daqnid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daqnid
(Daqnid-da)
Nabar (dhaawac, kd.) buka sii xanuujin ama si kale wax u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daqnid
m.dh la-mid: danqid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daqnid
vl. n. act of hurting an already sore spot
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daqnid
-da: (magac, dhedig, keli) bukaysiinta nabar hore.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daqnid
a: danqasho ~ daqnasho (/da) [vn-f]
de: act of hurting an already sore spot
lx: daqnid
pd: (-da)
ps: vn-f
key: daqnid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daqni
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: daqan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daqni
v. aggravate an already injured spot
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
daqni
-yey / say: (v) hurt (hart); cause to feel pain, especially in an already injured spot ~ damqi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daqni
(fal) eeg danqi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daqni
de: aggravate an already injured spot rw: daqan
lx: daqni
pd: (daqniyey)
ps: v2a=tr
key: daqni
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daqmid
m.dh la-mid: danqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daqnad
(Daqnad-ka)
Daqnasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daqnad
m.l la-mid: danqasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daqnin
m.dh la-mid: danqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daqnin
-ta: (magac, dhedig, keli) meel horay u bugtay dhaawac cusub gaadhid. Dh: danqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daqrid
(Daqrid-da)
Dhaawac lafta madaxa waxyeela gaarsiin; daqar ku dhufasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daqrid
m.f.dh eeg daqar². la-mid: dakhrid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daqrid
-da: (magac, dhedig, keli) nabar qof madaxa ka soo gaadhay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
danqid
m.f.dh eeg danaq. la-mid: damqid, damqin, danqin, daqmid, daqmin, daqnid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dananid
(Dananid-da)
Ciyidda fardaha; sida faras u ciyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dananid
m.f.dh eeg danan². la-mid: danan¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dananid
-da: (magac, dhedig, keli) ciyidda faraska.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaqmid
(Dhaqmid-da)
1. Dhaqan wanaagsan ku sugnaan.
2. Mayrmid; qasaalmid, liin bixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaqmid
m.f.dh eeg dhaqan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaqmid
-da: (magac, dhedig, keli) wax dhaqan oo jira ahaan; tarmid oo badasho. Dhulka badhbaa dhaqmidda lo'da ku habboon.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Laqinid
(Laqinid-da)
1. Qof wax la barayo, wax uu baraha ka dabo yiraahdo, u marin.
2. Qof buka oo dhimasho looga yaabayo ashahaadada u marin, u akhriyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laqinid
m.f.dh eeg laqin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laqinid
-da: (fal) (u ~) qof sakaraadkii hayo, tawxiidka u qabasho.
laqinid -da: (magac, dhedig, keli) u jilcin oo u macnayn. Qur'aanka laqinid baa lagu bartaa. Dh: barid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dani
dani¹: m.l Qof mas'uul ka ah baabuur, bas iyo wixi lamida. la-mid: deni.
dani²: m.dh Geed weyn, ciinka iyo dharkeenka ay isku bahyihiin oo ceelasha, guryaha, waraha iyo wixi lamida deyr looga dhigo; dano.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dani
dani¹: m.l Qof mas'uul ka ah baabuur, bas iyo wixi lamida. la-mid: deni.
dani²: m.dh Geed weyn, ciinka iyo dharkeenka ay isku bahyihiin oo ceelasha, guryaha, waraha iyo wixi lamida deyr looga dhigo; dano.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dani
-ga: (magac, lab, keli) male iyo mala'awaal aan xaqiiqo ku fadhiyin. Doob dani baa dilay. Dh: danni.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baqid
m.dh la-mid: biqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baqid
-da: (magac, dhedig, keli) caano, baq noqsho; caano xumaansho. Baqidda caanaha ka ilaasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
da'id
-da: (magac, dhedig, keli) biyaha samada Eebbe ka soo liso ee fadka laga hooriyo. da'is -ta: (magac, dhedig, keli) eeg da'id.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daani
daani¹: m.l 1. (m.u) Cayayaan aad u yaryar, badarka gala oo bolol ka dhiga; suus. 2. D. ah: beydari aad toogta u yaqaan.
