradillaacid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qarraqmid
vl. n. sinking; capsizing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarraqmid
-da: (magac, dhedig, keli) biyo ku hanfasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qarraqmid
de: sinking; capsizing
lx: qarraqmid
pd: (-da)
ps: vn-f
key: qarraqmid
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
qarraqmid
غرق