daani²: m.l Nin aan la gafin toogta wax uu nishaabo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daani
daani¹: m.l 1. (m.u) Cayayaan aad u yaryar, badarka gala oo bolol ka dhiga; suus. 2. D. ah: beydari aad toogta u yaqaan.
daani²: m.l Nin aan la gafin toogta wax uu nishaabo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daani
-ga: (magac, lab, keli) bahal yar oo midhahal iyo dalagga cuna oo dhuuxa ka gala. Daani baa hadhuudhkii cunay. Dh: daaniye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dabid
(Dabid-da)
1. Qalab (dabin, kd.) ugaarta iyo banjoogta kaleba loo dhigo oo lagu qabto, dhigid.
2. (il) isku hayn; iskuqabasho yar.
3. (timo), nabid lafta lagula dhejiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabid
m.f.dh eeg dab². la-mid: dabniin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabid
-da: (magac, dhedig, keli) dabin u dhigid. Birtani way ku fiican tahay dabidda jiirka.
dabid -da: (magac, dhedig, keli) awr, awr kale ku xidhiidhin.
dabid -da: (magac, dhedig, keli) gaadhi aan gaar aan u socon karin, gaadhi kale ku jiidid.
dabid -da: (magac, dhedig, keli) il isku qabsad. Dabidda ishayda ma karo.
dabid -da: (magac, dhedig, keli) timo tidcid, ama soohid. Timaha ha furfurine dabidda u daa.
dabid -da: (magac, dhedig, keli) ul iyo wixii la mid ah, qalloocsamiddooda. Dabidda ka ilaali usha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dądid
m.dh la-mid: dedid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dadid
-da: (magac, dhedig, keli) dusha wax ka saarid. Dadidda ka daa ilmaha yaanu nakhasku ku dhegine.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dafid
(Dafid-da)
Qaadasho degdeg iyo xoog leh; la boodid; dhifsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dafid
m.f.dh eeg daf³.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dafid
vl. n. act of grabbing ~ snatching
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dafid
-da: (magac, dhedig, keli) dhufsad degdeg iyo xoog leh, la boodid. Dh: dhufsasho, dafis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dafid
de: act of grabbing ~ snatching
lx: dafid
pd: (-da)
ps: vn-f
key: dafid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dagid
(Dagid-da)
Dhacsiin qof la dhacsiiyo wax aan jirin ama si aan run ahayn; dhagrid; khatalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dagid
m.f.dh eeg dag. la-mid: dagniin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dagid
-da: (magac, dhedig, keli) cid u dhuumasho oo si ay xeeladi ku jirto wax yeelid. Dh: dagis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dagni
-da: (magac, dhedig, keli) wax la dagay ahaan. Li: foojigni, digtooni, soojeedid. dagniin -ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, si xeelad ah iyada oon digtoonayn wax u yeelid. Dh: dagid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dahid
m.f.dh eeg dah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dahid
-da: (magac, dhedig, keli) wax meel banaan yaaley, halkii uu ku habboonaa dhigid. Xashiishka waa layska dahaa.
dahid-da: (magac, dhedig, keli) qarin oo wax dahsoon ka dhigid. Dh: qarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dalid
m.f.dh eeg dal².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Damid
(Damid-da)
Dhammaansho; soo yaraansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
damid
m.f.dh eeg dąn. la-mid: demid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
damid
-da: (magac, dhedig, keli) ololkii joojin oo bakhtiyid. Dab dabayli shidayso damid ha ka sugin. Dh: damis, bakhtiyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Danni
(Danni-ga)
Male.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
danni
danni¹: m.l Dareen shaki iyo hubsiino la'aan abuura.
danni²: f.g1 (-iyay, -iday; -iyi) Dareen shaki iyo hubsiino la'aan leh cid ku abuurid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
danni
m.l Dareen shaki iyo hubsiino la'aan abuura.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
danni
m. n. thought
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danni
(fal) sida ay wax yihiin maskaxdaada ka suurayso. Dh: malee, malay, tuhun.
danni -ga: (magac, lab, keli) tuhun aanad hubin oo kaa gala wax ama cid. Dh: tuhun, male.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
danni
bw: Arabic
de: thought
lx: danni
pd: (-ga)
ps: n2-m
key: danni
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daqmi
f.lg2 (-iyay, -isay) la-mid: danaq.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daqmi
-da: (magac, dhedig, keli) meel horay u bugtay dhaawac cusub gaadhsii. Dh: danqi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daqno
f.g/mg3 (-naday, -natay) la-mid: danqo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daqno
v.; v: feel pain; hurt an already sore spot ~ wound
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daqno
(fal) eeg dango.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daqno
a: damqo ~ danqo; rw: daqan
de: feel pain; [tr] hurt an already sore spot ~ wound
lx: daqno
pd: (daqnaday)
ps: v3a=intr
key: daqno
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daqsi
m.l la-mid: duqsi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daqsi
m. n. fly
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
daqsi
-ga: (n) fly (falaay) ~ diqsi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daqsi
-ga: (magac, lab, keli) cayayaan madmadaw oo duula oo xilliyda badhkood aad u bata oo qoqoyaanka iyo guddafadaha ku tarma. Dh: diqsi, duqsi, dikhsi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daqsi
a: diqsi ~ duqsi {S}
de: fly
lx: daqsi
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: daqsi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Darid
(Darid-da)
1. Weel biyo ama wax kale, wax kaga qaadid.
2. (ku darid) Ku kordhin; ku biirin.
3. (ka darid) Soo (ama sii) xumaansho; sidii hore si ka xun samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darid
m.f.dh eeg dar³. la-mid: daris.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
darid
vl. n. adding
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darid
-da: (magac, dhedig, keli) wax meel ku jira biyo oo wax godan la dhexgeliyo oo qayb ka mid ah lagu soo qaado.
darid-da: (magac, dhedig, keli) (ka ~) xanuun sidii hore ka sii xumaansho. Bukaanku ka darid mooyee ka soo rayn maleh. Jumlum ular oo bile.
darid -da: (magac, dhedig, keli) (ku ~) labo tiro isku biirin ama isu geyn. Dh: wadarayn.
darid-da: (magac, dhedig, keli) (ku ~) wax hore, wax kale ku kordhin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
darid
de: adding
lx: darid
pd: (-da)
ps: vn1-f
key: darid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darni
m.dh la-mid: darnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darni
-da: (magac, dhedig, keli) eeg darnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dayid
m.dh la-mid: deyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dayid
-da: (magac, dhedig, keli) indhaha ku jeedin, soo fiirin. Dh: eegid. Li: jeedsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diqid
m.f.dh eeg diq².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faqid
(Faqid-da)
Fiqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faqid
m.f.dh eeg faq². la-mid: fiqid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
faqid
-da: (n) the act of speaking quietly and privately
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faqid
-da: (magac, dhedig, keli) (la ~) hoos wax isugu sheegid; gaar is ula bixid; la xanshaashiqid. Dh: fagid, qodid.
faqid-da: (magac, dhedig, keli) meel qodis. Godka faqiddiisa ha dheerayn. Li: aasid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faqid
de: secret consultation
lx: faqid
pd: (-da)
ps: vn-f
key: faqid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faqni
-da: (magac, dhedig, keli) eeg faqnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ganid
(Ganid-da)
Xabbad, fallaar, iyo wax kale oo la mid ah, ridid, tuurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ganid
m.f.dh eeg gan³. la-mid: gamid, ganiin, gemid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ganid
-da: (magac, dhedig, keli) wax caaro uu wax ku turqo leh, ridid ama tuurid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haqid
-da: (magac, dhedig, keli) xaq wixii uu lahaa siin. Dh: haqsiin, xaqsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jaqid
(Jaqid-da)
Afka wax ku nuugid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaqid
m.f.dh eeg jaq².
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jaqid
-da: (n) act of sucking ~ nuugid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaqid
-da: (magac, dhedig, keli) dareere afka ku nuugid. Dh: nuugida.
jaqid -da: (magac, dhedig, keli) nuugitaanka dareere meel ku jira sida naas.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laqid
m.dh la-mid: liqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maqni
-da: (magac, dhedig, keli) eeg maqnaansho.